Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Xukun toogasho ah oo lagu fuliyay eedeyane dilay Maamul Jaamacaded
{DAAWO MUQAALKA} Dagaal ka qarxay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Dagaal ka qarxay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Howlgallo ka dhan ah A.S oo ka bilaabay deegaannada waqooyiga degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Howlgallo ka dhan ah A.S oo ka bilaabay deegaannada waqooyiga degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Fataahada wabiga Shabeelle oo Saameeyey Beeraleeyda Baladweyne
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Fataahada wabiga Shabeelle oo Saameeyey Beeraleeyda Baladweyne
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Saraakiil ka tirsanaa AS oo duqayn lagu dilay.
Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen aagga degmada Sablaale ee gobolkaasi, iyada oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda AS.
Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Haawaay, xilli ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsan kooxda oo lagu laayay halkaasi.
Ugu yaraan 12 xubnood oo isugu jiro dagaalamayaal iyo saraakiil sar sare ayaa lagu dilay weerarkan dhanka cirka ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Saraakiisha howlgalkan lagu khaariyay waxaa kamid ahaa:
1.Abuu Yaasir Ama Abuu Saciid oo ka soo jeeda gobolada waqooyi wuxuna ahaa amiirka guud ee amniga dibadda ee ururka
2.Abdiladiif Abu Zubeer waxa uu ahaa sargaal Qayta tababarada ee AS haystay
3.Abuu Ayuub isaguna wuxu ahaa guddomiyaha deegaanka Haawaay.
Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana deegaanka la duqeeyay buux dhaafiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo isku geedaamay goobta ay duqeyntu ka dhacday.
Marar badan ayaa AS lagu duqeeyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana horay 2014-kii deegaanka xalay howlgalku ka dhacay lagu dilay hogaamiyihii hore ee kooxda.
{DAAWO MUQAALKA} Axmed Madoobe oo Kismaayo ku dhegsaday Boor uu ku muujineysayo musharraxnimadiisa
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Axmed Madoobe oo Kismaayo ku dhegsaday Boor uu ku muujineysayo musharraxnimadiisa
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Itoobiyaanka inaan magaalada ka saarno sharciyad ayey u baahan tahay”Duqa Degmada Garoowe”
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Itoobiyaanka inaan magaalada ka saarno sharciyad ayey u baahan tahay”Duqa Degmada Garoowe”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.11.2024}
Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Wax ka ogow qaar ka mid ah madaxdii ay hore waaranka ugu jartay maxkamadda ICC
Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Wax ka ogow qaar ka mid ah madaxdii ay hore waaranka ugu jartay maxkamadda ICC
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxwayne Xasan Sheekh oo booqasho kedis ah ku tegay suuqyada ganacsi ee Muqdisho.
Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho aan horay loo sii shaacin oo kadis ah ku tagay, qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo horumar ganacsi ee suuqyada caasimadda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaalla Isgoyska Taleex ee degmada Hodan.
Xasan Sheekh ayaa halkaas waqti kula soo qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha ganacsi ee uu caawa booqday.
Madaxweynaha ayaa ka yimid Hotel Jazeera oo caawa fiidkii hore uu kaga qeyb galay kulan duco loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo Isniintii lagu aasay Hargeysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ducada ah ayaa ka sheekeeyey sifooyinkii uu ka bartay Siilaanyo, maadaama ay dhowr mar kulmeen iyagoo ka wadahadlaya qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland.
“Dhowr mar ayaan kulanay Siilaanyo isagoo madaxweyne ah iyo anigoo madaxweyne ah teeramkii hore, maadaama aan isku arki jirnay wadamo shisheeye, waxaan kula kaftami jiray anigaa Hargeysa imaanayee Madaxweyne maad i marti waadid, marka wuxuu dhihi jiray waa la gaari doonaa maalinkeeda, waana laguugu marti qaadayaa Hargeysa ayuu i dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu sheegay in mar kasta uu talo ka sii jiray hoggaaminta dalka, maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed, “Mar kasta wuxuu na dhihi jiray war meelahaas saas iska yeela oo sidaas uga shaqeeya, wuxuu na sii jiray tilmaamo ku dhisan waayo aragnimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Siilaanyo uu madaxda dowladda federaalka uga mahadceli jiray, markii ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, “Markaan wadahadleyno anigu Adeer ayaan dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.



