Home Blog Page 1594

{DAAWO MUQAALKA} Wiil Dhalinyaro ah oo Baladweyne ku Sameeyay Warshad Casri ah.

0

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} Wiil Dhalinyaro ah oo Baladweyne ku Sameeyay Warshad Casri ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Israiil oo qorsheyneyso in ay saldhig milateri ka ka dhigtaan Somaliland

0

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} Israiil oo qorsheyneyso in ay saldhig milateri ka ka dhigtaan Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Goob sanadwaliba biyaha ay kasoo fatahaan wabiga dhaxmara baladweyne oo cabsi laga muujiyay

0

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} Goob sanadwaliba biyaha ay kasoo fatahaan wabiga dhaxmara baladweyne oo cabsi laga muujiyay

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} In ka badan 420,000 oo qof oo ku barokacay Soomaaliya 10 bilood gudahood

0

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} In ka badan 420,000 oo qof oo ku barokacay Soomaaliya 10 bilood gudahood

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Talooyin Muhiim u ah Dadka Macaanka qabo iyo sida looga Hortagikaro

0

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} Talooyin Muhiim u ah Dadka Macaanka qabo iyo sida looga Hortagikaro

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweyne Putin oo u digay reer galbeedka

Jimco 22, Nov 2024 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa isna dhankiisa sheegay, in adeegsiga Ruushka ee gantaalkan cusub uu ahaa mid xaaladda dagaal uga sii daraysa.

Khamiistii shalay ahayd, Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka.

Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka.

Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK.

Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka, isagoo sheegay inay tahay habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.

Dad shiico u badan oo lagu laayay dalka Pakistan

Jimco 22, Nov 2024 {HMC} Ku dhowaad 41 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen 200 oo qof, kaas oo marayay meel ka baxsan magaalooyinka dalka Pakistan.

Gawaarida ayaa la weeraray xilli ay isaga kala gooshayeen degmada ay ka dhacaan dagaallada qabaa’ilka ee Kurram ee dalka Pakistan, oo u dhow xadka Afghanistan, sida uu sheegay ku xigeenka taliyaha booliiska.

Ragga hubeysan ayaa markii hore beegsaday kolonyada ay booliisku galbinayeen. Booliiska ayaa difaacayay kolonyada kadib bilooyin ay dagaallo ka socdeen degmada ayna dad badan ku dhinteen.

Booliiska ayaa sheegay in ilaa 41 qof lagu dilay weerarkan iyado 16 kalena uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Nadeem Aslam Chaudhry, oo ah madaxa gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka uu ahaa mid weyn isla markaana laga yaabo I tirade dhimashada ay intaa ka badato.

Rakaabka qaar oo iyaga iyo carruurtooda kuraasta gawaarida hoos galay ayaa sheegay inay ka baqayeen in la dilo.

Faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa weli isa soo tareysa, balse Javed Mullah Mehsud, oo ka tirsan maamulka degmada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ilaa 10 weeraryahan ay ku lug lahaayeen weerarkan.

Inta badan rakaabka ku safrayay deegaanka buuralleyda ah ayaa ahaa Shiico.

Qabaa’illada kala taabacsan Sunniga iyo shiicada ayaa sanadkan dhexdiisa ay isku dhacyo badan dhex mareen. Colaad hore oo ka dhex taagneyd ayaa waxaa soo afjaray guddi qabaa’il oo ku baaqya xabbad-joojin.

Haddana bishii lasoo dhaacay ayaa weerar kale lala beegsaday gawaari marayay deegaan gobolka ka tirsan waxaana ku dhintay 15 qof.

Si kastaba Kurram oo ku taalla waqooyi-galbeed Pakistan, ayaa waxay xad la leedahay gobollo badan oo Afghanistan ka tirsan kuwaas oo hoy u ah kooxaha kasoo horjeeda shiicada, oo ay ku jiraan kooxda isku magacowday dowladda islaamka iyo Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP).

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.11.2024}

Jimco 22, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahmaan Macalin

Farsamadii :: Muse Ali

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dowlada Mareykanka oo Dacwad ku soo oogay qofka 25-aad ee ugu taajirsan caalamka

Jimco Nov 22, 2024 {HMC} New York — Shirkadda Adani Group ee India ayaa Khamiista maanta ah “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.

Diidmada xooggan ayaa timid kadib markii saamiyada shirkaddan ay hoos u dhaceen in ka badan 23 boqolkiiba suuqa saamiyada ee Mumbai, maalin kadib markii dacwad-oogayaasha New York ay ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u marin habaabiyay maal-gashadayaasha caalamiga ah.

Adani oo mar ahaa ninka labaad ee ugu taajirsan adduunka, waxa uu saaxiib dhow la yahay Ra’iisal Wasaaraha aamisan sarreynta Hinduuga ee Narendra Modi, waxaana dadka dhaleeceeya ay in badan ku eedeeynayeen in uu si khaldan uga faa’iidaysto xiriirkooda.

“Eedeymaha Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka iyo Guddiga SEC ay u soo jeediyeen agaasimayaasha Adani Group waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo la beeniyey,” ayay shirkaddu ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Dhammaan dariiqyada sharci ee suurtagalka ah ayaa la raadin doonaa,” ayay raacisay.

Hase yeeshee hogaamiyaha xisbiga mucaaradka India ee Congress Party Rahul Gandhi ayaa sheegay in ganacsatada ay tahay in xabsiga la dhigo.

“Waxaan dalbaneynaa in Adani si deg deg ah loo xiro, laakiin waxaan ognahay in taasi aysan dhici doonin maadaama Modi uu ilaalinayo,” Gandhi ayaa sidaas suxufiyiinta u sheegay New Delhi.

“Modi ficil ma sameyn karo xitaa haddii uu rabo, sababtoo ah waxaa maamula Adani.”

Dacwad-oogista Arbacadii ayaa ku eedaysay Adani iyo qaar badan oo ka hoos shaqeeyaa inay bixiyeen lacag ka badan $250 milyan oo laaluush ah oo ay siiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda India, si loo helo qandaraasyo faa’iido badan leh oo la xiriira tamarta qoraxda.

Heshiisyada waxaa la saadaaliyay in ay soo saari doonaan in ka badan $2 bilyan oo faa’iido ah qiyaastii 20 sano gudahood.

Ma jiro mid ka mid ah eedeysanayaasha lagu magacaabay kiiska oo illaa hadda xabsi la dhigay.

Adani iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Adani Group “waxay ka been sheegeen khiyaanada laaluushka iyagoo doonayey inay raasamaal ka helaan maal-gashadayaasha Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri xeer-ilaaliye Maraykan ah Breon Peace.

Sagar Adani, oo uu adeer u yahay Guatam Adani, islamarkaana xubin ka ah shirkadda, kaasi oo sidoo kale lagu magacaabay dacwad-oogista, ayaa u sheegay AFP bishii October in “uusan jirin xiriir siyaasadeed” oo ka dhexeeya Adani Group iyo xukuumadda Modi.

“Dhammaan mashaariicda aan helnay kuma aynan helin tanaasul, balse waxaa loo maray nidaam gorgorton oo madax-banaan oo hufan,” ayuu yiri.

Dowladda Modi ayaan wali ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse afhayeen u hadlay xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) Amit Malviya ayaa sheegay in eedeymahan ay u muuqdaan kuwo dhaawacaya xisbiyada mucaaradka, ee aanay shaqo ku lahayn xisbigiisa.

Shirkadda Adani ayaa lumisay $150 bilyan oo ka mid ah qiimaheeda 2023-kii kadib markii shirkad Mareykan ah Hindenburg Research ay ku eedeysay “khiyaano shirkadeed oo cad.”

Waxa ay sheegtay in Adani ay ku hawlanayd “wax isdaba marin iyo nidaam khiyaano xisaabaad ah muddo tobanaan sano ah”.

Gautam Adani ayaa beeniyay eedeymaha Hindenburg wuxuuna ku tilmaamay warbixinteeda “isku day ula kac ah” oo lagu dhaawacayo sumcadda shirkaddiisa.

Waxa uu lumiyey in ka badan $60 bilyan oo qiimaha hantidiisa ah muddo laba toddobaad gudahood ah kadib markii la baahiyey warbixinta, waxaana hadda uu Liiska Forbes ka yahay qofka 25-aad ee ugu taajirsan caalamka.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Ciro muxuu ka yiri is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.?

0

Khamiis Nov 21, 2024 {HMC}  Mid ka mdi ah qoddobadii ugu waaweynaa intii lagu jiray ololaha doorashada Somaliland waxa ka mid ahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen bishii December ee sannadkii hore. Is-afgaradku wuxuu u ogolaanayaa Itoobiya inay Somaliland ka kireysato xeeb dhererkeedu yahay 20 KM si ay u isticmaasho marin badeed iyo ganacsi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA