spot_imgspot_imgspot_img
Home Blog Page 1588

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaali ku Geeriyootay Weerar lagu qaaday Bas ay saarnaayeen.

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Soomaali ku Geeriyootay Weerar lagu qaaday Bas ay saarnaayeen.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Dahab Suusow”Golaha shacabka Qur’aan saarna uma baahno”

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Xildhibaan Dahab Suusow”Golaha shacabka Qur’aan saarna uma baahno”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye aadan Madoobe”Kulamada Baarlamaanka in uu kooram la’aan u baaqdo ma aqbali karno”

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} Gudoomiye aadan Madoobe”Kulamada Baarlamaanka in uu kooram la’aan u baaqdo ma aqbali karno”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Si Adag Uga Hadlay Xildhibaanada Aana Soo Xaadirin Kulnka Maanta

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen, kaddib markii xildhibaanno badan ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday kooram la’aanta uu maanta u baaqday kulanka, waxa uuna sheegay in ay ceeb ku tahay xildhibaannada in kulanka uu maanta iyaga dartood u baaqdo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaannada caadada ka dhigtay in kulamada iska baaqdaan, waxa uuna digniin adag hawada u mariyay xildhibaannada fasax la’aan isaga maqan kulamada golaha leeyahay.

“ Wax la aqbali karo ma aha in kulamada golaha kooram la’aan u baaqdaan, xildhibaannada kulamada ka maqnaadana waa la xisaabtameynaa “ ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo caro xooggan wajigiisa ka muuqatay.

{DAAWO MUUQAALKA} wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta gaaray Baaydhabo

0

Arbaco 10 julay 2024 {HMC} wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta gaaray Baaydhabo

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA

Maxeey Yihiin go’aanada la xiriira doorashada oo shaaciyeen Golaha Wasiirrada Somaliland?

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Fadhigii 130aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo qabsoomay maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 10-07-2024, kana soo hor maray wakhtigiisi oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil {Saylici}, ayaa lagu naaqishay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, Doorashooyinka, Difaaca , Caafimaadka, Diyaar garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxay war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeysteen wasiirka arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali {Gaafaadhi} oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda {Dengue fever} oo dalka ka jirtay muddooyinkii u danbeeyey, Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo golaha la wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta Kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Dhinaca kale goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa isu soo bahaysatay inay waxyeelleeyaan Qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay, shacbiga Somaliland-na waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Qarankaba.

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka Ciqaabta guud ee Somaliland ee uu yeelan doono dalku oo ay golaha keenneen Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.

{DHAGEYSO}Warka Duhurnimo ee Hiiranweyn {10\07\2024}

0

Arbaco 10 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Abdiyare

Farsamadii :: Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Ciidamada xoogga oo Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab Kawado Jubbaland

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saaka oo Arbaco ah howlgal dib u xoreyn ah ka wada deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno howlgalka oo ah mid qorsheysan ayey ciidamada ku baacsanayaan dagaallamayaal ku sugan deegaannada howlgalka ka socdo, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaasi ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ay saakay bilaabeen la sheegay in horudhac u yahqy howlgallo la doonayo in maalmahan kooxda Al Shabaab looga saaro degmooyinka Xagar iyo Jamaame iyo sidoo kale deegaanno kale oo kooxdaasi maamulaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa gobolka Jubbada Dhaxe, waxa ay sidoo kale kooxdaan maamushaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Jubbada Hoose, waana saldhigga ugu weyn Al Shabaab gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka dowladad Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaana dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-Xaaji oo fariisin muhiim u ahaa kooxdaasi, waxa ayna ciidamada hadda wadaan dhaqdhaaaqyo kale ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno hor leh.

Axmed Madoowe oo La Kulmay taliyaha howlgallada gaarka ah ee Bariga Afrika

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qaabilay taliyaha dowladda Maraaykanka u qaabilsan hawlgallada gaarka ah ee bariga Afrika, Kornayl David Haskell, kaas oo booqasho ku tagay Kismaayo.

Kulanka dhexmaray labada masuuul ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay dadaaladii ugu dambeeyay ee soo cusboonaaday ee ugu dambeeyay ee lagu guuleystay xoreynta degaano cusub oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ee Jubaland, waxaana ku boorrinay dowladda Mareykanka inay gacan ka siiso shacabka Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta,” ayuu madaxweyne Axmd Madoobe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Kornayl David Haskell uu bogaadiyay howlgallada lagu xoreeyay deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Jubbaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta.

Taliyaha Hay’ada Sirdoonka Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid ayaa kulan qeyb ka ahaa.

xaduuda dalalka Kenya iyo Uganda oo lagu dilay Dhalinyaro Soomaali ah

0

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sadax ruux oo Soomaali ah oo ka dhacay xaduuda ay wadagaan dalalka Kenya iyo Uganda.

Dilka sadaxdaan ruux ee Soomaalida ah iyo dhaawac 7 ruux oo kale ayaa waxaa geystay dad careysnaa oo dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed u adeegsaday Seefaf iyo budad.

Sadaxda ruux ee dhimatay iyo 7 kale ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in dhamaantood ahaayeen dhalinyaro wax ku baratay dalalka Uganda iyo Kenya, islamarkaana kusii jeedeen magaalada Kampala dalka Uganda.

“Dhalinyarada dhimatay iyo kuwa dhawaaca ah waxaa lagala dagay gaari ay sarnayeen, kadib markii ay ka lumeen wadada oo ay tageen tuulo rabshad ka jirtay, halkaas ayaana dad careysan dilka iyo dhaawaca ugu geystaan seefaf iyo budad ay ku hubeysnaayeen dadka careysnaa” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dalka weerarkaas ku dhintay.

Dhacdadaan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa keentay in Soomaalida u kala safarta labadaas dal lasoo daristo cabsi xoogan oo sababtay iney joogsadaan gaadiidkii Soomaalida ee u kala safri jiray dalalka Uganda iyo Kenya.

Ugu dambeyntii ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa madaxda dowladda Kenya ka codsaday in caddaalad u raadiyaan dadkooda sida xaqdarada ah loo dilay loona dhaawacay, iyagoo safar ahaa.