Home Blog Page 1579

At least 22 Somalis dead after boats capsize off Madagascar, official says.

0

Tuesday 26,Nov,2024 {HMC}  At least 22 Somali citizens died when two migrant boats capsized off the coast of Madagascar over the weekend, Somalia’s Information Minister Daud Aweis said.

Madagascar’s Port, Maritime, and River Authority (APMF) said the boats had set sail from Somalia for the French Indian Ocean territory of Mayotte on Nov. 2, a journey of several hundred kilometres.

On Saturday, the port authority reported that local fishermen discovered the first boat drifting on Friday near Nosy Iranja. They rescued 25 people, including 10 men and 15 women, but seven occupants died, the authority said.

A second boat carrying 38 people arrived at Madagascar’s Port du Cratère, according to APMF. The maritime authority did not disclose a death toll for the second boat but confirmed the rescue of 23 people.
Somali Information Minister Aweis, citing information from his counterparts in Madagascar, confirmed the total death toll at 22.

“They were about 70 Somalis, 22 of them died. One boat was carrying 38 people and the other boat was carrying 32 people,” Aweis said on state-owned television late on Sunday.

In recent decades thousands of people have attempted to make the crossing to Mayotte, which has a higher standard of living and access to the French welfare system.

Mayotte is officially part of France, although Comoros claims it.

Aweis said Somalia will investigate where the boats sailed from, terming those who organised the trip as criminals involved in illicit immigration.

“This is also a message of warning to those who want to immigrate illegally before they go and die in such manner. It is unfortunate people still go despite danger,” he added.

In early November, at least 25 people died off Comoros islands after traffickers capsized their boat.

Reporting by Abdi Sheikh in Mogadishu and Lovasoa Rabary in Antananarivo; Writing by George Obulutsa; Editing by Toby Chopra

 

Horn of Africa forum opens in Djibouti amid Ethiopia-Somalia tensions.

0

Tuesday 26,Nov,2024 {HMC}  Somali scholars, politicians and traditional leaders from across the Horn of Africa gathered in Djibouti on Monday for a three-day forum on strengthening regional stability.

The annual forum, the eighth of its kind, was organized by the Heritage Institute for Policy Studies in Somalia, an independent, nonprofit, nonpartisan research group in Mogadishu. Mursal Saney, executive director of the institute, said the forum is providing an opportunity for Somalis from across the region to discuss issues of concern.

“We have invited nearly 300 delegates including regional experts to provide them an opportunity to discuss and exhibit constructive ideas on how the Horn of Africa region can strengthen its stability and the importance of rule of law,” Saney said.

This year’s forum comes at a time of growing tension between Somalia and Ethiopia over a port deal Addis Ababa signed in January with Somaliland, a breakaway region. Mogadishu sees Somaliland as a part of Somalia.

The deal so far, in the form of a memorandum of understanding, gives landlocked Ethiopia a 50-year lease for a Red Sea port from Somaliland in exchange for possible recognition of Somaliland’s independence. The deal has angered Mogadishu, which has described it as an assault on Somalia’s sovereignty and territorial integrity.

Ethiopia maintains that it does not infringe on Somalia’s sovereignty.

Somaliland declared its independence from the rest of Somalia in 1991, following the collapse of the military government led by late dictator Mohamed Siad Barre.

Somalia has never accepted Somaliland’s secession, nor has Somaliland received international recognition.

In July and August, two rounds of talks between Ethiopia and Somalia, mediated by Turkey, failed to solve the dispute, with Somalia demanding Ethiopia withdraw from the deal. The issue has raised fears of fresh conflict in the Horn of Africa region.

“Because of its strategic location in the region and the fact that it is coming out of a conflict era, Somalia is thirsty for peace and regional stability, respecting the international law and the rule of law,” Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi said at the start of the forum.

Also on Monday, Mumin Hassan Barre, Djibouti’s minister of justice and religion, said experts attending the forum should contribute to the well-being of the region.

“We see experts that know the region well, and I think the peace, stability and the solution of the region’s problems lie in the hands of its people, including the experts who gathered here,” Barre said.

Somalis representing Kenya, Ethiopia, Djibouti and Somalia are attending the event, as well as those from across the region and the diaspora communities in the United States, Europe and elsewhere.

Mohamed Sheikh Nor contributed to this report. Some information came from Reuters.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo taageeray Ciidamada Dowladda ay geeysay Raas Kambooni.

0

Talaado, 26 Nov, 2024 Taliyihii hore ee Hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir, ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ugu dirtay magaalada Raas Kambooni ee Jubada Hoose kuwaasi oo la sheegay inay la wareegayaan xarumo ay baneenayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka ATMIS inkastoo Jubaland ay tilmaamtay in dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu bartiisa X soo dhigay Fahad Yaasiin fariin xambaarsan Bogaadin iyo Hambalyo waxaana uu yiri “Waxaan boogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gutay waajibkooda qarannimo ee ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo la wareegidda amniga soohdimaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay wada shaqayn buuxda la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna iyada si toos ah ugala macaamisho arrimaha la xiriira amniga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.

Magaalada Raas Kambooni shalay waxaa ka degtay 3 diyaaradood oo siday Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya xilli magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Guushii Axmed Madoobe, waxaana khudbadiisi guusha uu doorashada ka gaaray uu uga digay in tallaabada ay Dowladda Ciidamada ku geeysay Raas Kambooni ay soo xusuusin doonto reer Jubaland wixii dhacay 2013kii, waxaana uu Axmed Madoobe sheegay inaan Ciidamada loo adeegsanin qaab siyaasadeedsan.

Xalay fadhigii aan caadiga ahayn ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa sharci darro loogu tilmaamay dhamaan doorashooyinkii ka dhacay Jubaland.

Saciid DENI oo taageeray doorashadii ka dhacday Kismaayo fariina udiray……..

0

Talaado, 26 Nov, 2024 Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyey Axmed Madoobe oo markii saddexaad doorasho uu qabsaday kusoo baxay, taas oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka Jubbaland iyo shacabkaba in la ilaaliyo, islamarkaana laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida maamulka Jubbaland, oo haatan ka taagan tahay xiisad xooggan.

“Waxaan u hambalyeeynaynaa madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubaland,” ayuu yiri Saciide Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.”

Deni ayaa kula dardaarmay Axmed Madoobe oo shalay markale kusoo baxay doorashadii uu qabsaday in wixii kala aragti duwanaansho ah uu ku xaliyo wada-hadal iyo jawi nabdoon.

“Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa dowladda Jubaland iyo shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Deni.

Axmed Madoobe ayaa shalay markii saddexaad loo doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland ee isna dhawaan la doortay.

Ninkan ayaa ku guuleystay saddex meelood labo meel oo ah aqlabiyada baarlamaanka Jubbaland, iyadoo soo bixistiisa lasii ogaa, maadaama uu asaga qabsaday doorashadaan, oo si adag u diiday dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la maxkamadeynayo Ahmed Madoobe.

0

Talaado, 26 Nov, 2024 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg deg ah ayaa go’aan adag ka soo saareen is doorashada Axmed Madoobe, waxaana Garqyaqaanka guud ee dowladda la faray inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka caawa soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay ilaa seddax qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu cadeeyey in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Axmed Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

“Golaha Wasiirrada waxa uu farayaa Garqayaanka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya inuu si deg deg ah uga howlgalo horgeynta maxkamadda sare ee dalka dacwad lid ku ah dhamaan talaabooyinka aan xeerar doorashooyinka dalka ee Axmed Madoobe uu qaaday,” ayaa lagu yiri qaraarka caawa ka soo baxay xukuumadda.

Qaraarkaan ayaa caawa dhaqan-galay waxaana u codeeyey dhamaan golaha wasiirrada, halka Ra’iisul Wasaare oo shir guddoominayey kulankaan deg degga ah uu saxiixay, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda.

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada ISTANBUL.

0

Talaado, 26 Nov, 2024 Nin 33 jir Turkish ah ayaa ku dilay magaalada Istanbul toddoba qof, oo ay ku jiraan waalidkiis, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa.

Ninkan ayaa dilka geystay ka hor inta uusan is-dilin, sida ay mas’uuliyiinta laamaha amnigu sheegeen Isniintii shalay aheyd.

Ninkan oo meydkiisa laga helay gaarigiisa wax yar kadib markii uu toogashada sameeyey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhaawacay laba qof oo kale oo qoys kale ka tirsan, oo mid kamid ah uu dhaawaciisu culus yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska barasaabka Istanbul.

Mas’uuliyiinta oo tirada dhimashada ku sheegay afar, ayaa shalay ku dhawaaqay in meel u dhow haro ku taalla xeebta Istanbul ee qeybta Yurub laga helay meydka xaaskiisa iyo wiil uu dhalay iyo sidoo kale meydka soddohdiis.

Sida laga soo xigtay hay’adda Small Arms Survey (SAS), oo ah hay’ad cilmi-baaris dhanka hubka yaryar ah, in ka badan 13.2 milyan oo hub ah ayaa dhex socda Turkiga.

Hubkan ayaa intooda badan si sharci darro ah lagu haystaa, halka shacabka dalkaasi ay gaarayaan illaa 85 milyan.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

0

Muqdisho, Isniin, 25 Nofeember 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Khawaarijta, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Nin Dilay waalidkiis Xaaskiisa, caruurtiisa iyo Dad kale.

0

Isniin 25, Nov 2024 {HMC} Nin 33 jir Turkish ah ayaa Axadii shalay ku dilay magaalada Istanbul toddoba qof, oo ay ku jiraan waalidkiis, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa, ka hor inta uusan is-dilin, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Isniinta maanta ah.

Neydkiisa ayaa laga helay gaarigiisa wax yar ka dib markii uu toogashada sameeyey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhaawacay laba qof oo kale oo qoys kale ka tirsan, oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska barasaabka Istanbul.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay afar, fiidnimadii Axadda, ayaa Isniinta maanta ku dhawaaqay in meel u dhow haro ku taalla xeebta Istanbul ee qeybta Yurub laga helay meydka xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, iyo sidoo kale meydka soddohdiis.

Sida laga soo xigtay hay’adda Small Arms Survey (SAS), oo ah hay’ad cilmi-baaris dhanka hubka yaryar ah, in ka badan 13.2 milyan oo hub ah ayaa dhex socda Turkiga, oo intooda badan si sharci darro ah lagu haysto, halka shacabka dalka ay gaarayaan 85 milyan.

Jubbaland oo War ka soo saartay ciidankii DFS ka dejisay Raaskamboni.

0

Isniin 25, Nov 2024 {HMC} Maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay sharci darro ciidamo maanta diyaarado loogaga qaaday Muqdisho lagana dajiyay magaalada Raaskaambooni.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaarada amniga gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay yihiin ciidamo hab beeleed u abaabulan oo la doonayo in khalkhal lagu geliyo amniga Jubbalanad.

Hase yeeshee dowlada federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada la geeyay Raas Kambooni ay yihiin ciidamo ka tirsan Gorgor ee xoogga dalka ayna la wareegayaan saldhigyada ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

 

Dhinaca Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska Gor-Gor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadaas ay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo Alshabaab.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin Kala duwan oo u hambalyeeyay dib u doorashada Axmed Madoobe.

0

Isniin 25, Nov 2024 {HMC} Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan ayaa u habmablyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madobe).

Madaxweynihii horre Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha La doortay ee Jubaland

“Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota. Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay!.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorashada Jubaland ay meesha ka saartay wax uu ugu yeeray muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen Dowlad Goboleedyadda Dalka.

“Waxaan uga digayaa madaxda dowladda Federaalka in Ciidamada Qaranka loo adeegsado danno siyaasadeed waana in laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqalgalinta deegaannada Jubaland”ayu sheegay Sheeikh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisulwsaariii horre Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland. “Waxaan ugu baaqayaa in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka Alshabaab, iyo xasilloonida Jubbaland”.

Xasan Cali Kheyre Waxa uu dhaliilay ciidamadda ay dowladdu u daadgureysy Jubaland isagoo ugu baaqay in ay tallaabdaas deg-deg u joojiyaan.

Madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaai Deni ayaa sdioo kale u hambalyeehyay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland

“Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa isaguna u hambalyeeyay Madaxweynaha dib doo ldooray ee jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Amdoobe). “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland”. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Alshabaab, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Doorashadan ayaa waxaa harreeyay khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe , iyadoo Dowladdu ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn natiijada kasoo baxdo doorashadaas iyadoo ku doodeeysa in taas beddekeeda ay Dolwaddu dooneeyso in dalka ay ka dhacado doorasho qof iyo cod ah muddo sanad ahna loo kordhyo maamul goboleedyada uu waqtiag ka dhamaaday.

XIGASHO BBC