Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirxmaan Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirxmaan Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Kabul — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan.
Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo.
Hoos ka aqriso war-murtiyeedka ka soo baxay shirka.
War-murtiyeedka Ankara ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, 11-kii December 2024, magaalada Ankara.
Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, ayaa suurtageliyey wada-hadal furan oo wax-ku-ool ah.
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen xushmad iyo ka go’naantooda ku aadan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka siyaasadeed iyo dhuleed ee midba midka kale, iyo ku dhaqanka qiyamka caalamiga ah ee ku xusan sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.
Waxay ku heshiiyeen in ay ka gudbaan khilaafaadka iyo murannadii hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ay ku raadiyaan horumar iyo barwaaqo wadaag ah iyada oo lagu dhisayo is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo dhab ah.
Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada iyo dadaalka ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ka qayb galay hawlgalada Midowga Afrika.
Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxya sidoo kale ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doonoqaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.
Waxay soo dhaweeyeen taageerada iyo doorka Turkiga ee ku aadan fulinta ballanqaadyadan, waxayna isku raaceen in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo.
Waxay ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, dadaalkiisa iyo taageeradiisa joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socodkan.

Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Kabul — Dagaal-yahannada ay hoggaamiyaan kooxda mucaaradka Hayat Tahrir al-Sham ee (HTS) oo ku socda kolonyo gawaarida yaryar ah iyo mootooyin ayaa si xowli ah ugu sii siqaya waddada weyn ee waqooyi-koofureed taasoo fududeyneysa in Dimishiq lala wareego iyadoo aan wax iska caabbin ah lala kulmin.
Balse iyadoo dad badan oo dalkaas ku nool ay u dabaal-degayaan dhicitaankii qoyska Asad ee Suuriya xukumayay muddada dheer, haddana mustaqbalka dalkaas ayaan caddeyn xaaladda gudahana jahwareer ayaa ka taagan, iyadoo kooxo kala duwan oo mucaarad ah ay maamulaan qeybo kala duwan oo dalkaas ah.
Dhicitaankii xukunka Assad ayaa keenay in si lama filaan ah oo degdeg ah ay kooxda HTS isku ballaariyaan dalkaas, inkasoo kooxdu ay gacanta ku heyso magaalooyinka ugu waaweyn Suuriya, haddana ma xukumaan guud ahaan dalkaas.
Suuriya ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay kooxo fallaago ah oo kala duwan oo ay ku jiraan HTS oo Idlib ku sugneyd iyo kooxaha Kurdiyiintu horkacayaan oo waqooyi-bari dalkaas ku sugan, oo qaarkood ay sidoo kale la wareegeen dhul maalmihii iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Midna kooxaha mucaaradka uma aysan baroor-diiqin dhicitaanka Assad, balse in heshiis laga gaaro sida loo maamulayo dalkaas ayaa weli adag iyadoo waqooyiga dalkaas ay ka jiraan isku dhacyo u dhaxeeya firqooyin uu tartan ka dhex jiro.
Khamiis 12, Dec 2024 {HMC} Kabul — Wasiirka Qaxoogita ee Afghanistan ayaa Arbacada maanta ah lagu dilay magaalada Kabul, ka dib markii qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey xafiiska wasaaradda.
Sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri, “Nasiib-darro, qarax ayaa ka dhacay Wasaaradda Qaxootiga, Wasiir Khalil ur-Raxmaan Xaqaanina wuu shahiiday, isaga oo ay la jireen qaar ka tirsan saaxiibadiisa shaqada.”
Khalil Ur-Raxmaan Xaqaani oo ku jiray liiska dadka uu Maraykanku cuna qabateynta saaray ayaanan lagu arag banaanada isaga oo qori automatic ah haysta mooyee.
Waxa uu la dhashay Jalaludin Xaqaani oo ninkii aas-aasay kooxda Xaqaani oo loo tirayo gacan ka hadalka daran ee dhaca. Sidoo kale waxa adeer u ah Sirajuddin Xaqaani oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee hadda.
Reer Xaqaani ayaa la yiraahdaa, waxay loollan adag ugu jiraan sidii ay raad ugu yeelan lahaayeen maamulka Taliban.
Sida warar ay warbaahintu qortay laga helay, waxay noqdeen qeyb firfircoon oo ka soo hor jeeda qeybta kale oo Taliban ee iyagu raacsan aragtida hogaamiyaha ururka uu fadhigiisu yahay magaalada Qandahar.
Dhowr saraakiil sarsare oo Taliban ka tirsan ayaa la dilay intii Taliban ay xukunka dalka ku soo noqdeen.
Dadka la dilay waxaa ku jiray guddoomiyeyaal gobol, madax ciidan, iyo hogaamieyaal diimeed, weeraradaas oo uu inta badan sheegto ururka Daacish.
Gacan ka hadalka ayaa Afghanistan ka yaraaday ilaa markii Taliban dalka ay xoog kula wareegtay sanadkii 2021, arrintaas oo soo afjartay dagaalkii ay kula jireen Maraykanka iyo xoogaggii ajnabiga ahaa ee ay NATO hogaaminaysay.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqne Khaiif Abdi
Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse
Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan.
Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay.
Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta.

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si wadajir ah u fuliyeen howlgal lagu weerarayay Al shabaab.
Howlgalka qorsheysan ayaa laga sameeyay galbeedka magaalada Xarardheere gobolka Mudug.
Goobaha sida gaarka ah looga fuliyay howlgalka waxaa ka mid ah wadada isku xirta deegaannada jowle Wadaariq, Baraag oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha Dowladda .
Taliye ku xigeenka guutada 17aad kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Cali Cageey oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in la burburiyay dhammaan goobihii ay Al shabaab ku dhuumaaleysan jireen.

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Sida lagu daabacay bogga X ee Waaxda la dagaalanka Argagixisada u qaabilsan Kenya, Boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka SNA ayaa isku dhiibay ciidanka Kenya
Ciidankan ayaa ka gudbay deegaanka Ishakani oo ah deegaan xaduud u dhaxaysa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamada ayaa kamid ahaa Boqolaal ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u daabushay Raaskambooni todobaadyadii u dambeeyey.
Dhinaca kale Maamulka Jubbaand ayaa sheegay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga diray Magaalada Muqdisho.

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Waxaa halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Maamulka Jubbaand ayaa sheegtay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DF oo laga diray Magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa timid ka dib dagaalo dhowr mar ka isku laalaabtay oo ciidamada DF iyo Jubaland ku dhexmaray nawaaxiga degaanka Raaskambooni kuwasoo geystay khasaare labada dhinac soo kala gaaray oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamadii Dowladda Federaalka ee joogay raaslamkooni ayaa la sheegay iney badankood ka gudbeen xadka somalia la wadaagto Kenya halka qaar kalena ay ku sugan yihiin degaano ay u firxadeen.
War ay soo saareen Maamulka Jubbaland ayay ku sheegtay in ciidanadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee joogay degaankaas ay noqdeen wax la dilay wax la dhaawacay iyo qaar nolosha lagu qabtay.