Home Blog Page 1643

Waa kee cayaartoyga Soomaaliyeed ee la saadaalinayo inuu ku biiro horyaalka Premier league?

Jimco 8, Nov 2024 {HMC} Daaha Cabdi Cali waa cayaartoy Kubadda cagta cayaara oo 26 jir ah. Wuxuu ku dhashay caasimadda Sweden ee Stockholm 1 Luulyo 1998. Waalidkiis waxay ka soo qaxeen Soomaaliya sannadihii 90-meeyadii. Wuxuu hadda u cayaaraa kooxda Malmo FF ee ka cayaarta Europa League.

Laakin waxaa isha ku haysa koox ka cayaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Sababaha ay ku doonayaan cayaartoygan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin difaacyada ka soo horjeeda jebiya oo balka ka dheela.

Wuxuu ka mid yahay Daaha cayaartoyda durba la safo ee kooxda Malmo ku xisaabtanto, wuxuuna ku fiican yahay dhalinta iyo dhigidda goolasha, taana waxay keentay inuu qayb muhiim ah ka qaato kaalinta ay kooxdiisa kaga jirto horyaalka Sweden ee 2024 oo ay ku hogaaminayso 61 dhibcood, waxaana kooxda ku soo xigta ee Hammarby ay leedahay 53.

Maalmo FF waa kooxdii uu cayaaraha ka soo bilaabay laacibka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, waana kooxda hadda difaacanaysa horyaalka.

Kooxda Brighton ee horyaalka Premier league-ga Ingiriiska kaga jirta kaalinta 6aad ayaa aad u danaynaysa ciyaartoygan, sababahana waxaa ugu weyn ayadoo doonaysa cayaartoy dhallinyar oo xirfad sare leh, buuxinna kara qaybta weerarka ee kooxda.

Waxaa kale oo Brighton ay doonaysaa ciyaartoy adag oo u geli kara kaalintii uu baneeyey Leandro Trossard oo kooxda uga wareegay kooxda Arsenal sannadkii hore. Daaha waxaa aad loogu jeclaaday Khalkhal gelinta difaaca ka soo horjeeda.

Intaa waxaa dheer in kooxda Brighton lagu yaqaanno inay soo qaadato ciyaartoy ay u aragto inay mustaqbal fiican leeyihiin, kuwaasoo soo bandhiga hibo rabaani ah, una diyaarsan inay horumar sameeyaan.

Haddaba waa kuma Daaha cali. Waa 26 weerarka ka cayaara, wuxuuna kubadda cagta bilaabay markii uu 8 jir ahaa, isagoo ku soo koray xaafadda Testa ee magaalada Stockholm. Kooxdii ugu horreysay ee uu u cayaaro waxay ahayd Spånga IS oo wakhtigaas ahayd koox ka dheesha heerka 5aad.

Dabayaaqadii 2013, Daaha Cali wuxuu ku biiray kooxda Sundbybergs IK isagoo wakhtigaas ahaa 15 jir. Kooxda oo ka dheesha heerka 2aad ayuu Daaha u saxiixay 3 gool 11 cayaarood oo uu u safatay.

Daaha wuxuu uga sii gudbay kooxda IFK Stocksund oo muddo 2 sano ah uu u cayaaray, ka dibna xilli ciyaareedkii 2020 wuxuu heshiis la saxiixday kooxda Sollentuna FK, isagoo u dhaliyey 10 gool, isla markaana suurto geliyey dhalinta goolal badan oo uu badankood dhigay horyaalka heerka Ettan Norra ee Sweden oo kooxdiisa Sollentuna ay kaalinta 3aad ku dhamaysatay.

Bishii Febraayo, Daaha Cali wuxuu heshiis 3 sano ah la saxiixday kooxda Örebro SK. Waana markii ugu horreysay ee uu ka dheelo horyaalka 1aad. Cayaartii ugu horreysay ee uu safto ayaa ahayd 24 Maajo 2021, taasoo kooxdiisa guul darro 2-1 ah ay dhabarka u saareen Malmo FF. Cayaartaas waxaa Daaha garoonka la soo geliyey daqiiqaddi 84aad.

Muddo ka dib, bishii Agoosto ayaa Daaha waxaa deyn ahaan lagu siiyey kooxda Vestaras SK, isagoo u dhaliyey 2 gool, 8na caawiyey 15 cayaarood oo uu dheelay, wuxuuna gacan ka gaystay in kooxda aysan ka bixin horyaalka Superettan. Isla sannadkaas wuxuu ku guulaystay abaalgudka VLT.

Bishii Janaayo 2023 ayuu daaha ku biiray kooxda uu hadda u dhee lo ee Malmo FF, dabayaaqadii sannadkana wuxuu kooxda la qaaday koobkii horyaalka.

Haddii uu u soo wareego kooxda Brighton wuxuu noqon doonaa cayaartoygii 2aad ee Soomaali ka soo jeeda ee ku biira kooxaha horyaalka premier league, wuxuuna fursad u heli doonaa inuu foodda daro qaar ka mid ah difaacyada ugu adag, uguna magaca dheer caalamka sida Van dijk, Rodri, Saliba, iyo Casemiro.

Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Israa’iil oo la weeraray

Jimco 8, Nov 2024 {HMC} Booliska dalka Holland ayaa xabsiga u taxaabay 57 qof oo laga kaxeeyay bartamaha magaalada Amsterdam, kadib markii ay dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya dhalinyaro u dhashay waddanka iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Israa’iil.

Raysal wasaaraha dalkaas, Dick Schoof, ayaa cambareeyay “weerarrada navcaybka ku saleysan ee ka dhanka ah yuhuudda”.

Dhanka kale, raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in magaalada Amsterdam loo diray “laba diyaaradood oo badbaado ah” kadib markii ay dhaceen wax ay milateriga israa’iil ugu yeereen “dhacdooyin rabshado ah oo ka dhan ah Israa’iilyiinta”.

Afhayeenka booliska ayaa warbaahinta dowladda Holland u sheegtay in rabshado ay ka dhaceen aaga Dam Square ee bartamaha caasimadda, balse ma aysan sheegin cidda ku lug lahayd.

Taageerayaasha kooxda kubadda cagtaa Maccabi Tel Aviv, ayaa u safray magaalada Amasterdam, si ay uga qeyb galaan kulan ka tirsanaa koobka Europa League, oo ay la lahaayeen kooxda Ajax.

Cayaartaas ayaa waxay ku soo idlaatay 5-0 oo koxda Israa’eel ee Maccabi Tel Aviv Israa’iil looga adkaaday.

Muxuu yahay qorshaha fadeexada ku ah ciidanka Israel ee Netanyahu oo shaaciyey?

Jimco 8, Nov 2024 {HMC} Sida laga soo xigtay wargeyska The Times of Israel iyo telefishinka Channel 12, wuxuu isku dayayaa RW Netanyahu inuu tijaabiyo daacadnimada kooxaha ka tirsan dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa ee gacanta ku haya maxaabiista Israa’iiliyiinta

Netanyahu ayaa u soo bandhigay 5 milyan oo dollar, marin ammaan ah oo ay uga baxayaan xubin kasta iyo qoyskiisa oo soo wareejisa maxaabiista ay heyso, iyadoo ay intaa dheertay inay Israa’iil gacan ka siinayso sidii uu dib u dejin uga heli lahaa dalalka uu codsado dagaalyahan kasta oo soo dhiiba maxaabiista uu hayo.

Wasiirkii xilka laga qaaday ee difaaca Israa’iil, Yoav Gallant oo u muuqda inuu arrintan ka jawaabayo ayaa maanta u gudbiyay qoysaska maxaabiista kaliya in talaabadan aysan shaqeyn doonin, maxaabiistana lagu sii deyn karo heshiis, wax kasta oo kalena wuxuu ku sheegay inaysan suuragal ahayn.

Qorshahan wuxuu fadeexad ka yahay sirdoonka iyo ciidanka Israa’iil oo taageerro ka helaya Mareykanka iyo xulafada kale, sababtoo ah qorshahan ayaa ka marqaati kacaya iskuday kasta oo militari inay Israa’iil xaqiijisay inaysan ku heli karin maxaabiista gacanta ugu jira dhaqdhaqaaqyada marinka Qasa, taasi waxay awood siinayaa dhaqdhaqaaqyada iska caabinta.

Marka loo eego sida uu qorshahan u shaqeynayo, Falastiiniyiinta waxay wax badan ka garanayaan taariikhda Israa’iil iyo hab-dhaqanka Netanyahu, taasi waa in natiijadu tahay qof kasta oo ay aqoonsato Israa’iil inuu gacanta ku hayay maxaabiista, wuxuu noqon kara mid ku dambeeya xabsiyada Israa’iil, maaddama aysan diiwaanka ku jirin heshiis dammaanad qaad oo ay waligeed dhaqan gelisay Israa’iil, waxayna u qaadanayaan dabin, taasi waxay ku filantahay in qorshaha Netanyahu uu yahay kaliya mid fadeexad ah oo aan lagu gaari karin natiijada balan-qaadyada uu sameynayo.

Guushiisii Kidib Trump oo Xilkii ugu horeeyey u Magacaabay haweeney

Jimco 8, Nov 2024 {HMC} Markii ugu horeysay Taariikhda America Haweeney ayaa loo magacaabay, Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad (Cheif of staff).

Susie Wiles oo aheyd madaxii ololaha doorashada Trump ee sanadkaan ayaa noqotay Qofkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha la doortay uu magacaabo.

Ilaa 2016-kii ayey la soo shaqeyneysay Trump iyadoo 2024 Guusha u keentay maadaama eey aheyd madaxii olalahiisa doorashada.

Rag badan ayaa xilkan aad u raadinayey balse Madaxweynaha ayaa iyada ka doortay maadaama la soo halgantay daacadna u aheyd, guusha uu gaaray hogaamineysay.

Trump ayaa la filayaa inuu xilka madaxweynaha Mareykanka la wareego 20ka bisha Janaayo ee sanadka 2025 isagoo mudada intaas ka horeysana magacaabaya masuuliyiinta ka mid noqonaya maamulkiisa afarta sano ee soo socota.

{DAAWO MUUQAALKA}Baraf markii u horeysay ka da’ay Saxaraha Sacuudiga

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC Baraf markii u horeysay ka da’ay Saxaraha Sacuudiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay AS oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC Howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay AS oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah: Duqeymo diyaaradeed oo aad u culus oo Saakay laga fuliyey …

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC War Deg Deg Ah: Duqeymo diyaaradeed oo aad u culus oo Saakay laga fuliyey …

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay shacabka caasimada muqdisho ka dhaheen soo celinta qaxootiga ku nool dalka jarmalka?

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC Maxay shacabka caasimada muqdisho ka dhaheen soo celinta qaxootiga ku nool dalka jarmalka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaal ku sugan Baladweyne oo ka digay Maamul cusub oo xalay lagu dhawaaqay.

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC Odayaal ku sugan Baladweyne oo ka digay Maamul cusub oo xalay lagu dhawaaqay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qaxootiga Kenya oo ay cabsi soo food saartay

0

Jimco 8, Nov 2024 {HMC Qaxootiga Kenya oo ay cabsi soo food saartay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA