Home Blog Page 1592

Puntland iyo Jubaland oo dacwad ka gudbiyey safiirka UK ee Soomaaliya.

0

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Odoyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyey safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, oo ay ku eedeeyeen inuu ku dhex-milmay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Odayaasha ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Warqadan ayaa ku eedeysay danjire Michael Nithavrianakis inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee safaaradda UK ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda UK in ay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay odayaashu u fasirteen in uu tixraac u yahay hoggaamiyeyaasha ama gobollada ka soo horjeeda qaabkiisa doorasho.

Odoyaasha ayaa ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Soomaaliya.

Waxay ka digeen in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni.

Odayaasha ayaa ku baaqaya in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto madax bannaanida dalka.

Waxay ku booriyeen dawladda UK inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya ama caqabad ku noqon karta safarka dheer ee qaranku ugu jiro xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.

Mdaxwayne Xasan Sheikh oo shaaciyey sidii ay Siilaanyo u wada shaqeyn jireen.

0

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay kulan duco ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Isniintii lagu aasay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ducada ah ayaa ka sheekeeyey sifooyinkii uu ka bartay Siilaanyo, maadaama ay dhowr mar kulmeen iyagoo ka wadahadlaya qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Dhowr mar ayaan kulanay Siilaanyo isagoo madaxweyne ah iyo anigoo madaxweyne ah teeramkii hore, maadaama aan isku arki jirnay wadamo shisheeye, waxaan kula kaftami jiray anigaa Hargeysa imaanayee Madaxweyne maad i marti waadid, marka wuxuu dhihi jiray waa la gaari doonaa maalinkeeda, waana laguugu marti qaadayaa Hargeysa ayuu i dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mar kasta uu talo ka sii jiray hoggaaminta dalka, maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed, “Mar kasta wuxuu na dhihi jiray war meelahaas saas iska yeela oo sidaas uga shaqeeya, wuxuu na sii jiray tilmaamo ku dhisan waayo aragnimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Siilaanyo uu madaxda dowladda federaalka uga mahadceli jiray, markii ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, “Markaan wadahadleyno anigu Adeer ayaan dhihi jiray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Siilaanyo uu ahaa hoggaamiye ku dayasho mudan, “dhaqankiisa, dabeecadihiisa iyo hoggaamintiisa waxay ahaayeen cajiib, in kastoo aan ku kala duwaneyn hoggaaminta labo dowladood oo Soomaaliya ka wadajirta, hadana wanaaga na dhex yaallay wuxuu ahaa mid heerkiisu sareeyo,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Siilaanyo, isagoo sheegay in dowladnimada Soomaaliya uu raad fiican uga tegay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Somaliland ugu hambalyeeyey doorashadii ay qabsadeen, “Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay walaalaheena waqooyiga Soomaaliya aan ku daysano wixii fiican waa la isaga daysadaahe,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka oo la isku dayayo in la hakiyo

0

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan.

Van Hollen ayaa Senate-ka u gudbiyay qaraar wadajir oo diidmo ah, halka Sara Jacobs oo sidoo kale Dimoqraadi ah, ay mid la mid ah u gudbisay Aqalka Wakiilada.

Dadaalkoodu uma badna inuu taageero weyn ka heli doono Congress-ka maadaama maamullada Mareykanka ee madaxweynayaasha labada xisbi ay muddo dheer u arkeen Imaaraadka inuu yahay saaxiib amniga gobolka oo muhiim ah. Hase yeeshee waxa uu dareenka kusoo jeedin doonaa dagaalka oo noqday mid ka mid ah musiibooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka.

“Imaaraadka waa saaxiib Bariga Dhexe oo muhiim ah, laakiin Maraykanka iskama fadhin karo isagoo taageeraya musiibada bani’aadannimo ee Suudaan – waa in aan isticmaalno awooddeena si aan isugu dayno in aan dagaalka u keeno xal nabadeed,” ayuu Van Hollen ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sharciga Maraykanku ayaa dhigaya in Congress-ka uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada hubka ee waaweyn, wuxuuna u ogolaanayaa xubnaha Senate-ka in ay khasbaan cod loo qaado go’aannada diidmada ee xannibaya iibka noocaas ah.

Inkasta oo sharciga aanu u ogolaanayn xubnaha aqalka wakiilada inay qasbaan codkan oo kale, haddana qaraarada waa in ay maraan labada aqal ee congress-ka, ayna ka bad-baadaan codka diidmada ee madaxweynaha, si ay u hirgalaan.

Ma jiro qaraar diidmo oo abid maray labada aqal, islamakraana ka bad-baaday codka diidmada ee madaxweynaha. Qaraarada noocan ah ayaa mararka qaar hoggaamiyey doodo kulul oo tusmeeyey walaalcyada la xiriira xuquuqda bani’aadannimada iyo qanacsanaan la’aanta sharci-dejiyayaasha ee iibka hubka.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ahaa iibsade hubka Mareykanka oo weyn. Bishii October, maamulka Biden wuxuu ku dhawaaqay, tusaale ahaan, inuu ansixiyay iibka suurtagalka ah ee gantaallada GMLRS iyo ATACMS oo ku kacaya $1.2 bilyan.

Qaraarkan cusub ayaa isku dayaya in la joojiyo iibkaas.

Madaxweyne Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sanadkan u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib gaashaandhig oo weyn, waxaana dowladda Khaliijka ay martigelisaa saldhigga ciidamada cirka Al Dhafra oo ay isticmaalaan diyaaradaha militariga Mareykanka iyo kumanaan askari oo Mareykan ah.

Ciidamada Sudan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero ku siiyeen Jabhadda Dacmu Sariic dagaalka Sudan ee 17-ka bil socda.

Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaasi. Kormeerayaasha cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedaymaha ah in Imaaraadku uu taageero millatari u fidiyay Dacmu Sariic kuwo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka ayaa April 2023 ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo Dacmu Sariic, wuxuuna ka dhashay muran la xiriira qabashada doorasho xor ah, waxaana ku dhintay kumanaan qof.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in qiyaastii 25 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, ayada oo qarka loo saaran yahay macluul, halka 8 milyan ay ka qaxeen guryahooda.

NATO iyo Ukraine oo shir deg deg ah ka yeelanaya gantaallada Ruushka

0

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Gaashaanbuurta NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine.

Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk.

Fadhi uu yeelan lahaa baarlamaanka Ukraine ayaa shalay la baajiyay sababo dhinaca amniga ah oo xiriir la leh, gantaallada Ruushka.

Saraakiisha millatariga Ukrain ayaa sheegay in gantaalka lagu tijaabiyay magaalada Dnipro uu gaaray xawaare sare isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac.

Isaga oo Jimcihi la hadlayay saraakiil millatari, ayuu Putin sheegay, in ay billaabi doonaan waxsoosaarka hubka cusub ee ay Ukraine ku tijaabiyeen ee Oreshnik. Wuxuu kaloo sheegay in ay sii wadi doonaan tijaabada gantaallada isla markaana ku ridi doonaan halka ay u arkaan in ay khatar kaga imaneyso.

359 Milyan oo ruux ayaa ka barakacday saameynta ka dhalatay Cimillada.

0

Jimco 22, Nov 2024 {HMC}  Xog baaris lagu sameeyay saameynta taban ee isbaddelka Cimillada ka dhalatay laga soo billaabo sanadkii 2008 ayaa marba marka ka dambeysa sii kordheysa iyada oo aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray yareynta waxyaabaha sababa xaaladdaan.

Koox katirsan Teleefishinka Aljazeera oo kaashanaya khubarro kale ayaa xog baaristooda ku ogaaday in dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda isbaddelka cimillada ay barakiciyeen Dad gaaraya 359 Milyan oo ruux.

Intooda badan Dadka barakacay ee cimilladu saameysay waxa ay ku nool yihiin Dadkaas Qaaradda Aasiya gaar ahaan Shiinaha, Hindiya, Bakistaan & Dalal kale oo dhammaantood daadad ku rogmaday dad badan ka dileen.

Afrika qudheeda waxa ugu weyn ee saameynta taban kasoo gaarto waa daadadka roobka, fatahaadaha Webiyada, Harooyinka iyo abaarta oo dhulka ka dhigta mid qalalan oo aan daaq ka heleyn Xoolaha Dadkaas ay dhaqdaan.

Maamulka Madaxweyne Trump oo loo diyaariyay dhul lagu hayn karo Tahriibayaasha Wadankaas gala

0

Jimco 22, Nov 2024 {HMC}  Maamulka Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay dhul baaxaddiisu dhan tahay 1,400 acre oo ku yaalla Xadka Maraykanka uu la wadaago Dalka Maksiko si looga dhiso goobaha lagu heyn karo tahriibayaasha ka booda Xuduudda gidaarka ah ee Dalalkaas ay wadaagaan.

Xafiiska guud ee Dhulalka Texas ayaa xaanshi uu soosaaray waxa uu si kal iyo laab ah usoo dhabeeyay go’aanka lagu xakameynayo soogalootiga xad dhaafka noqday sanadihii u dambeeyay ee uu wado Madaxweynaha Dooran ee Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo Aqalka Cad u guuri doonna marka la gaaro 21ka Janaayo 2025 ayaa sii diyaarsaday guddi gaar ah oo dhaqangeliya ballanqaadkii uu kusoo ololeeyay ugana guuleystay Kamala Harris ee ah in dalkiisa ka celin doonno tahriibayaasha gidaarka kasoo booda.

Muhaajiriinta  darbiga xuduudda ah ka booday waxaa kamid ah Soomaali iyo muwaadiniin kale oo u kala dhashay Dalal kala duwan, waxaa socda qorshe ay wadaan Xildhibaanno ay kamid tahay Ilhaan Cumar oo ay ku diidayaan sida loo beegsan karo soogalootiga.

Mr Donald Trump iskaba dhaafee kuwa soo galaya Dalkaas waxaa cabsi xooggan ka muujinaya kuwii horay u booday ee qaarkood weli xabsiga ku jira iyo qaar kale oo Booliiska looga daayay damaanad, waxa ay weli sugayaan sharciga Dalkaas.

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku dhegsaday Boorar uu ku muujineysayo musharraxnimadiisa.

0

Jimco 22, Nov 2024 {HMC}  Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ugu cadcad doorashada lagu muransan yahay ee 25ka Bishaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhegsaday boor uu ku muujinayo hal ku dhigga ololahiisa.

Waddooyinka Magaalada Kismaayo waxaa lagu arkayaa boorka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo lagu qoray hal ku dhigga sanadkaan uu ku ololeynayo ee ah “Karti Dowladeed & Karaamo Shacab”.

Dowladda Soomaaliya ayaa kahor timid Doorashada ka socota Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay kahor imaaneyso heshiiskii uu saxiixay Axmed Madoobe ee dhigayay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Geesta kale Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa sare loo qaaday, waxaana socda howlgallo baaritaanno ah oo sameynayaan ciidamada daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas, Gaadiidka ayaa meelaha qaar laga mamnuucay ilaa inta Doorashadu kasoo idlaaneyso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.11.2024}

Jimco 22, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Arab countries welcome ICC arrest warrants for Netanyahu, Gallant

0

Friday Nov 22, 2024 {HMC} Arab countries welcomed the decision by the International Criminal Court (ICC) to formally issue arrest warrants Thursday for Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu and former Defense Minister Yoav Gallant.

The Iraqi government “values the courageous and just stance taken by the International Criminal Court in issuing arrest warrants against the head of the Zionist entity’s government and its former defense minister,” government spokesperson Basim al-Awadi said in a statement.

“This historic decision affirms that no matter how much oppression persists and tries to prevail, justice and truth will confront it and prevent it from dominating the world,” he added.

Al-Awadi described the decision as “a vindication for the blood of the innocent and martyrs who perished during the criminal (genocidal) war waged by the Zionist entity for more than a year against Gaza and Lebanon.”

