Home Blog Page 1507

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo qaaday tallaabadii ugu haraysay.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka xigsaday culeys weyn oo toddobaadkaan ka soo wajahay ururka Haweenka Qaranka oo wasiirka Qoyska Bashiir Goobe uu gurigooda ku qabsaday.

Duqa Muqdisho Maxamed Amiir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso.

Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda.

Intaas kadib waxaa dhacay kulanka maanta, guddoomiyaha gobolka ayaa kulan la yeeshay haweenka careysan, wuxuuna la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido.

1-Wuxuu u sheegay in Madaxweynuhu uusan raali ka aheyn wixii dhacay, isla markaana uu ka codsanayo inay is dejiyaan oo guryahoodii ku laabtaan, kana war sugaan dowladda, si kiiskaan xal looga gaaro.

2-Ama inay la kulmaan Madaxweynaha oo diyaar u ah inuu qaabilo, si cabashadooda ay ugu sheegtaan, waxayna qaateen tan dambe oo waxay codsadeen in loo geeyo Madaxweynaha, si ay uga dacwoodaan Bashiir Goobe.

Sidoo kale, Haweenka ayaa guddoomiyaha gobolka u sheegay in hadii ay la kulmaan Madaxweynaha ay ka raali geli doonaan hadallo gef ah oo warbaahinta ay u mariyeen, sidoo kalena ay u sheegayaan sida loo dhibaateeyey.

Guddoomiye Amiir ayaa ururka haweenka qaranka ka codsaday in xaaladda ay dejiyaan, isagoo ka balan qaaday in Madaxweynaha uu la kulan sii doono, isagoo u sheegay in dowladdu ay ogsoontahay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin dowladnimada iyo samatabixinta dalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale haweenka ka balan qaaday in tabashadooda aysan dowladdu ka aamusi doonin oo ay wax ka qaban doonto, isla markaana aan lagu abaaldhici doonin doorkii cajiibka ahaa ee samatabixinta Soomaaliya ay ka soo qaateen, xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

{DAAWO MUQAALKA} Nin Isbitaal Weeraray Oo Kismaayo lagu qabtay.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Nin Isbitaal Weeraray Oo Kismaayo lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay go’aanka ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka gaaray TikTok?

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Muxuu yahay go’aanka ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka gaaray TikTok?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qarax ka dhacay goob ay xaflad ka socotay oo sababay Khasaaro badan.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Qarax ka dhacay goob ay xaflad ka socotay oo sababay Khasaaro badan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Xaalada Magaalada Ceergaabo

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Wararkii ugu Danbeeyay Xaalada Magaalada Ceergaabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Diyaar ayaa u nahay Dagaalka AS Dowladdana waxaan ka rabnaa hiil,

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC}  Diyaar ayaa u nahay Dagaalka AS Dowladdana waxaan ka rabnaa hiil,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kenya oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisada u dhaxaysa Dowllada Somalia iyo Jubaland.

0

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Dowladda Kenya ayaa haatan qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kadib dagaalkii xooganaa ee Arbacadii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa lasoo warrinayaa in ciidamo badan ay soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay u adkeeyaan amiga deegaannada dhaca xadka labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in Kenya ay aad uga walaacsan tahay in xaaladdu ay ka sii dari karto maalmaha soo socda, maadaama aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadda taagan.

Horay Kenya ayaa usoo dhaweysay ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan Xoogga dalka oo iyaga oo baxsad ah ka tallaabay xadka, kadib dagaalkii ay la galeen ciidamada Jubbaland.

Ciidamadaasi oo gaaraya illaa 600 oo askari ayaa hadda ku jiro xero ay gacanta ku hayso Kenya, waxaana lagu wadaa in maanta loo soo dhoofiyo magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkii dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa weji cusub u yeelaya xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, kadib markii uu dhex-maray dagaal uu dhiig ku daatay, kaas oo horay looga digay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan deegaannadii lagu dagaalamay isku fidiyay ciidamada Jubbaland, iyadoo kuwii dowladda laga soo dajiyay Muqdisho.

Maamulka SSC oo war ka soo saaray dagaalkii Ceerigaabo.

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyey Somaliland iney ka dambeysay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hub culus ayaa geystay khasaare nafeed sida lagu sheegay War saxaafadeed caawa ka soo baxay maamulka Khaatumo oo sidan hoose u qornaa:

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.12.2024}

Axad, 15, Dec, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Qaliif Abdi

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay 14-12-2024

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY