Home Blog Page 1566

Booliiska Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Hargaysa ku Dilay wiil Dhallinyaro ah.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay wiil 24 jir ah oo maanta duhurkii xaafada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa ku dilay nin.

Ninkan ay booliisku soo qabteen ayaa midi u adeeegsaday dilka, iyada oo markii dilku dhacay ay dadwayne badani goobta kusoo xoomeen, booliisku faahfaahin kama bixin sababta dhallisay dalka.

“Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa , isagoo u isticmaalay todoba midiyood , taasoo keentay geerida marxuumka!” Ayaa lagu yidhi warbixinta booliiska.

Boooliisku waxa ay sheegeen in baadhis ay ku wadaaan eedaysanaha si loo helo xogo dheeraad ah, markay dhamaatana si degdeg ah loo horgayn doono ha’yaddaha garsoorka.

Dhinaca kale Taliska Ciidanka Booliiska Dabagale ayaa tacsi u diray ehellada wiilka la dilay, waxaanu alle uga baryayaan in samir iyo iimaan ka siiyo.

Lataliye sare oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse oo is casishay.

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} La-taliyaha Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xafliska Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, Shamsa Abdulkadir Haji Dahir ayaa bartee Facebook ku qortay qoraal ay ku sheegeyso inay iska casishay xilka lataliyenimo oo ay ka haysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

“Anigoo ah Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna La-taliyaha Sare Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqel Insaanka ee Xafliska Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda JFS, waxan halkaan ku caddaynayaa inaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafliska , kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, Duudsiin xuquuq lyo Caburin Shaqo oo la xiriirta Shaqadii La ii igmaday iyo beegsi inaan ahay shaqsi kasoo jeeda Degaanada Jubaland laguna dulmiyay xuquuqdiisi Shaqo ee dastuuriga ah.” ayeey tiri Shamsa Abdulkadir Haji Dahir.

Qoraalkeedi sidoo kale waxa ay sii raacisay inay u dulqaadan waayday beegsiga sida gaarka loogu haayo bulshada dowlad goboleedka Jubbaland oo si sharci daro faragalin ugu heyso xukuumadda sida ay hadalka u dhigtay.

Tani waxa ay imaanaysaa iyadoo wali aan wax xal ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Jubaland, badelkeedi waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka kadib markii ay Dowladda Soomaaliya ay ciidamo u daabushay dhinaca magaalada Raas Kambooni soona saartay warqad waaran ah oo lagu soo xirayo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe.

Horey waxaa u jiray xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubaland oo ka horyimid tallaabooyinka Dawladda Federaalka ay u qaaday dhanka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Iran iyo quwadaha Yurub oo wada-hadal ku leh Geneva

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Iran ayaa Jimcaha maanta ah wada-hadallo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ay magaalada Geneva kula leedahay dalalka Britain, France iyo Germany, wax ka yar labo bil ka hor inta uusan Donald Trump ku soo laaban madaxtinimada Mareykanka.

Shirkaan ayaa waxaa hareeyey qarsoodi ayada oo wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalkaasi ay faahfaahin kooban un ka bixiyeen waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

Diblomaasi Irani ah, Majid Takht-Ravanchi, oo ah ku-xigeenka dhanka siyaasadda ee wasiirka arrimaha dibadda Abbaas Araghchi, ayaa Iran u matalaya wadahadalka Jimcaha, kaasi oo daba socda kulan ka dhacay New York bishii September.

Ayaga oo u gogol-xaraaya kulanka, ayaa Takht-Ravanchi iyo ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee dhinaca sharciga iyo arrimaha caalamiga Kazem Gharibabadi waxay Khamiistii la kulmeen Enrique Mora, oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee garabka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

Mora ayaa barta X ku qoray in ay yeesheen “isweydaarsi daacad ah …oo ku saabsan taageerada militari ee Iran ee Ruushka oo ay tahay in la joojiyo, arrinta nukliyeerka ee u baahan xal dibloomaasiyadeed, xiisadaha gobolka oo ay muhiim tahay in laga fogaado sii kicinta ee dhammaan dhinacyada, iyo xuquuqda aadanaha.”

Wadahadallada ka dib, Gharibabadi, ayaa sidoo kale X ku qoray maanta in isaga iyo Takht-Ravanchi ay dib ugu xaqiijiyeen Mora “in Midowga Yurub uu ka tanaasulo dhaqankiisa kali-talis iyo mas’uuliyad darro,” iyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka Ukraine iyo arrinta Nukliyeerka Iran.

Gharibabadi waxa uu intaas ku daray in “dhaqanka qalafsan ee Midowga Yurub ee ku wajahan xasuuqa ka socda Gaza,” ay ka dhigayso in aanay lahayn awood akhlaaqeed oo ay ku wacdin karto xuquuqda aadanaha.

Kulanka Jimcaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay aad u kulushahay taasi oo u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan iyo xulafadeeda.

Toddobaadkan, xabbad joojin aan cago adag ku taagneyn ayaa ka dhaqan gashay Lubnaan ka dib sannad colaad ay u dhexeysay Xizbullah oo Iran taageerto iyo Israa’iil.

Raiisel Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii sheegay in Israel ay sameyn doonto “wax walba” si ay uga joojiso Tehran inay hesho hub nukliyeer ah ka dib markii Araghchi uu ku digay Iran ay joojin karto mamnuucista ay ku sameysay horumarinta barnaamijkeeda haddii cunaqabateynta reer galbeedka dib loo soo celiyo.

Israa’iil waa dalka kaliya ee gobolka, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin, ee ku hubaysan hub nukliyeer, waxayna muddo dheer ka ilaalinaysay kuwa ay xifaaltamaan inay la mid noqdaan.

Eedaynta reer galbeedka ee ah in Iran ay Ruushka siiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado dagaalka ay ka wadaan Ukraine ayaa sii mugdi gelinaya dulucda wadahadalka Jimcaha.

Isra’il oo tobnaan qof ku dishay Gaza

0

Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Xilli laga rajo qabo in dib loo billaabo wadahadallada xabbad joojinta Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka Marinka Gaze sheegeen in ciidamada Isra’il ay 24-ki saac ee lasoo dhaafay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 40 qof.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in meydada ilaa 19 qof laga helay xerada qaxootiga Nuseyraat ee waqooyiga Gaza. Goor danbe oo xalay aheyd ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya ee waqooyiga Gaza.

Meelaha kale ee ay dadka lagu dilay ayaa lagu sheegay xaafado ka tirsan koofurta iyo waqooyiga Marinka Gaza. Ciidanka Isra’il oo wata taangiyo ayaa Khamiistii gudaha u galay Nuseyraat, waxana ay dib uga baxeen Jimcihi hslay, hashe yeeshee wali howgallo duqeymo iyo madaafiic ka wada dhanka koofureed.

Dhanka Daanta Galbeed ee ay Isra’il heysato, madaxweynaha maamulsha Falastin, Maxmuud Cabaas ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah isla markaana ku eedeeyay Isra’il in gaajada ay u adeegsanyso sida risaasta oo kale kaddib marki lasoo sheegay in dad badan oo ku go’doonsan waqooyiga Gaza ay macluul ku billaabatay.

Sabtida maanta ah ayaa la filayaa in wafdi ka socda Xamaas ay Qahira tagaan, si halkaasi looga billaabo wadahadallada lagu raadinayo xabad joojinta Xamas iyo Isra’il.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.11.2024}

Jimco 29, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muuse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay Xuska 25-Guurada Aas-aaska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Jimco 29, Nov 2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya.

Kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay.

 

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.


DHAMMAAD

WAR DEG DEG AH Booliiska oo gacanta ku dhigay Maxamed Baashe Faarax oo ku eedeysan…

0

Jimco 29, Nov 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuus Maxamed Baashe oo da’diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil oo 37 jir ah kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland.

“Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadii Jubbaland ka soo goostay oo Muqdisho laga Geeyay Si loo abaalmariyo.

0

Jimco 29, Nov 2024 {HMC} Ciidamadii Jubbaland ee dhawaan isku dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee la geeyay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ka soo goostay maamulka Jubbaland kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo qaaday xeryo gaar ah oo loogu tala galay in lagu xareeyo, si loogu sameeyo diiwaangelin iyo number ciidan oo rasmi ah.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka ayaa dowladda Soomaaliya u sameeneysaa maamus gaar ah, waxaana la siinayaa abaalmarino ay kamid yihiin derajooyin iyo number ciidan, waxaana qorshaha yahay in ciidankan iyaga oo wata magaca ciidanka xoogga dalka in dib loogu celiyo deegaannada Jubbaland.

Ciidamo badan oo katirsanaa kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa maalmo kahor isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee dowladda geysay deegaanka Raaskanbooni, waxaana ciidan loo soo qaaday Muqdisho si tababar loogu celiyo looguna sameeyo diiwaangelin.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku kala fur furto ciidanka daacada u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda u sameesay ballanqaadyo lacageed iyo derajo saraakiisha iyo ciidanka dhankooda usoo wareega.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 29-11-2024

0

Jimco 29, Nov 2024 {HMC} AKhriste ama Daawade Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY.

 

Howlgal qorsheysan oo Laga Fuliyay Xadka gobolada Galgaduud Iyo Shabeellada Dhexe.

0

Jimco 29, Nov 2024 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si gaar ah Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ayaa howlgalo ka dhan ah Al shabab waxa ay ka fuliyeen deegaano dhaca xaduudka gobolada Galgaduud Iyo Shabeellada Dhexe.

Howlgalkaan waxaa horkacayay Taliyaha Guutada 26-aad G/le Dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale, waxana howlgalka si gaar ah looga sameeyay deegaannada kala ah Cali Goodle iyo Cali Gureey.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalkaan ku fashiliyey tiro miinooyin ah oo Al shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku safra wadooyinkaas.