Home Blog Page 1560

DF oo xanibaad kusoo rotay xildhibaanno ka tirsan BF

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo gudbiyay saraakiisha ku sugan garoonka Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannadaasi ayaa ah kuwa kasoo jeedo dhanka deegaannada Jubbaland, waxaana kamid ah Xasan Yare oo dhowaan buuq ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, isaga oo feeray askari ku sugnaa xarunta.

Saraakiisha gacanta ku haysa garoonka ayaa loo geeyay liiska xildhibaanno uu ku jiro Xasan Yarare oo loo yaqaan Firinbi, iyadoo loo sheegay in aanay ka dhoofi karin garoonka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo wayn, isla markaana u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

{DAAWO MUQAALKA} Akhlaaqda wanaagsan waa in aad wax bixiso dadkana wanaaga farto.”G-Sare Daahir Maxamed Samatar

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Akhlaaqda wanaagsan waa in aad wax bixiso dadkana wanaaga farto.”G-Sare Daahir Maxamed Samatar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo watay dooman kana tirsan Jubbaland oo isku dhiibay Ciidamada DFS

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Ciidamo watay dooman kana tirsan Jubbaland oo isku dhiibay Ciidamada DFS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xassan Sheikh meeshuu ku dhashay iyo meeshuu udhashay ayaa diririhaayo…

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Xassan Sheikh meeshuu ku dhashay iyo meeshuu udhashay ayaa diririhaayo…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Saxafiyiintu waa buundo u dhaxeysa dowladda iyo shacabka.”W_Daa’uud””

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Saxafiyiintu waa buundo u dhaxeysa dowladda iyo shacabka.”W_Daa’uud””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dadka danta yar ee ku nool degmada deyniil oo loo sameyay baritaano iyo dawooyin lacag la.aan ah..

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC}  Dadka danta yar ee ku nool degmada deyniil oo loo sameyay baritaano iyo dawooyin lacag la.aan ah..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo Doomo wata oo ka tirsanaa Jubaland Oo Isku soo Dhiibay Ciidamda Dowlada Ee Raaskaamooni

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Ciidamo Doomo wata oo ka tirsanaa Jubaland Oo Isku soo Dhiibay Ciidamda Dowlada Ee Raaskaamooni

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay kulanka Xasan Sheekh iyo ABIY Ahmed.

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka ku saabsan kulanka la qorsheynayo inuu dhex-maro madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu shalay madaxweynaha Kenya uu shaaciyay inay ka shaqeynayaan wada-hadalka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka la qorsheynayo in la’isugu keeno labada hoggaamiye, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso dadaallo ay wadaan madaxa Geeska Afrika.

“Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Danjiruhu.

Ilyaas ayaa sidoo kale ku celiyay in weli aanus isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ku aadan in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

“Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ilyaas.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dhanka Itoobiya ay ka socon la’dahay arrintu, isla markaana aysan daacad ka ahayn wada-hadalka.

“Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya” ayuu sii raaciyay.

Ma cadda xilliga uu qabsoomi doono kulanka labada hoggaamoye ee uu xaqiijiyay madaxweyne Ruto, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo baxay khilaafkooda ku aadan badda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.12.2024}

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA