Axad 10,Nov 2024 {HMC} Musharaxinta Jubbaland oo ka horyimid guddigii uu magacaabay Axmed Madoobe.
{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG:”Firdhiyow, Talada waa lagula leeyahay, Beesha Jaamac Siyaad ha ceebayn,wasiir Caydiid Dirir
Axad 10,Nov 2024 {HMC} DEG DEG:”Firdhiyow, Talada waa lagula leeyahay, Beesha Jaamac Siyaad ha ceebayn,wasiir Caydiid Dirir
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
At least 24 killed in Pakistan train station bomb blast, police say
Sunday 9,Nov 2024 {HMC} At least 24 people were killed and more than 40 injured in a bomb blast on Saturday at a railway station in the city of Quetta in southwestern Pakistan, police and other officials said.
Quetta is the capital of Balochistan province, which is grappling with a surge in strikes by separatist ethnic militants that has raised security concerns for projects aiming to develop the province’s untapped mineral resources.
Inspector general of police for Balochistan Mouzzam Jah Ansari said 24 people have died so far from the blast at the railway station, which is usually busy early in the day when the explosion took place.
“The target was army personnel from the Infantry School,” he said, with many of the injured in critical condition.
Quetta Commissioner Hamza Shafqat said 16 soldiers were among the dead.
The Baloch Liberation Army (BLA), a separatist militant group, claimed responsibility for the attack in a statement emailed to Reuters.
The BLA seeks independence for Balochistan, a province of about 15 million people that borders Afghanistan to the north and Iran to the west. The BLA is the biggest of several ethnic insurgent groups battling the government, saying it unfairly exploits the province’s rich gas and mineral resources.
“So far 44 injured people have been brought to civil hospital,” Wasim Baig, a hospital spokesperson, told Reuters.
Senior superintendent of police operations, Muhammad Baloch, said the blast seemed to be a suicide bomb and that investigations were underway for more information.
“The blast took place inside the railway station when the Peshawar-bound express was about to leave for its destination,” Baloch said.
In August, at least 73 people were killed in Balochistan after separatist militants attacked police stations, railway lines and highways.
The assaults in August were the most widespread in years by militants fighting a decades-long insurgency to win secession for the province, home to major China-led projects such as a port and a gold and copper mine.
Reporting by Saleem Ahmed in Quetta and Ariba Shahid in Karachi; Editing by William Mallard, Tom Hogue and Helen Popper
Galmudug oo Shaaca Ka Qaaday Nooca Doorasho ee aay Qabaneeyso
Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 11-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa tilmaamay in deegaanada Galmudug laga hirgalin doonto go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ugu horeeyeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo dhameystirka Dastuurka.
“Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, Galmudug waxaay qaadaneysa kaalinteeda, waxaana diyaar u nahay in deegaanadeena laga qabto doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweyne Qoorqoor in amni ahaan deegaanada maamulka Galmudug ay ka dhici karaan doorashooyin qof iyo cod ah oo ay ka wanaagsan yihiin inta badan deegaanada kale ee dalka.
“In doorasho qof iyo cod ah laga qabto Galmudug iyo guud ahaan dalka waa guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed, maadama ay muhiim tahay in dib loogu celiyo awooda bulshada Soomaaliyeed si ay u soo doortaan cida ay doonayaan” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan golaha wadatashiga Qaranka, gaar ahaan madaxda maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo, hayeeshe waxaa heshiiskaas ka maqnaa oo aan qeyb ka aheyn madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo si cad u diiday go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Waa Kuwee Wadamada Ixtiraamo Madaxbanaanida Soomaaliya?
Axad 10- Nov-2024 {HMC} Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soomaaliya ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya.
newsnsideGuddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee loo diro Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aanna ka soo saaray arrimaha la xiriira taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS. Waxa kale oo uu soo saaray bayaan uu ku faahfaahiyey nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka.
Iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaabili doonto isla markaana ay martigelin doonto howlgalka xiga ee nabad ilaalinta ayaa golaha ammaanka waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uu la kulmayo dowladda federaalka Soomaaliya si uu wadatashi ugala sameeyo qaabka ay noqon doonaan ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan.
Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay oo go’aan ka soo saaray khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo go’aankaas uu Guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegay inay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika, hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee ay khusayso si khilaafka labada dal si degdeg ah loo xalliyo.
Si loo xaliyo khilaafka labada dal, guddiga Midowga Afrika ayaa faray in la isticmaalo dhammaan janaalada diblomaasiyadeed ee ay awoodaan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dal lagu saleeyo qodobka 4-aad ee Axdiga Midowga Afrika, Hab-maamuuska dhismaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mabaadi’da deris wanaaga ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.
Jubbaland oo Hakisay Wada Shaqeyntii kala Dhaxeysay Dowladda Federaalka
Axad 10- Nov-2024 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadashay arrimaha ka dhex aloosan Jubaland iyo Dowladda Federaalka waxeyna ay si toos ah ugu dhawaaqday inay hakisay xiriirkeedi wada shaqeyneed ee kala dhaxeysay Dowladda federaalka Soomaaliya.
“Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana rabitaanka shacabka Jubaland.” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Sida ku cad warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubaland waxa ay eedeyn qalqal galin amni ay dusha uga tuurtay Dowladda federaalka, si lamid ah is hortaag ku saabsan doorashooyinka guud ay Dowlad Goboleedka Jubaland dooneyso inay qabsato.
Waxay tani dab xoogan kusii shideeysa xiriirka aan wanaagsan ee bilihii lasoo dhaafay ka dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubaland taa oo sii xoogeysatay markii Axmed Madoobe maalin cad uu iskaga baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.

Qeylo dhaana Kasoo Yeereyso Ciidamada Ukraine iyo xaalad adag oo wajahaya
Axad 10- Nov-2024 {HMC} Taliyaha guud ee ciidanka Ukraine ,Jen. Oleksandr Syrskyi ayaa ku dhawaaqay inay wajahayaan xaalad adag oo ka taagan goobaha dagaalka, wuxuu soo hadal qaaday inay ciidanka Ruushka ku dhowyihiin burburinta aagga difaac ee Pokrovsk iyo Kurakhove, isagoo markaa tilmaamay inuu wargeliyay Mareykanka iyo Midowga Yurub dhibaatooyin isa soo taraya , xilli ciidanka Ruushka ay horey u socdaan , lana filayo sida uu sheegay kumannaan askarta Kuuriyada Waqooyiga in dhawaan la soo geliyo dagaalka.
Dhinaca Ruushka , waxaa lagu warramayaa tan iyo Jimcihii inay ciidanka Ruushka hareereyeen magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kurakhove oo lagu sheegay inay ahayd aagga difaac ee ugu muhiimsanaa ciidanka Ukraine ee ku sugan gobolka Donetsk, iyadoo lagu sheegay qabsashadan magaaladan inay ka dhigantahay Ruushku si dhammeystiran inuu ula wareegayo gobolka Donetsk iyo soo afjarida dagaalka jidaha bariga ee dalka Ukraine.
Ruushka wuxuu qabsanaya bariga Ukraine , xilli madaxweynaha la doortay ee Mareykanka , Donald Trump uu iskudayayo inuu dhex dhexaadiyo labada dhinac si loo joojiyo dagaalka, balse waxa aan u wanaagsaneyn Ukraine ayaa ah in qorshaha nabadda ee Trump aysan ku jirin in Ukraine loo soo celiyo dhul gacanteeda ka maqan oo uu jiro gobolka Crimea, sida uu sheegay kaaliyaha sare ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Bryan Lanza.
“ Xalka waa nabad ma aha in laga hadlo dhul… maamulka Madaxweyne Donald Trump waxay ka codsan doonaan madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy aragti dhab ah oo nabadeed— haddii madaxweyne Zelenskyy uu yimaado miiska oo uu yiraahdo, waxaan nabad ku heli karnaa kaliya haddii aan haysano Crimean
…wuxuu na tusayaa inaysan dhab ka ahayn nabadda uu raadinayo .. Crimea way tagtay,” ayuu yiri Bryan Lanza oo la hadlay BBC-da.
Xildhibaanada Jubbaland oo Meel Mariyay GudIGEE UU Magacaaway Aadan Madoowe
Axad 10- Nov-2024 {HMC} Xildhibaannada golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubbaland , ayaa goordhaw meel mariyay guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland uu xalay wareegto ku magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Kulanka xildhibaannada Jubbaland oo ay soo xaadireen 66 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh waxa ay u meel mariyeen guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland, kuwaa oo ka shaqeenaya hirgalinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in ansax yihiin guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, waxa uuna sheegay in hadda kaddib ay guda gali karaan howlihii loo igmaday ee ah hirgalinta doorashooyinka Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoowe ayaa xalay magacaabay 7-xubnood oo ah guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland, guddigan ayaana ka shaqeenaya doorashada Jubbaland oo mar male la filayo in uu kusoo baxo Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda kasoo horjeesatay guddiga uu magacaabay Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda uga digtay hoggaamiyaha Jubbaland in uu qabto doorasho aysan dowladda raali ka aheyn oo abuuri kara xiisad siyaasadeed.
Jubbaland suspends cooperation with federal government, citing constitutional violations.
Sunday 9,Nov 2024 {HMC} Jubbaland Regional State administration suspended cooperation with the federal government, citing federal non-compliance with Somalia’s constitution and disrespecting Jubbaland’s autonomy.
In a statement released Sunday by the Ministry of Internal Affairs of Jubbaland, the administration criticized the federal government for obstructing Jubbaland’s electoral process and hindering anti-al-Shabaab operations within the region.
“The government of Jubbaland declares that it has suspended the cooperative relationship with the Federal Government of Somalia until it complies with the Constitution of the country, respecting the wishes of the people of Jubbaland,” the statement read.
The move follows Jubbaland’s formation of a seven-member independent electoral committee, appointed by President Ahmed Mohamed Islam Madobe to oversee the region’s election preparations. On Sunday, the Jubbaland State Parliament formally approved the committee’s establishment.
The federal Ministry of Internal Affairs swiftly condemned Jubbaland’s electoral committee, labeling it illegal and threatening Somalia’s democratic integrity. The ministry called on Jubbaland to adhere to the National Consultative Council (NCC) agreements, which mandate Somalia’s unified, universal suffrage electoral framework.
Despite federal disapproval, the Himilo Qaran political party, led by former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, has publicly supported Jubbaland’s decision, backing President Madobe’s electoral committee as a step toward preserving regional autonomy.
Source Hiiraan online
{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AS oo ka dhacay magaalooyinka Shalaan-bood iyo Marka.
Axad 10,Nov 2024 {HMC} Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan AS oo ka dhacay magaalooyinka Shalaan-bood iyo Marka.



