Home Blog Page 1618

Tirada Dadka ku dhimanaya Suudaan oo korortay

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Tirada dadka ku dhimanaya dagaallada sokeeye ee Suudaan ayaa aad uga badan intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay daraasad cusub.

In ka badan 61,000 oo qof ayaa ku dhintay gobolka Khartoum, halkaas oo uu dagaalku ka billowday sannadkii hore, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda cilmi-baarista oo ka socotay London School of Hygiene iyo Tropical Medicine.

26,000 oo ka mid ah dadkaasi ayaa lagu dilay rabshado toos ah, iyadoo la xusay in sababta ugu badan ee dhimashada guud ahaan Suudaan ay tahay cudurro iyo gaajo laga hortagi karay

Dad badan oo kale ayaa ku dhintay meelo kale oo dalkaasi ka tirsan, gaar ahaan gobolka galbeedka ee Darfur, halkaas oo ay marar badan ka dhaceen tacadiyo iyo isir sifayn.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in colaadda 19-ka bilood ka socota dalka Suudaan ay abuurtay xaalad bini’aadantinimo oo ah tii ugu darneyd, iyadoo kumannaan qof ay halis ugu jiraan macluul.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.11.2024}

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Cabdi Raxmaan Macalin Muuse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Taliyihii Guutada Golani ee Ciidanka Israel oo lagu dilay Xadka Lubnaan

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ciidanka Israel gaar ahaan guutada Golani ee ka haray taliyayaasha iyo saraakiisha sare ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay koonfurta Lubnaan.

Iska horimaadyada ka socda marinka Qasa iyo koonfurta Lubnaan, waxay sabab u noqdeen in meesha laga saaro taliyayaashii iyo saraakiisha guutadii u horreysay ee lagu dhisay ciidanka Israa’iil, taasoo lagu magacaabo Golani.

Guutada Golani, waxaa u diiwaangashan inay tahay midda ugu guulaha badan ciidanka Israa’iil, waxay hoggaamisay dhammaan dagaalladii Carabta iyo Israa’iil, waxay ahayd guuto la isugu geeyay saraakiisha iyo askarta ugu khibrada sarreysa ciidanka , lugumana dari jirin askar tababar ka soo baxday, taas beddelkeeda waxaa lagu dari jiray askarta iyo saraakiisha la dalaacsiiyay, taasoo ka dhigtay guuto gaar ah.

Gudaha ciidanka Israa’iil waxay ka ahayd guuto uu doonayay askari walba inuu qeyb ka noqdo, maaddama ay helaan xushmad dheeraad ah iyo tababarro gaar ah. Laakiin maxaa ku qabsaday guutadan Qasa?

Golani, waxay ahayd guutadii u horreysay ee la geliyay Qasa, markii uu billowday duulaanka dhulka ee Israa’iil Oktoobar 2023, laakiin Xamaas ayaa si gaar ah u beegsatay guutadan, taasi waxay ka dhigtay guutada dhimashada ugu badan ay gaartay, tani waxay u aragtay Israa’iil xaalad gaar ah iyo in guutada ay bartilmaameed gaar ah u noqdeen Xamaas, illaa bishii December ay qaateen saraakiisha Israa’iil si loo badbaadiyo guutadan in gebi ahaanba laga soo saaro Qasa.

Hase ahaatee, Xaalad adag oo ay Israa’iil kala kulantay xadka Lubnaan, waxaa loo diray toddobaadyo ka hor guutada Golani, si ay waddo ugu furaan guutooyinka kale ee awoodi waayay inay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan, mar kale guutada ayaa bartilmameed u noqotay Xisbullah, iyadoo shalay oo kaliya laga dilay lix sarkaal, markaasoo la arkay inuu niyad jab xun wajahay Netanyahu oo si ka duwan dhammaan khasaaraha gaaray guutooyinka kale ee ciidanka Israa’iil ku baahiyay bartiisa X, astaanta guutada Golani oo uu soo raaciyay tilmaamta in qalbi jab ay ku riday waxa ku dhacaya guutadii hormuudka u ahayd ciidanka Israa’iil.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc cusub oo lagu dhisayo sheybaar casri ah oo uu yeelan doono Isbitaalka Madiina, kaas oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee danta guud ee bixiya adeegyo muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan.

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland oo ka hadlay sida wax u socdaan

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Guddiga doorashooyinka Maamulka Somaliland oo xalay goor dambe hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen wajigii labaad ee isu gaynta codadkii laga dhiibtay doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse xasan Yuusuf ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin aaney weli tirinta codadka ka bilaaban sababo la xiriira sanaadiiqda laga soo celinayay goobaha codka laga dhiibtay oo meelaha qaar dib u dhacay.

Wuxuu intaa raaciyay in degmooyinkaas maanta laga bilaabayo tirinta codadka sida qorshuhu yahay.

Muuse xasan Yuusuf ayaa mar kale ka digay dadka baraha bulshada ku baahinaya natiijooyin aan rasmi ahayn oo ku saabsan doorashada, isla markaana uu sheegay in ay wax u dhimi karaan habsami u socodka tirinta codadka.

Dadka tirooyinkaasi ku saabsan natiijada aan guddiga ka soo bixin baahinaya ayuu ugu baaqay in arrintaa ay joojiyaan si aaney Khalkhal u abuurin, lagana war sugo guddiga iyo xilliga ay shaaciyaan natiijooyinka rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada iyo tan ururada.

Maxeey Tahay taageerada Maaliyadeed ee QM Siineeyso Soomaaliya?

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay $5 milyan kasoo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gargaarka Degdegga ah (Central Emergency Response Fund).

Lacagtan ayaa lagu taageeraya Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinka hore ee looga hortagayo abaaraha ku soo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay sii-hayaha gargaarka deg-degga ah ee QM Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa looga cabsi qabaa inay so wajahdo khatar sare oo ah abaaro ay sababtay La Niña, iyadoo ay jirto hoos u dhac 70% ah oo ku yimid roobabki la filaayay inay ka da’aan dalka.

Tan ayaa si gaar ah halis ugu ah bulshada miyiga ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

Saameynta abaaraha ayaa la filayaa inay khatar gelin karto helidda cuntada ee dadka ku nool gobolladaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Deeqdan cusub ee 5-ta milyan waxaa ka faa’iideysan doona sida qorshuhu yahay in ka badan 130,000 qof, iyadoo xooga la saarayo arrimaha badbaadada, cuntada, iyo adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda.

Lacagtan ayaa sidoo kale kab u ah shan milyan oo horay loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha ee sanduuqa gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Si kastaba, deeqdan ayaa waxay kusoo aadeysa xilli shirweynaha cimilada COP29 uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyadoo Soomalaiya ay ku jirto dalalka ka qeyb-galaya, taas oo ay ka rajeynayso inay hesho maal-gelin dheeraad ah oo taageerada dadaallada wax ka qabashada saameynta cimilada ee sii kordheysa.

 

Israa’iil oo lagu eedeyay in Qasa ay ka gaystay wax u dhigma dambi dagaal

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Laba warbixin ayaa la soo saaray, mid ay soo saartay Qaramada Midoobay iyo mid ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, kuwaasoo ku eedayay Israa’iil in muddada uu socdo dagaalka Qasa ay Israa’iil gaysatay “Falal lagu sifeeyay xasuuqa” oo u dhigma “” dambiyo dagaal”.

Guddi gaar ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa Khamiistii shalay hoosta ka xariiqay in dhaqamada Israa’iil ee intii lagu jiray dagaalkii Qasa “ay yihiin xasuuqa,” iyaga oo ku eedeeyay Israa’iil “in ay u adeegsato gaajada qaab dagaal.”

Warbixinta waxaa soo saaray Guddiga Gaarka ah ee Baarista Dhaqamada Israa’iil ee Saameynaya Xuquuqda Aadanaha ee dadka Falastiiniyiinta iyo Carabta kale ee dhulka la haysto nool.

Warbixintan cusub, ayaa ka hadlaysa laga soo bilaabo weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, illaa Juulay 2024, guddigu waxay xuseen “tiro badan oo waxyeello ah loona gaystay dad rayid ah iyo xaalado naf-gooyo ah oo ay la kulmeen dadka Falastiiniyiinta ah oo si ula kac ah loo sameeyay”.

Hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch, ayaa iyana warbixinta ay soo saartay Khamiista shalay ku sheegtay in amarrada daad-gureynta Israa’iil ee Marinka Qasa ay ka dhigan tahay “dambi dagaal” oo ah “barakac xoog ah.

Warbixinta oo ka kooban 154 bog,ayaa lagu yiri “Qof quus ah, gaajoonaya, u xayiran”: Barakacinta xoogga ah ee Israa’iil,” waxay muujinaysaa hab-dhaqanka maamulka Israa’iil ee barakiciyay in ka badan boqolkiiba 90 dadka Qasa .

1.9 milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa wajahaya burbur iyo barakac xooggan oo aan loo meel dayin 13-kii bilood ee la soo dhaafay.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa loogu baaqay in ay baarto dhibaatada dadka rayidka ah loogu gaysto Qasa.

Xaaladda maxaabiista Daacish ee Syria iyo Iraq oo laga dayriyey

Jimco 15 Nov 2024 {HMC} Baghdad — Muddo dheer ayaa kooxda Daacish lagala wareegay gacan ku haynta qaybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Haddana qaar badan oo ka mid ah xubnaheedii hore ayaa weli ku sugan Suuriya, kuwaas oo ku xiran xabsiyada iyo xeryaha.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in xaaladaha maxaabiistaas ay yihiin kuwo ka baxsan bani’aadannimada oo mararka qaarna ay yihiin kuwa dilaa ah oo halis ah.

Sidoo kale waxaa meesha ku jira tobanaan kun oo caruur ah oo aan waligood hal maalin oo xoriyad ah helin.

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon AS u diiwaan gashan oo Xukun Adag Lagu Riday.

0

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Xasan Maxamuud Saalax oo 50jir ah kuna eedeysan kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC}  Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY 

Burgavo Base handover marks end of ATMIS Phase Three drawdown

0

Jubaland, 14 November 2024 {HMC} – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has concluded Phase Three of its drawdown. The Burgavo Forward Operating Base (FOB) in Jubaland State is the last base to be transferred to the Somali National Armed Forces (SNAF).

Located in Somalia’s southern coast, 530 kilometers from Mogadishu, the ATMIS Kenya Defence Forces (KDF)-controlled military base, has played a vital role in countering Al-Shabaab’s influence and securing the critical Burgavo-Ras Kamboni Main Supply Route (MSR).

ATMIS Sector Two Deputy Commander, Col. Meshack Kishoyian, officiated at the ceremony attended by ATMIS military Chief Engineer Col. Suleiman Ibrahim, SNAF representative Maj. Sakariye Mohamed Omar, Badhadhe District Commissioner Gen. Mohamed Ibrahim Farah who represented the Jubaland State administration, and officials from the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS).

The handover documents were signed by outgoing ATMIS FOB Commander, Maj. Charles Kaara and incoming SNAF FOB Commander Maj. Muktar Mohamed, while Santosh Koka signed on behalf of the UNSOS Transition Planning Cell.

“This significant event demonstrates the growing capacity and dedication of the Somali Security Forces to take over the security reponsibilities of Somalia, with the support of ATMIS, UNSOS and other partners,” said Col. Ibrahim who represented the ATMIS Force Headquarters.

He commended ATMIS and SNAF troops for jointly pacifying the Lower Juba region, paving way for the Somali-led transition process.

“I commend the Somali Security Forces for their display of character in holding on to all the military bases handed over… I am confident that in partnership with all of us, they will continue to exhibit their capabilities and ensure the return of lasting peace to Somalia,” added Col. Ibrahim.

Badhadhe District Commissioner, Gen. Mohamed Ibrahim Farah, said the Federal Government of Somalia is ready to defend its territory and the people against Al-Shabaab.

“It is now time for Somalis to take charge of their own security. We are ready to take over this base and continue to maintain its security. Somalia now has a strong government that can take charge of its security,” said Gen. Farah.

ATMIS troops, alongside SNA forces, liberated Burgavo from Al-Shabaab control in 2011, significantly weakening the group’s operations in Lower Juba.

“This FOB has been very key in curtailing Al-Shabaab activities within this region. Being a port town, it has managed to block imports of unwanted items into this region,” said Col. Kishoyian, the ATMIS Sector Two Commander.

SNAF representative, Maj. Sakariye Mohamed Omar acknowledged the ATMIS KDF troops’ contributions in degrading Al-Shabaab.

“Somalia has now become much safer, and the momentum of our forces remains undeterred,” noted Maj. Omar.

UNSOS gifted UN-owned equipment to SNAF, including generators, refrigerators, and freezers to maintain their operational capacity.

Under a drawdown process implemented in three phases since 2023, ATMIS has so far handed over 21 military bases to the Somali Security Forces (SSF) and withdrawn 9,000 troops from Somalia, marking a significant step toward the country’s security ownership.