Home Blog Page 1557

Gollaha Aqalka Sare oo laba bilood ah fasax ah galay

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa iclaamiyay xiritaanka kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare Baarlmaanka 11aad

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay muddada uu xirnaanaya BFS, isaga oo tilmaamay in uu ka billaaban doonna maanta oy taariikhdu tahay 01 Diseembar 2024 kuna eg 02 Febraayo 2025

 

Labada gole ee baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in la soo xiro fadhiyadooda bishii hore, balse Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka codsaday in ay sii shaqeeyaan, iyaga oo dhammeystiray ansixinta Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Sohdimaha 

Isku dhacii ugu weyn oo sababay geerida ku dhawaad 100 ruux oo ka dhacay Magaalada Labaad ee Guinea

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}Isku dhac iyo isbuurasho isbarbar socday oo ka dhacay Garoon lagu dheelo kubadda Cagta oo ku yaalla N’Zerekore oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Dalka Guinea waxaa ku dhintay daraasiin ruux halka kuwa dhaawacmay la geeyay goobaha Caafimaadka

 

Goobjoogayaal la hadlay Wakaaladda Wararka AFP ayaa u xaqiijiyey in dadka dhintay intooda badan ay ka baxsanayeen sunta dadka illinta ka keenta ee Booliisku adeegsanayay si uu u joojiyo rabshadaha xiligaas socday

 

Dadka dhintay qaarkood waxaa jirkooda ka muuqda jirdil loo badinayo in ay Ciidamadu u geysteen halka qaar kale neefta ku dhegtay maadaama ay waayeen Oksijiinka ay u baahnaayeen sida hadalka loo dhigay

 

Dhimashu waxa ay ku dhow dahay 100 ruux halka tiro kale dhaawac soo gaaray sida ay sheegeen ilo si dhaw ula socday rabshadaha ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee ku yaalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Guinea.

Maxaa tahay fursada uu lumiyay Bishaar Assad

Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Suuriya, si dhaqso leh marxalad aan horey loo qiyaasin ayay dhexda u gashay tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore , markii dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ay billaabeen duullaan u suragliyay inay dhuunta u istaagaan Bashaar Al-assad — ma ahayn waqti u wanaagsan hoggaamiyahan wax walba ku bixiyay si uu xukunka u joogo, illaa xataa uu u beddelay Suuriya goob ay la wareegaan dagaalyahannada Shiicada, halka Ruushka iyo Iran ay ka dhigteen goobtooda tijaabada iyo dhoolatuska hubkooda, oo nooc kasta oo hub ah ay ku riddeen dhulka Suuriya , markaa oo xasuuq aan horey looga diiwaangelin bariga dhexe ay ka geysteen Ruushka iyo Iran gudaha Suuriya , markaa oo la arkay Tehran inay u adeegsatay doonista bahanimada ah ee Assad , mid ay ku beddesho dhulka Suuriya oo ay ka barakiciso si khasab ah bulshada ugu badan Suuriya ee sunniyiinta.

Inta uu socday howlgallada naxdinta lahaa ee Assad ay xulafadiisa ku difaacayeen, waxaa la arkay dilka, dhaawaca iyo xad-gudubyada aan horey loo diiwaangelin ee ay la kulmeen dadka Suuriya , gaar ahaan bulshada sunniga ah, kuwaasoo kooxaha Iran ay si khasab ah dhulkooda uga barakiciyeen, gurayahooda iyo magaalooyinka laga barakiciyay waxaa la dejinayay qoysas shiico ah oo la isaga kala keenay, Iran, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Pakistan , tan oo la mid ah waxa ay Israa’iil ku sameyso Falastiiniyiinta. Balse dhibaatada waxaa dhalisay marxaladda maanta oo dib ay si dhaqso leh dhaqdhaqaaqayasho ula soo laabteen qeybihii ugu muhiimsanaa dhulkooda, illaa ay masaafo ka yar labo boqol oo kilomitir u jirsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq iyo halka uu joogay Assad, taa oo galisay waqtigan Bashaar Al-Assad xaalad argagax leh.

Ma jiro cid wali si cad u sharrixi karta sida uu ku billowday howlgalkan, balse Turkiga ayaa ah cidda loo arko inay ka dambeysa awoodda kooxaha iskutagay ee u dagaallamaya xorriyadda iyo gobonimadooda, mana jirto farqi u dhaxeeya dagaalkooda inay bulsho iska qaadaysa gumeyste arxan-darro ah.

 

Maxaa dhacay ka hor weerarkan?

Muddooyinkii u dambeeyay waxa ka socday waqooyi-galbeed Suuriya gaar ahaan baadiyaha Idlib, ma ahayn wax iska caadi ah, sababtoo ah kooxaha hubaysan ee sunniga Carabta ah waxay dhiseen qolka howlgalka oo lagu mideeyay dhammaan kooxaha sunniga carabta ee hubeysay oo ay hoggaaminayso kooxda Xayat Taxriir al-Sham.

Hoggaamiyaha Xayat Taxriir al-Sham, Abu Maxamed al-Jawlani ayaa u beddelay kooxaha sunniga ah ee Carabta , kuwa leh awood militari oo dhab ah , waxay noqdeen kooxihii u horreyay ee sunni ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo wax soosaar kale oo hub, waxay sidoo kale dagaalyahannadu qaateen tababaro dhammeystiran oo militari , dabcan waxaan ku sheegi kara wax kasta oo baadiyaha Idlib ka socday waxay ku dhacayeen oggolaanshaha sirdoonka Turkiga ee MiT, sababtoo goobta ay wax walba ka socdaan waa xadka iyo agga ay ku suganyihiin ciidanka Turkiga, tana waa sababta uu Turkiga si dhaqso leh isugu beddelay kaliya saddex maalin cidda leh doorka ugu muhiimsan ee dagaalka Arbacadii bilowday.

 

Maxay tahay danta Turkiga?

Haddii aad la socotay war tabintayda boggan, waxaad aragtay wararka la xiriira Turkiga wuxuu wajahaya xaalad amni oo halis, suragal waxaa ah weerarro ka dhici kara gudaha Turkiga iyo khataro ay wajihi karto Ankara , tan waxaa lala xiriiriyay waxa ka socda bariga dhexe iyo surtagalnimada in Turkiga uu wajhi karo khatar ka timaada Israa’iil, waxaa xigtay toddobaadyo ka hor in madaxa nabad-sugidda Turkiga uu saacado badan joogay xarunta ururka mucaaradka ugu weyn Turkiga , halkaa oo la sheegay inuu ku siiyay warbixin amni,kullanka ka hor afhayeenka xisbiga talada haya wuxuu sheegay in heegan ay ku jiraan ciidanka Turkiga oo xilli walba ay geli karaan Suuriya ,iyagoo ka hor tagaya khatar uga imaanaya Turkiga dhinaca Suuriya , waxa xigay arrimahan waa duullaanka lama filanka ah ee ay billaabeen kooxaha sunniyiinta Carabta oo si lamo filaan ah u qabsatay illaa magaalada Hama ee bartamaha Suuriya , iyagoo ka gudbay waqooyiga oo dhan.

Dhacdooyinkaa ayaa ina siinaya in sirdoonka MiT ay diyaarinayeen , waxa ka socda Suuriya , oo dhinaca kale u beddelay xaaladda bariga dhexe iyo Suuriya. Cabsida Turkiga waa halista uga imaan karta kooxaha kurdida oo ay ka mid tahay kooxda PKK oo hadda la arkay in laga saaray deegaannadii ay ka joogtay aagga ugu dhow xadka Turkiga , howlgalkana wuxuu muujiyay in lagu sugayo nabadgalyadda Turkiga , sababtoo ah wax ka badan labo kun oo kilimitir waqtigan oo ka fog xadka Turkiga waa dhul ay maamullayaan kooxaha uu taageerro Turkiga , waxaa bariga la isugu geeyay kooxaha kurdida — natiijadana waxay noqotay in dagaalka uu dhaliyay in khatarta laga fogeeyay dhulka Turkiga.

Dhaqdhaqaaqyada uma suragalin Turkiga inay ka fogeeyeen khatarta ee sidoo kale waxay meesha ka saarayaan xaaladda burburka ku ridday xisbiga talada haya ee AK Party iyo Erdogan ee la xiriirta arrinta qaxootiga Suuriya ee sida khasabka ah oo barakiciyay.

 

Waa maxay fursadda uu lumiyay Assad?

Muddo lix bilood ah waxaa jirtay dadaal uu bixiyay Erdogan si uu wada-xaajood ula galo Bashaar Al-assad , sababtoo ah hab wada -hadal ayuu doonayay Erdogan inuu ku xalliyo dhibaatada dhinaca Suuriya ,balse way guul-darraysteen iskudayo ay diyaariyeen Ruushka iyo Ciraaq si wadahadalka loo billaabo.

Bashaar Al-Assad , wuxuu ku adkeystay si uu wadahadal ula yeesho Erdogan in laga hormariyo ciidanka Turkiga inay isaga baxaan dhulka ay kaga suganyihiin waqooyiga Suuriya, taa khad cas uu u arko Turkiga , sabab la xiriirta amniga qarankiisa, maaddama ay tan u fududeynayso Assad inuu burburiyo dadka ku haray Idlib oo uu si khasab ah ugu soo barakiciyo dhinaca Turkiga. Laakin diidmadaa waxay ku dhalisay Turkiga inuu dhibaatadiisa ku xalliyo hab militari , oo maanta galisay xaalad argagax leh iyo inuu Bashaar Al-assad dib u raadiyo Turkiga , isagoo la hadlaya hoggaamiye kasta oo gobolka ah iyo mid kasta oo saameyn ku leh xaaladda bariga dhexe, balse hadda wax walba faraha waa ay ka baxeen — Turkigana wuxuu si dhaqso leh u xalliyay dhibaatadii muddada tobanka sanno ka badan ka heysatay Suuriya , dabcan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka hadda waxay ka soo baxeen waxa ay kula heshiiyeen Erdoğan oo ah inay khatarta ka fogeeyaan, sidoo kalena aag nabdoon u diyaariyaan qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga, markan waxay joogta Erdogan iyo inuu fuliyo waxa uu kula heshiiyay Abu Maxamed al-Jawlani, oo iska siibay tuutihii uu xirnaa, wuxuu iska jaray timihii badnaa, isagoo xirtay shaakad, tani dabcan waa isku diyaarin jago hoggaamineed oo la aqoonsanyahay, wuxuuna leeyahay Jawlani — sooyaal inay waji kasta u sameystay si uu Assad uga adkaado, si ay ugu suragasho inuu noqdo hoggaamiye la aqoonsan yahay oo Suuriya ah.

Wajiga dagaalka iyo waxa ka dhici kara magaalada Xumus (Hams) ee qalcadda Bashaar Al-assad ayaa go’aamin karta joogitaanka Assad iyo inuu qaato heshiis siyaasadeed oo awood siinaya sunniyiinta Carabta.

 

Analysts say Biden’s first trip to Africa should’ve come earlier in presidency.

0

Monday 2 Dec 2024 {HMC} After promising to visit Africa two years ago at the U.S. Africa summit in Washington, President Joe Biden makes his first presidential trip to the continent where he is visiting Angola with a quick stop in Cabo Verde. Analysts in Africa say the trip should’ve come sooner and some are asking why Angola is the primary destination – given its troubling human rights record.

White House officials say President Joe Biden is looking forward to visiting the continent after a promise he made in 2022. But some analysts tell VOA that Biden’s trip, which comes weeks before he steps down, would’ve had more weight if he had done it earlier.

Louw Nel, senior political analyst for Oxford Economics Africa, spoke to VOA from South Africa.

“I think his trip is less significant than it would’ve been otherwise just because of the fact that he withdrew as presidential candidate and, of course, now [is] not returning for a second term. So, it really feels like an afterthought to his presidency,” said Nel.

After a short stop in the island nation of Cabo Verde off Africa’s northwestern coast, President Biden heads south to Angola.

There, officials say he plans to focus on U.S. leadership on trade, investment, and infrastructure in Africa. He’ll also recognize Angola’s President João Lourenço’s regional leadership and global partnership on trade, security, and health.

More importantly, President Biden will highlight one of his signature initiatives, the investment of the Lobito Corridor — a regional railway project linking natural resource-rich areas stretching from the Angolan port of Lobito to the Democratic Republic of Congo and Zambia.

The corridor is part of a wider joint effort between multiple partners aimed at closing the infrastructure gap in growing economies around the world, officials say.

Dr. Frances Brown, special assistant to the president and senior director for African Affairs at the National Security Council, speaking about the broader benefits associated with the project.

“What I found really notable about the Lobito Corridor is that it isn’t just about a railroad or critical minerals. It’s also about the communities that are strengthened along the way, it’s about more access to education, it’s about agricultural products moving to market, and it’s about increases in digital connectivity,” said Brown.

Last year, U.S.-Angola trade totaled approximately $1.77 billion, making Angola America’s fourth-largest trade partner in Sub-Saharan Africa.

Angola has vast mineral deposits and is Africa’s third largest oil producer. But according to Amnesty International, the country’s natural resource wealth has not translated to prosperity for most of its people, resulting in numerous peaceful protests against poverty, unemployment and high cost of living.

Nel says some Angolans may see a benefit with this Biden visit.

“Many ordinary Angolans will recognize that Angola desperately needs to diversify its economy, and this is an enormous opportunity to do so, to move away from oil and gas and bolster other parts of the economy and it has massive potential,” said Nel.

But others including human rights campaigners and opposition parties, Nel says, will feel aggrieved by President Biden’s visit because they see the Lourenco administration as being rewarded despite growing concerns about the shrinking space for independent civil society organizations and freedom of expression.

In a new report, Amnesty International said that anyone who publicly criticizes the Lourenço government risks arrest. And “if human rights are central to President Biden’s foreign policy, then he must demand Angola’s government immediately …free arbitrarily detained government critics.”

Adriano Nuvunga, who runs the Center for Democracy and Human Rights in Mozambique, echoes that sentiment.

“I commend the people of Angola and president Lourenço for hosting President Biden. It means a lot for the people of Angola. While I commend them, I would also want to encourage President Biden to ask those tough questions to President João Lourenço,” said Nuvunga. “We have a number of human rights defenders in Angola that are detained unjustly, unfairly for doing nothing. They are languishing in jails, some of them in critical conditions,” said Nuvunga.

Nuvunga hopes that this could be addressed during this trip.

SOURCE VOA

Maxaa ka taqaanaa Magaalada hadal haynta dhalisay ee Raaskambooni.?

0

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Deegaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa magaciisu maalmahaan qaybta sare kaga jiray wararka warbaahinta gudaha, baraha bulshada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.

Sababtuna waa in dowladda Soomaaliya ay gaysay ciidamo fara badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyadoo dowladdu sheegtay in ujeedkeedu uu yahay in ciidamadaani ay kuwa ATMIS kala wareegaan amniga deegaannadaas.

Hase-yeeshee tallaabada ay dowladdu ugu daad-gureysay ciidamada Raaskambooni ayaa imaanaysa, xilli xiisadi ay kala dhaxeyso maamulka Jubaland, taasoo salka ku haysa arrimaha doorashada.

Haddaba Raaskambooni waa deegaan caynkee ah?

Deegaanka Raaskaambooni oo hoostaga dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, waxa uu ku yaallaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, wuxuuna u dhowyahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka kenya.

Raaskambooni waxay 274 kiiloomitir kaga beegantahay dhanka Koonfureed magaalada Kismaayo, oo fadhi u ah maamulka Jubaland.

Waa meel kayn ah oo leh dhufeysyo dabiici ah – goobo la isku diyaarin karo, sababtoo ah wuxuu deegaanku soo maray gacmo kala duwan oo intooda badan u adeegsan jiray in ay isku aruursadaan isla markaana tababarro ku qaataan.

Maxkamadihii Soomaaliya ee xoogoodu abuurmay markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii waxey u ahayd mid ka mid ah meelaha ay tababarrada ku qaatan, ururkii magaca deegaanka watay ee Raaskmabooni oo uu hoggaamin jiray madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayay sidoo kale ka mid ahayd meelihii saldhigga u ahaa.

Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo loo yaqaannay Xasan Turki ayaa sidoo kale Raskambooni u ahayd xaruun, kohor geeridiisii 2015-kii.

Shabaab ayaa iyaguna mar gacanta ku hayay, hadda oo ciidamo diyaaradu lagu waday la geeyana, waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, gaarahaan kuwa Kenya.

“Waa meel howd ah waa meel kooxuhu ay dagaalladu ka soo abaabulaan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.

Cabdifitaax Xasan Afrax oo ah siyaasi la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa isna BBC-da u sheegay: “muhiimadda juquraafi ee ay Raaskambooni leedahay waxay dhufeys dabiiciyeed u noqon kartaa dad raba in ay tababartaan oo waxyeello gaystaan,”.

Wuxuu intaa raaciyay in aysan muhiimad kale oo dhanka juquraafiga ah aysan laheyn.

XIGASHO  BBC

Madaxweyne Assad oo wacad ku maray inuu difaaci doono Suuriya

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Saacado ka dib markii dagaalyahannada fallaagada ay bilaabeen in ay barta Internet-ka ku baahiyaan muuqaallada muuqaalka ah iyaga oo la wareegaya aagagga muhiimka ah ee Xalab, Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa u soo jeediyay xoogaga dowladda ka soo horjeeda canaan xooggan.

Madaxweynaha Suuriya waxa uu wacad ku maray in uu “difaaci doono xasiloonida [Suuriya] iyo wadajirka dhuleed ee ay wajahayaan dhammaan argagixisada iyo taageerayaashooda”.

“[Dalku] wuxuu awood u leeyahay, isagoo kaashanaya xulafadiisa iyo saaxiibadiisa, inay ka adkaadaan oo ay baabi’iyaan, si kasta oo ay u xooggan yihiin weerarradooda argagixisanimo,” xafiiskiisa ayaa isaga ka soo xigtay warkaasi.

Xusuusin ahaan, dagaalka sokeeye, oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​nus malyuun qof, ayaa billowday 2011 ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah oo ay kula kacday cadaadis naxariis darro ah.

Muxuu ka yiri Donald-Trump Madaxweyne Afwerki.?

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Isaias ayaa ku sheegay faallooyinkiisa ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay, Donald Trump iyo fikradda ah “America Great Again” ay muujineyso in saameynta Mareykanka ee caalamka ay sii yaraaneyso.

Wuxuu sheegay in saameynta Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milatari, tignoolajiyad iyo kuwo kale ay hoos u dhacday soddankii sane ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Isaias ayaa sheegay in saameynta dhaqaale iyo tignoolajiyadeed ee Shiinaha iyo saameynta Ruushka ay caqabad ku yihiin Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray, ma noqon doontaa maamulka cusub ee Mareykanka mid wax ka beddela siyaasadda? Waxa uu sheegay in arrintaas ay shaki ku jirto.

Madaxweynaha Ereteriya; wuxuu sheegay in ay weli horay u tahay in la saadaaliyo in siyaasadaha Trump ay isbedel keeni doonaan.

“Waxaan u baahanahay inaan shaqada horey u qabanno oo diyaar u noqonno inaan dhisno xiriir wax dhisaya,” ayuu raaciyay.

Xiriirka Ereteriya ee Mareykanka ayaa ahaa mid aan degganeyn muddo ku dhow saddexdaatan sano, waxaana Madaxweynaha Isaias marar badan ku eedeeyay Mareykanka in uu mas’uul ka yahay xiisadda ka jirta dalkiisa iyo gobolka.

XIGASHO BBC

Muxuu ka yiri Madaxweynaha Eriteriya oo ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Masar iyo Soomaaliya.?

0

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa habeenimadii Sabtida kasoo muuqday Telefishinka dowladdiisa, wuxuuna bixiyay wareysi uu kaga hadlay arrimaha taagan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar iyo dalkiisa Eritrea, iyo xaaladdha kaasoo ku saabsan Itoobiya iyo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

Marka laga soo tago faallooyinkiisa ku aaddan xaaladda gobolka, madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ee ku saabsan kaabayaasha biyaha, tamarta, iyo dhismaha tuulooyinka deggenaanshaha ee dalkiisa intii uu ku jiray waraysiga ay la yeesheen wariyaasha warbaahinta dowladda.

Waxaa la ogyahay in khilaaf ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii ay Itoobiya heshiis is afgarad ah la saxiixatay Jamhuuriyada iskeed Madaxbaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo ku saabsanaa marin badda ah iyo Masar oo Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin arrimaha webiga Niilka.

Gaar ahaan ka dib markii ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay doonayso in ay marto oo ay door ku yeelato badda cas, Eritera waxa ay si dadban u muujisay sida ay uga xun tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer safaro ku tagay Eritereeya sanadkan gudihiisam.

Sidoo kale, waxaa marar badan la sheegay in heshiiska saddex-geesoodka ah ee lagu saxiixay Asmara kadib markii Soomaaliya ay saxiixday heshiis milatari oo la xiriira Masar uu yahay mid ka soo horjeeda Itoobiya. Laakiin Madaxweynaha Ereteriya ayaa ka beeniyey arrintaas..

Madaxweynaha Isaias ayaa cambaareeyey “wararka been abuurka ah iyo ololeyaasha ay faafiyeen xoogag shisheeye iyo taageerayaal ku sugan warbaahinta guud iyo warbaahinta bulshada, kuwaas oo sii xoojin doona khilaafaadka ka jira gobolka.”

“Tani,[warbaahinta ku faafaya, ma aha walaac dhab ah oo ku saabsan Itoobiya,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in heshiiska ay gaareen saddexda dal uu “ugu muhiimsan yahay in la dhiso xasillooni gobolka ah.”

Danta ugu weyn ee Ereteriya ayaa ah in ay jirto “xasillooni iyo iskaashi guud oo ku saabsan Geeska Afrika oo dhan, wabiga Niil iyo dalalka deriska la ah Badda Cas,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Ereteera gabi ahaanba ma doonayso inay aragto Itoobiya oo ku jirta xasillooni darro,” ayuu sheegay Isaias, isagoo carabka ku adkeeyay in heshiisyada ay gaareen dalalka gobolka ay yareyn doonaan kalsooni-darrada isla markaana ay noqon doonaan kuwo miro dhaliya.

Isagoo soo hadal qaaday colaada ka oogan Sudan ayuu Madaxweyne Isaias Afwerki sheegay in xalinta colaada ay u taallo dadka reer Sudan balse wuxuu sheegay in taariikhda iyo xiriirka soo jireenka ah ee dalkiisa kala dhaxeeya ay ku qaaday inay qabtooda ka qaataan xalinta iyo deggaanshaha gobolka.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatuma Ciidamo Cusub oo Tababar loo soo xiray.

0

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Maamulka SSC Khaatuma ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ka howlgalaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona sugidda ammaanka degmada iyo guud ahaan gobolka. Tallaabadani waxay qeyb ka tahay dadaallada maamulka ee lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.12.2024}

Axad 1 Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO