Home Blog Page 1554

{DAAWO MUQAALKA} Haweeney ku geeriyootay Garowe ayaa meyd loo haysto lacag dhan $75 ,000 kun oo dollar.

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Haweeney ku geeriyootay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa meyd loo haysto lacag dhan $75 ,000 kun oo dollar kadib markii ay isku so baxeen dad badan oo sheeganaayo in ay lacag ku leeyiohiin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} RW Xamse waxa uu xalka Jubbaland u raadiyay Kenya Xildhibaan Jeesoow

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} RW Xamse waxa uu xalka Jubbaland u raadiyay Kenya Xildhibaan Jeesoow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo Kusobiray ciidanka xogga dalka somaliyeed oo Horay Ugu Tirsanayeen ciidanka Jubbalan

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Ciidamo Kusobiray ciidanka xogga dalka somaliyeed oo Horay Ugu Tirsanayeen ciidanka Jubbalan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya 02 12 2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Duqeeyn lagu Dilay saraakiil ka tirsan AS.

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}  FAAH FAAHIN Duqeeyn lagu Dilay saraakiil ka tirsan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dagaalka Siiriya Ka Socdo oo aay Xalkiisa Ka Shirayaan Turkiga, Ruushka iyo Iran

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}  Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Ankara ka sheegay in si dhaqso loo qaban doono kulan saddex -geesood ah oo u dhaxeeya Turkiga, Ruushka iyo Iran si looga wadahadlo xiisadda Suuriya.

Araghchi, wuxuu la kulmay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan isagoo kulanka ku sheegay inuu ku dhammaaday waji wanaagsan oo saaxibtinimo

Laakin natiijadu waa inaysan hadda ku filnayn Iran oo dagaalyahanno galinaysa Suuriya inay ku qanciso Turkiga inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka.

Kulanka, wuxuu ku dhammaaday in duullaanka uu riixayo Turkiga in lagu dhammeyn karo wada-xaajood cusub oo door siinaya sunniyiinta Carabta ee u dagaallamaya inay dib u helaan dhulkooda horey looga barakiciyay howlgalkoodana lagu hakiyo magaalada Xamaa

Arrintan ayaa sidoo kale ka tilmaam kacaysa Turkiga inuu gaaray ujeeddada laga lahaa duullaanka ee la xiriira in khatarta laga fogeeyo xadkiisa oo loo heli karo aag nabdoon qaxootiga Suuriya ee Turkiga uu doonayo in lagu celiyo dhulkooda.

 

Muxuu Yahay Gudoomiyaha Degmo ee Xanibaada Saartay Maxkamada Gobalka Banaadir?

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}  Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xayiraad safar ku soo rogtay Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

Qoraal ka soo baxay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in codsi ka yimid xafiiska xeer ilaalinta Qaranka awgeed safarada laga xanibay gudoomiyaha.

Waxaa loo heystaa Gudoomiyaha eedeymo ay ka mid yihiin fulin la’aan bareer ah oo la xiriirta amar garsoore, ku boorin dambi gelid meel fagaare ah, khalkhal gelin amni iyo inuu ka hor yimid heyadaha cadaalada.

Hoos ka Akhriso qoraalka Maxkamada

Madaxweeynaha Soomaalia oo Magacii Ka Badalay Xeradii Jen. Gordan

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}  Villa Somalia ayaa soo saartay qoraal cusub oo Jen Gordan loogu magac daray xeradii ciidanka xoogga dalka ee Damaanyo

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Xerada Jen. Gordan laga bedelay magacii, loogu magac daray sarkaal u dhashay Imaaraadka oo lagu dilay Somalia.

Hadal-heyn iyo falcelin adag oo ka ka dhalatay go’aankaas ayaa madaxweynaha ku qasbay inuu xeradii Damaanyo ugu magacdaro Allaha u raxmadee Jen Gordan.

Madaxweyne Xassan ayaa u socdaalaya Imaaraatka Carabta, xili ay safarkii u dambeeyey uusan lakulmin madaxda sare ee dalkaas, Wasiir ku-xigeenka beesha uu ka soo jeeday Jen Gordan allaha u raxmadee ayaa dadaal xoog leh ku bixiyey talaabadan dambe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA VILLA SOMALIA

 

Jubbaland oo sheegtay in ay jareen isgaarsiinta magaalada Raaskambooni.

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la soo sheegay in ay dowlad goboleedka Jubbaland khadka isgaarsiinta ay ka jartay magaalada Raaskambooni.

Magaalada Raaskambooni ayaa ah magaalo ay ku sugan yihiin qeyb kamid ah ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan halkaas aysan haysan isgaarsiin telefoon iyo adeeg internet oo ay meelna kula xiriiri karin.

Sidoo kale, Raaskambooni ayaa muddoyinkii u dambeeyay dowladda Federaalka Sooamaaliya diyaarado ku daabuleyso qeyb kamid ciidanka xoogga.

Dhinaca kale, saacadahii u dambeeyay waxaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ay isku soo dhibeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Raaskambooni ee gobalka Jubbada hoose.

Shaqsiyaad lala xiriirinaayo Daacishta Soomaaliya oo dacwad lagu soo oogay.

0

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Dacwad oogayaasha Dalka Sweden ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogeen saddex qof oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kuwaas oo oo lagu eedeeyey in ay maleegeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah danaha Yahuudda, ayna doonayeen in caruur aan qaan gaarin ay fuliyaan.

Saddexda qof iyo sidoo kale tuhmane afraad ayaa sidoo kale lagu soo oogay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish, oo ay Sweden mamnuucday in ay yihiin urur argagixiso, iyo in ay maleegeen dambi loo adeegsado hub, sida ay warbixino kala duwan ku sheegeen hay’adda dacwad-oogista Sweden ee SPA iyo tan sirdoonka ee Sapo.

Afarta qof waxaa ka mid ahaa laba walaalo ah oo da’doodu kala tahay 23 iyo 25 jir, kuwaas oo qaatay diinta Islaamka wax yar ka hor intaan la xirin.

Midka weyn ayaa amar ka helay Daacishita Soomaaliya oo ah “in ay dilaan inta ugu badan ee ay awoodaan ee gaalo ah, iyadoo bartilmaameedyada ugu weyn ay yihiin bartilmaameedyada Yahuudda”, sida lagu sheegay dacwadda.

Sapo ayaa dhagaystay taleefoonada kooxda, waxaana walaalaha la maqlayay iyagoo ka hadlaya raadinta carruur da’doodu ka yar tahay 18 jir “oo diyaar u ah inay ku dhintaan shahiidnimo” iyo kuwa “dili doona in badan”, sida ku cad dacwadda.

Waxay ka wada hadleen bartilmaameedyo ay ka mid yihiin “dowladda, booliska, hay’adda sirdoonka, (iyo) kaniisadaha Yahuudda, si loo waxyeeleeyo dawladda iyo bulshada intii suurtagal ah”, ayay tiri.

Sapo ayaa sheegtay in kiisku uu sidoo kale xiriir la leeyahay koox dambiilayaal ah oo abaabulan oo ku sugan xaafadda Tyreso ee magaalada Stockholm, kuwaasoo kooxda siisay qoryo.

“Baaritaanku wuxuu muujinayaa in dambiga argagixisanimo uu xiriir caalami ah la leeyahay Daacish, si gaar ahna, Daacishta Soomaaliya, iyo sidoo kale dad loo baarayo argagaxisanimo dibadda ah,” ayay tiri xeer-ilaalinta.

“Dadka kiiska ku jira waxay lahaayeen door kala duwan, laakiin dhammaantood waxay xiriir la leeyihiin urur dhaqameed Islaami ah oo ka jira Tyreso,” ayay raacisay.

Afartan qof ayaa lagu xiray howlgallo dhacay bilihii March iyo April, sida ay sheegtay Sapo. Dhammaan afarta qof, oo weli xabsiga ku sii jira, waa ay beeniyeen eedeymaha.

Qof shanaad oo lagu hayey xabsiga ayaa la sii daayay bishii October, hadda kadibna looma arko tuhmane.