Home Blog Page 1587

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.11.2024}

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Puntland oo degaanadeeda ka mannuucday isticmaalka Qamaarka 1XBET

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Puntland ayaa soo saartay wareegto rasmi ah oo lagu mamnuucayo adeegyada shirkadda khamaarka ee 1xBet iyo isticmaalka kaararka gaarka ah (Private Numbers) ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in adeegyada shirkadda 1xBet ay kasoo horjeedaan hab-dhaqanka bulshada iyo shuruucda Puntland, sidaas darteedna si buuxda looga mamnuucay dhammaan deegaannada maamulkaas.

Sidoo kale, shirkadaha isgaarsiinta ee Golis, Somtel, iyo Amtel ayaa lagu faray inay si degdeg ah uga shaqeeyaan hirgelinta awaamiirta ku cad wareegtadan. Waxaa lagu amray inay joojiyaan isticmaalka adeegsiga kaararka loo yaqaan Private Numbers, kuwaas oo loo arkay kuwo carqalad ku ah amniga.

Go’aankan ayay madaxtooyada Puntland ku sheegtay inuu qayb ka yahay dedaalka lagu xaqiijinayo ilaalinta hab-dhaqanka bulshada, xoojinta amniga, iyo u hoggaansanaanta sharciga.

Dhawaan ayay ahayd markii shirkadaha isgaarsiinta Puntland ay sheegeen in aysan awood u lahayn joojinta qamaarka 1XBET, iyagoo sheegay in aysan xakamayn karin.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan soo jeediyay in shirkadaha isgaarsiinta lagu qasbo inay hawada ka saaraan Apps-ka shirkadaha Qamaarka.

Turkiga oo Cabdiraxmaan Cirro ugu baaqay soo celinta midnimada soomaliyeed.

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” in uu soo celiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Cirro ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxweynaha ee dhacday 13-kii November, isaga oo helay in ka badan 64% codadka, taasi oo muujisay sida shacabka Somaliland ay qaati uga taagnaayeen hoggaanka Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay safaarada Turkiga ee Soomaaliya, ayaa marka hore Somaliland ugu hambalyeeyey qabashada doorashooyin dimoqraadi ah, iyada oo lagu sheegay in ay tusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dhaqangalinta dimoqraadiyada.

“Waxaan hambalyo diirran u diraynaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro guushiisa doorashada ee Somaliland. Hab-maamuuska nabdoon ee doorashadu ku qabsoontay wuxuu muujinayaa sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dhaqan-gelinta mabaadi’da dimuqraadiyadda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo in uu soo celiyo wadahadalada, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada “Waxaan rajeyneynaa in hoggaankiisa uu kor u qaado wada-hadalada, midnimada, iyo barwaaqada guud ee gobolka”.

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya mudada dheer ayaa istaagay horaantii sannadkan kadib markii ay xukuumada xilka kasii dagaysa ee Madaxweyne Biixi ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Itoobiya.

Labada dhinac ayaa sii kala fogaaday iyada oo ay Soomaaliya heshiiska ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in faa’iido badan aan laga helin wadahadalada, sii wadistooduna ay tahay wakhti lumis.

Turkiga ayaa marar badan isku dayey inuu isku soo dhoweeyo labada dhinac, balse illaa hadda kuma guuleysan. Hase yeeshee doorashada Cirro ayaa rajo cusub gelineysa wada-hadallada.

63 more Kenyans evacuated from Lebanon

0

Sunday Nov 24, 2024 {HMC} A total of 63 Kenyans were welcomed back home this week after being evacuated from Lebanon in a government-coordinated effort.

The arrivals took place at Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) on Thursday and Friday, with 40 individuals arriving on Thursday and another 23 on Friday.

The operation was led by a multi-agency team spearheaded by the State Department for Diaspora Affairs.

“The Department along with key partners such as the International Organization for Migration has been working round the clock to ensure the safety of Kenyans in Lebanon and facilitate their safe return home.”

This comes after a group of 39 Kenyans were also evacuated from Lebanon earlier this month.

The Kenyans who were evacuated had received counselling services from the multi-agency team before departing for Kenya.

“The 39 Kenyans were received at the Jomo Kenyatta International Airport by government officials led by officers from the State Department for Diaspora Affairs, family and friends.”

The government stated that it is focused on protecting the rights and welfare of Kenyans abroad.

