Home Blog Page 1619

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka ATMIS ka baxay saldhig muhiim ah.

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC} Ciidamada ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saldhigii hore ee Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Buurgaabo.

Taliyaha ciidamada ATMIS Injineer, Col. Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey taageeradooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin marka ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga.

Wuxuu ku ammaanay qeybta labaad ee ATMIS ee ka socda ciidamada Kenya sida nafhurnimada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidanka xoogga dalka si loo xaqiijiyo nabadda & xasilloonida Jubaland.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe, Gen. Maxamed Ibraahim Faarax, ayaa bogaadiyay sida ay uga go’an tahay ciidanka Kenya inay xasiliso gobolka, wuxuuna ku dhiirigeliyay xoogga dalka inay sii xoojiyaan guulahaas.

Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka ATMIS Sector Two Col. Meshack Kishoyian, Taliyaha FOB ee xilka ka degaya Maj. Charles Kaara, Taliyaha FOB ee xilka la wareegaya Maj. Muktar Mohamed, iyo wakiilo ka socday ATMIS, XDS & UNSOS.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14/11/2024}

Khamiis14 Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Abdirahman Muse

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

Waa Maxay Sheekada Tuulada Lubnaan ku taalla “ee uu ku yaallo qabriga wiilkii Nebi Yacquub”?

Khamiis 14, Nov 2024 {HMC}  Qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay tuulo xuduudeedka Maxbib, oo ku taal koonfurta Lubnaan, Arbacadii, taasoo dhalisay muran iyo qarsoodi badan oo ku gadaaman.

Tuulada ayaa noqotay meel ay aad u hadal hayaan dadka u dhaqdhaqaaqa Carabta ee baraha bulshada. Tuuladan waxaa ku yaalla qabri taariikhi ah oo la rumeysan yahay in uu ku aasan yahay Benyaamiin, oo ah wiilkii Nebi Yacquub, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Tuulada Muhaibib ayaa 115 kilomitir u jirta caasimadda Beirut, waxayna 30 kiiloomitir u jirtaa bartamaha degmada Marjeyoun, oo xiriir la leh gobolka Nabatiyeh. Waxay caan ku tahay goobta ay ku taal oo ah mid sheedda ay ka eegtaan dad badan oo koonfurta Lubnaan ku nool iyo waliba waqooyiga Israa’iil.

Ururka Amel ee soo noolaynta hidaha Lubnaan ayaa sheegay in macbadka tuuladaasi uu soo taxnaa in ka badan 2,000 oo sano, waana goob diineed iyo dhaxal iyo goob taariikhi ah oo ku taal Jabal Amel.

Ilaa hadda ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in qabriga uu ku burburay duqeymaha lagu garaacay tuuladaasi iyo in kale.

Ururka Amel oo qeexaya goobtan ayaa yiri, “Maqaamka Benjamin wuxuu muhiimad weyn u leeyahay taariikhda diinta iyo dhaqanka, maaddaama uu yahay wiilkii ugu yaraa ee Nebi Yacquub iyo walaalkii Nebi Yuusuf. Benjamin waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah 12 qabiil ee reer Banii Israa’iil, wuxuuna door ku lahaa qisadii caanka ahayd ee Yuusuf ee lagu sheegay Qur’aanka.

Ururku waxa uu sheegay in aanay jirin ilo cad oo taariikhi ah iyo kuwo diineed oo muujinaya sida Benyaamiin ibnu Yacquub u yimid Lubnaan, iyada oo intaa ku dartay, “Si kastaba ha ahaatee, meelahaas waxa lagu yaqaanay taariikhda oo dhan dadnimadooda, daacadnimadooda iyo diintooda, waxay hoy ka heleen halkaas, waxaana laga yaabaa inay halkaas ku sii nagaadeen ilaa ay ka dhinteen.”

Qaar badan oo ka mid ah tirooyinka 12 qabiil ayaa lagu sheegaa saddexda diimood ee Ibraahim: Yuhuudda, Masiixiyadda iyo Islaamka. Lama oga xiliga la dhisay macbadkan, balse ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ururada iyo shaqsiyaadka ka kala socda Lubnaan, Iran iyo Ciraaq ay aad u daneynayeen macbadkan oo ay ka shaqeeyeen hagaajinta iyo daryeelkiisa

Beesha Caalamka oo Hal Arin ku Amaanay Soomaaliland

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC} Safiiro ka socday waddamada caalamka ayaa sheegay in codbixintii doorashooyinka Somaliland ay u dhacday si hufan oo nabad ah.

Waxa ay sheegeen in dimuquraayada Somaliland ay lamid tahay dimuquraadiyadaha caalamka, oo ku dhisan in musharixiinta fursad loo siiyo in ay ka qayb qaataan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa koomiishanka doorashooyinka ku amaanay shaqada ay qabteen, iyaga oo sheegay in ay muujiyeen hufnaan iyo dhexdhexaadnimo.

“Waxan doonaya in aan ugu hambalyeeyo shacabka Somaliland sidii nabada ahayd ee ay u codeeyeen 13 November, waxaanu jecelnahay in aanu la shaqayno Somaliland si loo xoojiyo dimuquraadiyada” Dajire Mike oo ka socday dowlada Ingiriiska ayaa sida yidhi.

Waxa ay sheegeen in codbixiyayaashu ay go’aamindoonaan madaxweynaha xiga ee Somaliland, isla markaana loo baahanyahay in daneeyayaashu ay aqbalaan natiijada doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee ka socday dalal caalamka ee u yimi doorashooyinkii dalka ka dhacay shalay.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa warbixino ka dhegeystay Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee dalka u yimi inay qiimeeyaan lana socdaan habsami u socodka doorashooyinka Axsaabta ururada, Xisbiyada S’land iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay 13-November 2024.

 

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha la wadaageen koob iyo toban qodob oo uga soo baxay kormeerkii ay ku tageen gobolada dalka intii ay ka gaareen shalay, iyagoo beri oo jimce ah shir jaraa’id ku qaban doona Caasimada Hargeysa oo ay kula hadlayaan warbaahinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Si doo kale waxaa ay kulan la qaateen wafdiga ka socday beesha Caalamaka Muraxakale ee Xasibiga wadani

Musharax Ciro ayaa bartiisa Facebooka ah ku so qoray qoraalkan

“Waxa aannu maanta kulan dheer wada yeelannay Danjirayaal badan oo ka socday dalalka UK, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo si weyn uga soo geyb galay doorashadii isku sidkaneyd ee shalay inoo dhacday, goob-joogna ay uga noqdeen guushii uu gaadhay Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aan dhankayaga uga mahadcelinaynaa sida ay isugu soo xil-qaameen in ay marag & markhaati uga noqdaan geeddisocodka dimuqraadiyadda dalkeenna iyo doorashooyinkeenaba oo ah hannaanka keliya ee uu shacbiga reer Somaliland ku doorto hoggaankiisa.

 

 

 

Nabadoon AS u diiwaan gashan oo Xukun Adag Lagu Riday.

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC}  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Xasan Maxamuud Saalax oo 50jir ah kuna eedeysan kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab.

 

Gaashanle Sare Cabdullahi Maxamuud Ibrahim Gudoomiyaha Maxamadda Ciidamada Qalabka ee Jubaland  ayaa furitaankii fadhiga waxa uu ka sheegay in eedaha Ninkaan lagu soo eedeeyay ay ku jiraan la shaqeyn iyo tacaamul uu la sameeyay Kooxda Al-shabaab, hadii kiiskaan ay ku cadaatadana uu muteysan doono ugu yaraan xukuno xabsi ah oo u dhaxeeya Sadax sano ama Toban sano xabsi.

 

Baaraha Kiiskaan oo ka socday Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa sheegay in eedeysanaha ay soo qabteen Ciidanka Kenya iyo kuwa sirdoonka Jubaland sanadkii hore waxaana laga soo xiray degaanka Kulbiyow, waxaana durba lageeyay garoonka magaalada Kismaayo halkaasi in badan lagu wareysanayay.

