Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Maxkamadeynta koox la qabtay iyagoo Kululeyso ku wata qarax Miino. waxaa maanta la hor keenay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.
{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Golaha wakiilada Baarlamaanka 3-aad ee Jubaland
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Golaha wakiilada Baarlamaanka 3-aad ee Jubaland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Musharax Ismaaciil Cabdi Keerow ayaa xildhibaanada Codsaday in ay u Doortaan Gudoomiyaha
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Musharax Ismaaciil Cabdi Keerow ayaa xildhibaanada Codsaday in ay u Doortaan Gudoomiyaha
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Musharax G.Golaha Wakilada Jubaland Cabdi Maxamed oo ka Codsaday Xildhibanada in markale ay doortaan
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Musharax G.Golaha Wakilada Jubaland Cabdi Maxamed oo ka Codsaday Xildhibanada in markale ay doortaan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dad hadii la rabo in la dumiyo Macalinkaa La xumeeyaa” Madaxweyne Xasan Shiikh
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Dad hadii la rabo in la dumiyo Macalinkaa La xumeeyaa” Madaxweyne Xasan Shiikh
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxeey yihiin Maraakiibta Cusub ee uu turkiga u so diray Soomaaliya?
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Maxeey yihiin Maraakiibta Cusub ee uu turkiga u so diray Soomaaliya?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dil lagu fuliyay Sakariye Asad faarax oo horey ugu dilay AUN Cabdullahi khaliif faarax.
Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Dil lagu fuliyay Sakariye Asad faarax oo horey ugu dilay AUN Cabdullahi khaliif faarax.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Ciro siduu u arkaa heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.?
Khamiis Nov 21, 2024 {HMC} Mid ka mdi ah qoddobadii ugu waaweynaa intii lagu jiray ololaha doorashada Somaliland waxa ka mid ahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen bishii December ee sannadkii hore. Is-afgaradku wuxuu u ogolaanayaa Itoobiya inay Somaliland ka kireysato xeeb dhererkeedu yahay 20 KM si ay u isticmaasho marin badeed iyo ganacsi.
Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, sida ay sheegeen masuuliyiinta Hargeysa. Geesta kale, dawladda Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday inay ogolaatay in Somaliland qeyb laga siiyo saami qaybsiga shirkadda diyaaradda Itoobiya, isla markaana “mawqif adag laga qaato” qadiyadda aqoonsiga dal ahaan.
Inkastoo la sheegay in heshiiska is-afgaradka ah loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo bil gudaheed ah marka ay labada dal kala saxiixdaan; ayaa hadana sannad ku dhowdahay kadib markii la saxiixay.
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland ee dhawaanla doortay Cabdiraxmaan Maxamed xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada; Wuxuu sheegay in xisbigiisa uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska.
Inkastoo madaxweynaha la doortay uusan waligiis diidin heshiiksa MOU, haddana marka uu ka hadlayo wuxuu adeegsadaa erayo diblomaasiyadeed.
Afhayeenka xisbiga Waddani Maxamuud Aadam oo ay BBC-du waydiisay sida xisbiga madaxweynaha la doortay uu u arko heshiiska ayaa sheegay. “Xitaa doorashada ka hor, mawqifkayagu waa sidiisii, wuuna sii ahaanayaa,” ayuu yiri, isaga oo sharraxaya in fikradda dib u eegista heshiiska aysan waxba iska bedelin.
Afhayeenka waxa uu ku dhawaaqay in xisbigiisu aanu faallo ka bixin Karin kana hadli karin heshiiska is-afgaradka ah ee ay Itoobiya la saxeexdeen wakhtigan.
Maxamuud waxa uu ku sababeeyeen arintaas “Heshiiska oo aan loo soo bandhigin Xisbiga intii hawsha lagu guda jiray” iyo in “Xisbigu aanu dib u eegis ku samayn heshiiskaas wixii ka dambeeyay”.
Afhayeenka ayaa sheegay “Guud ahaan, si kastaba ha ahaatee, waanu soo dhawaynaynaa wada shaqayn kasta oo cadaalad iyo faa’iido ku jirto oo aan la yeelano deriskeena.
Gaar ahaan Itoobiya waxay ahayd saaxiib weyn sannadihii la soo dhaafay ayuu yiri. Marka aan xafiiska la wareegno, waxa aan qiimayn doonaa wixii ay xukuumaddii hore qabatay,” ayuu ku jawaabay.
Maxamuud waxa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay kala yeesheen xukuumadda Somaliland oo ay la socdaan. “Inta ay og yihiin,” ayuu xusay in xisbigoodu uusan wax wadahadal ah la yeelan Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, xisbigu, sida xisbiyada kale ee xukunka haya, waxa uu mudnaan siin doonaa dadaallada lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland dal ahaan, ayuu yiri afhayeenku.
Waxa uu sheegay in xisbigoodu uu aaminsan yahay inay jirto “dacwad adag” oo ku saabsan Somaliland in loo aqoonsado dal.
Afhayeenka ayaa sheegay “Xisbiga Waddani ahaan; Madaxweynaha la doortay iyo xukuumadda uu soo dhisi doono muddo gaaban gudaheed ay ku dadaali doonaan sidii ay riyadaasi u noqon lahayd mid dhab ah, si loo helo aqoonsi ay ka helaan beesha caalamka.
Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayaa la filayaa inuu xafiiska la wareego bartamaha bisha December.
XIGASHO BBC
Ruushka oo Gantaalada qaaradaha isaga gudba ku weeraray Ukraine.
Khamiis Nov 21, 2024 {HMC} Gantaalkii ugu horreeyey ee ay Russia dirto oo ah midka qaaradaha iskaga kala goosha (ICBM) ayaa lagu weeraray Ukraine.
Gantaallada noocan ah waxaa lagu rakibaa madaxyada Nuclear-ka ah iyo mar lagu rakibo kuwo caadi ah. Waxaa laga riday gobolka Astrakhan oo Russian Federation ka tirsan saaka oo khamiis ah.
Waa markii ugu horraysay oo Gantaallada noocan ah la isticmaalo waligeed. Waxaa la Bar-tilmaameedsaday xarumo ganacsi, iyo dhismayaal muhiim ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Dnipro oo Ukraine ah. 33 bilood oo uu socdo dagaalka Ukraine, waa markii ugu horraysay ee la isticmaalo.
Faahfaahinta khasaaraha gantaalku gaystay, ayaa laga sugayaa Ukraine inay sheegto. Gantaallada noocan ah, waxay jari karaan kumannaan kilometer, waxayna gaari karaan dalalka Yurub iyo Mareykanka.