He reiterated his country’s demand for an end to the Israeli onslaught and urged “all free nations to implement this decision by bringing the accused to the competent courts to hold them accountable for their blatant violations against humanity.”

Jordanian Foreign Minister Ayman Safadi said the ICC’s decision “must be respected and implemented without selectivity.”

“This is a pivotal moment that requires immediate and effective international action to halt the Israeli aggression on Gaza,” Safadi added during a press conference with European Union foreign policy chief Josep Borrell.

The court’s decision is “a message to the entire international community emphasizing the necessity of stopping the massacres against the Palestinian people,” he added.

Algeria also praised the ICC’s verdict, describing it as “an important step and a tangible advancement toward ending decades of impunity and the evasion of accountability and punishment by the Israeli occupation.”

It emphasized that “the Israeli occupation has perpetrated crimes against the Palestinian people and against all the countries and peoples of the region.”

Israel has launched a genocidal war on the Gaza Strip following a cross-border attack by the Palestinian group Hamas in October last year, killing more than 44,000 people, most of them women and children, and injuring over 104,000.

The second year of genocide in Gaza has drawn growing international condemnation, with officials and institutions labeling the attacks and blocking of aid deliveries as a deliberate attempt to destroy a population.​​​​​​​

The ICC announced in a landmark move Thursday that it issued arrest warrants for Netanyahu and Gallant for war crimes and crimes against humanity in Gaza.

The court’s Pre-Trial Chamber I said it “issued warrants of arrest for two individuals, Mr. Benjamin Netanyahu and Mr. Yoav Gallant, for crimes against humanity and war crimes committed from at least 8 October 2023 until at least 20 May 2024, the day the Prosecution filed the applications for warrants of arrest.”

“The Chamber considered that there are reasonable grounds to believe that both individuals intentionally and knowingly deprived the civilian population in Gaza of objects indispensable to their survival, including food, water and medicine and medical supplies as well as fuel and electricity,” the decision said.

Israel also faces a genocide case at the International Court of Justice for its deadly war on Gaza.

SOURCE Rania Abu Shamala

Somalia celebrates Teachers’ Day with plans to recruit 10,000 educators

0

Friday Nov 22, 2024 {HMC}  Somali government leaders celebrated Teachers’ Day in Mogadishu on Tuesday, highlighting progress in education while acknowledging ongoing challenges in rebuilding the sector.

 

President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre commended teachers for their critical role in nation-building, emphasizing government initiatives to address a severe teacher shortage and improve school infrastructure.

 

“Teachers mould the future of our society, while soldiers defend it today,” President Mohamud said, drawing attention to their interconnected contributions to the country’s progress and stability.

The President emphasized that 6,000 educators have been hired as part of a broader plan to employ 10,000 nationwide. While acknowledging the continued need for additional resources, he described these efforts as crucial to strengthening the education system.

 

Prime Minister Barre underlined the government’s commitment to prioritizing education in conflict-affected regions. Recent initiatives include rebuilding schools and ensuring security for teachers and students in areas previously controlled by militants.

 

“Through education, teachers are rebuilding our nation and giving hope to future generations,” Barre stated.

 

The government’s teacher recruitment drives reflect Somalia’s determination to address its acute educator shortage. Earlier this year, the Ministry of Education announced plans to hire 3,000 teachers, receiving over 26,000 applications.

 

State Minister of Education Nuura Mustaf Mukhtaar stressed the importance of gender inclusivity in recruitment, with 30% of positions reserved for women. “Female educators are essential to fostering inclusive education and inspiring the next generation of Somali girls,” Mukhtaar said.

 

The initiative builds on a 2023 recruitment drive that added 3,000 teachers to the workforce. A significant increase in the education budget—quadrupled to $34 million—has supported these efforts. However, critics argue that funding remains insufficient, with UNICEF estimating that 3 million Somali children are still out of school due to poverty, insecurity, and inadequate infrastructure.

 

Despite these advancements, Somalia’s education sector faces persistent challenges. Many schools remain damaged or inaccessible, particularly in rural areas. Prime Minister Barre previously spotlighted the collaboration between security forces and education authorities as critical to reclaiming and rebuilding these facilities.