Home Blog Page 1637

Xisbiga uu hogaamiyo SHeikh SHARIIF oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe.

0

Axad 10- Nov-2024 {HMC} Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Axmed ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynaha Jubbaland oo xalay soo magacaabay guddiga doorashada ee maamulkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorashada Jubbaland.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu boggaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray maamullada kale ee uu ka dhammaaday muddo xileedka, wuxuuna ka codsaday inay qabtaan doorashada, si loo ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu wada yahay.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digtay madaxda dowladda federaalka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan oo ay ugu horreyso hirgelinta muddo kororsi hal sano ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si xooggan uga hortimid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.”

Dhammaan tallaabooyinkan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, kadib markii golaha wadatashiga qaranka ay go’aamiyeen doorasho toos ah, balse waxaa ka horyimid Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran;-

 

Dagaal culus oo ka socda Masagawaa + qasaaraha.

0

Axad 10- Nov-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda AS uu ka socdo deegaanka Masagawaa ee bariga gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruusanayeen AS oo ku taalla aagga magaaladaas oo horay looga xoreeyay kooxda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogan yahay, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda agagaarka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo si hordhac ah uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku gacan sarreeyaan, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen kooxda AS.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dgaaalka ay barbar socoto duqeyn ay fulinayaan diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana halka lagu dagaalamayo gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka baxay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday howlgallo culus oo lagu xoreeyay deegaanno iyo magaalooyin ka tirsan maamulka Galmudug.

Mauritius election: Amid wiretapping scandal, what’s at stake?

0

Sunday 9,Nov 2024 {HMC}  Some one million eligible voters in the Indian Ocean Mauritius will head out to vote on Sunday amid an explosive scandal that has implicated government figures in a covert wiretapping operation.

Since independence from Britain in 1968, the southeast African country has maintained a strong, vibrant parliamentary democracy. This will be its 12th national election.

Elections are usually deemed free and fair and turnout is normally high, at close to 80 percent.

This time, however, the unusual drama caused by the leaked recordings has sparked national agitation and dominated the campaign season.

Tensions have further escalated after authorities last week imposed a social media ban until November 11, a day after the elections. The unprecedented move provoked outrage from opposition groups and citizens, prompting the government to overturn it a day later.

That’s thanks to Mauritius’s diversified economy, with manufacturing, agriculture, financial services, and a growing pharmaceutical industry.

A nation of 1.3 million, Mauritius is also demographically diverse, made up of multiple communities that trace ancestry to Asian and African indentured and enslaved people who served the colonial governments of first France, and then Britain. The country was in the global limelight in October when it successfully forced the United Kingdom to hand over the Chagos Islands after years of dispute.

Morisien, a French-based creole, is the country’s national language, spoken alongside English and French. The rupee is the national currency and Port Louis is the capital city.

Here’s what you need to know about the Mauritius election and the leaked tape drama that is shaping it.

One of the recordings allegedly features the island’s police commissioner, Anil Kumar Dip, who appears to be asking a forensic doctor to alter the post-mortem report of a person who died after being beaten in police custody.

Prime Minister Pravind Kumar Jugnauth, who is seeking re-election, announced a judicial investigation and has suggested the clips might have been doctored using artificial intelligence. His office put the social media ban in place to “preserve national security”, he said, although members of the opposition accused Jugnauth of trying to use the ban to minimise embarrassment from any further leaks ahead of the election.

How does voting work?
Voters on Sunday will elect members of the National Assembly from multiple parties.

Parliament comprises 70 lawmakers, 62 of whom are directly elected by voters. A “best loser” system means the highest-polling losing parties are allocated eight additional seats based on ethnic and religious quotas.

Parliament in turn appoints the president, who is largely ceremonial. The leader of the political party or party alliance which wins the majority becomes the prime minister

Source Al-jaziira 

India bets on Modi-Trump warmth to navigate choppy future with US

0

Sunday 9,Nov 2024 {HMC} During his campaign for re-election, Donald Trump repeatedly threatened major tariffs on imports from a range of countries. Beijing bore the brunt of his attention — he threatened a 60 percent tariff on Chinese products. But India was a major target, too — he described the country as a “major charger” of tariffs, and promised to do the same in return.

Now, as Trump prepares to take office again after a stunning win over Vice President Kamala Harris in the US presidential election, his plans for trade barriers and his anti-immigrant rhetoric threaten to inject tensions into bilateral relations with India.

The US is India’s largest export destination and consistently ranks among its top two trade partners.

“India-US relations could actually get strained if all these election promises that Trump made are implemented,” said Biswajit Dhar, a distinguished professor at the Council for Social Development, New Delhi. “If he goes through with them, this will be very, very bad news for India.”

But there is a ray of hope said Dhar: Prime Minister Narendra Modi’s personal “bonhomie” with Trump could help New Delhi navigate an otherwise bumpy road ahead.

While higher tariffs may end up raising the cost of imported goods for US customers, it could also hurt key Indian export-oriented industries, from information technology and cars to pharmaceuticals.

Analysts at the London School of Economics have predicted a GDP loss of 0.03 percent for India, and 0.68 percent reduction for China. “India would be among the hardest hit because the US is our largest market. That’s the source of our biggest concern,” said Dhar, the international trade expert. “During the first term, Trump got into this whole ‘protectionist mode’, but upon his return this time, he will come knowing that he has gotten a mandate for these policies.”

Underlying trade tensions between the US and India, because of the imbalance in their trade — with India the dominant exporter — have largely stayed under wraps for the last four years under the Biden administration, said Michael Kugelman, director of the Washington, DC-based Wilson Center’s South Asia Institute. “But the tensions could rise to the surface now and explode in the new Trump administration.”

Walter Ladwig, a senior international relations lecturer at King’s College, London, agreed that “trade has always been a difficult issue in bilateral relations” and remained “front and centre” during the earlier Trump years.

Source Al-Jaziira 

Dowladda Soomaaliya oo si adag ugu hortimid tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe.

0

Axad 10- Nov-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan uga hor-timid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta hannaanka dimoqoraadiyadeynta heerarka kala Dowladnimada dalka si dadka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay iyagu doortaan madaxdooda. Iyadoo taas laga amba qaadayo wuxuu hoggaanka Dowladda Federaalku wadatashiyo qoto dheer la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna ku guuleysteen in ay dib u eegis ku sameyaan Dastuurka Qabyada ah, taas oo Baarlamaanka Federaalku uu si aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyo ka mid ah.

Golaha Wadatashiga Qaranka muddadii uu jiray wuxuu ku guuleystay in heshiisyo muhim ah uu ka gaaro arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka, heshiiska hannaanka federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka, heshiiska wadaagga awoodaha heerarka dowladda, iyo heshiiska nidaamka cadaaladda taas oo fududeysay in uu wadanka guulo waaweyn ka gaaro dhinacyada la dagaalanka argagixisada, dhameystirka dastuurka iyo maqaamka qaranka ee fagaarayaasha caalamka.

Golaha Wadatashiga Qaranka waxa uu sidoo kale dardargeliyay hannaanka geedi socodka dowlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta dalka, waxaa uuna ka gaaray heshiisyo dhaxal gal ah oo dalka looga saarayo nidaamkii doorashada dadban laguna gaarsiinayo nidaamka doorashada tooska ah 00 ku dhacda hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah.

Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii go’aannadaas dhaxal galka ah qeybta ka ahaa, door shariif ahna ku lahaa dhamaan hishiisyadii goluhu gaaray mudadii u dhaxeysay Juun 2022 ilaa May 2024, kuwaas oo qeexayey:

1- In la mideeyo doorashada dalka,
2- In la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo
3- In la sameeyo hal guddi oo madax-banaan, isku-dhaf ah oo dalka ku hogaamiya inay ka qabsoonto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qeyb galaan.

Waxaa lama filaan iyo wax laga xumaado noqotey in iyadoo waxaas oo dadaal ah la soo sameeyey uu Mudane Ahmed Madoobe ka baxo shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah halka looga arrinsado masiirka dalka iyada oo muddo dhowr bilood ah shirku u xayirnaa isaga oo mar walba keenayay cudurdaar macquul ah iyo mid aan ahaynba.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ka soo qeyb galay Mudane Ahmed Madobe Bishii October ayuu isla markiiba shirka isaga baxay maalinkii 2aad isaga oo ku andacooday in uusan diyaar u aheyn in uu fuliyo heshiiskii lagu hirgelinayay doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana caddeystay in uu rabo in uu dib ugu laabto doorasho dadban oo uu isagu maamulo isla markaana isla asagu ku soo baxo. Waxaa dadaal iyo waqti badan lagu bixiyey sidii uu dib ugu soo noqon lahaa shirka balse nasiib darro wuu ku gacan sayray dhammaan dadaaladaas. Taasi waxay ka dhigan tahay in Mudane Ahmed Modoobe si bareer ah ugu balan furay Madasha Wadatashiga Qaran, Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu hortooda ku balan qaaday kuna saxiixay heshiisyada la xiriira in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu helaan in ay madaxdooda doortaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo Mudane Axmed Maxamed Islaan balan-bax tan oo kale ah sameeyo tan iyo markii uu noqday Hogaanka Jubaland, waxaa xusid mudan in doorashdii dhacday 2019kii ay ku dhamaatay khilaaf xoogan, taas oo markii dambe keentay in saamileyda siyaasadda Jubbaland ay ku hishiiyeen in doorashada xigta uusan qeyb ka noqon Mudane Axmed Madoobe sida uu qabo dastuurka Jubaland qodobkiisa 70-aad 00 qeexaya in muda xileedka Madaxwaynuhu yahay laba jeer oo kali ah.

Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.

Dowladda Federalka, waxaa waajib ka saaranyahay ilaalinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay Madasha Wadatashiga Qanku hore u gaareen, lagamana aqbali karo cid kasta oo qaada talaabo sharci darro ah oo khilaafsan wixii lagu heshiiyay. Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in Mudo xileedkii Mudane Ahmed Moobe ka dhammaaday bishii August 2023, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku sii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeed Dowladda Federalka iyo Dowlad goboleedyadu si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin sharciyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo doorasho ka duwan tii lagu heshiiyay.

Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah.

Dowladda Federalka, waxay ugu baaqaysaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan shacabka reer Jubaland ee samirka badan in ay difaacdaan awoodooda dastuuriga ah ee la xiriirta in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan cidda xukumaysa, isla markaana ay ilaashadaan nabadooda, midnimada iyo wadajirkooda.

Qatar oo ka dalbatay madaxda Xamas in ay dalkeeda ka guuraan kadib markii…..

0

Axad 10- Nov-2024 {HMC} Qatar ayaa ka dalbatay madaxda Xamas in ay dalkeeda ka guuraan kadib cadaadis xooggan oo ka yimid Mareykanka, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah.

Arrintan ayaa la sheegay in Doha ay sabab uga dhigtay in Xamas aysan daacad ka aheyn wada-hadallada lagu sii daynayo la-haystayaasha Israel ee gacanta ugu jira iyo xabad-joojin ka dhacda Gaza.

Maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Qatar in joogitaanka Xamas ee Doha aysan hadda kadib aheyn mid la aqbali karo, maadaama kooxda Falastiiniyiinta ay diideen hindisihii ugu dambeeyey ee lagu gaari lahaa xabad-joojin iyo sii daynta la-haystayaasha Israel.

“Kadib markii ay Xamas diiday soo jeedinno is-daba joog ah oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha, madaxdeeda waa in aan lagu soo dhaweyn caasimadaha saaxiibada Maraykanka. Taas waxaan u cadeynay Qatar ka dib markii Xamaas ay diiday toddobaadyo ka hor soo jeedin kale oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan la magacaabin.

Si kastaba, sarkaal sare oo Xamas ah ayaa Sabtidii u sheegay AFP, in kooxda aysan weli Qatar ka heli wax tilmaamo ah oo ku saabsan in ay dalka ka tagaan.

“Ma xaqiijin karno ama beenin karno waxa la daabacay ee laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo aan la aqoon, balse aanan helin wax codsi ah oo aan kaga baxno Qatar,” ayuu yiri sarkaalka.

Dhinaca kale, Qatar ayaa baxday dhex-dhexaadiye nimadii wada-xaajoodyada xabad-joojinta Gaza iyo sii daynta maxaabiista Israel.

“Qatar waxa ay 10 maalmood ka hor ku wargelisay dhinacyada, intii lagu guda jiray isku dayadii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in heshiis lagu gaaro, in ay joojin doonto dadaalkeeda ku aadan dhex-dhexaadinta Xamaas iyo Israel, haddii aan heshiis la gaarin,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Doha Majed Al Ansari.

“Qatar waxay dib u billaabi doontaa dadaalladaas… marka ay dhinacyadu muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo” ayuu raaciyay.

Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga doorasho Juballand.

0

Axad 10- Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa-banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, waxaana socda qorshe uu ku boobsiinayo doorashada, xilli dowladda federaalka ay diidan tahay in doorasho dadban ay ka dhacdo Jubbaland.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 7 qof oo lix rag tahay iyo hal gabar, kuwaas oo ka shaqey doona qabashada doorasho oo si deg deg ah uga dhaceysa Jubbaland, sida uu qorsheystay Axmed Madoobe.

Tani waxay soo afjartay aragtidii madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd inuu dalku yeesho hal gudi doorasho, taas oo ah qodobkii ugu weynaa ee Axmed Madoobe uga tagay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddigan caawa la magacaabay ayaa la filayaa inay soo saaraan jadwalka doorashada Jubbaland, si Axmed Madoobe u helo mudo xilleed cusub, horay waxay Madasho ugu heshiisay in bishaan November doorasho dadban la qabto, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka laabtay go’aankaas, wuxuuna doonaya in dalku yeesho hal guddi doorasho, la iskuna doorto hanaan qof iyo cod ah.

Shalay iyo maanta waxaa Kismaayo ku sugnaa xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ku metesha dowladda federaalka, intoodii aqbashay casuumaadii Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhegaha ka fureystay rabitaanka dowladda federaalka ayaa dhowaan soo saaray warqad casuumaad ah oo xildhibaanada federaalka uu ugu yeeray, isagoo iclaamiyey kulan aayo ka tashi ah.

Xubnaha Kismaayo gaaray ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qorshaha Axmed Madoobe uu yahay inuu qabto doorasho dadban, wuxuuna si cad u diiday inuu kororsado hal sano, isla markaana doorasho qof iyo cod ah u diyaariyo Jubbaland.

Jubbaland ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku eedeysay dowladda federaalka, waxayna shaacisay in ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose laga soo saaray furimaha dagaalka, kuwaas oo la isugu geeyey Kismaayo, si qalalaase looga abuuro Jubbaland, sida loo dhigay warka ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Hoos ka eeg liiska xubnaha guddiga:

{DAAWO MUUQAALKA} Xuutiyiinta Dalka Yaman Oo Shaaciyay In Ay Gantaal Ku Garaaceyn Saldhig Muhiim U Ah…….

0

Axad 10,Nov 2024 {HMC}  Xuutiyiinta Dalka Yaman Oo Shaaciyay In Ay Gantaal Ku Garaaceyn Saldhig Muhiim U Ah…….

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG Colaad inbadan ka Dhextaagneed Beelo Walaalo ah oo go,aano cusub laga soo saaray.

0

Axad 10,Nov 2024 {HMC}DEG DEG Colaad inbadan ka Dhextaagneed Beelo Walaalo ah oo go,aano cusub laga soo saaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Nin Aasayay Miino Wado Muhiima Gobolka Shabeelaha hoose

0

Axad 10,Nov 2024 {HMC} Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Nin Aasayay Miino Wado Muhiima Gobolka Shabeelaha hoose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA