Home Blog Page 1512

{DAAWO MUQAALKA} Diyaaradaha Ciidamada Qaranka oo ka qeeyb qaadanayo Howlgalada ka dhan ka ah AS

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC}Β Diyaaradaha Ciidamada Qaranka oo ka qeeyb qaadanayo Howlgalada ka dhan ka ah AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAΒ 

Xukuumada Cusub ee Soomaaliland oo shaacisay moqifka heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

0

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii uu Muuse Biixi la saxiixday Abiy Axmed.

Xisbiga haya talada Somaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta gobollada bariga ee deegaanada Somaliland, aafimaadka iyo dhismaha waddooyinka.

Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

β€œHeshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal, anaga waxaan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

β€œMOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso, haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirina laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kadib ayaan go’aan laga gaari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeen u hadlay Wadani.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah ayaa sheegay in uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya.

β€œArrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya iyo Ciraaq oo deg-deg uga wada-shaqeynaya hal arrin

0

Sabti 14,Dec 2024 {HMC} Soomaaliya iyo Ciraaq oo deg-deg uga wada-shaqeynaya hal arrin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAΒ 

Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14-12-2024}

Sabti 14, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiyare & Sahra Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay 12-13-2024.

0

Jimco 13,Dec 2024 {HMC}Β Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.12.2024}

Sabti, 14, Dec, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muuse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Jubaland oo Diyaarad so Saartay Ciidandii ay ku qabatay Dagaalkii Raaskaambooni.

0

Jimco 13,Dec 2024 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan Jubaland iyo Saraakiil ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka ayaa Deeganka Raas-kaambooni ka Sagootiyay Ciidamadii dhawaan ay ku qabteen Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAΒ 

Fahad Yaasiin oo Fasiraad Cusub u sameeyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Turkiga.

0

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC}Β Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed , ayaa kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxa ayna labada masuul heshiis is-faham ka gaareen khilaafkii xooganaa ee u dhaxeeyay.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabbadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu soo saaray ku iftiimiyay shan arrimood oo kasoo baxay shirkii ka dhacay magaalada Ankara ayna ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Abiy.

Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in shirkan lagu heshiiyay ee dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya faa’iido ugu jirto Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxa uuna xusay inta uusan xilka la wareegin in ay qaraxday miino Muusu Biixi u aasay.

Waxa uu sidoo kale Fahad Yaasiin tilmaamay in heshiiska Ankara ka dhacay uu fillanwaa ku noqday dowladaha Masar iyo Eritrea , oo xiriir dhaw la lahaa muddooyinkan dowladda Soomaaliya, sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya.

Halkan ka Akhrsi :Shanta farriimood ee shirka Ankara

π…π€π€β€™πˆπˆπƒπŽ: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.

π…πˆπ‹π€ππ–π€π€: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.

π…π„π„π‰πˆπ†ππ€π€π: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.

Suuriyaanka ku sugan Muqdisho oo u dabaal-degay Isbadalka ku yimid Dalkooda

0

Jimco , 13, Dec, 2024 {HMC}Β Dadka u dhashay Suuriya ee dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday in ka badan 13 sano dartiis ku kala baahay meelo badan oo caalamka ah ayaa mustaqbalka dalkooda ka muujinaya farxad iyo taxaddar ka dib markii Axaddii ay jabhadaha hubeysan soo afjareen in ka badan 50 sano oo qoyska reer Asad ay ka talinayeen dalkaasi.

Qurba joogta Suuriya ayaa si weyn u soo dhoweeyey in Bashar Al-Asad oo dalkaasi u horseeday dagaal sokeeye hadda talada laga eryay, laakin waxa ay il-gaar ah ku eegayaan sida jabhadaha is-biirsaday ay uga dhabeeyaan in Suuriya ay ka dhisaan dowlad loo dhan yahay, oo ku dhisan xorriyad iyo dimoqraadiyad.

Meelaha ay Suuriyaanku u qexeen waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, halkaasi oo bulshadaasi ay dareenkooda ka dhiibteen xaaladda cusub ee uu galay dalkoodii hooyo.

600 Askari ka soo baxsaday dagaalkii Raaskambooni oo dib Loogu soo celinaayo Muqdisho

0

Jimco 13,Dec 2024 {HMC} Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay 600 Askari oo Soomaali ah iskana dhiibay degaanka Ishiakani ee xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee dib ugu soo celin doonto Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidan ee ku sugan Lamu ayaa u sheegay Jariidada The Nation ee kasoo baxda Dalka Kenya in ciidamadaan Soomaalida ay qorsheenayaan inay guryahoodi dib ugu soo celiyaan, waxaana ay qeyb ka ahaayeen Ciidamadii Soomaalida ee isaga cararay magaalada Raas-Kambooni markii ay Ciidamada Jubbaland ay ka weerareen dhowr jiho.

Raas-Kambooni oo in muddo ah ay Dowladda Soomaaliya ay ciidamo kala talisyo duwan ay ku daabulaysay ugu dambeen waxa ay magaaladaasi gacanta u gashay Ciidamada Jubbaland.

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa dhankooda horey u sheegay inay gacanta ku hayaan Ciidamo dhaawac ah ayna daweeyn cafimaad u fidinayaan kadibna ay dib ugu soo celinayaan magaalada Muqdisho.

Arinta Raas-Kambooni wixii todobaadkaan ka dhacay marka laga yimaado waxaa wali cirka ku jira khilaafka xumaaday ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubaland kaa oo ka dhashay arrimaha wax kabadelka Dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Qof iyo Codka ah.