Home Blog Page 1622

Waa Kuma Masuulka Xilka Looga Qaaday Aflagaadada Madaxweyna Xasan

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC}  Wareegto goordhaw kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin , ayaa shaqada looga joojiyya maareeyihii kumeel gaarka ahaa ee Hay’adda dhowrista xogta Maxamed Axmed Cali (Royal).

Wasiirka ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in sababaha shaqada looga joojiyay Maxamed Royal ay tahay in uu ku kacay falal curyaaminaya habsami u socodja howlaha hay’adda, sidoo kale ku kacay falal ka baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sar sare ee dowladda.

Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha uu bulshada ku leeyahay kusoo qorayay qoraalo uu ku dhaliilayay hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh , uu horey uga mid ahaa dadkii u ololeeyay aadkana ugu dhawaa.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadam Macallin, ayaa Daa’uud Cabdi Xuseen oo horey kuxigeen ugu ahaa Maxamed Royan hadda u magacaabya kusimaha maareeyaha KMG ee Hay’adda dhowrista xogta.

Ciidanka NISA oo soo qabatay Cali Hilowle Ibrahim & Axmed Samatar Cali

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa War saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay iney soo qabtay labo nin oo ku eedeysan dilal ka dhacay Muqdisho.

Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayaa ku eedeysan inay seddax qof oo ganacsato ah ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir

Xubnahan ayaa la sheegay iney ka tirsan kooxda Al Shabaab ayna ganacsatadaas u dileen sababo la xiriira kameroyin ay ku xireen goobahooda ganacsiga ka dib amar ka soo baxay DF

“Sidoo kale waxaa lagu dabajiraa eedeysane kale oo la sheegay in dilalkaas uu wax ka geystay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay heyada NISA oo sidan hoose u qornaa

Abdixaashi oo Shir muhiim ah uga qeyb galay Nairobi

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada,

Sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiirigelinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay u dhanyihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika.

Shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka Xoghayayaaash Guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo isna ka furmay magaalada Nairobi.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Caasho Koos oo Ka tirsan BFS iyo Doorashada Soomaaliland

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho Koos oo Ka tirsan BFS iyo Doorashada Soomaaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Jawi-Roobaad ayaa manta laga dareemayaa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray kuleel daran.

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Jawi-Roobaad ayaa manta laga dareemayaa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray kuleel daran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibana Qaali cali shire”Waxaan Boogadinayaa Tallaabooyinka Doorashoyinka loo qaaday”

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Xildhibana Qaali cali shire”Waxaan Boogadinayaa Tallaabooyinka Doorashoyinka loo qaaday”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Maxamed Bulaale ‘Soomaliland wexeey u baahan tahay isbadal waana soo dhaweeyna Doorashada

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Xildhibaan Maxamed Bulaale ‘Soomaliland wexeey u baahan tahay isbadal waana soo dhaweeyna Doorashada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Senator Abdiweli Garyare”Hadaan nahay dhalinyarada waxaan nagula cariiriyay Da’da Madaxweynaha”

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Senator Abdiweli Garyare”Hadaan nahay dhalinyarada waxaan nagula cariiriyay Da’da Madaxweynaha”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Kamaal Guutaale ”Dowlnimo is bixisa oo aan cidna ku tiirsaneyn ayey noqon-doontaa Soomaaliya”

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Kamaal Guutaale ”Dowlnimo is bixisa oo aan cidna ku tiirsaneyn ayey noqon-doontaa Soomaaliya”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Alcadaalada “Waxaa la Diyaariyey Qorshaha 5 Sano ee Soo Socota lagu hogaamin doono Dalkaan”

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC}  Wasiir Alcadaalada “Waxaa la Diyaariyey Qorshaha 5 Sano ee Soo Socota lagu hogaamin doono Dalkaan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA