spot_imgspot_imgspot_img
Home Blog Page 1589

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.07.2024}

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Karoore ”Xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan ayaa Gadaal ka Riixaya Dhaca ka socdo Baladweyne’

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Wasiir Karoore ”Xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan ayaa Gadaal ka Riixaya Dhaca ka socdo Baladweyne’

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo lagu soo dhaweeyay Toronto ee caasimada dalka Canada.

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo lagu soo dhaweeyay Toronto ee caasimada dalka Canada.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga Doorashooyinka PEC ayaa bulshada Garowe baray sidii ay ucodeyn lahaayeen maalinta codbixinta

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Guddiga Doorashooyinka PEC ayaa bulshada Garowe baray sidii ay ucodeyn lahaayeen maalinta codbixinta

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Taliyaha howl-gallada gaarka ah ee bariga Afrika.

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha howl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

Taliyaha hawl-gallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada Jubbaland ee lagu xoreeyay deegaanada Joore gaar ahaan deegaanka Buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guulaha laga gaaray howl-galladii u danbeeyay ay muujinayaan sida dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin kooxda AS.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehlinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay Soomaaliya dagaalka AS, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda AS.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda.

shir-weynaha sannadlaha ah ee Isbaheysiga NATO oo ka furmay Washington.

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Shalay waxaa magaalada Washington D.C ka furmay shir-weynaha sannadlaha ah ee hogaamiyaha dalalka ku bahoobay Isbaheysiga NATO. Iyadoo shirka sannadkaan lagu maamusayo 75-sano guurada kasoo wareegtay aas-aaska NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadi shirka ka sheegay, in dunida aysan sugin ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November, si ay u qaaddo tallaabo ay uga hortagto duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Zelenskyy, ayaa taasi ka sheegay, furitaanka shir madaxeedka hogaamiyaasha Gaashaan-buurta NATO ee shalay gelinki danbe ka furmay magaaladan Washington D.C, ee caasimadda Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku yiri “waa inaan kasoo baxnaa harka si aan go’aanno adag aan u qaadanno isla markaana aanan sugin bisha November ama bilo kale.

Wuxuu ku boorriyay madaxweynaha Mareykanka inuusan ka gorgortamin difaaca dimoqraadiyadda iyo difaaca madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadi shalay isna khudbad ka jeediyay furitaanka shir madaxeedka NATO, uu ku ballan qaaday, inuu si xoog leh uu Ukraine uga difaaci doono duullaanka Russhka.

Khudbadda Biden oo u muuqatay mid kulul ayaa aheyd tii ugu horreysay ee uu masraxa caalamiga ah ka jeediyo, tan iyo wixi ka danbeeyay dooddii uu la galay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taas oo qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Dimoqraadiga ay ku dhalileen bandhiggiisii qaboobaa.

Taageerayaasha Dimoqraadiga ayaa shaki geliyay awoodda jireen iyo midda maskaxeed ee muddo xileedkiisa labaad haddiiba uu ku guuleysto doorashada.

Biden oo hadda ah 81 jir, ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay hoggaaminta shacabka Mareykanka, mar kale.

Shir madaxeedka NATO ee furmay Talaadadi shalay ayaa lasoo gaba gabeyn doonaa 11-ka bishan July oo ku beegan Khamiista berrito ah.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Danab oo Howlgal Qorsheeysan Fuliyay.

0

Howlgal ay ka fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab  oo kadhacay  deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada Hoose ayna ku dileen xubno  iyo saraakiil ka tirsanaa AS b sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxaa looga soo furtay AS hub iyo saanad ciidan, iyadoo lagu burburiyey goobihii ay ku sugnaayeen, saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka xubnihii lagu dilay weerarka.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda AS

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka AS waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.

 

CIIDAMADA DANAB 1

CIIDAMADA DANAB 3

CIIDAMADA DANAB 5

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee loo kala qaaday Beelihii ku dagaalamay Mudug.

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Sidee loo kala qaaday Beelihii ku dagaalamay Mudug.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Qof Fashilay Qarax Lala Damacsanaa Ciidama Jubalan Oo La Abaalmariyay

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Qof Fashilay Qarax Lala Damacsanaa Ciidama Jubalan Oo La Abaalmariyay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Sarkaalka Uganda ah oo la dhashay nin xil sare ka haya dalkaas ayaa Soomaaliya Lagu dilay.

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa geeriyooday lix askari oo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Ninkan la dilay ayaa ahaa kabtan katirsan ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee UPDF, waxaana lagu magacaabaa Patrick Opio Away.

Qaraxa lagu dilay sarkaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70km jiahda Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqidsho, sida uu sheegay Ibraahim Kasule Sekitto oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo la hadlay oo wakaalada wararka ee Reutors.

Waxaa weererkan lagu eedeeyey Kooxda Al-shabaab in ay ka dambeeyeen.

Kabtan Away, ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinadaku sii jeeday deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana ay markii hore ka ambabaxeen Muqdisho, sida uu Sekitto u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Weerarkan nama joojin doono, taa beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah inaan sii wadno taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Sekitto.

ayuu yiri Sekitto

Major Patrick Opio Away, ayey walaalo yihiin mid ka mida madaxda siyaasadda ee dalka Uganda kaas oo awood sare ku leh xisbiga tallada haye ee Uganda

Away, ayey walalo yihiin Richard Todwong, oo ah xoghayaha guud ee xisbul xaakimka haya talada dalka Uganda ee lagu magacaabo National Resistance Movement (NRM), sidoo kalana waa xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaas.

Richard Todwong, ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray Twiter soo dhigay qoraal uu ku muujiyey sida uu uga naxay geerida walaalkiisa Major Patrick Opio Away.

“Waxaan u dabaaldegaa walaalkay, Kabtan Opio Patrick Away. U huristaada ilaalinta dalkayaga waxa ay ahayd xeerkaagii oo waxa aad u wajahday waajibaadkiina si xamaasad leh.

Waxa kale oo uu xusay Todwong in walaalkiis uu ka soo qayb galay dagaalo fara badan oo ka dhacay dalalka Afrikada Dhexe, Bariga DRC Congo iyo Soomaaliya, isaga oo hawlgallo u aaday wadamadas oo dhan.

Waxa uu ku tilmaamay dhamaan hawgaladii uu ka qayb galay walaalkiisa kuwa “geesinimo lahaa”.

“Noloshaadu waxay si naxdin leh u soo gaabatay saaka – 7/7/2024 – markii aad u adeegaysay qaaraddeena Afrika. Dhaxalkaagu ha waaro si aad u dhiiri geliso geesiyaal badan. Waligaa waxaan kugu hayn doonaa qalbiyadayada, Patrick. Waxaad ahayd wadani dhab ah” ayuu intaasi raaciyey.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ugaandha

Uganda waa dalkii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo ka tirsan AMISOM soo geliya Soomaaliya bishii March 2007-dii.

Bishii Juun 2023, Al Shabaab ayaa 54 askari oo Ugandan ah ku dilay Saldhigga ay ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howgalka ATMIS, oo hadda sii gunaanadmaya gudaha Soomaaliya ayaa Bishii Juun, 2024-kii, waxay saladhigii ay ku lahaayeen degamada Bariire ee gobolka Shabellaha hoose ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya, taasoo ka dhigan wajigii saddexaad ee dhimista Ciidamada.

Aagga ayaa hoos imaanayey Ciidamada ATMIS ee ka socday dalka Uganda tan iyo 2019-kii, xilligaas oo laga xoreeyay ururka al-Shabaab.

Howlgalka ATMIS

Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, in kasta oo dawladda Soomaaliya ay dhawaan codsatay in dib loo dhigo qorshaha bixista ciidanka.

Balse bixitaanka ciidammada ATMIS ayaa u muuqda mid kala duwanaan cusub ka dhex dhaliyey waddammada ay ciidammadu ka joogaan, kuwaas oo qaarkood ka digayaan maaraynta bixitaankaas iyo xaaladaha amni ee ku xeeran.

Ciidamadan ayaa kala socda dalalka Kenya,Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, kuwaas oo fariisimo ku kala leh gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ATMIS, ee jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale ilaaliya xarumaha muhimka ee dowlada sida garoonka diyaaadaha ee Muqdisho, Dekada iyo xarumaha dowlada, wallow dhawaan ay qaybo ka mida madaxtooyada Soomaaliya kala wareegeen ciidamada Soomaalida.