Home Blog Page 1565

Somali forces liberate key areas in Middle Shabelle from AS.

0

Saturday 30, Nov,2024 {HMC} Somali government forces, supported by elite military units, have captured territory in the Middle Shabelle region.

In a coordinated operation led by the National Intelligence and Security Agency (NISA) and the Gorgor Commando unit, government forces liberated the Shanloow area and several nearby villages that had been under Al-Shabaab control. Officials confirmed that the militants had used these areas as bases for launching attacks and intimidating local communities.

A NISA spokesperson described the operation as a major success, revealing that multiple Al-Shabaab fighters, including senior operatives, were killed. While exact casualty figures were not provided, the official said the operation struck a blow to the group’s operational capacity.

“Our forces destroyed several bases that Al-Shabaab used to oppress civilians and coordinate their terror campaigns,” the spokesperson said, adding that the operation is part of the federal government’s strategy to liberate Somalia from militant control.

Middle Shabelle’s location makes it a key battleground in Somalia’s efforts to eradicate Al-Shabaab. Situated near Mogadishu and vital transport routes, the region has been a stronghold for the group, which has exploited it to project power and disrupt governance.

The Somali government, supported by regional forces and international allies, has intensified its campaign against Al-Shabaab, focusing on reclaiming key territories and dismantling the group’s infrastructure. While this operation is a significant step forward, defence analysts caution that sustained efforts will be required to consolidate gains and prevent militants from regrouping.

The campaign against Al-Shabaab is one of Somalia’s most critical security challenges. For over a decade, the group has maintained its grip over rural areas, leveraging guerrilla tactics to resist federal forces.

The federal government faces a daunting challenge: securing newly reclaimed territories and addressing the deep-seated issues of instability, including frail institutions and widespread economic hardship.

Source Hiiraan online

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin Gaaray Goobaha ay ku wada Dagaalameen Malleeshiyad kasoo kala jeeda Hiiraan iyo SH/Dhexe

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Masuuliyiin Gaaray Goobaha ay ku wada Dagaalameen Malleeshiyad kasoo kala jeeda Hiiraan iyo SH/Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Odoyaasha Jigjiga oo taageeray Ahmed Madoobe fariin adagna u diray Dowlada Soomaaliya

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC}  Odoyaasha Jigjiga oo taageeray Ahmed Madoobe fariin adagna u diray Dowlada Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo War Kasoo Saartay markab lagu soo qabsaday xeebaha Maamulkaas..

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Puntland oo War Kasoo Saartay markab lagu soo qabsaday xeebaha Maamulkaas..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.11.2024}

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Booliiska Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay wiil Hargeysa Dil ka geeystay

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Booliiska Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay wiil Hargeysa Dil ka geeystay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WFP oo sababo layaab leh u hakisay hawlgaladeedii deegaanada SSC-Khaatumo.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Hay’adda WFP ayaa shaaciyey in ay si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan hawlihii ay ka waday SSC-Khaatumo sababo la xiriira amniga iyo bililiqo lagu saameeyey qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee deegaankaas.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Daluum, ayaa lagu sheegay in barnaamijyada WFP ee SSC ay taageero siin jirtay ku dhawaad 8,655 qoys oo ay ku jiraan carruur nafaqo-xumo hayso, hooyooyin uur leh iyo kuwa nuujinaya, iyo dad kale oo nugul. Gargaarkan ayay hay’addu usii marin jirtay saddex hay’adood oo NGO ah: GHADO, NRC, iyo ALIGHT, kuwaas oo ka hawlgala degmooyinka Laascaanood, Taleex, iyo Buuhoodle.

Dhacdooyinka soo noq-noqday ee bililiqada ah ayaa sababay hakinta gargaarka. WFP ayaa shaacisay in 24-kii iyo 27-kii November laga bililiqeystay ugu yaraan 95 tan oo cunto gargaar ah oo loo waday dadka deegaanka Buuhoodle.

“WFP waxay qaadatay go’aan adag oo ah inay joojiso hawlaha ilaa laga helo jawi ammaan ah oo u oggolaanaya in gargaar bini’aadantinimadu si habsami leh u fuliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah caqabadaha hay’adaha gargaarka ay kala kulmaan meelaha colaadaha iyo nuglaanta ay saameeyeen, iyadoo hay’addu ay sheegtay in loo baahan yahay iskaashi iyo dadaal dheeraad ah si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ee ku nool SSC.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleedka ka socda xadka Hiiraan iyo Sh/dhex.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo daga halkaasi.

Dagaalka oo soo gaaaray illaa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka ka qaybiya labada gobol ee HirShabelle.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen in ka badan ill 10 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Cabsida ugu badan ee taagan ayaa ah inay mar kale dagaalami karaan labada dhinac, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xadka labada gobol.

Dadaallo nabadeed oo la sameeyay, si loo qaboojiyo xiisaddan ayaa guul darreystay, waxaana dib u qarxay dagaalkan oo salka ku haya muranka dhul ku yaalla halkaasi.

Dhowaan xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda ee HirShabelle ayaa si kulul uga hadlay colaaddan, waxayna baaq nabadeed u direen labada beelood, balse lama qaadan talooyinkooda iyo baaqa ay jeediyeen, waxaana weli sii daadana dhiigga xadka goboladaas.

Deegaannada maamulka HirShabelle waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada oo saameyn xooggan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

{DAAWO MUQAALKA} Xiisad Dagaal oo ka taagan xuduuda ay wadagaan Gobolada Hiiraan iyo shabeelada Dhexe.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Xiisad Dagaal oo ka taagan xuduuda ay wadagaan Gobolada Hiiraan iyo shabeelada Dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Balanqaad loo sameeyay Danyarta iyo Agoonta muqdisho.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Balanqaad loo sameeyay Danyarta iyo Agoonta muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA