Home Blog Page 1511

Faahfaahino Laga Helayo Dagaal ka socda deegaanno hoostaga Wabxo Yaa ku Dagaalamayo Halkaas…..

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC}  Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo deris ah ayaa ka socda deegaanno hoostaga degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay shalay subax, waxa uuna socday ilaa shalay galab, waxaana wararka aan helnay sheegayaa in saakay mar kale dagaal u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed uu dib uga qarxay goobihii shalay lagu dagaallamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Wabxo iyo Guriceel, mana jiraan ilaa hadda dedaalo socda oo dagaalka lagu joojinayo, mana jiraan wax war ah oo dagaalkan ku aadan oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad ka badan shan qof oo kasoo kala jeeda dhinacyada dagaallamay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Galgaduud.

Galmudug, waxaa kusoo badanaya dagaal beeleedyada salka ku haya isku dhacyada qabaa’ilka, waxaabna marar badan deegaanno katirsan gobolka Galgaduud ka dhacay dagaalo dhax maray maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelo gobolkaasi wada dega.

Maxeey Puntland u Rabtaan in Soomaaliya Markalo la Saaro Cunaqabteeynta Hubka?

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in halis amni oo xooggan ka timid cuna-qabatayntii hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in dagaallo siyaasadaysan oo dano shakhsiyaad ku dhisan loo adeegsaday hubkii dowladda Xasan Sheekh ku heshay magaca Soomaaliya, taasi oo muujisay mas’uuliyad-darrada dowladda Federaalka, oo uu ku tilmaamay mid aan lagu aamini karin hubkaasi.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Xasan Sheekh dagaalkii Raaskambooni u adeegsatay diyaaradaha drone-ka ee lagu bixiyay magaca Soomaaliya, si looga taageero dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, taasina muujimayso heerka mas’uuliyad-darro ee dowladda talada haysa.

Wasiir Juxaa ayaa sidoo kale ku baaqay in cuna-qabatayntii hubka dib loogu celiyo Soomaaliya, si aysan Soomaalidu isugu layn hubka gacantooda galaya, maadaama aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo hub lagu aamini karo, islamarkaana maamulka Xasan Sheekh qeyb ka noqday dagaallada sokeeye.

“Waxaa muhiim ah in cuna-qabatayntii hubka ee la joojiyay dib loo soo celiyo, Soomaalidu mas’uuliyaddaasi ma qaadi karto, hubka la siiyana iyaga isu adeegsan doonaa. Hadda drone ba isu isticmaaleen, wax ka weyna waa isu isticmaali doonaan” ayuu yiri Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalidu aysan weli dhexdooda heshiin, oo weli ku jiraan marxaladdii dagaallada, islamarkaana aysan helin dowlad dhexe oo mas’uuliyadda hubkaasi qaadi karta, sidaasi darteedna loo baahan yahay in cuna-qabataynta hubka lagu celiyo.

Abdiraxmaan Abdishakuur oo Si Yaab leh uga Hadlay Hishiiska Soomaalia Iyo Itoobiya

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC}  Xildhibaan Abdiraxmaan Abdishakuur oo ka tirsan Barlamaanka Soomaalia ayaa quus iyo wax laga xumaado ka muujiyay Hishiiska Soomalia iyo Itoobiya ku dhaxmaray Ankara, Wuxuna sheegay in uu Dhibco Siyaasadeed ku Qaaday Abiy Ahmed aayna Culeeski Caalamkla Haaystay ka yareeyneeyso.

Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay.

Xadgudubka Abiy wuxuu ka soo horjeeday sharciga caalamiga ah, waxaa diiday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Maraykanka, Wejigabax iyo takoor diblomaasiyadeed ayuu ku jiray, hadda waa laga saaray, waa faa’iido kale oo uu Ankara kala soo gadoomay.

Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Itoobiya marna ma oran waxaan diidanahay gobbonimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya ee ficilkeed gurracan iyo MOU ay Somaliland la saxiixatay ayey ku tiri.

Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto.

Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Madaxweyne Xasan halkii uu dadkiisa midaysan lahaa, wuxuu ka shaqeeyey kala qaybintooda.

Hoggaanka dowladda waxaa ka idlaaday sumcaddii lagu aamini lahaa, hadalkoodana lagu rumayn lahaa. Waxay soo kiciyaan dad kale oo u hadla, ee maqaalo dad ajnabi ah qoreen, iyagoo naf ka dayey mucaaradka Itoobiya.

War hooy weli fursad ayaad haysataan ee dadkiina la heshiiya.

“Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi naqon waa”

 

Timacade (AUN)

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:.Khasaaraha Dagaal Culus oo ka Socda Galgaduud.

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} FAAH FAAHIN:.Khasaaraha Dagaal Culus oo ka Socda Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo dhexdhexaadinaya Suudaan & Imaaraatka Carabta

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} Turkiga oo dhexdhexaadinaya Suudaan & Imaaraatka Carabta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

DFS Qorshaha ciidamada AUSSOM qeyb kama ahayn wada-hadalladii Ankara

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay qorshaha ciidamada AUSSOM in uusan qeyb ka ahayn wada-hadalladii magaalada Ankara ee ay heshiiska ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay dowladda federaalka Soomaaliya in ay sii ahaan doonto awoodda ugu dambeysa ee xulista dalalka ciidamada ugu deeqaya howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Baaqa Ankara uu dib u xaqiijiyay madax banaanida Soomaaliya, midnimada, iyo wadajirka dhuleed, mabaadi’da muhiimka ah isagoo sheegay in dalku uu sii wadayo horumarka iskaashiga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ciidamadeeda qeyb kasii ahaadaan howlgallada nabad ilaalineed ee Soomaaliya, kuna biiraan howlgalka cusub ee lagu wado inuu bilowdo sannadka cusub si uu u beddelo ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa magaalada Ankara ka sheegay in ciidamada Itoobiya ay naf hurid u sameeyeen xasiloonida Soomaaliya. Horey madaxweynuhu wuxuu ugu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya ka wadaan gudaha dalka.

Qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya + Khasaaraha

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen agagaarka magaalo xeebeedka Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari ay wateen ciidamada Kenya, xilli ay ku socodeen deegaanka Kaambooni, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

AS ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay burburisay gebi ahaan baabuurka, iyada oo tilmaamtay inay askartii saarnayd ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Inta badan kooxda AS ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Xukuumadda cusub ee Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Ankara iyo waxa ay ka yeelayaan?

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} Xukuumadda cusub ee Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Ankara iyo waxa ay ka yeelayaan?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Jiro in Jubbaland Ciidamo Cusub iyo Gaadiid Dagaal manta Geeyneyso Raaskambooni.?

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} Maxaa ka Jiro in Jubbaland Ciidamo Cusub iyo Gaadiid Dagaal manta Geeyneyso Raaskambooni.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Soomaalida Uganda oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} Soomaalida Uganda oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA