Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Muse Ali Herow
Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Muse Ali Herow
Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris oo doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee Taladaadi kula tartanay Donald Trump ayaa Arbacadi shalay qiratay in looga badiyay tartanka.
Harris oo aheyd murashaxii xisbiga Dimoqraadiga u matalay doorashada, ayaa khudbad ay ka jeediyay Jaamacadda Howard ee magaalada Washington D.C, halkaas oo xarun u aheyd ololaheeda ka sheegtay, in sheegtay in ay wacday Trump oo ay u hambalyeysay.
Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Raisul Wasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa masuuliyad daro ku tilmaamay talaabada uu Madaxweyne Xassan Shiikh ku ogolaaday in dib loogu soo celiyo dalka Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Jarmalka.
Khayre ayaa soo saaray qoraal arrintaas la xiriira oo sidan hoos ku bilowday.
Waxaa nasiib darro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna.
Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda.
In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.
Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa.
Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay caalamka tafaasiil kaga siisay doorashooyinka Somaliland iyo xasaradaha ka oogan gobolka Geeska Afrika.
Wasaaradda Arrimaha dibaddu war-saxaafadeedka ay soo saartay sidatan ayuu u qornaa:-
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ku faraxsan tahay in ay beesha caalamka u sheegto horumarka baaxadda leh ee ay Somaliland ka samaynayso u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo axsaabta ee loo qoondeeyey inay qabsoomaan 13-ka bisha November 2024-ka, iyo in ay wax ka qabato caqabadaha amniga ee saameeya geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.”
Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay sheegtay in Komishanka doorashooyinka Somaliland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo xaqiijinaya kalsoonida iyo hufnaanta doorashadan.Waxaanay soo gebagebeeyeen hubinta diwaan geinta codbixiyayaasha.
Waxa kaloo ay Wasaaraddu tilmaantay in Komishanku dhammaystireen aqoonsiga magacaabista murrashaxiinta, iyadoo la raacayo xeerar anshax oo hore loo dejiyay, geesta kalena waxa ay hubiyeen miisaaniyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.
Waxa War murtiyeedku intaas ku daray in Ruqsad siinta goob joogayaasha caalamiga ah ay hawsheeda u socoto Komishanka doorashooyinka oo sii xoojinaya hufnaanta doorashada.
Xukuumaddu waxa iftiimisay in saraakiisha guddida doorashada loo kala diray dhammaan gobollada dalka, si ay u kormeeraan goobaha codbixinta.
“Sidaa darteed, arrintani waxay hoosta ka xariiqaysaa dedaalka dheer ee ay Somaliland ugu jirto xaqiijinta hanaan doorasho oo dimuqraadi ah isla markaana xor ah. ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH.

Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Jeneraal Charles Kahariri ayaa Talaadadii booqday Qaybta 2-aad ee ATMIS oo saldhigoodu yahay Dhoobley si uu u qiimeeyo daryeelka iyo diyaargarowga ciidanka.
Jeneraal Kahariri ayaa ammaanay xirfadda iyo nafhurnimada ciidanka ay hurayaan xasilinta Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Kenya ee Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSSOM.
Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan ciidanka Kenya oo ay ku jiraan Sarreeye Guuto Faustino Lobaly & Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian ayaa Taliyaha Ciidanka ku wehliyay booqashada. ATMIS iyo qeybaheeda.
Dhinaca kale Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine, ayaa Talaadadii Xarunta sare ee hawlgalka kula kulmey ku xigeenka agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika, Mathieu Briens iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.
Waxay ka wadahadleen u guurida hawlgalka cusub ee AUSSOM, taageerada Midowga Yurub, iyo xaaladda siyaasadeed & amni ee Soomaaliya.
Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} – Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ee baaraya meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata 31-kii bishii Oktoobar ee sandkan ayaa helay arrin hor leh oo la xiriirta kiisaska loo haysto Hashim Dagane oo ah ninka sida weyn loogu huhunsan yahay dilka hooyo, gabadheeda iyo labo gabdhood.
Baarayaasha ayaa aqoonsaday haweeneyda loo maleynayo in la dilay oo ka adeeganeysay dukaamada Quickmart Oktoobar 29-keedi. Muuqaallada kaamerada dukaanka ayaa laga helay caddeyn muhiim ah oo la xiriira kiiska, sida lagu sheegay qoraalka bogga Facebook ee waaxda.
Intaa waxaa dheer oo warku intaa ku darayaa in la ogaaday in marka ay dukaanka ka adeegatay qofka dumarka ee muuqaallada kaamerada laga arkay ay aaddey guri ku yaal xaafadda Lavington ee magaalada Naiorbi, halkaas oo markale laga arkay kaamirada iyadoo sii galeysa.
