Home Blog Page 1588

Maxeey ka wada Hadleen Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro.?

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Muuse Biixi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay , waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo si qurux badana ugu wareejiyo xilka Madaxweynaha iyo qasriga uu hadda ku sugan yahay.

Magaalada Hargeysa waxaa hadda ka socota qaban qaabada munaasabad weyn uu xilka kula wareegi doono Madaxweynaha cusub ee maanulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliland ,waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.

 

NATO oo shir deg deg ah ka yeelatay gantaallada Ruushka ku Garaacay Ukraine

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Gaashaanbuurta NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine.

Hadallaga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk.

Fadhi uu yeelan lahaa baarlamaanka Ukraine ayaa shalay la baajiyay sababo dhinaca amniga ah oo xiriir la leh, gantaallada Ruushka.

Saraakiisha millatariga Dalka Ukrain ayaa sheegay in gantaalka lagu tijaabiyay magaalada Dnipro uu gaaray xawaare sare isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac.

Isaga oo Jimcihi la hadlayay saraakiil millatari, ayuu Putin sheegay, in ay billaabi doonaan waxsoosaarka hubka cusub ee ay Ukraine ku tijaabiyeen ee Oreshnik.

Wuxuu kaloo sheegay in ay sii wadi doonaan tijaabada gantaallada isla markaana ku ridi doonaan halka ay u arkaan in ay khatar kaga imaneyso.

{DAAWO MUQAALKA} Mid ka mid ah beelaha Jubbaland oo ka hortimid Qorshaha uu Wado Axmed Madoobe.

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Mid ka mid ah beelaha daga deegaanada Jubbaland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jubbaland inuu joojiyo arimaha doorashooyinka ee ka socda Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.11.2024}

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga Muxuu ka yiri doorashada Somaliland ?

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Turkiga Muxuu ka yiri doorashada Somaliland ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Axmed Madobe oo war kasoo saaray doorashada 25-ka bishan Kismaayo lagu qabanayo.

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Axmed Madobe oo war kasoo saaray doorashada 25-ka bishan Kismaayo lagu qabanayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Anigu Jubaland waa dhulkeyga, qaswade garab uma noqonayo” Cabdishakuur Sayid Cali

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Anigu Jubaland waa dhulkeyga, qaswade garab uma noqonayo” Cabdishakuur Sayid Cali

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Baladweyne Rag bam gacmeed ku tuuray Bar koontarool oo La qabtay.

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Baladweyne Rag bam gacmeed ku tuuray Bar koontarool oo La qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muqdisho CCTV Camera oo Duubay Askar ku dhax dagaalamay Dad Shacab ah.

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Muqdisho CCTV Camera oo Duubay Askar ku dhax dagaalamay Dad Shacab ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal Cusub oo Looga dhawaaqay Gobolka Gedo.

0

Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Howlgal Cusub oo Looga dhawaaqay Gobolka Gedo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA