Jimco 15,Nov 2024 {HMC} Maxaa ka taqanaa halka ay Reer Baladweyne u Dalxiis tagaan ?
{DAAWO MUQAALKA} Mucjiso Lagu Arkay Deegaan Hoostaga Gobolka Hiiraan Iyo Dood Kadhalatay
Jimco 15,Nov 2024 {HMC} Mucjiso Lagu Arkay Deegaan Hoostaga Gobolka Hiiraan Iyo Dood Kadhalatay
{DAAWO MUQAALKA} Shirkadda leh Facebook oo lagu ganaaxay $846 Milyan
Jimco15,Nov 2024 {HMC} Shirkadda leh Facebook oo lagu ganaaxay $846 Milyan
{DAAWO MUQAALKA} Dadkeenu waxay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah
Jimco 15,Nov 2024 {HMC}Dadkeenu waxay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah
Dowlada Somalia oo hirgelineysa Adeega Nidaamka Digniinta Deg Dega ah
jimco 15- November-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa ka hadashay madasha UNCC ee COP29, iyadoo iftiimisay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada digniinta deg degga ah si Soomaaliya ay uga sii gaashaamato saameynta isbedelka cimilada.
Wasiirka ayaa tilmaantay dadaalka dowladda ee dhismaha nidaam isku dhafan oo siiya bulshada macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku habboon, si loo yareeyo saamaynta fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira.
Wasiir Khadiija ayaa xustay in adeegsiga saadaasha cimilada heer qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabadaha cimilada.
Nidaamkan digniinta deg degga ah ayaa ah mid isku xira xogta deegaanka iyo aqoonta bulshada, taas oo suuragelinaysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsanayo aalado sahlan sida moobilka iyo raadiyaha.
Gebagebadii, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay taageeraan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamyada digniinta deg-degga ah, iyada oo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadan uu horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.15.2024}
jimco 15- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Wakiilka Xisbiga Waddani U Jooga Xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.
Jimco15,Nov 2024 {HMC} Wakiilka Xisbiga Waddani U Jooga Xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.
Tirinta Codadka Doorashada Maamulka Somaliland oo la soo gebagebeeyey
Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tirinta codadka doorashada madaxtinimada iyo tan xisbiyada ee Somaliland, iyada oo wararka hordhaca ah ee aan ka soo xiganay ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in loo badinayo inuu guuleystay Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka tartankii xisbinimadana la sadaalinayo in uu xisbigiisa Waddani kaalinta koobaad ku soo baxo.
Macluumaadka aan helnay waxa ay sheegayaan:
Goobaha guud ahaan laga codeeyay waa 2337 goobood
Qiyaasta codadka la kala helay waxa ay muujinayaan in Cirro uu tartanka Madaxtinimada ugu guuleysan karo 68-70%, halka uu Muuse Biixi ka heli karo 30-32%
Tartanka Xisbiyada waxaa loo badinayaa in uu Wadddani ku soo baxo kaalinta koobaad ee xisbul xaakimka, Ururka Kaah oo xisbi noqdayna uu labaad geli doono, halka xisbigii talada hayay ee Kulmiye uu kaalinta saddexaad u soo degi doono isaga oo booska kala baxaya xisbiga UCID
Faysal Cali Waraabe ayaa la saadalinayaa in uu wax ka yar 1% codadka tartanka madaxtnimada kala huleeli doono saaxada siyaasadda oo ay isaga iyo xisbigiisii UCID sagootin doonaan kaddib sannado badan oo ay raadinayeen guul aanan rabin
Codad gaaraya 90 kun oo goballada Bariga yaalla ayaa hadda hubin yar ku harsan tahay, waxa ayna wax ka beddeli karaan natiijada tartanka xisbiyada, gaar ahaan wixii ka soo hara xisbiga Kulmiye ayaa rajo fiican ka qabi kara codadkaas
Goballada Bari oo ay ku xoogganaayeen isbahaysiga Xisbiga Waddani iyo Ururka Kaah ayaa ka qeybgalka codbixinta ugu horreeya, dadkii ugu badnaa ayaana ka codeeyay. Goballada Galbeedka oo uu Xisbiga Kulmiye ku tashanayayna waxaa la sheegayaa in tiradii la filayay in ay codbixinta u soo baxaan ay hoos u dhacday in ku dhaw 50%. Arrintaas ayaa qeyb ka noqotay arrimaha go’aamiyay natiijooyinka ay kala heleen xisbiyada iyo musharraxiintu.
Goballada ay codbixiyayaasha badani joogeen ee Bariga waxaa yaraa tirada Muuse iyo xisbigiisa Kulmiye ka heleen. Laakiin goballada Galbeedka oo codbixiyayaashoodu ay yaraayeen waxaa intii soo baxday kala qeybsaday Kulmiye oo goballadaas ku tashanayay iyo xisbiiyadii kale oo uu Waddani ku jiro
Xogtan waxaa laga helay barnaamijyo telefoonnada ku shaqeeya oo ay xisbiyadu si hordhac ah ugu wadaagayeen codadka goobaha doorashooyinka. Waxaase xusid mudan in Guddiga Doorashadu ay xalay warbaahinta u sheegeen in natiijada rasmiga ah ay noqonayso tan ay iyagu soo saaraan.
Sida aan wararka ku helayno, waxaa la filayaa in ay guddigu natiijada hordhaca ah ku dhawaaqaan ka dib marka codadka la isugu soo uruuriyo caasimadda Hargeysa si tirada guud loogu gudbiyo Maxkamadda Sare, taas oo qeyb ka ah hannaanka iyo habraacyada doorashada.
Israa’iil oo weerar ku qaadday Dimishiq xilli uu Shir ku jiray Madaxweynaha Dalkaas Bishaar Al Asad
Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen laba dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla galbeedka magaalada Dimishiq.
Sida warbixinta lagu sheegay mid ka mid ah dhismayaashan ayaa ku yaalla xaafadda Meze ee magaalada Dimishiq, halkaasoo xarun u ah hay’adaha ammaanka, safaaradaha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalkaas.
Sida warku sheegayo dhismaha labaad ayaa ku yaalla xaafadda Qudsiya ee galbeedka magaalada Dimishiq.
Isla mar ahaantaana, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Israa’iil, iyadoo xaqiijinaysa weerarada, ay sheegtay in “goobaha militariga” iyo sidoo kale xarumaha Islaamik Jihaad la duqeeyay.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, sarkaal ka tirsan kooxda Jihaad Islaami ee Falastiiniyiinta ee ka dagaalanta dalka Suuriya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay wakaaladan in mid ka mid ah xafiisyadooda lagu bartilmaameedsaday weerar ka dhacay xaafadda Meze oo ay ku sugnaayeen xubno badan oo ka tirsan ururkaasi. Khasaare dhimasho ayaa jira.
Weerarkan ayaa dhacay xilli uu dalkaasi Suuriya tagay Cali Larijani oo ah la taliyaha hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ee dalka Suuriya, waxaana uu kulamo uu la yeeshay Bashaar Al-Asad iyo saraakiil kale oo Suuriyaan ah. Lama oga in Mr. Larijani uu weli ku sugnaa Dimishiq iyo Suuriya xilliga weerarku dhacay
Hay’adda WHO oo ku baaqday in la Maalgashado barnaamijyada ku saabsan ka hortagidda cudurrada
Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la maalgashado barnaamijyada ka hortagga jadeecada, kaddib markii uu faafay cudurkii ugu xumaa ee la arkay sannadkii hore.
In ka badan 22 milyan oo carruur ah ayaan la tallaalin ama aan si buuxda loo tallaalin sannadkii hore, halka ay jirto koror boqolkiiba 25 ah kiisaska cusub ee jadeecada.
Dhinaca kale, WHO ayaa sheegtay in cudurkan laga helay in ka badan 50-wadan, uuna dilay in ka badan 100,000 oo qof oo dunida ku nool, kuwaasoo u badan caruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.



