Home Blog Page 1608

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.11.2024}

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ciidmada Dowlada oo Howlgalo Qorsheeysan ka Fuliyay Baladweyne.

0

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada ayaa howgalo lagu xaqiijinayo Amaanka waxaa ay ka sameeyen Xaafadaha Magaalada Baladweyne, Howlgalkan ayaa timid kadib markii ay dhaceeyn dilal iyo dhac loo geeystay Bulshada ku nool Xaafadaha Magaalada.

Howlgalkan waxaa iska kaashaday Ciidamada Booliska,Nabadsugida iyo Kuwa xooga dalka Soomaaliya. Labada xaafadood ee Howlgalka ugu badan laga Sameeyay ayaa kala ah Xaafada Xaawo taako iyo Buunda-weyn.

Saraakiisha Ciidamada ee Howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in Ciidamada inta howlgalka socday lagu soo qabtay Dhalinyaro badan oo Hubeeysan kuwaas oo dhac ka waday Xaafadaha Magaalada . Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay dad dilal iyo dhawac geeystay oo xogtooda la haayay.

Sidoo kale Dhamaan dadka dhaca iyo dilalka geeystay ee lasoo xiray ayey Saraakisha sheekeyn in la horgeeyn doono Maxkamadaha Magaalada ku yaala, Amaan shacabka magaalada ayey ugu baaqeeyn in laga shaqeeyi Ciidamada dowlada ee howlgalka waday.

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa mudooyinkii dambo aad u xumaa, waxaana Magaalada lagu dilay dhalinyaro darawaliin ah iyo kuwa kale oo dhaca Bajaajta lagu dhawacay. dhamaan Ciidamada Amaanka ayaa sheegay in lagu guuleeystay in arintan xal deg deg loo helo.

Xildhibaan Amiin Jeesow oo sheegay in ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2.

0

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay qorshaha doorasho ee uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu shalay baarlamaanka marsaday sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, kaas oo ujeedkiisu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.

Qorshahan iyo tallaabadan baarlamaanka uu qaaday ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay “mid dhabaha u xaaraya muddo kororsi sharci darro ah” oo uu damacsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee ka horyimid qorshahan ayaa sheegay in hadii ay sidaan wax kusii socdaan ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2.

Xildhibaan Jeesow oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa caddeeyay in aan sanadka cusub lagu qaban karin doorashooyinka qof iyo cod ee maamullada oo ay dowladda dhexe dooneyso inay ka qabato dowlad-goboleedyada, si hoggaanka maamullada loo soo doorto.

Sidoo kale wuxuu uga digay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu dalka u horseedo colaad hor leh, si arimahaasi looga fogaadana weli la haysto fursad looga fikiri karo hanaan doorasho oo aan aheyn midka qof iyo cod.

Heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran oo ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa muddo kordhin hal sano ah loogu sameeyay dowlad-gboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Go’aannada shirkaan oo uu qaadacay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u qabsan lahaa doorasho uu kusoo laabto, isagoo guddi doorasho oo uu magacaabay u muddeeyay in 25-ka bishan November ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada maamulka.

Wasiir FIQI oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxa cusub ee…

0

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga madaxa cusub ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda Manuel lagaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, ayadoo kadib ay labada masuul yeesheen kulankan gaar ah.

Kulanka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madaxa cusub ee IOM ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha.

Xaruntan ayaa waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay AS.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga dhow ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM), si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Ruushka oo duqeyn ku dilay 10 qof oo udhashay Ukraine.

0

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Adeegga gargaarka deg degga ee Ukraine ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof oo ay laba carruur ah ku jireen, lagu dilay 52 kalana kaddib marki ay ciidamada Ruushka xalay madaafiic ku garaaceen gobolka Sumu ee waqooyibari ee dalka Ukraine.

Madaxa maamulka millatari ee gobolka Sumy, Volodymyr Artyukh ayaa sheegay in madaafiicdu ku dhacday guri weyn oo ka kooban 9 dabaq, kaas oo ay ku noolaayeen boqollaal qof oo u badan qoysas.

Laanta Adeegga Degdegga ee Ukraine ayaa bayaan ay soo dhigtay barta Telegram ku sheegtay, in shaqaalaheed agurmadka ay wali wadaan daad-gureynta dadka ku noolaa guriga la duqeeyay.

Waxay sheegeen in ilaa iyo hadda laga soo badbaadiyay aaggaasi in ka badan 400 oo ruux.

Tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine iyo Ruushka billowgi sannadki 2022-ki, kumannaan qof ayaa lagu dilay colaadda, kuwaas oo u badan dadka Ukraine kasoo jeeda.

Dhanka kale, Axaddii shalay, madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay oggolaaday in ciidamada Ukraine ay ku duqeyn karaan Ruushka gantaallada riddada dheer ee uu Maraykanku geeyay Ukraine, arrintan oo ku timid kaddib olole ballaaran oo ay sameeyeen saraakiisha Ukraine.

Hubka ayaa loo badinayaa in loo adeegsan doono jawaabta go’aanka Kuuriyada Waqooyi ay ugu dirtay kumannaan askari Ruushka, si ay u taageeraan Moscow, gaar ahaan gobolka Kursk oo ciidamada Ukraine weerareen xagaagi aanu kasoo gudubnay.

Isra’il oo dishay afhayeenkii Xisbullah

0

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi.

Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah.

Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza.

FESOJ concluded training20 young journalists in Jowhar city, Hirshabelle State

0

Mogadishu Sunday, November 17, 2024: Twenty young journalists have completed a two- day training workshop on improving their professional skills in Jowhar city , the capital city of Hirshabelle Regional State of Somalia from 14th to 15th November 2024.

 

The capacity building training, conducted by the Federation of Somali Journalist (FESOJ) was held at Beder Hotel in Jowhar city. Twenty journalists, including female journalists, mainly young newly employed designated from various media outlets in Jowhar city were the key participants of the two – day training workshop.

 

The young media journalists in Jowhar city who has not attended similar training in the last few years has been given the chance to be trained on the key topics, significant for the media focusing on: Journalism ethics, gender sensitive reporting, conflict sensitive reporting, how to make the various types of interviews, news and the value of the listeners, use of social media, – roles and critiques and combating disinformation.

 

“FESOJ will continue to increase the knowledge of young journalists to improve their work.” Abadir Abdulqadir Elmi, Chairperson of FESOJ said in his opening remarks.

 

He stated the previously young journalists trained has achieved significant change in respect of improving their professional skills.

 

On his part, Abdishakur Shaashaa, Deputy Minister of Information of Hirshabelle State emphasized the importance of the training for the new journalists in the media gain knowledge of journalism to make their work much easier.

 

Halima Mohamed Abukar , female journalists with Radio Jowhar and Mohamed Ali Abukar working with Hirshabelle State participating in the training pointed out both are expecting their work will change a lot and they promised to put into practice the knowledge they have gained.

Abadir Abdulqadir Elmi, Chairperson of FESOJ officially closing the training workshop appreciated the trainees for their active participation and for showing interest and desire to improve their knowledge on professional journalism.

 

The training workshop for the young journalists is part of a series of capacity building program activities funded by the EU, supported by Free Press Unlimited (FPU) and implemented by FESOJ in cooperation with VIKES.

Maxeey ka wada Hadleen Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha.?

0

Axad 17,Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo Sabtidi shalay ku kumay magaalada Lima ee dalka Peru, ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada lagu maareynayo xafiiltanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Labada masuul ayaa Lima uga qeybgalaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee Lima, Peru.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah “kan ugu muhiimsan” adduunka, ayuu yiri Biden, isaga oo ku nuux-nuuxsaday mas’uuliyadda labada hoggaamiye ee ah in aan loo oggolaan in tartanka uu galo colaad.

“Wadahadalladani waxay ka hortagayaan xisaab-xumo,” ayuu Biden ka yiri kulanka. Wuxuu intaasi ku daray in “Afartii sano ee la soo dhaafay, ay xaqiijiyeen suurtagalnimada in xiriir la yeesho.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa isna muujiyay dareen la mid ah, isaga oo sheegay in labada waddan “ay tahay in ay maskaxda ku hayaan danta adduunka oo dhan oo ay ku duraan hubanti iyo tamar wanaagsan oo dunidaan qalalaasaha badan.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa hadda ah labada waddan ee ugu awoodda badan dhaqaalo ahaan iyo milatari ahaan dunida.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.11.2024}

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda Denmark oo ka falcelisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Axad 17,Nov 2024 {HMC} Sida ay Ilo-wareedyo xilkas ah u xaqiijiyeen warbaahinta , Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa isweydaarsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu safiirka Denmark ku sheegay dal madax banaan Somaliland xili uu magaalada Hargeysa toddobaadkan uu uga qeybgalyey kormeer doorashooyinka Somaliland, taasoo walaac ku abuurtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u aragtay inay liddi ku tahay gobonnimada wadanka .

Isweydaarsigan ayaa daba socday warqad uu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u diray safiirka Denmark, oo uu ugu yeeray danjiraheeda si wax looga weydiiyo tallaabooyinka ay dhibsatay dowaldda federaalka.

Dowladda Wadanka Denmark ayaa qoraalkeeda ku muujisay raalli-gelin horudhac ah iyo inay ka garowday gefka diblumaasigeeda, iyadoo aqoonsan xasaasiyadda arrimaha la xiriira hadalka safiirkooda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in safiirka Denmark uu talaadada soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya si loo wadahadlo loona faahfaahiyo arrinta.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu xoojinayo wadahadallada furan, laguna caddeeyo mowqifyada labada dhinac si loo adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Ahmed Moalim Fiqi Wasiirka arimaha Dibadda ayaa shalay sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan safiirka Danishka oo meel uga dhacay qaranimada dalka sida u yiri.