Baarayaasha waxay kaloo heleen in la arkay dhibbanaha oo Haashim la joogta gurigiisa. Muuqaallada kaamerada ee 31-kii Oktoobar waxay muujinayaan Haashim oo labo bac gacamaha ku wata oo ka baxaya dhismaha. Waxaa la rumeysan yahay in bacahaasi ay ku jireen wixii ka haray dhibbanaha.
Haraaga meydka ayaa markii dambe laga helay qabuuraha lagu magacaabo Langata, sida ay waaxdu sheegtay.
Waxaa sidoo kale la caddeeyay markii Haashim uu ka baxay guriga in milkiilaha uu ogaaday waxa ka dhacay dhismahiisa. Milkiilaha ayaa kaddib nadiifiyay oo dib riinji u mariyay guriga sidaasina ku dhuuntay.
Mas’uuliyiinta ayaa hadda raadinaya, waxayna aaminsan yihiin in muddo kooban lagu soo heli doono markaasna caddaaladda la horkeeni doono.
Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in gabadha ay tahay Deeqa Cabdinuur Gorone oo la waayay, laguna wargeliyay booliiska 24kii Oktoobar. Kooxaha baaraya ayaa ka shaqeynaya sidii ay u caddeyn lahaayeen qofka uu yahay meydka la helay.
Waaxda dambi-baarista DCI waxay sheegtay in ay ka go’an ahay in ay caddaalad helaan dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sidoo kale isku keenaya qeybo kala duwan si ay u ogaadaan lugta uu Hashim ku leeyahay dambiyada kale ee dalka ka dhacay.
Sidee boolisku ku soo qabteen Haashim?
Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheegtay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaadeena “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay saddexda hablood ee isku qoyska ahaa.
“Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,
Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca Haashim oo ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay.
“Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri.
Markaa kaddib Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo loo haysto dilka saddex dumar ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi.
Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabtay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi.
Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda.
“Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena”
Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.
Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco 6, Nov 2024 {HMC} Donald Trump oo hadda 78 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa ee taariikhda Maraykanka.
Taas bedelkeeda, gacantiisa midig, JD Vance, oo 40 jir ah, ayaa noqon doona madaxweyne ku xigeenkii saddexaad ee ugu da’da yaraa Maryakanka.
Sanadihii la soo dhaafay, senator-ka da’da yar ee Ohio wuxuu ahaa mid ka mid ah difaacayaasha ugu cadcad Trump ee Capitol Hill iyo warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee, labadoodu had iyo jeer isku fikir ma aha.
Vance mar wuxuu ahaa nin aad ugasoo hor jeedo Trump”.
Laakiin Vance had iyo jeer waxa lagu gartaa nacaybka Trump ee dadka caanka ah, ugu dambeyntiina, wuxuu noqday mid ka mid ah xulafadiisa ugu adag markii uu u tartamay senate-ka Mareykanka ee Ohio dhowr sano kaddib.
Arbaco 6, Nov 2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta muwaadinad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nadiifo Cali Diini ku wareejisay dhul ay laheyd oo in muddo ka maqnaa oo Maxkamadda u xukuntay.
Arbaco 6, Nov 2024 {HMC} Sanadihii uu xilka hayay muddo xileedkiisii hore wuxuu marar badan soo hadal qaaday Madaxweyne Trump Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Sidoo kale wuxuu ku daray Soomaaliya 13 dal oo Muslimiin u badan oo xayiraad dhanka socdaalka ah uu saaray.
Madaxweyne Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.
Xilligii ugu kululeyd waxay markii Trump ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho, kaddib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb” ay ku qortay barteeda Twitter-ka.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo in ay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.
Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida.
Bogga internetka ee telefishinka CNN ayaa hada ka hor daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida madaxweyne Trump uu u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraalkaasi CNN, bilihii ugu horreeyay ee muddo xileedkiisa hore, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke oo xilligaasi ahayd ku simaha arrimaha ammaanbka gudaha weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.
Dhammaadkii bishii Janaayo ee sanadkii 2017 ayuu Madaxweyne Trump xayiraad ku soo rogay ajaaniibta ka imaanaya siddeed waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, kaddib amar madaxweyne oo uu soo saaray.
Sida lagu xusay buuggaasi, “madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni karaan Mareykanka.
Markii doorashada looga guuleystay, Trump waxa uu ku mashquulay dacwada la haystay iyo fadeexooyinka soo wajahay.
Ololahiia doorashada 2024-ka kama marneyn hadalada naceybka wuxuu inta badan ka hadlay naceybka soogalootiga. Sidii hore u dhici jirtay markan Soomaalida kuma soo darin.
SOURCE BBC