Home Blog Page 154

Iran si cad u sheegtay in aysan wax wadahadal ah lagaleynin Mareykanka iyo Israaiil.

0

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa si cad u sheegay ;

“Ma jirto wax wadahadal ah oo aan ka geli doono nidaamkeenna gantaallada , cid kasta oo ku fakaraysa inay Iiraan awoodeeda hoos u dhigeyso, taasi waa riyo …

waan ka xumahay Iiraan ma awooddo riyooyinka qaar rumeyso.”

Hadalkan, waxaa looga jawaabay shuruudaha Mareykanka oo ay ku jirtay inay Iiraan meesha ka saarto gantaalladeeda.

Waa kuwan shuruudaha Mareykanka , uu ku xiray inay Iiraan fuliso, si loo joojiyo tallaabo milatari oo suragal ah ;

•Mareykanku wuxuu doonayaa in Iiraan gebi ahaanba meesha ka saarto barnaamijkeeda nukliyeerka, lana joojiyo kobcinta yuraaniyamka mustaqbalka.

• In yuraaniyamka hore loo kobciyey loo wareejiyo dal saddexaad, isla markaana kormeerayaasha caalamiga ah dib loogu oggolaado inay Iiraan ku laabtaan.

•Mareykanku wuxuu sidoo kale doonayaa in Iiraan meesha ka saarto barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo kuwa ridada dhexe.

•In la reebo oo keliya gantaallada gaagaaban, kuwaas oo aan dhaafin 500 km.
•Mareykanku wuxuu shuruud ka dhigay in Iiraan joojiso taageerada ay siiso xulafadeeda gobolka,

•inay dammaanad qaaddo amniga maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay Xuutiyiinta ka joojiso weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta adeegsada Badda Cas.

•Waxaa kale oo Mareykanku dalbaday in Iiraan joojiso dhoofinta tiknoolajiyada,gaar ahaan tiknoolajiyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, lana bixiyo dammaanad ah in aan tiknoolajiyadan loo gudbin Xisbullah, Xuutiyiinta, ama kooxaha Ciraaq.

Dhanka gudaha, Mareykanku wuxuu ka dalbaday Iiraan:

•in la joojiyo xukunnada dilka
•in la sii daayo maxaabiista siyaasadda,lana xaqiijiyo xorriyadda isticmaalka internetka.

Dowladda Spain oo Si acad u Sheegtay in ay Garab taagan tahay Dowladda Falastiin.

0

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Spain , dawlad iyo shaqsiyaadkeeda caanka ah waxay bixiyeen taageerro iyo cod kor loo sheegay oo ay ku taageerreen Falastiiniyiinta , xataa in ka badan qaybo badan oo Carabta iyo Islaamka.

Xilli xataa dunidda laga aamiyay Qasa, wali Spain waxaa ka dhacaya isku soo baxyo lagu taageerrayo Falastiiniyiinta marinka Qasa, midkii u dambeeyay wuxuu ka dhacay magaalada Barcelona , halkaa oo la arkay tababbaraha kubadda cagta ee u dhashay Spain ee kooxda Manchester city, Pep Guardiola ayaa xirtay cimaamada astaanta u ah halganka Falastiin xilli uu ka qeybgalayay olole lagu taageerayo shacabka Falastiin.

“Mar walba waxaan ka fekeraa sawirka ilmaha aan aragnay labadii sano ee la soo dhaafay, isagoo raadinaya hooyadiis, isaga oo aan ogeyn in hooyadii ay ku hoos aasan tahay burburka.

Mar walba waxaan dareemaa in aan ka tagay, welina aanan wax caawin ah u fidin.”

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah.

0

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

{DAAWO MUQAALKA} Muqdisho waxaa ka socda Diyaargarowga Shirka Dowladda & Mucaaradka dhexmaraya

0

Jimaca 30 January 2026 {HMC}Muqdisho waxaa ka socda Diyaargarowga Shirka Dowladda & Mucaaradka dhexmaraya

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

safiir Israaiil oo Laga Soo eryay Wadan African ah.

0

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Koonfur Afrika ayaa waddanka ka cayrisay diblomaasigii ugu sarreeyay Israa’iil ee dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana uu jeediyay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Ariel Seidman, oo ahaa chargé d’affaires-ka safaaradda Israa’iil, ayaa lagu dhawaaqay persona non grata amd ‘dalkan lagaama rabo’waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Waxaa lagu eedeeyay inuu baraha rasmiga ah ee dowladda u adeegsaday weerarro uu ku qaaday Madaxweyne Ramaphosa, isla markaana uu u soo casuumay saraakiil Israa’iili ah Koonfur Afrika isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda.

Xidhiidhkaka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa’iil dambiga xasuuqa (genocide) ee Falastiiniyiinta kana gudbisay dacwad Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) — eeddaas oo ay Israa’iil si buuxda u beenisay.

Xigasho BBC

Soomaaliya iyo Yemen oo Ka Wada Hadlay Amniga Badda Cas iyo Gobolka.

0

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Intii uu socday Shirka Hindiya iyo Carabta, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Ambassador Mustafa Axmed Naaman, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo adkeynta is-waafajinta siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarka ka jira Badda Cas, Geeska Afrika, iyo guud ahaan xaaladda gobolka. Labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan caqabadaha amni ee wadajirka ah, iyagoo mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga marin-biyoodka iyo nabadda gobolka.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la xoojiyo isku-xirnaanta diblomaasiyadeed isla markaana la joogteeyo wadatashiyo dhow oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah ee Labadda dal.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump oo hanjabaad culus u diray kooxaha burcad badeedda Soomaalida

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}   Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag oo ku wajahan kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doono oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.

Wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay. Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada. Way og yihiin waxa sugaya.”

Inkasta oo burcad-badeedda Soomaaliyeed aysan hadda si firfircoon uga howlgalin xeebaha dalka, haddana hadallada Trump waxay muujinayaan isbeddel halis ah oo ka yimid hanjabaad ficil militari ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa tallaabooyin nuucaan ah uga geystay dalka Venezuela, isagoo u sababeeyay daroogo iyo amni darro, isagoo ugu dambeyn ku soo rogay cunaqabatayn, go’doomin badeed iyo cadaadis militari illaa uu Mareykanku soo afduubtay madaxweynihii talada hayay ee dalkaas.

{DAAWO MUQAALKA} Warar cusub oo kasoo kordhay Madax As ah oo la dilay.

0

Jimac 30 January 2026 {HMC}  Warar cusub oo kasoo kordhay Madax As ah oo la dilay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Ciidanka xoogga dalka oo Xubno ka tirsan As kudilay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka AS ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ku dilay afar xubnood oo ka mid aha Maleeshiyaadka As ee ku dhuumaaleysanaayay deegaanka Mubaarak.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Afarta xubnood la dilay xili ay ku howlanaayeen aasida miinooyin ay doonayeen inay waxyeelo ugu geystaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada wadooyinka deegaankaas.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Qaranka ay ka go’an tajay ciribtirka kooxda As ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu socodka wadooyinka.

Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka ee ka socda gobolada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Ilhan Omar oo Qudbad jeedisay Ayaa sheegtay in Trump uu qabo xanuunka waallida xusuusta .

0

Jimco 30, Jan 2026 {HMC}  Ilhan Omar ayaa soo jeedisay in Donald Trump uu qabo xanuunka waallida xusuusta (dementia) isla markaana uu si xad-dhaaf ah ugu mashquulsan yahay iyada, kaddib weerarradii afka ahaa ee ugu dambeeyay ee madaxweyne Trump ku qaaday.

Trump ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday xildhibaanadda Minnesota khudbad uu jeediyay Talaadadii, saacado kaddibna Omar waxaa lagu buufiyay dareere ur xun leh intii ay ka qayb-galaysay kulan dadweyne oo ay si kulul uga hadlaysay tallaabooyinka ICE ay ka wadaan Minneapolis.

“Qofka i weeraray waxa uu si gaar ah uga caroodey in amarka Trump ee masaafurinta Soomaalida uusan shaqeynin oo ah in Soomaali badan la masaafuriyo,” ayay Ilhan Omar u sheegtay wariyeyaasha.

Ilhan Omar waxay intaa ku dartay in aflagaaddada iyo hanjabaadaha ay la kulanto ay kiciyeen cambaareynta joogtada ah ee Trump si fagaare ah ugu sameeyo.

“Haddii uusan Donald Trump xilka hayn, isla markaana uusan sidaan iigu mashquulsanayn, ma ahaan lahayn meesha aan maanta joogo—inaan bixiyo kharash amni, ama in dowladdu ka fikirto inay i siiso ilaalin,” ayay tiri.

“Waa yaab in xalay oo keliya uu masraxa ka hadlayay wax yar ka hor intaan la i weerarin, isagoo iga hadlaya. Markii la weydiiyay weerarkayga, wuxuu yiri: ‘Anigu kama fikiro iyada.’

“Miyaanu xasuusan? Ma qabaa waallida xusuusta? Sidee ayaad 20 ama 30 daqiiqo masrax kaga hadashaa adigoo magacayga ku celcelinaya, ka dibna isla markiiba u tiraahdaa: ‘Ilhan kama fikiro iyada’.”

Waxay sheegtay in tirada hanjabaadaha ay heshay ay si weyn hoos ugu dhacday xilligii madaxweynenimada Biden, balse hadda ay hesho hanjabaadaha dilka ugu badan ee xildhibaan kasta oo Congress-ka ka tirsan.

“Mar kasta oo madaxweynaha Mareykanku doorto inuu hadallo naceyb ah igu weeraro aniga iyo bulshada aan metelo, hanjabaadaha dilka ah si xowli ah ayay u kordhaan,” ayay raacisay.

Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Omar isu-soo-bax saacado ka hor inta aan la weerarin.

Trump wuxuu marar badan weerar ku qaaday muhaajiriinta Soomaalida ah, kuwaas oo ah tiro muhiim ah oo ka mid ah dadka Minneapolis. Wuxuu ku tilmaamay “qashin,” wuxuuna dalbaday in Ilhan Omar oo ku dhalatay Soomaaliya la masaafuriyo ama la xiro.