 

Sidoo kale Baaraha waxa uu shaaca ka qaaday in ninkaan uu kamid ahaa nabadoonada u diiwangashan Al-shabaab, kana mid ahaa Guddi 5 Qof oo ka kooban oo xuuraanka Al-shabaab u qaabilsanaa.

 

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa su’aalo kooban weydiiyay eedeysanaha kaa oo ku aadan xiriirkiisa kala dhaxeeya Al-shabaab, balse eedeysanaha ayaa kusoo gaabsaday inuu si nabadoonimo ula shaqeenayay Al-shabaab si lamid ahna uu la shaqeenayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qeyba kala duwan ka haysta Kooxda Al-shabaab.

 

Ugu danbeeyntii kiiska eedeysanahaan, Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Jubaland Gaashanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibrahim ayaa ku dhawaaqay xukunka waxaana uu sheegay in Xasan Maxamuud Saalax maxkamada ay ku xukuntay 5sano xabsi ciidan ah.

Soomaaliya oo loogu deeqay 5 milyan oo dollar.

0

Khamiis 14,Nov 2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar ka qoondaysay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah si ay u taageerto ka hortagga abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqday Ku-simaha Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa wajaheysa halis ku saabsan abaarta ay sababtay El Niña, iyadoo 70% ay suurtagal tahay in roobabku ay yaraadaan, taas oo khatar gelinaysa sugnaanta cunnada ee bulshooyinka reer miyiga ah ee bartamaha, koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale Puntland.

Maalgelintan ayaa higsanaysa in ay gaarto in ka badan 130,000 oo qof, iyada oo ka caawinaysa agabka haqab-beelka cuntada, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda.

Iyadoo shirka cimilada uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Asarbayjaan, wufuud Soomaaliyeed ayaa u ololeynaya kordhinta dhaqaalaha cimilada, iyagoo muujinaya halganka joogtada ah ee Soomaaliya ay kula jirto abaaraha, fatahaadaha, iyo dhisidda adkeysiga bulshada.

Vote counting underway in Somaliland after peaceful election.

0

Thursday 14,Nov 2024 {HMC}  Polls have closed across Somaliland after presidential elections, and it appears Wednesday’s voting across the breakaway region has gone smoothly.

The Somaliland National Electoral Commission (NEC) said polls closed across the region at 6 p.m. local time. More than 1 million people were registered to vote across some 2,000 polling stations in Somalia’s breakaway region.

In the evening, vote counting was underway, according to the electoral agency.

“It will start from polling centers level, then passes to district, and the regional before we announce the result,” said NEC Chairman Muse Hassan Yusuf. “We have successfully solved minor technical issues reported in some polling stations,” he said.

He said the NEC would announce the result of the election by November 21.

General Mohamed Adan Saqadhi, head of Somaliland Police Force, said throughout Somaliland the election was peaceful.

“Thanks to Allah, the election took place democratically and peacefully. No incident was reported,” said Saqadhi.

Candidates promise to grow economy

Three candidates, including incumbent President Muse Bihi Abdi, were on the ballot in Wednesday’s poll. In interviews with VOA Somali, each of the three candidates promised to strengthen democracy, boost economic growth, and gain the international recognition Somaliland has sought for 33 years.

Abdi, of the ruling Peace, Unity and Development Party, also known simply as Kulmiye, was seeking a second term. He ran against Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as “Irro,” of the Waddani party and Faisal Ali Warabe of the Justice and Development Party, or UCID.

This is the fourth presidential election since the region on the northwestern tip of Somalia broke away from the rest of the country, following the collapse of the Siad Barre regime in 1991.

The territory declared independence that year but has never achieved international recognition.

Despite that, Somaliland has a functioning government and institutions, a political system that has allowed democratic transfers of power between rival parties, its own currency, passport and armed forces.

