Home Blog Page 1641

Top CEOs in Kenya gather to discuss expanding businesses to Africa.

0

Saturday 9,Nov 2024 {HMC} Top company executives in Kenya met today in Nairobi to discuss innovative strategies for expanding Kenyan businesses into regional and international markets.

The session, which was convened by the Kenya National Chamber of Commerce and Industry (KNCCI) in partnership with Ecobank Kenya, is coming at a time when Africa is gearing towards regional trade under the African Continental Free Trade Area (AfTA).

The AfCFTA will be the largest free trade area since the formation of the World Trade Organisation, given Africa’s current population of 1.2 billion people, which is expected to grow to 2.5 billion by 2050.

Some of its expected benefits include: increasing trade among African countries, which currently ranges between 15-18 per cent, stimulating production through the development of regional value chains, ensure that manufacturing, agroprocessing, and other activities across the continent are stimulated to supply the market.

It also seeks to strengthen the capacities of African companies to access and supply world markets and the continent’s commercial diplomacy.

Kenya has demonstrated robust support for intra-Africa trade initiatives aligned with the African Continental Free Trade Agreement (AfCFTA) implementation strategy, which aims to consolidate, diversify, and expand Kenyan exports across African markets.

With Ecobank’s expansive presence in 35 African countries and KNCCI’s extensive business network, this partnership aims to transform how Kenyan companies approach cross-border trade.

In a joint statement, Ecobank and KNCCI said the collaboration not only provides seamless access to verified trade partners but also strengthens Kenya’s participation in AfCFTA, which fosters intra-African trade.

Under the theme “Powering Trade across Africa,” the breakfast forum highlighted the new opportunities this partnership offers Kenyan businesses.

With the lender’s integrated payment network, companies can conduct secure, efficient cross-border transactions across 35 countries, significantly reducing costs, time, and complexity.

Through the Ecobank Single Market Trade Hub Portal, Kenyan traders gain access to over 6,000 businesses across Africa, allowing them to identify new trade partners, develop markets, and confidently expand their operations.

In addressing the key challenges that KNCCI members face in regional and international trade—such as high transaction costs, fluctuating exchange rates, limited access to trade finance, and the difficulty of finding reliable partners—this partnership will offer tailored solutions to enhance cross-border business operations.

By providing access to competitive exchange rates and customised trade finance options, Ecobank will help Kenyan businesses overcome financial barriers in regional and international trade.

Additionally, the Single Market Trade Hub Portal connects traders with verified businesses across Africa, reducing the risks and uncertainties often associated with cross-border partnerships and fostering secure, sustainable business growth.

Josephine Anan-Ankomah-Ecobank Kenya’s managing director and regional executive, said the bank’s expertise in trade finance, foreign exchange services, and cross-border payment solutions will enable businesses to efficiently manage international transactions and mitigate risks associated with cross-border trade through the Ecobank Single Market Trade Hub portal.

“Additionally, the partnership will create opportunities for businesses to connect with potential partners and investors across the region, facilitating trade deals and enhancing market access.”

KNCCI President Erick Rutto said collaboration with Ecobank allows us to address key barriers facing our members in cross-border trade and provide them with the tools needed to connect with thousands of African businesses.

“Together, we are building a pathway for Kenyan businesses to excel regionally and globally.”

SOURCE


By VICTOR AMADALA

{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Degmada Gaalkacyo oo fariin adag udiray dadweynaha kunool xaafaddaha kala duwan ee Gaalkacyo.

0

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Duqa Degmada Gaalkacyo oo fariin adag udiray dadweynaha kunool xaafaddaha kala duwan ee Gaalkacyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada israel Oo Lacago Siinaysa Cidii Keenta Maxaabiista Laga Heysto

0

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Dowlada israel Oo Lacago Siinaysa Cidii Keenta Maxaabiista Laga Heysto

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xaaskii iyo caruurtii Shaahmacabe oo ku jira xaalad adag iyo dowladda oo………

Sabti 09- November-2024 {HMC} Waxaa maanta warbaahinta la hadashay iyadoo xaalad quus ah ku jirta Xaaska Taliyihii hoggaaminayey ciidankii xoogga dalka ee sanad ka hor lagu laayey deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud Korneyl Mukhtaar Shaah-macabe.

Gabadhaan oo timid kulan loogu duceynayey Taliyaha oo nolol iyo geeri aan midna meel lagu sheegin muddo ka badan hal sano ayaa sheegtay inay la daalaa dhaceyso korinta carruurtii ay u dhashay Korneyl Shaahmacabe oo 3-sano jir uu u yaryahay.

Madaxda qaranka oo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay saaxiibo ahaayeen Taliyaha uu ugu horeeyo waa dayaceen carruurtii uu ka tegay Shaahmacabe oo ahaa sarkaal qaali ah oo lagu xusuusto sidii uu u difaacay Xasan Sheekh, markii ay Mirinaayo ku weerareen ciidan uu u diray Xasan Sheekh.

Gabadha ilmaha u dhashay Taliye Shaahmacabe ayaa maanta sheegtay inay ku dhiban tahay korinta carruurtii uu uga tegay ninkeedii ay jecleyd, kaas oo nolol iyo geeri aysan meel ku sheegin dowladii uu u shaqeynayey.

Waxaa soo baxaysa xog sheegeysa in Madaxweynaha loo sheegay in Shaahmacabe reerkiisa laga warqabo oo nolol wanaagsan ay ku jiraan, balse taasi waa beenowday, waxaana maanta xaqiiqada soo bandhigtay gabadha ilmaha u dhashay Korneyl Shaahmacabe.

Xubno u badan agaasimayaal oo Taliye Shaahmacabe ku heyb ahaa ayuu Madaxweynuhu u xilsaaray inay ka warqabaan caruurta Shaahmacabe, balse waxaa la sheegay inay dayaceen, waxaana qeylo dhaan loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gabadha ayaa sheegtay in carruurta ay u heyso Shaahmacabe oo afar ah kan u weyna uu yahay 8-sano jir aysan geyn waxbarasho, dhowr gurina laga saaray markii ay kirada iska bixi waayeen, waxayna cadeysay inay ku jiraan xaalad quus ah oo tan iyo markii ay Aabahood waayeen ay qalbiga ka ooynayaan.

Korneyl Mukhtaar Shaahmacabe wuxuu saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh, balse markii uu qarankiisa u shahiiday kama helin abaalkii uu mudnaa, iskadaa nolol kalee mushaarkiisii xitaa ma helaan carruurta uu ifka uga tegay sida ay cadeysay xaaskiisa oo maanta warbaahinta la hadashay.

{DAAWO MUUQAALKA} Cadeymo dheeraad ah oo laga soo bandhigay kiiska gabadho soomaaliyeed oo lagu dilay Kenya.

0

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Cadeymo dheeraad ah oo laga soo bandhigay kiiska gabadho soomaaliyeed oo lagu dilay Kenya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Mucaaradka Soomaaliya oo si adag ugu horyimid tallaabada uu qaaday Aadan Madoobe.

Sabti 09- November-2024 {HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad uga horyimid guddi ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, oo uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo ka shaqeyn doona xeerarka doorashooyinka ururada iyo asxaabta siyaasadda, iyo sidoo kale gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo dastuurka dalka.

Sidaas darteed, ayuu yiri, in ay ka wada shaqeeyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku, waa mid aan sharci ahayn waxaana iska leh guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo keliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka mid jeebka ugu jira madaxtooyada Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dastuurku wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay hawl wadajir ah qaban karaan oo keli ah marka;

1: Doorashada Madaxweynaha
2: Dib u eegista Dastuurka iyo
3: Xeerka qoondada miisaaniyadda oo ay labada aqal ku heshiiyeen.

Sababtoo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo dhisay in sharciyadda iyo xeerarka ka soo gudba Golaha Shacabka uu turxaan-bixiyo, kana eego danta shacabka guud ahaan iyo tan dowlad goboleedyada ay matelaan.

Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo.

Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas.

Durbaanka la xadayo halkii lagu yeerin lahaa ayaan sugaynaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

0

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Soomaalida guusha ka gaartay doorashooyinkii Maraykanka iyo xilalka ay heleen.

Sabti 09- November-2024 {HMC} Doorashada Maraykanka ee maalmo ka hor dhacday waxay aad indhaha caalamka u hayeen tartanka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee loollanka uu ku dhex maray labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga.

Balse waxaa kaloo jira xilal kale oo loo tartamay, kuwaasoo isugu jira heer federal iyo heer gobol, waxaana ka mid ah kuraasta senetka, kuwa aqalka wakiillada iyo kuwa baarlamaannada gobollada.

Soomaalida xaqa u leh inay ka qayb galaan doorashooyinkaas ayaa qaarkood waxay u istaageen inay u tartamaan kuraastaas, waxayna intooda badan ka soo galeen tartanka labada gobol ee ay Soomaalidu u badan yihiin ee Minnesota iyo Ohio.

Haddaba waxaan eegi doonnaa qaar ka mid ah siyaasiyiintaas oo isugu jira kuwo siyaasaddaa ku cusub iyo qaar kuraastooda dib u soo ceshtay.

Ilhaan Cabdullaahi Cumar waa shaqsiga kaliya ee u tartamay xil federal.

Siyaasiyaddan 43jirka ah waxay aqalka wakiillada xubin ka ahayd tan iyo 2019, waxayna kursigeeda difaacatay 4 doorasho oo codbixin dadweyne ahaa.

Xilligaa ka hor waxay xubin ka ahayd aqalka wakiillada ee gobolka ee gobolka Minnesota, ayadoo ka soo geli jirtay degmada 60B.

