Home Blog Page 1642

Soomaalida guusha ka gaartay doorashooyinkii Maraykanka iyo xilalka ay heleen.

Sabti 09- November-2024 {HMC} Doorashada Maraykanka ee maalmo ka hor dhacday waxay aad indhaha caalamka u hayeen tartanka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee loollanka uu ku dhex maray labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga.

Balse waxaa kaloo jira xilal kale oo loo tartamay, kuwaasoo isugu jira heer federal iyo heer gobol, waxaana ka mid ah kuraasta senetka, kuwa aqalka wakiillada iyo kuwa baarlamaannada gobollada.

Soomaalida xaqa u leh inay ka qayb galaan doorashooyinkaas ayaa qaarkood waxay u istaageen inay u tartamaan kuraastaas, waxayna intooda badan ka soo galeen tartanka labada gobol ee ay Soomaalidu u badan yihiin ee Minnesota iyo Ohio.

Haddaba waxaan eegi doonnaa qaar ka mid ah siyaasiyiintaas oo isugu jira kuwo siyaasaddaa ku cusub iyo qaar kuraastooda dib u soo ceshtay.

Ilhaan Cabdullaahi Cumar waa shaqsiga kaliya ee u tartamay xil federal.

Siyaasiyaddan 43jirka ah waxay aqalka wakiillada xubin ka ahayd tan iyo 2019, waxayna kursigeeda difaacatay 4 doorasho oo codbixin dadweyne ahaa.

Xilligaa ka hor waxay xubin ka ahayd aqalka wakiillada ee gobolka ee gobolka Minnesota, ayadoo ka soo geli jirtay degmada 60B.

Ilhaan Cumar waxaa lagu xusuustaa inay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ka soo jeedda ee xubin ka noqota Koongareeska Maraykanka.

Laakinse muddo xileedkii ugu horreeyey madaxweyne Donald Trump ayey aad isku dhaliileen, ayagoo fagaarayaasha iska cambaareyn jiray.

Ilhaan waxay isbahaysi adag la samaysatay siyaasiyiin kale oo Koongareeska xubno ka ahaa, kuwaasoo ku magac dheer ‘the squad’.

Fikradda kooxdaas ayaa u janjeerta siyaasadaha garabka bidix, waxaana loollanki adkaa ee dhex maray ayada iyo Trump uu keenay in Ilhaan laga saaro sannadkii hore guddiga arrimaha dibadda ee aqalka wakiillada oo ay xubin ka ahayd.

Ilaa hadda Ilhaan waxaa loo arkaa siyaasiga ugu shacbiyadda badan siyaasiyiinta Soomaalida ee Maraykanka.

Maxamuud Nuur waa siyaasigii xilka kala wareegay Ilhaan Cumar, wuxuuna xafiiska la wareegay Bishii Janaayo 2019.

Waa 45 jir xaasle ah, waana aabbe dhalay 4 carruur ah, isagoo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga wuxuuna hadda soo ceshtay kursigii degmada 60B.

Muddadii uu siyaasadda ku jiray wuxuu xubin ka soo noqday guddi hoosaadyada aqalaka wakiillada gobolka Minnesotta ee qaabilsan Waxbarashada, maaliyadda, sharciga iyo siyaasadda.

Wuxuu kaloo aad ugu ololeeyey, wakhti badanna geliyey arrimaha caafimaadka, helitaanka shaqooyinka iyo guryaha, iyo caawinta dadka sharci darrada ku soo gala Maraykanka.

Ka hor intii uusan siyaasadda ku soo biirin wuxuu hawlo ka soo qabtay ururrada jaaliyadda Soomaalida.

Samakaab Xuseen waa 44 jir dhowr sano ku jiray siyaasadda gobolka Minnesota, Gaar ahaan magaalada Saint Paul, waana aabbe dhalay laba carruur ah.

Wuxuu siyaasadda soo galay 2022 markii gabadhii golaha wakiillada ee gobolkaas xubinta uga ahayd degmadiisa Ramsey county aysan tartamayn. Wuxuu iminka xubinka yahay guddiga maaliyadda ee qaabilsan maalgelinta, dhaqaalaha lagu dhiso guryaha iyo shaqooyinka.

Samakaab wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga shahaadada 1aad ka qaatay Saint Mary’s University of Minnesota, isagoo shahaadada labaad ee ah hogaaminta siyaasaddana ka qaatay Metropolitan state university sannadki hore.

Ancaam Maxamuud Waa 35 jir ka soo shaqaysay arrimaha caafimaadka ee magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St Paul, gaar ahaan maamulka daryeelka xanuunnada dhimirka.

Waxay ku soo kortay, waxana ku soo baratay dalka Maraykanka oo la geeyey ayadoo 8 jir ah.

Degmada ay hadda ku guulaysatay ee 62B waxaa hore uga soo geli jirtay Hodan Xasan, waxayna guusha Ancaam suurtogal noqotay markii ay ku dhawaaqday Hodan in aysan doorasho u soo istaagai doonin, ka dib seddex xilli doorasho oo ay degmadaas ka soo galaysay aqalka wakiillada ee gobolka.

Muniira Yaasiin Cabdullaahi waa gabadhii ugu horreysay ee muslim ah ee xubin ka noqota aqalka wakiillada ee gobolka Ohio, waana siyaasiyad ka soo gasha degmada 9aad.

Waxay guusheedii ugu horreysay gaaratay isreebreebkii Agoosto 2022, waxayna gool aysan cidna ka hor imaanin ku guulaysatay doorashooyinkii guud ee Nofeembar 2022.

Ayadoo 3 jir ah ayey qoyskeedu soo degeen Maraykanka, gaar ahaan magaalada Columbus, halkaas oo ay iskuul iyo jaamacadba ka gashay, waxayna cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ka baratay jaamacadda Ohio State University.

Ismaaciil wuxuu sida Muniira ku guulaystay inuu aqalka wakiillada ee Ohio ka soo galo degmada 3aad.

Isaga iyo Muniira waxay noqdeen labadii qof ee Soomaali – Ameerikaanka ahaa ee ugu horreeyey ee aqalka wakiillada ee Ohio ku biira.

Markii ugu horreysay ee uu aqalka wakiillada ku biiro ayaa ahayd Janaayo 2023.

Shahaadada 1aad iyo tan 2aad ee sharciga ayuu ka qaatay Ohio State University 2013 iyo 2017, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Dimoqaraadiga.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

Sabti 9, Nov 2024 {HMC Madaxweyne Erdogan oo casumaddii u horreysey u fidiyey Madaxweyne Donald Trump.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.11.2024}

Jimco 08- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Xildhibaan Buraale oo si Adag uga hadlay weerar lagu qaaday gurigiisa.

Jimco 08- November-2024 {HMC} Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa Habeen ka kor weeraray halka magaalada Baladweyne ka deganaa Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullahi Ganey oo sheegta Madaxweynaha Hiiraan State, ka dib amar ka dib DF.

Weerarka ka dib Cabdullahi Ganey ayaa galay dowlad deegaanka soomaalida isaga oo baxsad ka ah ciidanka dowlad ee doonayay in ay gacanta kusoo dhigaan si wax looga weydiiyo kulamo uu Caasimadda itoobiya kula yeeshay madax ka tirsan dowladda Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale oo Wareysi siiyay Hiiraanweyn ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay maxkamad la tiigsan doono ciidankii fuliyay weerarkii lagu raadinayay Cabdullahi ganey , sababao uu ku sheegay in xaafado isaga uu ku lee yahay Baladweyne ay ciidanka ka sameeyeen qalqalgalin.

Dhanka-kalle Xildhibaanka waxaa uu cadeeyay in kulankii dhaxmaray Madaxweyne Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan iyo Dowladda itoobiya uu guud ahaan kasoo horjeedo isla markaana ay tahay siyaasad isaga u gaar ah oo aanan lala qabin haatan ay socdaan kulamo lagu soo afjaro heshiiska iyo wada hadalada itoobiyaha iyo Cabdullahi Ganey.

ICC judges unseal arrest warrant for alleged Central African Republic rebel

0

Friday 08, Nov 2024 {HMC} Judges at the International Criminal Court on Thursday unsealed an arrest warrant for an alleged rebel from the Central African Republic accused of war crimes and crimes against humanity including murder, extermination, rape and persecution more than a decade ago.

According to his warrant, which was originally issued under seal in 2018, Edmond Beina commanded a group of about 100 to 400 fighters responsible for murdering Muslims in early 2014 in a village in the west of the impoverished nation.

Prosecutors say Beina’s group was part of the anti-Balaka, a mainly Christian militia that fought against the predominantly Muslim Seleka rebel force in 2013-2014. The fighting left thousands dead and displaced hundreds of thousands.

The Central African Republic has been plagued by violence since 2013, when Seleka rebels forced then-President Francois Bozize from office. Anti-Balaka militias fought back, also targeting civilians and sending most of the Muslim residents of the capital, Bangui, fleeing in fear.

ICC judges said in a written ruling that they unsealed the warrant for Beina’s arrest after authorities in the Central African Republic challenged the admissibility of the case. The court did not reveal details of the challenge.

Prosecutors allege that Beina was involved in crimes in the village of Guen in the country’s west from February to April, 2014, including murdering Muslim civilians. He also commanded other fighters who carried out crimes, his warrant says.

In one incident, prosecutors allege that Beina and his fighters stormed the compound of a Muslim community leader in Guen, where about 300 displaced people, including women and children were sheltering.

“Beina separated the civilians into groups and, at gunpoint, ordered the men and boys to lie down. Then, Beina summarily executed several Muslim men and boys with his Kalashnikov rifle, emptying one magazine and another,” the warrant said.

“Beina ordered his men to finish off any survivors,” it added, saying that at least 42 Muslim men and boys were killed in the attack.

Three other alleged rebels from the Central African Republic are currently on trial at the court for their alleged roles in the sectarian violence in the country.

VOA

Amnesty International calls for end to crackdown on protesters in Mozambique.

0

Friday 08, Nov 2024 {HMC} Amnesty International is calling on the Mozambican government to stop its crackdown on protesters challenging the results of last month’s elections. At least 20 people have been killed in post-election violence, according to human rights groups.

Demonstrators rallied again on Thursday, burning tires and blocking streets. Police fired tear gas at hundreds of protesters in the capital, Maputo.

Cidia Chissungo, who works with Amnesty International, said tensions are high in Mozambique.

“There are cases of people that have already been shot. We cannot confirm how many died this morning. We still have to analyze all the evidence we are receiving,” Chissungo said. “There are dozens of people being arrested not only in Maputo but also in Nyambane province. We have cases of police using rubber bullets, as well. So, there is massive tension today, and nobody knows how this will end.”

 

The October 9 vote extended the rule of the Frelimo Party, which has led the southern African country for 50 years. Frelimo candidate Daniel Chapo was declared the winner of the presidential election with more than 70% of the vote.

Opposition parties, civil society groups and electoral observers said the election was unfair and rigged in favor of Frelimo — allegations that Frelimo denies.

Chissungo said security forces must halt violent crackdowns against demonstrators and address their grievances.

“Police should respect people’s right to protest. There are cases of people just standing on the streets, and police decided to take them, and there are hundreds who have been arrested,” Chissungo said. “If people are demanding and are criticizing the government, and they are saying they need clarification over the election, it is for the authorities to listen and respect people’s rights to speak out if they think there is something wrong, and not shoot at protesters.”

Human Rights Watch has called for the government to lift internet restrictions, which have further fueled a perception that authorities are trying to stifle the protests.

Allan Ngari, HRW’s Africa advocacy director, said lack of internet access and social media networks hinders people’s rights.

“Sometimes it is working, sometimes it is not working. So, it is not an entire shutdown, but it is, rather, restrictions. And we [are] of the view that this violates multiple rights, including rights to freedom of speech, peaceful protests and from access to information,” Ngari said. “But also, the internet has become a source of employment, business for people, and those who are impacted then by this restriction cannot make a living anymore.”

Mozambique’s internet was working Thursday, to the surprise of many after days of interruptions.

But as tensions rise, South Africa closed its main border crossing with Mozambique on Wednesday for security reasons. The South African government also warned its citizens not to travel to Mozambique.

11 Somali soldiers killed in clash with al-Shabab militants.

0

Friday 08, Nov 2024 {HMC}  At least 11 Somali regional and federal government forces were killed in fierce fighting on Wednesday in the south of the country, officials said.

The fighting occurred in the vicinity of Wayaanta, about 60 kilometers southwest of Kismayo, Jubaland state, after the government forces attacked a suspected gathering spot for the militants.

Three officials with direct knowledge of the fighting who requested not to be identified because they are not allowed to speak with media told VOA Horn of Africa that 11 regional and government soldiers were killed, and more than 20 others injured.

One of the officials claimed more than 20 al-Shabab militants also were killed in the encounter.

An operation by the Somali forces last year in the same vicinity killed an al-Shabab commander who was said to be a deputy emir of the area, according to the regional officials.

During last year’s operation, the U.S. military conducted a “collective self-defense” airstrike against al-Shabab militants in the Wayaanta area, killing three fighters.

Al-Shabab has been fighting successive Somali governments since 2006. The group controls large countryside areas in south-central Somalia. After the president of Somalia came to power in May 2022, self-organized local fighters supported by federal forces removed al-Shabab from vast areas in the central regions.

Somalia’s intelligence and security agency last Sunday reported that as many as 27 al-Shabab militants were killed during a 12-hour-long operation in the vicinity of Yaaqle, about 50 kilometers north of Mogadishu in the Middle Shabelle region.

In a statement, the agency said the targeted operation was carried out at a time when the militants were preparing to harm the public. Vehicles and other equipment also were destroyed during the “successful” operation, the statement said.

Despite the losses of men and territory, the group remains a threat to Somali and African Union forces, carrying out deadly raids.

On the day Somalia intelligence reported the operation, two African Union soldiers were killed and a third was injured by an al-Shabab mortar attack Sunday on their base inside the perimeters of Mogadishu’s international airport.

The group fired four rounds of a 107mm rocket during daylight.

SOURCE VOA

 

Muhaajiriin Soomaali ah oo dib loogu celiyay Soomaaliya

Jimco  08- November-2024 {HMC} Koox muhaajiriin ah oo gaaraysa 24 qof oo uu ku jiro ilmo yar oo 11 bilood uun jira, ayaa maanta dib loogu celiyay magaalada Muqdisho sida ay sheegtay Ergyaga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha hijrada,soo galootiga iyo xuquuqda caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Kooxdan la soo celiyay ayaa laga soo qaaday dalka Tuniisiya, waxana laga soo badbaadiyay kooxo magafayaal ah oo ka doonayay madax furasho.

Maryan ayaa sheegtay in Dawladda Federaalka ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii muhaajriinta Soomaalida ah dib dalkooda loogu celin lahaa.

Midowga Yurub ayaa maalgaliyay qorshaha 24 qof dib loogu celiyay Soomaaliya.

24 kii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar ayaa Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo hay’addaha IOM-ta iyo UNHCR waxay dhalinyaro Soomaali ah oo tarhriibayaal ah dib uga soo celisay dalka Liibiya, waxayna kala tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhalinyaradan ayaa gaaraysay 164 qof, waxana 55 kamid ah la geeyay magaalada Hargeysa, halka 109 kale la geeyay magaalada Muqdisho.

NISA oo sheegtay in dhawr iyo toban ka tirsan AS lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Jimco 8, Nov 2024 {HMC} War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal gaar ah lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku urursanaysay meel qarsoodi ah oo ku taala deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

NISA waxay sheegtay in halkaas lagu dilay 19 ka tirsan Al-Shabaab. NISA waxa kale oo ay sheegtay in lala socday xogta kooxda halkaa isku urursanaysay, deetana la beegsaday.

Ciidamada sirdoonku kama hadlin nooca hawgalka ee ay halkaas ka fuliyeen, waxaase loo badinayaa in ay ahayd duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday halka bartilmaameedku ahaa.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa todobaad kii hore sheegay in ciidamadu qaadi doonaan duqeymo culus oo ka dhan ah xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan meelaha ay joogaan kooxaha uu ugu yeeray khawaarijta.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.11.2024}

Jimco  08- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO