Home Blog Page 1522

Wasiir FIQI oo shaaciyey tallaabo xasaasi ah oo uu ku dhaqaaqay Axmed Madoobe

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu si toos ah Itoobiya garab uga raadsaday si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee lagu daabulay degaannada Jubaland.

“Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland in ay ka hor istaagaan Ciidamada Itoobiya.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya ayadoo la filayo in xal loo helo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga maanta.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay jirataanka kullnkan, waxayna sheegeen in Ethiopia ay codsatay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay.

Kullankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan tan iyo markii uu soo kala dhex galay muranka ku aadan heshiiskii is-afgaradka badda ee ay Ethiopia 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan la saxiixatay Somaliland.

Dagaal culus oo ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland, kaas oo haatan ka socda aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo warinayaa inay qaadeen ciidamada Jubbaland oo beegsaday deegaan lagu magacaabo Manaraani oo qiyaastii illaa 30 KM u jira Raaskambooni, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal xoogleh uu socdo, iyada oo ay is fara saareen labada ciidan oo indhowaanahan isku hub uruursanayay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo gaadiid la gubay, sida ay sheegayaan xogihii u dambeeyay ee laga helayo dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socda aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbasa Hoose.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.

Hogaamiyaha cusub ee Suuriya oo shaqo billaabay

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad.

Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya.

Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga.

Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa marki u horreysay shalay si rasmi ah uga hadashay is baddalka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u taageeryso hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya ayna rajeyneyso in uu horseeddo maamul loo dhan yahay oo aan kooxaysi ahayn.

Mareykanka ayaase jabhadda ugu weyn ee Asad xakunka ka tuurtay ee Xayaat Taxriir Al Sham u aqoonsan koox argagixiso ah, lamana oga in uu liiskaasi ka saari doono iyo in kale.

{DAAWO MUQAALKA FAAH FAAHIN:- Dagaal Culus oo ka Dhacay Jubaland

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} FAAH FAAHIN:- Dagaal Culus oo ka Dhacay Jubaland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Safarka Madaxweyne Xasan sheekh ee Turkiga.?

0

Arbaco 11, Dec 2024 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Safarka Madaxweyne Xasan sheekh ee Turkiga.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Canfarta dalka Itoobiya oo magdhow ka bixisay Soomaali ay horey u dileen

Talaado 10, Dec 2024 {HMC} Wararka aanu ka helayno Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Maamulka Canfartu ay magdhaw ka bixiyeen dad Soomaali ah oo hadda ka hor lagu laayay gudaha degaanka Canfarta, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii fududeeyay arrintan.

Dadka ay Canfartu horey ugu dishay degaankooda ee maanta ay magdhowga ka bixisay ayaa ahaa labo nin oo horey loogu dilay jidhka Awaash oo dhex mara degaanka Canfarta, xilligaas oo ahayd wakhtigii ay socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Cabdi wasac bade oo ka tirsan maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida isla markaana kamid ah dadka aad ugu ololeeya arrimaha bani aadantinimada, kana mid ah dadkii soo dhiraadhiriyay howshan ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Canfartu ay isla qaateen in magdhaw laga bixiyo dadkan horey loogu laayay gudaha degaanka Canfarta.

Intaa kaddib Madaxweynaha Canfarta Awal Arba ayaa go’aamiyay inay bixiyaan 5 milyan oo Birr oo la siinayo Ehelada dadkii horey loogu dilay jidka Awaasha ee dhexmara Dowlad Degaanka Canfarta.

Sida ay sheegeen Ehelada dadkaas magtooda la bixiyay, Qoysaska ay ka baxeen Marxuumiintaas ayaa mid kamid ah waxaa uu ifka kaga tagay 10 caruur ah waxaana lagu wareejiyay lacag dhan 2.5 Milyan oo Birr, halka Marxuumka labaad uu ifka kaga tagay 2 caruur ah waxaa iyagana lagu wareejiyay 1.5 Milyan oo Birrta Itoobiya ah.

Dad iyagana la socday Marxuumiintaas oo midkood dhaawac ahaa waxaa lasiiyay 500 oo kun oo Birr, labo qof oo kale oo iyagana wakhtigaas la socday Marxuumniinta balse aan dhaawacmin hase ahaatee dhanka Maskaxda ay dhibaato ka soo gaadhay waxaa midkiiba la siiyay 250 kun oo Birr.

Dadka ku nool Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay arrintan magdhawga ah ee Canfartu ay ka bixiyeen qaar kamid ah dadkii hadda ka hor lagu laayay gudaha dhulka Canfarta, iyadoo ay tahay markii u horreysay ee Canfar mag ka bixiso dad ay iyagu ku laayeen gudaha dhulkooda.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaadihii soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo maalmo ka horna ay labada dhinac isweydaarsadeen Maxaabiis badan oo lagu kala qabsaday xilliyadii ay socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta ee ka socday dhulka lagu muransan yahay ee u dhaxeeyay labada degaan.

 

Talaabadan magdhawga lagu siiyayu dadka soomaaliyeed ayaa looga golleeyahay dhameeynta Colaad u dhaxeeeysay Soomaalida iyo Canfarta ku wada nool dalka Itoobiya.

{DAAWO SAWIRADA} Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo gaadiid Lagu wareejiyay

0

Talaado 10, Dec 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ku wareejiyay Wasiirrada Amniga ee Galmudug iyo Hirshabeelle lix gaari oo loogu talagalay ciidanka Booliska ka howlgala deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxdaAl shabaab

Gaadiidkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka booliska ee ka shaqeynaya sugidda amniga iyo xasilinta deegaanadaasi.

Furayaasha gaadiidka ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Taliyeyaasha ciidanka booliska ee Galmudug iyo Hirshabeelle, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ku wajahan dib u dhiska hay’adaha amniga ee dowlad-goboleedyada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.12.2024}

Talaado 10, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Muxuu Salka ku hayaa Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dalka Turkiga.?

Talaado 10, Dec 2024 {HMC}  Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u safray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wareegga saddexaad ee wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda kala dhexeysa Itoobiya, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Haddii uu sidoo kale kulanka ka qeyb galo Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Itoobiya Abiy Axmed, waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay kulmaan labada mas’uul tan iyo markii Addis Ababa ay ku dhawaaqday in ay deked ka dhisanayso qeybo kamid ah badda Soomaaliya oo ay heshiis kula gashay  Soomaaliland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay magaalada Ankara, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa dib u furmaya wejigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu gar-wadeen ka yahay Turkiga.” Sidaa waxaa qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA X.

dhinaca kale Saraakiisha Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.

Wajiga saddexaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marar kala duwan dib u dhacay, sababa la xiriira xiisadda labada dal.

Soomaaliya ayaa Itoobiya maalmo ka hor ku eedeysay inay hub geysay magaalada Kismaayo, si ay usii huriso xiisadda dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Ethiopia wax jawaab ah kama bixin eedeymahii loo soo jeediyay, inkastoo maamulka Jubbaland uu beeniyay warkaas.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 10-12-2024.

0

Talaado 10, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAYSAN