Home Blog Page 1561

{DAAWO MUQAALKA} Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo dib u dayac tir lagu sameyay.

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo dib u dayac tir lagu sameyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xagee ayuu ka dhaci doona Kulankii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Itoobiya lagu wada Hadal siinayo.?

0

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Xagee ayuu ka dhaci doona Kulankii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Itoobiya lagu wada Hadal siinayo.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Orodyahan Sabool ahaa oo ku guuleystay orodka Olympic Aduunka.

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Markii uu orday olombikada wuxuu helay bilad dahab ah isagoo ku orday 40.91 ilbiriqsi , damaciisana wuu sii kordhay. Wuxuu xoogga saaray in uu jabiyo rikoorka orodka adduunka ee 800 mitir ee uu dhigay David Rudisha oo orday olombikadii London ee 2012.

“Wuxuu leeyahay awood uu isku sii riixo marka inta kale ay sii dhacayaan”, ayuu yiri tababarahiisa Beradelli.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo dhex dhexaadin doona khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay isaga iyo Madaxweynaha Uganda inay ka wada shaqaynayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen horaantii sanadkan bishii January.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in aysan la kulmi doonin madaxda Itoobiya illaa ay ka noqdaan heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Madaxweyne Ruto waxa uu yiri, “Amniga Soomaaliya waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa xasilloonida gobolkeena waxa uuna abuuraa jawi ay maalgashadayaasha, ganacsatada, iyo hal-abuurada ku horumari karaan.”

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxda Kenya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis amni oo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo Soomaaliyana ay kasoo horjeedo doorka Itoobiya ee howlgalka cusub ee AUSSOM, sababo la xiriira is-fahamka sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrintan uu wax iska beddelay iyo in kale.

Agaasimihii hore ee NISA oo eedeeyn u jeediyay Madaxda Mucaaradka Soomaaliya.

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal ui ciwaan uga dhigay “𝑴𝙐𝑪𝘼𝑨𝙍𝑨𝘿𝑲𝘼 𝙃𝑨𝙇 𝘽𝑨𝘼 𝙎𝑬𝙀𝑮𝙏𝑨𝙔, 𝑾𝘼𝑳𝙄𝑺𝙀 𝘿𝑨𝘽𝑨 𝑸𝘼𝑩𝘼𝑺𝙃𝑬𝙀𝒀 𝑳𝙀𝑬𝙔𝑰𝙃𝑰𝙄𝑵” Fahad ayaa qoraalkaan uga hadlay qadiyadda mucaaradka ee arrinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in doodaha mucaaradka ay ku qurxoonaa lahaayeen inay ku qotomaan afkaar iyo aragti oo aysan noqon ‘mucaradnimo soo taagan kaliya.’

“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobaha ay mucaaradku taageereen uu baddalay dastuurkii Jubbaland, isla markaana toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

“Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isagoo talooyin siinaya mucaaradka ayuu sheegay inay haboon tahay in aragtiyadooda ay dhinac isku raacdo oo ay mabaadii’ ku saleeyaan, si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.

“Waxaa iga su’aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadi’ joogta ah?” Ayuu su’aalay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo arkay mucaaradnimo bilaa mabda’ ah hadaladeeda sida ay isaga hor imaanayaan.

“Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo caawa soo saaray qoraalkaan.

Mucaaradka ay hoggaamiyaan Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Kheyre ayaa si cad u taageeray Axmed Madoobe, iyagoo ku xumeynaya saaxiibkoodii hore Xasan Sheekh oo hadda talada dalka haya.

Puntland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay hurinta Colaadaha ka socda……

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug.

“Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifa-jabsade.

Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug.

Hase yeeshee, eedeymaha Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ay ka dambeyso siyaasad la isku qabtay oo markii dambe isu bedeshay cadaawad kadib markii Garoowe looga adkaaday dagaalka siyaasadeed.

Puntland ayaa hadda sidoo kale la safan Jubaland oo ay is-hayaan dowladda federaalka, waxaana sidoo kale siyaasiyiinta Garoowe ay riixayaan SSC-Khaatumo si ay ugu soo biirto isbahaysigooda, si khilaafka siyaasadeed loogu rogo mid qabiil.

Isra’il oo Gaza ku dishay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka.

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Ciidamada Isra’il ayaa Sabtidi shalay duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey’adda hey’adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen.

Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki.

Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen dilkiisa.

Waxay sheegeen in uu ahaa injineer noloshiisa u huray howlaha samafalka Gaza.
Baabuur ay la socdeen isaga iyo qofka kale ee Falastiiniga ahaa ee lala dilay ayaa lagu dhuftay madfac xilli ay marayeen gudaha degmada Khan Younis ee koofurta Gaza.

World Central Kitchen waxay xaqiijisay weerarka cirka ahaa, isla markaana sheegtay in aysan waxba kala socon in shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarki 7-badi October.

Hey’addan samafalka ayaa dhanka kale sheegtay in ay hakineyso howlaheeda gargaarka ee ay ka waddo Gaza, isla markaana sheegtay in ay si deg deg ah u sugeyso faah faahinta.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza.

Goor danbe oo xalay aheyd, ayay hey’adda caalamiga ah ee dhanka gargaarka ee Save the Children shaacisay, in mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Axmed Feysal Isliim oo 29 jir ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku qaadday Khan Younis shalay.

Fallaagada Suuriya oo qabsaday inta badan Xalab,xilli ay kusii jeedaan…..

Axad 01, Dec 2024 {HMC} Kumanaan ka mid ah fallaagada Suuriya ayaa Sabtidii la wareegay inta badan magaalada Xalab, iyaga oo fariisimo ka sameystay meelo ay ka mid yihiin saldhigyada waaweyn iyo garoonka diyaaradaha.

Sida ay sheegeen kormeerayaasha iyo fallaagada, ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda Bashar Al Asad ee Suuriya oo Xalab maamulayay tan iyo sannadki 2016-ki, markaas oo ay dib ugala wareegeen Daacish.

Kormeerayaasha kor kala socda colaadda iyo xaaladda xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa sheegay, in malleeshiyada kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam, ay hadda gacanta ku hayaan garoonka Xalab, taas oo ka digan in ay gacanta ku dhigeen garoonki ugu horreeyay oo caalami ah tan iyo marki ay si lama filaan ah dib ugu soo rogaal celiyeen Suuriya.

Milatariga Suuriya ayaa Sabtidi sheegay in tobnaan ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dagaal ay la galeen kooxda mayalka adage e Hayat Tahrir al-Sham, kuwaas oo la wareegay magaalada weyn ee Xalab.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa iyaduna sheegtay, in ciidanka cirka Ruushka uu duqeymo cirka ah ku garaacay bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen fallaagada Suuriya si ay u taageeraan ciidamada Doeladda.

Kooxda Hayat Tahrir Al-Sham, oo horay loo dhihi jiray Jabhadda Nusra, ayay dowladaha Maraykanka, Ruushka, Turkiga iyo dawlado kale u aqoonsan yihiin koox argagixiso.
Hadda waxay maleeshiyaadkoodu u jiheysteen gobolka deriska la ah Xalab ee Xuma, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada Dowladda.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay maalin kaddib marki ay Isra’il iyo Xisbullah gaareen heshiis xabad joojin ah, iyo xilli uu wali sii socdo dagaalka Gaza. Waxana uu xaabada ku sii darayaan colaadda 14-ki bilood ee lasoo dhaafay ka hureysay mandiqadda Bariga Dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.11.2024}

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxweynayaasha Bariga Africa.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC).

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.

Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

DHAMMAAD