Home Blog Page 1542

Burcad-badeed Dalbaday Malaayiin dollar si ay u daayaan Maraakiib

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Rag hubaysan oo markab kalluumeysi ugu af-duuban yahay xeebaha maamulka Puntland, ayaa dalbaday $5 milyan oo doollar sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP News.

Wakiilo ka socda shirkadda markabka leh ayaa u bandhigay dableyda hubaysan lacag dhan $1 milyan oo doollar balse way diideen waxaana ay ku adkeysteen in la siiyo $5 milyan oo doollar.

Markabkani oo laga lee yahay dalka Shiinaha islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa todobaar ka hor laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari.

Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah waxaa markii hore la geeyay degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal waxaase hadda lagu hayaa degaanka Marraya oo hoostaga degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in markabkani kalluumeysi ay bilowgii qafaasheen ilaaladii loo xilsaaray amnigiisa balse ay dib kaga biireen dabley kale oo hubaysan, oo la tilmaamay in burcadbadeed yihiin.

 

President Hassan: We Are Dedicated to Conducting One-Person-One-Vote in the Country.

0

Saturday 7,Dec 2024 {HMC}  The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has promised his government will hold one-person-one-vote elections. He said this is an important step for Somalia’s future.

Speaking after Friday prayers at the Presidential Mosque, President Hassan criticized Jubbaland’s leader, Ahmed Madobe. He said Madobe has stayed in power for 13 years without holding fair elections. Instead, Madobe has organized indirect votes that many people could not participate in.

“Ahmed Madobe promised democratic elections in Jubbaland. But instead, he has refused solutions and stayed in office,” said the President.

He also pointed out that Jubbaland has not made progress in freeing areas from conflict under Madobe’s leadership. He added that Madobe’s administration only operates in Kismayo.

President Hassan urged Somali citizens to prepare for real elections. “We are ready to work with everyone to make one-person-one-vote a reality,” he said.

The President ended by saying Somalia’s progress will not stop because of one person’s interests. He promised to focus on unity, fairness, and development for the whole country.

This version uses simpler words, shorter sentences, and a clearer structure, making it easier to follow for all readers. How does this feel?

Source SONNA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlayaa Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahintaoo maanta ka furmay Muqdisho.

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Maxaa looga hadlayaa Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahintaoo maanta ka furmay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DF oo Ciidamo kale Saakay ka qaaday Muqdisho iyo Ujeedka.

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} DF oo Ciidamo kale Saakay ka qaaday Muqdisho iyo Ujeedka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nin masuul ah oo cirestay ayaa subax walba lasoo kaco aflagaadada dowlada “W_Cadaala””

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Nin masuul ah oo cirestay ayaa subax walba lasoo kaco aflagaadada dowlada “W_Cadaala””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Maxamed Nuur ” Wixii aad Barateen waa inaad Dadka Gaarsiisaan”

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Shiikh Maxamed Nuur ” Wixii aad Barateen waa inaad Dadka Gaarsiisaan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlayaa kulamada Jubbaland ay kawado deegaanka Buurgaabo?

0

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Maxaa looga hadlayaa kulamada Jubbaland ay kawado deegaanka Buurgaabo?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-12-2024}

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ciidamada Jubaland iyo AS oo ku dagaalamay Deegaanka Buula Xaaji ee Jubadda Hoose

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Faahfaahino dheerad ah ayaa laga helayaa Dagaal Khasaaro dhaliyay oo Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo Xaaji Ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkaan oo socday muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa la xaqiijiyay in Koox ka tirsan AS ku qaadeen Fariisimo Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Birjeex Maamulka Jubaland ku leeyihiin Deegaanka Buulo Xaaji ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo sida uu laanta VOA-da afkeedi Soomalaiga u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir. .

Afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in laba askari ay kaga geeriyootay dagaalka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray, dhinaca kale waxa uu xusay in AS ay goobta dagaalka kaga tageen 9 meyd oo dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, halka uu tilmaamay inay horey usii qaateen meydad iyo maleeshiyaad kale oo dhaawac ah.

Kooxda AS oo ku xooggan Jubbooyinka ayaa markaan loo arkaa inay ka faa’iideysanayso Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka Jubaland.

Xaaladda degaanka Buula Xaaji ah mid haatan degan, Deegaankaan ayaa 65 km dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, dhowr jeer oo AS ay soo weerartay degaankaan, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare xoogan.

Dagaal beleed qasaaro badan gaystay oo ka dhacay shabeelada dhaxe.

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed lagu hoobtay oo Jimcihii ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba Garas ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah, sida ay innoo shegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo kale oo intaas ka badan oo waxyeelo ku noqday dagaalka oo ahaa mid xooggan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana aagga deegaanka Laba Garas isku horfadhiyo maleeshiyaadka labada dhinac oo helayo gurmadyo dheeraad ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka oo ay weli ka jiraan colaad beeleedyo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi.