Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeyb galay Bandhigga wax qabadka sheybarka dhismaha Soomaaliya
{DAAWO MUQAALKA} Raisul wasaare Xamse oo u safray magaalada Nairobi si uu xiisada Jubaland kala hadlo Kenya
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Raisul wasaare Xamse oo u safray magaalada Nairobi si uu xiisada Jubaland kala hadlo Kenya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo ka tirsan Jubaland oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Raaskaambooni.
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Ciidamo ka tirsan Jubaland oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Raaskaambooni.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Dambiyada oo Dambi kusoo ogtay Hogaamiyaha Myanmar
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Maxkamadda Dambiyada oo Dambi kusoo ogtay Hogaamiyaha Myanmar
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ku Dhawaad 2,000 oo Arday u fariisatay Imtixaanka Jaamacada Hargeeysa.
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Ku Dhawaad 2,000 oo Arday u fariisatay Imtixaanka Jaamacada Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxaa Kasoo Kordhay Kiiska Xildhibaankii Booliska Feeray?
Khamiis,, 28,Nov 2024 (HMC) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa ku tilmaamay dhaawaca loo geystay askari ka tirsanaa ilaalada xarunta Golaha Shacabka fal dambiyeed.
Askarigan ayaa la sheegay inuu isku dayay kala dhexgalka muran iyo gacan-ka-hadal dhexmaray xildhibaanada baarlamaanka, taasoo sababtay in mid ka mid ah xildhibaanada uu feer sanka kaga dhufto askariga.
Dhacdadan ayaa shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka xilli ay xildhibaanadu dood ka lahaayeen guddiga doorashooyinka qaran.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in kiiskaan loo diiwaan geliyay hal eedeysane oo ka tirsan baarlamaanka, halka uu sidoo kale xusay in askariga dhaawacmay xaaladdiisa caafimaad ay hadda wanaagsan tahay.
“Booliiska Soomaaliya waxa waajib ka saaran yahay inay xasiloonida xarunta Baarlamaanka ku ilaaliyaan naf-hurnimo iyo adkeysi, inkastoo dhacdooyinkani yihiin kuwo naxdin leh oo ka baxsan waajibaadkooda maalinlaha ah,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Booliiska la faray inay dulqaad muujiyaan xilli ay wajahayaan culaysyo ka dhasha doodaha baarlamaanka. Isaga oo ku boorriyay ciidamada inay ka fogaadaan wax kaste oo lid ku waajibaadkooda qaran.
Askari dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina, halkaas oo uu shalay ku booqday Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta isbitaalka ku booqdaan askariga si ay ugu muujiyaan cudurdaar iyo ka xumida falka dhacay.
{DAAWO MUQAALKA} Maxuu yahay Heshiiska Cusub oo ay kala saxiixdeeyn Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia?
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Maxuu yahay Heshiiska Cusub oo ay kala saxiixdeeyn Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomliya oo xiray Nin xirnaa Dharka Dumarka.
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Booliska Soomliya oo xiray Nin xirnaa Dharka Dumarka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka dhalan karo khilaafka Dowladda Soomaliya iyo Jubaland.?
Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Maxaa ka dhalan karo khilaafka Dowladda Soomaliya iyo Jubaland.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Doowladda Soomalia oo saxiixday heshiiska wadamada iskaashiga islaamka ee la dagaalanka Musuq maasuqa
Khamiis,, 28,Nov 2024 (HMC) – Shirka arrimaha la dagaalanka Musuqmaasuqa ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, waxa ay wadamada iskaashiga islaamka ku saxiixeen heshiiska MAKA ee la dagaalanka Musuq maasuqa waxaana Dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud.
Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskaan uu caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda.
Inta ugu badan Shirkaan waxa ay madaxdii ka qeyb gashay ay isku dhaafsadeen fikrado iyo soojeedimo ku saabsan sidii ay wadamadaan ay u yeelan lahaayen iskaashi farsamooyinka la-dagaallanka musuqmaasuqa, si loo gaaro yoolalka guud ee lagu xaqiijinaayo cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha Dowliga ah.
Wasiir Xasan Macallin waxa uu shaaca ka qaaday baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer caalami ah si loo ilaaliyo cadaaladda loona yareeyo musuqmaasuqa, asagoo soo bandhigay dadaallada Dowladda Soomaaliya ay ka waddo hormarinta hufnaanta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.
Shikaan Dooxa kusoo gaba gaboobay oo ahaa mid heer Wasiir ah wadamada ururka iskaashiga islaamka waxaa diirada lagu saaray kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, laguna dhiirrigeliyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha Dawliga ah.
Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada uu la degay musuq maasuqa, waxaana sanadihii dambe ay ahayd mid safka hore ka hogaamisa warbixinada caalamiga ah ee laga soo saaro wadamada ay la degeen musuq maasuqa, sidaas ay tahayna Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtaa inay ku dadaalayso inay dalka ka ciribtireyso musuq maasuqa iyadoo dhowr qof oo mas’uuliyiin dowladda kujira xitaa maxkamad loogu soo taagay eedeymo musuq maasuq la xiriiray.