Voters cast ballots amid tension

Wednesday’s vote comes at a time when tensions remain high between Somalia and Ethiopia over a controversial memorandum of understanding that Ethiopia signed with Somaliland.

The deal would grant Ethiopia a 50-year lease of access to 20 kilometers of the Gulf of Aden coastline in exchange for the potential recognition of Somaliland’s independence, which Somalia views as a violation of its sovereignty and territorial integrity.

The deal, signed on January 1 in Addis Ababa by Abdi and Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed, sparked anger in Mogadishu, which considers Somaliland part of its national territory.

In April, Somalia expelled Ethiopian Ambassador Muktar Mohamed Ware, alleging “internal interference” by Ethiopia. Somalia also ordered the closure of Ethiopia’s consulates in Somaliland and Puntland, although both consulates remained open.

Last month, Somalia expelled Mogadishu-based Ethiopian diplomat Ali Mohamed Adan, who was a counselor at Ethiopia’s embassy in Mogadishu.

In July and August, two rounds of talks between Ethiopia and Somalia, mediated by Turkey, failed to solve the dispute, with Somalia demanding Ethiopia withdraw from the deal and Ethiopia insisting that it does not infringe on Somalia’s sovereignty.

On Saturday, Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur repeated the Somali government position against Ethiopian troop involvement in a new African Union peacekeeping mission in Somalia due to start in January.

“I can say that Ethiopia is the only government we know of so far that will not participate in the new AU mission because it has violated our sovereignty and national unity,” Nur said Saturday in a government-run television interview.

SOURCE VOA

Somali and UK Parliament Speakers discuss strengthening bilateral relations in London.

0

Thursday 14,Nov 2024 {HMC} Somali Lower House Speaker Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe met with British Parliament Speaker Sir Lindsay Hoyle on Wednesday in London to discuss enhancing ties between the two countries’ legislative bodies.

In a statement, the Somali Parliament highlighted that the discussion centered on promoting cooperation, sharing parliamentary expertise, and exploring ways the UK Parliament could support capacity-building initiatives for Somali lawmakers.

Speaker Madoobe also toured the British Parliament, where Speaker Hoyle provided an overview of its operations and procedures.

During their visit, the Somali parliamentary delegation is also scheduled to meet with members of the Somali diaspora and the Somali Ambassador to the UK, reinforcing engagement with the diaspora community.

International observers commend peaceful election process in Somaliland

0

Thursday 14,Nov 2024 {HMC} International observers praised Somaliland’s National Electoral Commission (NEC) on Wednesday for conducting a peaceful and transparent presidential election, as polls closed across the breakaway region.

The group of diplomats, including envoys from the United States, United Kingdom, and multiple European countries, visited more than 30 polling sites in Hargeisa, Boroma, Berbera, and Gabiley.

In a joint statement, they commended the NEC’s impartiality and transparent handling of voter registration and candidate nominations, adding that these measures helped foster public trust in Somaliland’s democratic process.

“Congratulations to Somalilanders for exercising their right to vote peacefully and responsibly,” the statement said. “It is the voters who ultimately decide their leadership, and we urge all political parties to accept the election results and respect the rule of law.”

The NEC confirmed that polling stations closed at 6 p.m. local time, with ballots now being counted at polling, district, and regional centers. Chairman Muse Hassan Yusuf said the NEC had quickly resolved minor technical issues and expected to announce results by November 21. NEC reports indicated that more than 1 million registered voters cast their ballots across nearly 2,000 polling stations.

General Mohamed Adan Saqadhi, head of the Somaliland Police Force, confirmed the day’s events were largely peaceful, with no major security incidents. Saqadhi credited coordinated security efforts to maintain order across polling stations and ensure a smooth process.

The statement, signed by representatives from the Czech Republic, Denmark, Finland, Germany, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, the United Kingdom, and the United States, reaffirmed their commitment to support Somaliland’s pursuit of democratic integrity.

Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized, has strived to establish democratic governance as it seeks global legitimacy.

Source Hiiraan online

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.14.2024}

Khamiis 14- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre& Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO