Home Blog Page 1633

{DAAWO MUQAALKA} Ruushka oo sheegay in fariimaha Trump ee ku aadan dagaalka Ukraine ay yihiin ‘kuwa ay wanaag u arkan

0

Isniin 11 Nov, 2024 {HMC} Ruushka oo sheegay in fariimaha Trump ee ku aadan dagaalka Ukraine ay yihiin ‘kuwa ay wanaag u arkan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Madaxwayne Xasan Sheekh oo shirar degdeg ahugu qayb galaya Sacuudi Carabiya.

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaas uga qeyb galaya shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan.

Shirarkaas oo ah kuwo xasaasi ah waxaa ka soo qeyb galaya madax iyo wufuud ka socota dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirarkaas ayay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxay kulamo doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa xoojinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Sidoo kale Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa aad u difaacda qadiyadda dadka reer Falastiin, waxayna Soomaalidu ugu horeysaa muslimiinta u hiilisa dadkaas islaamka ah ee Israa’iil ay xasuuqeyso.

Maxeey ka dhigantahay in Jeneraal Odawaa oo mar kale uu hogaamiyo Ciidanka xoogga?

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo AS.

Madaxweyne ku-igeenka Somaliland oo sheegay in musse biixi uu sameeyay qiyaano qaran.

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Madaxweyne ku-igeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo uu garab taagan musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dhowaaqay inuu taageersan yahay Cirro, doorashada dhaceysa Arbacada.

Saylici ayaa si adag uga hadlay xaaladda Somaliland, wuxuuna si gaar ah u eedeeyey madaxweynihiisa Muuse Biixi oo sheegay inuu ka baxay wixii lagu dhaariyey, dastuurkiina jabiyey.

“Muuse Biixi dalka laguma sii aamini karo, anigaa dad ugu dhawaaa wixii na lagu dhaariyey, Muuse Biixi wuu ka baxay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici oo muddo ka badan 14 sanno ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa sidoo kale si cad u sheegay inuu dhisayo musharax Cirro, waxayna talaabadani dhabar-jab ku tahay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Somaliland Muuse Biixi.

“Waxaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa inay taageeraan isbaddalka socda uu hoggaaminayo xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici.

Si la mid ah dhawaqii ka soo yeeray maalmo ka hor, waxa uu taageero u muujiyay ururka Barwaaqo oo kasoo jeeda bogolka Awdal, isaga oo kasoo horjeestay ururka Hilaac oo xaga xisbiga Kulmiye u janjeedha.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna soo dhaweeyay taageerada Saylici, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah.

Musharax Cirro ayaa taageero is daba joog ah ka helaya siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka magaca ku leh Somaliland, waxaana raja wayn laga qaba in uu ku guulaysto doorashada 13 November.

Hogaamiyaha Jarmalka oo baarlamaanka weydisanaya codka kalsoonida

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa Axaddii shalay sheegay, in uu baarlamaanka weydiisan doono codka kalsoonida ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka bisha December.

Tallaabadaas ayaa waddada u xaari doonta in Jarmalka laga qabto doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki uu burburay isbaheysigi saddex-geesoodka ahaa ee ay ku tiirsaneyd xukuumadda Scholz.

Dalka Jarmalka oo ah waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan Yurub ayaa todobaadki hore galay qalalaaso siyaasadeed, kaddib marki isbaheysiga ay ka koobneyd xukuumadda uu isku qilaafay, cadadka lacagaha ay dowladda ku taageryso Ukraine, iyo inta ay xukumadda ku kharja-gareyn karto dhiirigelinta koboca dhaqaalaha.

Scholz ayaa horay u sheegay in codka kalsoonida baarlamaanka ee xukuumaddiisu la qorsheeyay 15-ka January, isla markaana doorashada xilliga hore ay dhici doonto bisha March, hase yeeshee wuxu uu taariikhdaasi baddalay oo uu soo hormariyay kaddib marki uu caddied kala kulmay axaasbta mucaaridka ee dhinica midigta u janjeera.

Isra’il oo tobnaan qof ku dishay Lubnan iyo Gaza

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, kaddib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga Gaza.

Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 24 ka mid ah dadkaasi lagu dilay madaafiic lagu burburiyay guri ka koobnaa saddex dabaq oo ku yaallay xerada Jabaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dumar iyo carruurr sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Jabaaliyah, halkaas oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen kooxo argagixiso ah. Isr’ail ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujinaya.

Duqeyn kale oo ay ciidanka Isra’il ka fuliyeen xaafadda Sabra ee magaalada Gaza ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda daryeelka, kaas oo lagu magacaabi jiray Waa’il Al Khuur. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa, wiil iyo laba gabadh ay dhaleen iyo carruur uu awoode u ahaa.

Dhanka Lubnan, duqeymo ay Isra’il ku garaacday tuulada Caalmat ee waqootiga Lubnan, ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 23 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah.
Ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Natanyahu ayaa isna Axaddii shalay sheegay in saddex jeer uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump tan iyo Talaadadi.

{DAAWO MUQAALKA} Midowga Afrika oo go’aamiyay in waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya

0

Isniin 11 Nov, 2024 {HMC}Midowga Afrika oo go’aamiyay in waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Qatar says it suspended mediator efforts for Gaza ceasefire due to lack of good-faith negotiations

0

Sunday 10 Nov, 2024 {HMC} Qatar announced Saturday that it has paused its role as a mediator for a ceasefire in Gaza between Israel and Hamas due to a lack of willingness by the sides to reach an agreement.

“The State of Qatar notified the parties 10 days ago during the last attempts to reach an agreement, that it would stall its efforts to mediate between Hamas and Israel if an agreement was not reached in that round,” Majed Al-Ansari, the spokesperson for the Qatari Foreign Ministry, said in a statement Saturday.

The statement detailed Qatar’s withdrawal from mediation efforts, which the country had been a central part of for more than a year. After months of stop-and-go negotiations, efforts to reach a ceasefire and hostage release deal – a top priority for President Joe Biden – remain stalled.

Officials in Doha have also decided to close Hamas’ political office in the Qatari capital, a diplomat familiar with the decision told CNN.

⁠Doha decided “about a week ago to suspend the office because the parties aren’t negotiating in good faith,” the diplomat said. “⁠The office won’t be operational so (Hamas) may leave. The office could open again if talks restart.”

US and Qatari sources told CNN on Friday that Qatar made the decision to kick out Hamas after a request from the US to do so. The diplomatic source said ⁠the decision to close the office was made independently, not due to US pressure.

The closure of the office’s operations may cause Hamas officials to leave Qatar, but they have not been given a deadline or ultimatum, the diplomat said.

When CNN asked the White House National Security Council for clarification Saturday, the council declined to comment and referred to what a senior administration official said Friday.

“After rejecting repeated proposals to release hostages, its leaders should no longer be welcome in the capitals of any American partner,” a senior administration official told CNN on Friday, referring to Hamas.

“Qatar has played an invaluable role in helping to mediate a hostage deal and was instrumental in securing the release of nearly 200 hostages last year. However, following Hamas’ repeated refusal to release even a small number of hostages, including most recently during meetings in Cairo, their continued presence in Doha is no longer viable or acceptable,” the official said.

Qatari spokesperson Al-Ansari referred to “inaccurate” reporting in his Saturday statement.

A Hamas official told CNN earlier Saturday that reports of the group’s departure from Doha were “baseless” and a “pressure tactic.”

Throughout the course of the war and negotiations to bring the hostages home, US officials have asked Qatar to use the threat of expulsion as leverage in their talks with Hamas. The final impetus for Qatar agreeing to kick Hamas out came recently after the death of Israeli American hostage Hersh Goldberg-Polin and Hamas’ rejection of yet another ceasefire proposal.

The Hamas office could reopen “when both sides demonstrate a sincere willingness to return to the negotiating table with the objective of putting an end to the war,” the diplomatic source said.

In April, Doha made a similar move in temporarily closing the Hamas office. Officials then left Qatar and went to Turkey. As talks faltered, the Biden administration and Israel asked Doha to bring them back, the diplomat told CNN.

CNN’s Ibrahim Dahman, Kylie Atwood and Jennifer Hansler contributed to this report.

SOURCE


By Alex Marquardt, MJ Lee and Mohammed Tawfeeq, CNN

{DAAWO MUQAALKA} Shaqsi la nacay in dalka loo dumiyo ma ahan “Ugaaska Beesha Cowlyahan”

0

Sunday 10 Nov, 2024 {HMC} Ugaaska guud ee Beesha Cowlyahan Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa si adag uga hadlay damaca sharciga iyo qaanuunka baalmarsan ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mogadishu excludes Ethiopian troops from AU mission in Somalia amid diplomatic tensions.

0

Sunday 10 Nov, 2024 {HMC} The Somali government has declared the exclusion of Ethiopian troops from the forthcoming African Union mission set to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) in January 2025, Somali news website Hiiran reported on Saturday.

The decision was confirmed by Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur Jama in an interview with Somali national TV today. He stated that the exclusion stems from Ethiopia’s perceived transgressions against Somalia’s sovereignty.

Minister Jama emphasized during the televised interview on Saturday that Ethiopian forces would not be part of the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) due to Ethiopia’s actions, which Somalia views as compromising its independence and territorial integrity.

This exclusion follows a series of escalating tensions triggered by Ethiopia’s controversial Memorandum of Understanding with Somaliland, inked in early 2024.

The agreement, which allows Ethiopia potential access to the sea in exchange for recognizing Somaliland, has been vehemently opposed by Somalia as an infringement on its sovereign rights.

Somali leaders have underscored that Ethiopian troops might only be considered for future AU missions if Addis Ababa revokes the contentious Somaliland deal.

SOURCE