Ilhaan Cumar waxaa lagu xusuustaa inay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ka soo jeedda ee xubin ka noqota Koongareeska Maraykanka.

Laakinse muddo xileedkii ugu horreeyey madaxweyne Donald Trump ayey aad isku dhaliileen, ayagoo fagaarayaasha iska cambaareyn jiray.

Ilhaan waxay isbahaysi adag la samaysatay siyaasiyiin kale oo Koongareeska xubno ka ahaa, kuwaasoo ku magac dheer ‘the squad’.

Fikradda kooxdaas ayaa u janjeerta siyaasadaha garabka bidix, waxaana loollanki adkaa ee dhex maray ayada iyo Trump uu keenay in Ilhaan laga saaro sannadkii hore guddiga arrimaha dibadda ee aqalka wakiillada oo ay xubin ka ahayd.

Ilaa hadda Ilhaan waxaa loo arkaa siyaasiga ugu shacbiyadda badan siyaasiyiinta Soomaalida ee Maraykanka.

Maxamuud Nuur waa siyaasigii xilka kala wareegay Ilhaan Cumar, wuxuuna xafiiska la wareegay Bishii Janaayo 2019.

Waa 45 jir xaasle ah, waana aabbe dhalay 4 carruur ah, isagoo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga wuxuuna hadda soo ceshtay kursigii degmada 60B.

Muddadii uu siyaasadda ku jiray wuxuu xubin ka soo noqday guddi hoosaadyada aqalaka wakiillada gobolka Minnesotta ee qaabilsan Waxbarashada, maaliyadda, sharciga iyo siyaasadda.

Wuxuu kaloo aad ugu ololeeyey, wakhti badanna geliyey arrimaha caafimaadka, helitaanka shaqooyinka iyo guryaha, iyo caawinta dadka sharci darrada ku soo gala Maraykanka.

Ka hor intii uusan siyaasadda ku soo biirin wuxuu hawlo ka soo qabtay ururrada jaaliyadda Soomaalida.

Samakaab Xuseen waa 44 jir dhowr sano ku jiray siyaasadda gobolka Minnesota, Gaar ahaan magaalada Saint Paul, waana aabbe dhalay laba carruur ah.

Wuxuu siyaasadda soo galay 2022 markii gabadhii golaha wakiillada ee gobolkaas xubinta uga ahayd degmadiisa Ramsey county aysan tartamayn. Wuxuu iminka xubinka yahay guddiga maaliyadda ee qaabilsan maalgelinta, dhaqaalaha lagu dhiso guryaha iyo shaqooyinka.

Samakaab wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga shahaadada 1aad ka qaatay Saint Mary’s University of Minnesota, isagoo shahaadada labaad ee ah hogaaminta siyaasaddana ka qaatay Metropolitan state university sannadki hore.

Ancaam Maxamuud Waa 35 jir ka soo shaqaysay arrimaha caafimaadka ee magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St Paul, gaar ahaan maamulka daryeelka xanuunnada dhimirka.

Waxay ku soo kortay, waxana ku soo baratay dalka Maraykanka oo la geeyey ayadoo 8 jir ah.

Degmada ay hadda ku guulaysatay ee 62B waxaa hore uga soo geli jirtay Hodan Xasan, waxayna guusha Ancaam suurtogal noqotay markii ay ku dhawaaqday Hodan in aysan doorasho u soo istaagai doonin, ka dib seddex xilli doorasho oo ay degmadaas ka soo galaysay aqalka wakiillada ee gobolka.

Muniira Yaasiin Cabdullaahi waa gabadhii ugu horreysay ee muslim ah ee xubin ka noqota aqalka wakiillada ee gobolka Ohio, waana siyaasiyad ka soo gasha degmada 9aad.

Waxay guusheedii ugu horreysay gaaratay isreebreebkii Agoosto 2022, waxayna gool aysan cidna ka hor imaanin ku guulaysatay doorashooyinkii guud ee Nofeembar 2022.

Ayadoo 3 jir ah ayey qoyskeedu soo degeen Maraykanka, gaar ahaan magaalada Columbus, halkaas oo ay iskuul iyo jaamacadba ka gashay, waxayna cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ka baratay jaamacadda Ohio State University.

Ismaaciil wuxuu sida Muniira ku guulaystay inuu aqalka wakiillada ee Ohio ka soo galo degmada 3aad.

Isaga iyo Muniira waxay noqdeen labadii qof ee Soomaali – Ameerikaanka ahaa ee ugu horreeyey ee aqalka wakiillada ee Ohio ku biira.

Markii ugu horreysay ee uu aqalka wakiillada ku biiro ayaa ahayd Janaayo 2023.

Shahaadada 1aad iyo tan 2aad ee sharciga ayuu ka qaatay Ohio State University 2013 iyo 2017, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Dimoqaraadiga.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.11.2024}

Jimco 08- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO