Home Blog Page 1553

{DAAWO MUQAALKA} Muran ka dhashay Go’aan garsoor oo sababay dhimashada in kabadan 56 Qof.

0

talaado 03 Dec 2024 {HMC}Muran ka dhashay Go’aan garsoor oo sababay dhimashada in kabadan 56 Qof.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiirka Gaashaandhigga oo Digniin adag udiray maaamulka Jubbaland.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qaadi doono masuuliyadda ka dhalata isku dhac dhexmara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ciidamo gaaraya kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni. Waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladda aysan duulaan ku ahayn Jubbaland, balse ay ujeedkoodu yahay in ay ciribtiraan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirku waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in maamulka Jubbaland uu siyaasadaynayo ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in si khaldan loogu sumadaynayo ciidamadan oo lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka Jubbaland.

“Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur hadalkiisa ku daray.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamadan ay yihiin kuwa guulaha waaweyn ka gaaray dagaalladii Buulo Xaaji ee lagu naafeeyay AS.

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey bisha la qabanayo doorashada ugu horreysa

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shalay ay Guddigga Doorashooyinku u doorteen guddoomiye, Haddaba waa kuma Cabdikariin Axmed Xasan?

Sida ku xusan taariikh nololeedkiisa, Cabdikariin waxa uu khibrad u leeyahay Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka, taasi oo oo ah mid ka badan 12 sano.

Waxaa kale oo uu khibrad u leeyahay sida lagu xusay taariikhdiisa shaqo iyo waxbarasho siyaasadda dowladda, xiriirka bulshada rayidka ah iyo xoojinta dhaqaalaha.

Waxa uu la taliye sare kasoo nqoday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya isagoo ka qeyb qaatay hirgelinta Qorshaha Horrumarinta Qaranka (NDP-9)

Waxa uu kasoo shaqeeyay Guddiga Xallinta iyo Khilaafaadka sanadkii 2016kii kaas oo howshiisu ay ahayd in uu gacan ka geysto arrimaha dhexdhexaadinta iyo in si daahfurnaan ah loo soo bandhigo in ay dooarshadu noqoto mid xaq ah.

Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaa uu ka soo shaqeeyay u dooddida iyo waci gelinta bulshooyinka laga tirada badanyahay si ay uga qeyb qaataan hannaanka dimuquraadiyadda . Waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koobaad , sidoo kale waxaa u Shahaadada labaad ee jaamacadeed ka qaatay St. Mary’s University ee dalka Maraykanka.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Waxa uu sheegay in dhankooda ay labada gelinba shaqayn doonaan si uusan wakhtigu caqabad ugu noqon. Mar uu sharraxey sida ay uga hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah dalka waxa uu sheegay in ay ku shaqeeynayaan shuruuc ay labada aqal ee baarlamaanka meel mariyeen.

“waxa aan diiwaangelin ku samayn doonnaa ururrada xisbiyada xisbiyo noqonaya, gaar ahaan kuwa shuruudaha soo buuxiya, ka dibna aan dalka gaarsiino in golaha deegaanka dooarashooyinkooda aan ku qabano xisbiyo qof iyo cod ah,” ayuu yiri Cabdikariin oo sheegay in ay howshaasi ay dhawaan bilaabi doonaan.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha Deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan , halka bisha November ay qaban doonaa tan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo madaxdooda taas oo ku dhaceysa qof iyo cod .

Waxa jirta dood Siyaasiyiinta qaar kood ee ku aadan in xaaladda dalku ku suganyahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn, laakin Cabdikariin ayaa sheegay in ay jiraan meelo badan oo nabad ah oo dalka ah in doorasho laga qaban karo isagoo sheegay in meelaha kale ee khilaafka siyaasadeed ka jirana ay rajeynayaan in uu xallismo inta ay shaqada wadaan.

“Annagu intaan gaari karno waa gaareeynaa, umaddana waxa aan leenahay xuquuqda dastuuriga ah ee aad leedihiin ee ah in aad madaxdiina doorataan ayaan doonaynaa in aan idin gaarsiino,” ayuu yiri Cabdikariin oo intaas ku daray in siyaasyiinta wax ka tabanaya arrimaha in ay la fariisan doonaan.

Marka la eego waqtiga ay sheegeen Guddigga doorashadu in ay ku dhaqan gelinayaan doorashada ee ah bisha Juun ee soo socota ayaa haddana waxa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weeydiiyaan suurtagalnimada in waqtigaas lagu hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, hasa yeeshee guddoomiyha guddiga Doorashooyiinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in shaqooyin kala duwan ay qaban donaan dadkana ay kulamo la sameeyn doonaan.

“Shaqadeenu waxa noqon doontaa inagoo kaashaneyna khibradeenna in deegaanada Soomaaliyeed badankoodu ay gacanteena gaarto,” ayuu yiri.

Cabdikariin Axmed Xasan ayaa qaba in Sababaha ay Soomaaliya u dhaqaaqi weysay ay tahay in dadku aanay aqoon cidda matasha, arrimahooda iyo mmashaakiilkoodana cid ay u sheegtaan aanay aqoon. Sidaasi darteed, wax uu aaminsan yahay in doorashada qof iyo codka ah ay xallin karto dareenkaasi ay qabaan dadweynuhu

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-12-2024}

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Yaasin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Dowladda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay Isniintii shalay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka, in dadka Faransiiska ay qatyaan taaganyihiin, isla markaana uu Ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahanyahay in bannaanka loo tuuro.

Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mowshan ka dhan ah xukuumadda. Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron.

Isu geynta xildhibaannada axzaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska. Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa.

Barnier oo xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay bishi September, ayaa noqon doona ra’iisul wasaarihi u horreeyay ee xakuumaddiisa lagu rido codka kalsoonida baarlamaanka tan iyo sannadki 1962-ki, haddii ay taasi ka dhabeeyaan xubnaha mucaaridka Faransiiska.

Taliye Odawaa Yuusuf oo wada abaabul dagaal oo ka dhan AS.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Taliska Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab Gaanshaalle Dhexe, halkaas oo Taliyaha Danab Caydaruus Maxamed Xuseen uu ku soo dhaweeyey.

Taliyaha ayaa ugu horayn kormeeray xafiisyada Taliska Guutada 16-aad ee Danab, isaga oo mid mid u xog waraystay saraakiisha, ugu dambayntii Taliye Odawaa ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Taliska Guutada 16-aad ee Danab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran shaqada ay Qaranka u hayaan, siina dardar geliyaan howlgalladooda difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa dhawaan u magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isaga uu taliyaha maanta kormeeray taliska ciidamada Kumaandooska.

Jubbaland oo digniin u dirtay dayuuuradaha ka dega Magaaladda Raaskamboni

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Jubbaland ayaa digniin adag u dirtay shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in shirkadaha dayuuradaha aysan ka degi karin degaanka Raaskambooni sababo ka xiriira colaado halis ah oo halkaas ka jira.

“Shirkadii ka dhega adeygta digniinta la soo saaray wixii dhibaato ah ee ku yimaada iyadaa qaadi masuuliyadeda qaadi doonta” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degaanka Raaskambooni ka degayey dayuurado sida ciidamo DF ay halkaas u dirtay si ay cadaadis u saaraan hogaamiyaha Jubbaland oo ka hor yimid dowlada dhexe.

Jubbaland ayaa isku dayeysa iney go’doomiso ciidamada DF geystay Raaskambooni saacado ka hor ayeyna aheyd markii ay degaankaas ka jartay isgaarsiintii telefanada iyo internetka.

HOOS MKA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xabad joojintii Israel & Xisbullah oo burbur ku dhow.

0

Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Israa’iil ayaa bilowday duqeymo culus oo ay ka geysanayso koonfurta Lubnaan, iyagoo sheegay inay beegsanayaan saldhigyada Xisbullah

Talaabadan ayey sheegeen iney uga jawaabayaan weerar madaafiic ah oo ay maanta ku riddeen Xisbullah woqoyiga Israel.

Xabbad-joojinta la gaaray ayaa hadda ah mid jilicsan oo qarka u saaran burbur, dagaalka Xisbiga iyo Israa’iil ayaa mar kale waqti kasta dib u bilaaban kara

Israa’iil ayaa illaa Arbacadii ku xad gudbeysay xabad joojinta iyadoo dhowr weerar ka geysatay koonfurta Lubnaan.

RW Netanyahu, ayaa ku hanjabay inay si adag uga jawaabi doonaan gantaallo ay soo riddeen Xisbullah wuxuu ku sheegay inay tani ka dhigantahay ku xad-gudub weyn oo xabbad-joojintii ah

Waxaa kalo uu caddeeyay nooc kasta oo weerar ha ahaato mid yar ama mid weyn oo ka imaanaya Xisbullah inay si adag uga jawaabi doonaan.

 

{DAAWO MUQAALKA} Kaluumeysato 14 Maalmood lagu la’yahay Xeebaha Muqdisho.

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Muddo ka badan 14 cisho waxa lagu la’yahay badweynta Hindiya koox kaluumaysato Soomaali ah oo gaaraya ilaa lix qof. Kooxdan u jilaabasho tagtay badda ayaa illaa hadda aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyagoo markoodii hore ka baxay xeebaha Muqdisho. Qoysaska ay ka dhasheen iyo iskaashatada kaluumaysatada ayaa aad uga welwelsan xaaladda ragga maqan, waxayna dawladda ugu baaqeen in lala baadi goobo.

HALKAN DAWO WARARKII UGU DAMBEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Waxaan ku kalsoonahay in aan Qaban doono Doorasho Qof iyo Cad.”Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdikariin Axmed Xasan oo waraysi gaar ah siiyey BBC ayaa sheegay in dhankooda ay labada gelinba shaqayn doonaan si uusan wakhtigu caqabad ugu noqon. Mar uu sharraxey sida ay uga hirgelinayaan doorasho qof iyo cod ah dalka waxa uu sheegay in ay ku shaqeeynayaan shuruuc ay labada aqal ee baarlamaanka meel mariyeen.

HALKAN DAWO WARARKII UGU DAMBEYAY