Home Blog Page 1612

Ottawa police bust nets cousins of officers suing force

0

Sunday 17,Nov ,2024 {HMC}  Ottawa police have charged the “gang-affiliated” cousins of two of their own officers who are suing the force for wiretapping them and their families, alleging the accused were at the top of one of three drug trafficking networks.

Police allege Bayle Khandid, 31, and Bile Khandid, 33, headed and ran cocaine for the ring respectively. The two brothers are listed among 17 people facing 149 criminal charges as a result of “Project Champion,” an 18-month investigation targeting organized crime and narcotics networks operating in Ottawa.

According to police sources, Bayle and Bile Khandid are the same people named in the police wiretapping lawsuit.

Chief Eric Stubbs was adamant Thursday that the results of the investigation targeting two cousins of officers suing the force in a landmark $2.5-million lawsuit — announced on the heels of a significant budget request and days before a coroner’s inquest into the death of Abdirahman Abdi — was unrelated to anything but the logistics of the investigation.

“This is an independent project based on an accumulation of intelligence, evidence and information that led us to go down this path 18 months ago,” Stubbs told reporters Thursday. “It’s independent of absolutely everything…. There’s a time where you have to act and you have to arrest, and that’s exactly what we did.”

In the lawsuit, filed against the force in 2023 and discovered by CBC this summer, five Somali officers allege the Ottawa Police Service (OPS) racially discriminated against them and illegally wiretapped them and their family members in 2021. No court has ruled that any of those police interceptions was unlawful.

Stubbs wouldn’t discuss any potential internal fallout over the arrests, nor any impact to the investigation resulting from the knowledge that the Khandid brothers were main targets.

“We’re not going to go into details about any difficulties or any turns or twists that we had in this project. That’s something if anything would get revealed in a court process or a trial,” he said.

Indeed, court processes have revealed some of these challenges.

Police operations targeted same individuals
Project Champion appears to have targeted some of the same individuals as 2021’s “Project Game.”

According to court documents previously obtained and reported on by CBC, the never publicized Project Game was focused on historical unsolved homicides, primarily two killings in 2018.

Ottawa police announced that first project in April 2021 as a “task force” reviewing nearly two dozen unsolved homicides, just five days after securing judicial authorization to intercept the private communications of multiple targets including a man named Yasin Mohamed, now charged as a member of the Khandid ring.

During the task force investigation, police appealed to the public for help solving cold cases and highlighted only the evidentiary shortcomings in the 2018 slayings of Tarek Dakhil and Yonis Barkhadle, suggesting those were cases of interest to investigators.

No charges against Mohamed were laid in connection to the project, but his then fiancée, a judge’s clerk at the time of the secret wiretap investigation in which Mohamed was a target, discovered through viewing confidential court paperwork that their private communications were being intercepted by police.

According to court documents, “following the disclosure of the wiretap, the communications intercepted … largely came to an end,” and the homicides remained unsolved. Still, no murder charges have been laid from either project.

Egypt supports efforts for swift ceasefire in Sudan.

0

Sunday 17,Nov ,2024 {HMC} Egypt’s Minister of Foreign Affairs, Emigration and Egyptian Expatriates Badr Abdelatty reaffirmed Egypt’s commitment to supporting efforts for a swift ceasefire, a political resolution, and stability in Sudan, alongside ensuring the delivery of humanitarian aid.

Abdelatty was meeting with Annette Weber, the EU Special Representative for the Horn of Africa on Saturday, on the sidelines of the Sir Bani Yas Forum in the UAE.

The discussion focused on the situation in Sudan, emphasizing the importance of a ceasefire to achieve a comprehensive political solution and ensure humanitarian assistance reaches those in need.

The two sides also exchanged views on various issues in the Horn of Africa, addressing its escalating tensions and challenges, as well as developments in Somalia.

Abdelatty underscored Egypt’s dedication to fostering stability in Somalia by supporting its state institutions, emphasizing the importance of respecting Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity.

He called for international efforts to assist the Somali government in achieving security, combating terrorism, and asserting its authority across the country.

Both sides expressed a shared commitment to maintaining coordination and consultation on mutual concerns in addition to working together to enhance security and stability in the region.

Source Hiiraan Online

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.11.2024}

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xiliga ay dhacayso Doorashada Axmed Madoobe oo la shaaciyay.

0

Axad 17,Nov 2024 {HMC} Xiliga ay dhacayso Doorashada Axmed Madoobe oo la shaaciyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Laga Diiwaan Galiyay feerkii cuslaa ee Tyson iyo Paul?

0

Axad 17,Nov 2024 {HMC} Maxaa Laga Diiwaan Galiyay feerkii cuslaa ee Tyson iyo Paul?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Dowladda Soomaliya kadib arrintii……….

0

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay caadaysatay ku tumashada dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla, islamarkaana aysan wax la-tashi ah u ogolayn Dowlad Goboleedyada dalka.

“DFS waxay caadaysatay ku tumashada Dastuurka, xeerarka kale ee dalka u yaala iyo latashi la’aanta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Somaaliya ee arrimaha masiiriga ah ee taabanaya masiirka ummada Soomaaliyeed,” ayay Jubaland ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay mar kale caddaysay in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka oo ay ku tilmaantay kuwa ee sharci-darro ah oo aan heshiis lagu aheyn oo Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo, iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn.

“Dawladda Jubaland waxay mar kale cadeeynaysaa in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka ee sharci darada ah ee aan heshiiska lagu aheyn ee Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn,” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Jubaland.

“Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah ‘loo joojin mayo’ oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo hada sii xoogaysanaysa.”

Jubaland waxay sidoo kale ayaan darro ku tilmaaantay in Madaxda DFS ay dhegaha ka fureysteen baaqyada iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo Bulashada Somaliyeed, iyagoo ay u cadaha waxa ay rabaan oo kaliya oo ah in labada Aqal ee Baarlamaanka ay marsadaan xeerar iyo habraacyo aan loo dhamayn.

Madaxweyne Farmaajo oo si adag ugu horyimid tallaabadii uu qaaday golaha shacabka.

0

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulul ugu jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xukuumadda uu hoggaamiyo iyo baarlamaanka dalka, isagoo ka soo horjeestay xeerka lagu dhisayo guddiga doorashooyinka dalka ee maanta baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey.

“Waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay in la sii fogeeyey dowlad goboleedyada qaar, iyadoo ay dhinac uga baxeen arrimaha socda xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna Farmaajo farriin culus u diray guddoonka Baarlamaanka dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Farmaajo:

Tallaabada uu maanta qaaday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ansixinta sharci darrada ah ee xeerka lagu sheegay dhisidda Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha waxa ay sii fogaynaysaa xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Isku-milanka labada hay’adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey.

Haddaba, annaga oo tixraacayna waaqaca siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara sharciyo, guddiyo iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ka dhalanaya qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan xasuusinaynaa muhiimadda ay leedahay in ay joojiyaan ka qayb-qaadashada isku dayga hirgelinta hindiseyaasha ku saleysan danaha gaarka ah ee wiiqaya dowladnimada iyo dib u kabashada dalka, door hoggaamineedna ay ka qaataan ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.

Jadwalka doorashada Jubaland oo la soo saaray.

0

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Guddiga doorashada Jubbaland ayaa xalay soo saaray jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka caawa soo baxay.

18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland.

20-ka bisha ayaa la shaaciyey in la qabanayo codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, isla markaana la gudagalo doorashada.

21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan.

Ugu dambeyntii 25-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taasi oo ka dhigan in 9 cisho kadib la dooranayo Madaxweynaha Jubbaland ee 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka.

Xiisad culus oo ka dhalatay doorashadaan ayaa ka dhextaagan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana suurtagal ah in xiisadaan ay gaarto gacan ka hadal.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha oo ku kulmay dalka Peru.

0

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo Sabtidi shalay ku kumay magaalada Lima ee dalka Peru, ayaa ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada lagu maareynayo xafiiltanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Labada masuul ayaa Lima uga qeybgalaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee Lima, Peru.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah “kan ugu muhiimsan” adduunka, ayuu yiri Biden, isaga oo ku nuux-nuuxsaday mas’uuliyadda labada hoggaamiye ee ah in aan loo oggolaan in tartanka uu galo colaad.

“Wadahadalladani waxay ka hortagayaan xisaab-xumo,” ayuu Biden ka yiri kulanka. Wuxuu intaasi ku daray in “Afartii sano ee la soo dhaafay, ay xaqiijiyeen suurtagalnimada in xiriir la yeesho.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa isna muujiyay dareen la mid ah, isaga oo sheegay in labada waddan “ay tahay in ay maskaxda ku hayaan danta adduunka oo dhan oo ay ku duraan hubanti iyo tamar wanaagsan oo dunidaan qalalaasaha badan.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa hadda ah labada waddan ee ugu awoodda badan dhaqaalo ahaan iyo milatari ahaan dunida.

In ka badan 10 qof oo lagu dilay Gaza

0

Axad 17- Nov-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay in ciidamada Isra’il ay Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, isla markaana ay dhaawaceen 20 kale gudaha Iskuul ay ku noolaayeen dad barakac ah oo ku taala Gaza.

Saraakiishu waxay sheegeen, in iskuulka ay Qaramada Midoobay maamusho ee Abu Assiic laga wado howlo gurmad ah oo looga soo daad gureynayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Isra’il oo ku saabsan dadka rayidka ah ee halkaasi lagu laayay.

Laakin milatariga Isra’il waxay sheegeen in laba madfac oo laga soo tuuray waqooyiga Gaza lagu burburiyay hawada Isra’il. Taasi ayaa muujineysa, awoodda ay wali kooxaha dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee Gaza ay u leeyihiin in ay madaafiic ku tuuraan Isra’il, kaddib 13 bil oo ay dagaallo xoog leh ka socdaan Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa barakiciyay inka badan 2 milyan oo ruux, halka lagu dilay in ka badan 43 kun oo Falastiinyiin ah.