“The government of Kenya, through collaboration with state and non-state actors, remains steadfast in its commitment to protecting the rights and welfare of its citizens abroad.

This includes not only facilitating evacuations but also providing necessary support to those in need,” the statement said.

The development comes as hostilities between Lebanon and Israel escalate as the Jewish state hunts down Hezbollah operatives inside Lebanon through ground and air operation that has left thousands dead and scores of others displaced.

Kenyans are being evacuated in batches and more are to be expected to arrive in the coming days.

The government said it will continue with efforts of bringing back home Kenyans who have expressed willingness to return.

More than 7,000 Kenyans are stranded in Lebanon and have already registered for evacuation.

The Government advises those considering traveling to Lebanon to reconsider, as it is currently unsafe.

SOURCE 


by EKISA ZABLON

{DAAWO MUQAALKA} Waa sidee xaalada qoska shaqaale ku geeriyooday boosaneer ay qodayeen Magaalada Baladweyne

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Waa sidee xaalada qoska shaqaale ku geeriyooday boosaneer ay qodayeen Magaalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DF oo war kasoo saartay tahriibinta dhaliyarada.

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} DF oo war kasoo saartay tahriibinta dhaliyarada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa la faray dhalinyarada magaalada Marka?

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Maxaa la faray dhalinyarada magaalada Marka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shaqsi Caan Ku Ah Ciyaarista Feerka Oo Lagu Helay Kiis Kufsi Ah

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Shaqsi Caan Ku Ah Ciyaarista Feerka Oo Lagu Helay Kiis Kufsi Ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Saldhig hawada sare ee ka dhisayo Soomaaliya.

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC}Turkiga oo Saldhig hawada sare ee ka dhisayo Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Baarlamaanka Federaalka oo war kasoo saaray doorashada Jubaland iyagoo taageray…..

0

Axad Nov 24, 2024 {HMC} Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray Madaxweynaha maanta Kismaayo lagu doortay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Senator ka tirsan Aqalka Sare.

Xildhibaanada ayaa caawa soo saaray bayaan wadajir ah oo ciwaan ay uga dhigeen, “BOGGAADIN MADAXWEYNAHA CUSUB, GUDDOONKA IYO GOLAHA WAKIILADA EE JUBBALAND.”

Qoraalka ka soo baxay xildhibaanadaas ayaa lagu yiri “Anagoo ah Xubnaha Xildhibaanada Labada gole ee ku metela Dowlad Goboleedka Jubblanad, waxaan soo dhoweyneynaa doorashada madaxweynaha dowlada Jubbaland ee la Doortay llyaas Bedel Gaboose, guddoonka iyo golaha wakiilada Jubbalad.”

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in tani ay tahay talaabo horay loo qaaday, isla markaana horumar u ah Jubbaland inuu ka dhaco isbedel siyaasadeed, kadib mudo dheer oo hoggaamka maamulkaas uu heystay Axmed Madoobe.

Xildhibaanada oo baaq u diray shacabka Jubbaland ayaa ka dalbaday in ay tageeraan Madaxweynaha la doortay ee Senator Ilyaas Bedel Gaboose.

“Waa in shacabku la garab istaago hiil iyo hoo maamulka cusub ee inoo curtay oo aan dhihi karno waa midkii dalka iyo dadka reer Jubbaland ee Soomaaliyeed ka samata bixin lahaa dhibaatada inagu habsatay ee 13 sano ka soo jirtay Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saareen xildhibaano heer federaal ah.

Dhinaca kale, Xildhihaanada oo qoraalkaan farriin ugu diray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday in taageero lagu siiyo maamulka uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbland, Ilyaas Gaboose Guddoonka iyo Baarlamaanka Jubbaland.

“Waxaan cambaareyneynaa falka foosha xun ee uu ku kacay saakay madaxweynihii hore ee xilku ka dhamaaday Axmed Madoobe oo weerar naf go’day oo lagu beegsaday Madaxweynaha cusub iyo siyaasiyiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada Jubbaland laga soo doorto ay soo saareen.

Ugu dambeyntii xildhibaanada soo saaray qoraalkaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee la doortay Ilyaas Bedel Gaboose, inuu ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka reer Jubbaland, soona dhiso Xukuumad loo dhanyahay oo ka shaqeysa horumarka, amniga gudaha iyo la dagaalanka argagixisada iyo dhuxusha.