Home Blog Page 1601

{DAAWO MUQAALKA} Shirkad weyn oo shaqo usoo bandhigtay wiil toddoba jir ah oo adduunka ka yaabsaday

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Shirkad weyn oo shaqo usoo bandhigtay wiil toddoba jir ah oo adduunka ka yaabsaday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshaha Trump ee milatari u adeegsan doono tarxiilka dadka sharci la’aanta ah?

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Qorshaha Trump ee milatari u adeegsan doono tarxiilka dadka sharci la’aanta ah?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ogoow dhowr arrimood oo horyaalla madaxwaynaha la doortay ee Somaliland?

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC}Ogoow dhowr arrimood oo horyaalla madaxwaynaha la doortay ee Somaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

R/W KHAYRE oo ka hadlay xildhibaanada cusub ee Maamulka Jubbaland.

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si weyn u taageeray arrin uu diiday xilligii uu ahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda, taas oo la xiriirta doorashooyinka Jubbaland.

Khayre ayaa soo dhaweeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo shalay lagu dhaariyey magaalada Kismaayo, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ugu baaqay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan horumarka Jubbaland.

“Dowlad-Goboleedka Jubaland ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shuruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Jubbaland” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in soo xulista xildhibaannada Jubbaland ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka oo horay ay uga jirtay hubanti la’aan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray maamullada kale ee dalka oo uu ugu baaqay inay deg-deg u qabtaan doorashooyinka, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.

“Dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland waa tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo hubanti la’aan ku jiray. Waxaana madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqayaa in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbanneeyay dowlad-goboleedyad” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo ahaa ra’iisul wasaarihii koowaad ee dowladdii Farmaajo ayaa lagu xusuustaa sida ay uga biyo diideen doorashadii 2019-kii ee Jubbaland oo ay ku qaadeen dagaal culus oo gaaray heer ay ciidamo kula wareegaan gobolka Gedo ee maamulkaasi.

Arrinta ihadda sbeddalka keentay ayaa ah in maanta Khayre iyo Farmaajo ay yihiin mucaarad, kana soo horjeedan madaxweyne Xasan oo isna xilligaas taageero u ahaa Axmed Madoobe, balse maanta diidan doorashadii Jubbaland ee uu shalay la dhacsanaa.

Kenya will not fail, it will succeed – President Ruto.

0

Wednesday 20, Nov 2024 {HMC} President William Ruto has delivered a resolute message about Kenya’s future, promising that the nation would achieve success and overcome its challenges.

The President assured Kenyans that the government is united in its mission to drive the country forward.

He spoke during the signing of the FY 2024/2025 ministerial performance contracts at State House, Nairobi.

“I promise you, we will confound the naysayers. This country will not fail, it will succeed. The enemies of Kenya will be put to shame,” Ruto declared, highlighting his administration’s commitment to Kenya’s prosperity.

“This great nation that God has given us will succeed, we are going to take this country forward. I am persuaded, and I am very clear and focused on making sure that, together with all of us working as leaders in the Republic of Kenya, we will succeed.”

Ruto explained that these contracts define the government’s “solemn bond to fulfil these commitments” and emphasized that accountability and measurable progress are central to the government’s development goals.

“Our performance contract with citizens was formalised upon the inauguration of this administration in our commitments under the Bottom-Up Economic Transformation of Kenya,” he said.

“This plan embodies our commitment to addressing critical priorities, including reducing the cost of living, managing inflation, creating jobs, eradicating hunger, enhancing food production and productivity, expanding the tax base, and improving foreign exchange balances.”

Performance contracting, he said, arises from our recognition of the need for a structured mechanism to transform Kenya, subjecting each of our actions to objective benchmarks to evaluate progress.

With the contracts signed by Cabinet Secretaries and PSs, Ruto outlined that the performance measures would ensure the effective use of public resources to meet citizens’ expectations and constitutional mandates.

He expressed confidence that this accountability framework would keep the government focused on improving the quality of life for all Kenyans.

The President underscored his administration’s collective commitment to addressing the nation’s challenges with resilience and integrity.

SOURCE 


By CELINE MOKEIRA

Sheikh Shariif oo war kasoo saaray xildhibaannada lasoo xulay ee Jubaland.

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif hoggaamiyo oo war ka soo saaray doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada Jubbaland oo galabta liiskooda lagu dhawaaqay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Baarlamaanka 3-aad ee Jubaland, waxaana warkaan lagu bogaadiyey guddiga doorashooyinka maamulkaas.

“Sida uu qabo godobka 120-aad ee Dastuurka KMG ah, Dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee maamullada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada, sidaa awgeed Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u hogaansamaan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri warkaan uu soo saaray Xisbiga Sheekh Shariif.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kula dardaarmayaa Baarlamaanka Jubaland in ay xilkoodu u gutaan sida sharciga uu qabo oo ay danta Jubaland ku jirto.”

Shacabka reer Jubaland ayaa loogu baaqay inay ilaashadaan nidaamkooda, amnigooda iyo wadajirkooda.

Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland ayaa qoraal ka soo saaray doorashadaan, war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland ayaa hambalyo loogu diray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland.

“Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeynaya tallaabadan muhiimka ah ee ay qaadeen Dawladda Jubbaland, waxaana rajaynaynaa inay si guul leh u gudan doonaan masuuliyadaha culus ee loo dhaariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo dhameystiran:

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu kaloo ku rajo weyn yahay in Xildhibaannadani ay ka shaqeyn doonaan sidii doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Jubbaland ay ugu dhammaan lahaayeen si nabad ah, hufan, oo guul leh, waafaqsana dastuurka Dawladda Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, wuxuu yiri:

“Waxaa annigoo ku hadlaya Afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hambalyeynayaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Jubbaland. Tallaabadani waxay muujineysaa guul laga gaaray Hanaanka hirgalinta nidaamka Federaalka, kaas oo dhigayaa in Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay masuul ka yihiin Arrimohoda gudaha. Waxaan rajeynayaa inay si hufan oo mas uuliyad leh uga shaqeyn doonaan horumarinta iyo daryeelka shacabka Jubbaland, iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waddooyinka nabadda iyo horumarka.”

Mudane Guddoomiye Cabdirisaq Axmed Siciid wuxuu sidoo kale si gaar ah u mahadceliyay Odayaasha Dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Jubbaland, kuwaas oo si wanaagsan u gutay waajibaaadkooda soona xulay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada, iyadoo loo maraaayo hanaanka dooorasho iyo dastuuur ee Juballand.

Golaha Wakiillada Puntland wuxuu EEBBE uga baryeynaa in Xildhibaanada cusub ay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Jubbaland, ayna ka shaqeeyaan sidii ay gobolka ugu horseedi lahaayeen horumar, nabad, iyo xasilooni waarta.

 

 

Ilhaan Cumar oo ka hortimid qorshaha uu damacsan yaha Donald Trump.

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa wacad ku martay in ay ka hor iman doonto qorshayaasha Trump ee ku aaddan dadka soo galootiga ah, oo Soomaali badan ay ku jiraan.

Waxay sheegtay in ay la dagaallami doonaan qorshayaasha Trump uu doonayo inuu fuliyo

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook waxay tallaabada Trump ku tilmaamtay “Shisheeye nacayb iyo mid naxariis darro ah islamarkaana aan Ameerika laga oggolaan”.

“Waxaan la dagaallami doonaa tallaabo kasta oo jidka ku soo jirta” ayay inta aku dartay.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump uu bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in uu qorsheynayo in uu isticmaalo militariga Mareykanka si uu u fuliyo musaafurinta dadka sharci la’aanta ku soo galay Mareykanka.

Isniintii, waxa uu bartiisa kusoo qoray “TRUE!!! (waa run) isaga oo ka jawaabayay faallooyinka muxaafidka ee ah in Trump uu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran oo uu isticmaalo hantida milatari si uu u hoggaamiyo “barnaamijka masaafurinta ballaaran”.

Xilligii ololihii doorashada, Trump wuxuu si isdaba joog ah u ballan qaaday inuu abaabuli doono Ilaalada Qaranka si ay u caawiyaan laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE), oo ah wakaaladda federaalka ee u xilsaaran fulinta masaafurinta.

Hadalkan u dambeeyay ee Trump ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan su’aalaha ku saabsan sida uu u dhaqan-galin doono ballan-qaadkiisii ahaa in uu fulin doono masaafurintii ugu ballaarneyd ee taariikhda Mareykanka.

Wuxuu ku celceliyay in uu bilaabayo masaafurinta maalinta ugu horreysa ee xafiiska, taas oo noqon doonta 20-ka Janaayo 2025.

Laakiin xitaa haddii maamulka Maraykanku uu awoodo inuu si sharci ah ugu dhaqaaqo qorshayaashan, mas’uuliyiintu wali waa inay la daalaa-dhacaan caqabado dhanka saadka iyo tisiilaadka oo aad u weyn.

Tusaale ahaan, khubarradu waxay shaki ka muujinayaan in ICE 20,000 oo wakiil iyo shaqaalaha taageerada ay ku filnaan karaan raadinta iyo musaafurinta malaayiinta muhaajiriinta sharcidarada ku jooga dalka.

Waxaa sidoo kale jiri doona kharashaad lacageed oo weyn oo loo baahnaan doono, laakiin Trump ayaa dhawaan u sheegay NBC News in tani aysan joojin doonin dadaalka maamulkiisa.

Qoraalka Trump ayaa imaanaya isagoo sii wada inuu ku dhawaaqo magacaabista jagooyinka muhiimka ah ee maamulkiisa.

Trump ayaa dhowr ka mid ah xulufadiisa daacadda u ah u magacaabay jagooyin sare oo ay ka mid tahay mas’uulka kormeeraya siyaasadda socdaalka iyo masaafurinta, oo ay ku jiraan Kristi Noem oo loo magacaabay inuu hoggaamiyo Waaxda Amniga Gudaha, iyo madaxii hore ee ICE Tom Homan oo Trump uu u magacaabay arri,maha xudduudaha.

Kooxda Trump ayaa ilaa hadda soo saartay faahfaahin yar oo ku saabsan sida qorshahan musaafurinta dadka sharci darada ku jooga Mareykanka loo fulin doono.

Waxa uu horey u sheegay inuu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran, taasoo awood u siineysa inuu ciidamo geeyo xuddduuda Mareykanka.

Caqabadaha sharciga ee ka hor imaan kara
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo aan buurneyn tan iyo 2005tii.

Badankoodu dadka waa kuwa muddo dheer halkaas ku sugnaa – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.

Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la tarxiilin. tira badan oo la musaafuriyo in ay mashquul noqdaan islamarkana la abuuro maxkamada badan oo ah kuwa dhageysta kiisaska socdaalka.

Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ayaa soo saaray sharci xaddidaya wada shaqaynta booliiska deegaanka ee Ice.

Trump waxa uu ballan-qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono “magaalooyinkan”, laakiin hannaanka Ameerika ee dhanka sharciyada maxalliga ah, gobolka iyo federaalka ayaa sii adkeynaya arrinta.

Kathleen Bush-Joseph, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee fadhigeedu yahay Washington, , ayaa sheegtay in wada-shaqeynta Ice iyo saraakiisha maxalliga ah ay noqon doonto “mid muhiim ah” barnaamij kasta oo masaafurin ah.

Barnaamij kasta oo masaafurin wadareed ah sidoo kale waxay u badan tahay in isla markiiba uu la kulmo caqabado sharci oo badan oo ka imanaya socdaalka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

kooxaha burcadda ah oo Tobnaan qof ku dilay dalka Haiti.

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} In ka badan 20 qof oo looga shakisanyahay in ay xubno ka yihiin kooxaha burcadda ah ayaa Talaadadi shalay lagu dilay caasimadda dalka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Haiti, kaddib marki ay dadka rayidka ah ku biireen ciidanka booliska si ay isaga caabiyaan weerar ay kooxaha shuftada ah ku qaadeen deegaan kaabiga ku haya magaalada Port-au-Prince.

Xaafadda Petion-Ville ayaa la xiray Talaadadii, iyadoo dadka deegaanka ay jareen waddooyinka, isla markaana ka codsaday dadka aan ka soo jeedin aaggaas inay guryahooda ku ekaadaan. Dadka ayaa ku hubeysnaa budad iyo baangado si ay deegaanka uga ilaaliyaan mooryaanta.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu arkay ugu yaraan meydadka 25 qof oo yaalla xaafadaha Delmas, Canape Vert iyo Petion-Ville, halkaas oo dadka deegaanka deegaanka ay dab qabadsiinayeen meydadka.
Afhayeenka booliska Haiti Lionel Lazarre ayaa Reuters u sheegay in ugu yaraan 30 ka mid ah burcadda la dhaawacay shalay.

Tan iyo bishi April, Haiti waxaa sii xoogeysanayay dhaqdhaqaaq u eg kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka isaga caabinayaan kooxaha burcadda ah ee xoogga ku qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee Haiti.

Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in ugu yaraan 149 kiis oo la xiriira iska caabinta shacabka laga diiwaangeliyay inti u dhaxeysay bilishi June iyo September ee sannadkaan.

Ukraine oo Ruushka ku ridday gantaallada Mareykanka

0

Arbaco 20, Nov 2024 {HMC} Ukraine ayaa Talaadadi shalay marki ugu horreysay Ruushka ku ridday dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaas oo ka mid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine, iyadoo tallaabadaasi lagu beegay maalinti kunaad ee kasoo wareegatay billowga dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Adeegsiga gantaallada loo yaqaanno ATACMS, ayaa yimid xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si rasmi ah hoos ugu dhigay marinka isticmaalka hubka niyukleerka, taas oo albaabada u fureysa suurtagalnimada jawaab ay Moscow ka bixiso weerar kasta oo yimaada quwadaha ku hubeysan niyukleerka ee taageera Ukraine.

Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaallada, hase yeeshee gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba ka mida. Sarkaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu wali qiimaynayo khasaaraha dagaalka, balse waxa uu sheegay in gantaaladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka.

Adeegsiga gantaalladaasi ee Ukraine ayaa laga cabsi qabaa in ay sii huriso xiisadda u dhaxeysa Ruushka, iyo xulufada galbeedka ee taageera Ukraine.

Putin approves changes to Russia’s nuclear doctrine.

0

Tuesday 19 Nov, 2024  {HMC} Vladimir Putin has approved changes to Russia’s nuclear doctrine, setting out new conditions under which the country would consider using its arsenal.

The doctrine now says an attack from a non-nuclear state, if backed by a nuclear power, will be treated as a joint assault on Russia.

The update was proposed in September and rubber stamped on Tuesday, the 1,000th day of the war with Ukraine.

It also follows Washington’s decision on Monday to allow Ukraine to fire long-range US missiles into Russia.

Under the changes, a large attack on Russia with conventional missiles, drones or aircraft could meet the criteria for a nuclear response, as could an attack on Belarus or any critical threat to Russia’s sovereignty.

Any aggression against Russia by a state which is a member of a coalition would be seen by Moscow as aggression from the whole group.

The updates expand the number of countries and coalitions, and the kinds of military threats, subject to a possible nuclear response, according to state-run news agency Tass.

Putin has threatened the use of nuclear weapons before, and Ukraine has criticised it as “nuclear sabre-rattling” to deter its allies from providing further support.

But Russian Foreign Minister Sergey Lavrov said “we strongly are in favour of doing everything to not allow nuclear war to happen”.

Speaking at a press conference at the G20 summit in Rio de Janeiro, Mr Lavrov said a declaration signed by the group, which includes Russia “clearly said we want to move towards a world free of nuclear weapons”.

Announcing the change, the Kremlin urged other countries to study the changes.

“This is a very important text,” Kremlin spokesperson Dmitry Peskov said, according to Tass, adding “it should become a subject to a very deep analysis”.

On Monday, Russia warned of “an appropriate and tangible” response to US President Joe Biden’s move to let Ukraine use ATACMS missiles to strike the country.

Such an attack inside Russian territory “would represent the direct involvement of the United States and its satellites in hostilities against Russia”, a foreign ministry statement said.

Mr Peskov said on Tuesday that the new doctrine was published “in a timely manner” and that Putin had requested it be updated earlier this year so that it was “in line with the current situation”, AP reported.

SOURCE BBC