Home Blog Page 1543

Madaxadda Sare ee Romania oo laashay natiijada wareegi koowaad ee doorashada madaxtinimada

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Maxkamadda saree ee dalka Romania ayaa Jimcihi shalay baab’isay naatijadi kasoo baxday wareeggii koowaad ee doorashadi madaxtinimada, isla markaana amartay in dib loo qabto doorasho kale oo billow ah.

Go’aankan ayaa soo baxay xilli wareegga labaad ee kala baxa ahaa ee doorashada loo ballan sanaa in uu dhaco Axadda berrito ah, iyadoo qaar ka mid ah muwaadiniinta qurba-joogga ah ay codkooda kasoo dhiibteen wareegga labaad.

Go’aanka lama filaanka ahaa ee kasoo baxay maxkamaddan dastuuriga ah ayaa yimid, kaddib marki uu madaxweyne Klaus Iohannis shaaca ka qaaday xogo dhanka mukhaabaraadka ah, oo sheegaya in Dowladda Ruushka ay farageliyay wareegi hore ee doorashada, iyada oo baraha bulshada si weyn ugu taageertay murashaxa mucaaridka eel eh fikradaha midigta fog, ninka lagu magacaabo Calin Georgescu.

Calin Georgescu, ayaa taageersan Ruushka, kana soo horjeeda siyaasadaha Midowga Yurub. Wuxuu wareegi hore ee doorashada uga horreeyay hogaamiyaha xisbiga fikradaha dhexe ee taabacsan Midowga Yurub haweeneyda la yiraahdo Elena Lasconi.

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed oo raalli gelin bixiyay

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib.

Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo.

Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu hogaamiyo.

Hadal jeedintiisi saaka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee uu uga soo hor muuqdo fagaarayaasha, wixi ka danbeeyay marki uu iclaamiyay sharciga dagaalka, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa ka dhigi lahaa Kuuriyada Koofureed waddan uu ka fulo kaliyah amarka madaxweynaha, milatariguna ay soo xiri karaan qofki ay doonaan maxkamad la’aan.

Mudanayaasha axzaabta mucaaridka iyo qaar ka mid ah xildhibaannada xisbul xaakimka ayaa la filayaa in ay haa ugu codeeyaan mooshanka xilka looga qaadayo madaxweynaha maanta.

Doorasho muhiim ah oo maanta ka dhaceysa Gana

Sabti 7, Dec 2024 {HMC} Maanta oo Sabti ah dalka Ghana waxaa looga dareerayaa codbixinta doorashooyinka madaxweynaha tan baarlamaanka, xilli dalkaasi dhaca Galbeedka Africa uu rajo ka qabo in uu kasoo kabto dhaqaala-xummadi ugu darreyd muddo sannado ah.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa xilka ka dagi doona bisha soo socota, kaddib marki uu dhameystay labo muddo-xileed oo uu dastuurka u ogolaa, sidaasi darteed, doorashada maanta ayaa waxaa ku loollamaya ilaa 12 murashax.

Laakin tartanka ayaa loo arkaa mid si gaara ay ugu xafiiltami doonaan madaxweyne ku xigeenka Ghana Mahamudu Bawumia, oo ka socda xisbiga madaxweyne Akufo-Addo ee New Patriotic Party (NPP), iyo madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama oo ka sharraxan xisbiga National Democratic Congress (NDC).

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujisay in Mahama oo Ghana soo maamulay inti u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, uu mar kale dib ugu soo laaban doono aqalka madaxtooyada.

Ghana ayaa ah dalka labaad ee ugu soo saarka badan miraha cocoa, isla markaana ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya dahabka. Waxaa ku nool ilaa 24 milyan oo ruux.

{DAAWO MUQAALKA} Bulshada degmada Baladxawo ee gobalka Gedo oo taageeray go’aanka Dowladda Soomaaliya

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Bulshada degmada Baladxawo ee gobalka Gedo oo taageeray go’aanka Dowladda Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Soomaaliya oo Saldhig Cususb ka sameystay Jubbaland.

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Ciidanka Soomaaliya oo Saldhig Cususb ka sameystay Jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}Maxay tahay Eedeeynta ay Dowladda Soomaaliya u jeedisay Itoobiya.?

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Eedeeynta ay Dowladda Soomaaliya u jeedisay Itoobiya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Naf hurnimo ayey sameeyeen dadka u taagan in uu damin iftiinka Waxbarashada”Xaaji Cismaan Dhagaxoow

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Naf hurnimo ayey sameeyeen dadka u taagan in uu damin iftiinka Waxbarashada”Xaaji Cismaan Dhagaxoow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh: “Axmed Madoobe ma rabo in uu la diriro As, saaxiibbadiis waaye.”

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh: “Axmed Madoobe ma rabo in uu la diriro As, saaxiibbadiis waaye.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Itoobiya oo Gen: Dhuumaal ka bad baadisay isku day ay Dowladda Soomaaliya ku qaban rabtay

0

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Itoobiya oo Gen: Dhuumaal ka bad baadisay isku day ay Dowladda Soomaaliya ku qaban rabtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.12.2024}

Jimco 6, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Muuse Hagar

Farsamadii ::Muuse Ali Herow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO