Home Blog Page 1653

Trump wins North Carolina, narrowing Harris’ path.

0

Wednesday 6,Nov, 2024 {HMC} All 2024 election polls are now closed, leaving voters to wait and see whether Donald Trump or Kamala Harris will win a historic presidential election.

Here’s what to know:

States to watch: By winning North Carolina, Trump could reach the 270 electoral vote threshold by carrying Georgia and Pennsylvania or by carrying Georgia, Michigan and Wisconsin. He also can win by carrying Wisconsin and Arizona, as well as other combinations involving Nevada.
More results: We’re using this page to bring you updates on the presidential race. Follow our congressional race updates and find more on the AP’s results hub.
How does the AP call races? It takes a careful and thorough analysis of the latest available vote tallies and a variety of other election data, with the ultimate goal of answering this question: Is there any circumstance in which the trailing candidate can catch up?
Kamala Harris wins the 2nd Congressional District in Nebraska and one electoral vote

Democrat Kamala Harris won the electoral vote tied to Nebraska’s 2nd Congressional District on Wednesday. The sitting vice president defeated Republican and former President Donald Trump in the district centered on Nebraska’s largest city of Omaha and its surrounding suburbs. The district has earned the nickname of Nebraska’s “blue dot” after having supported two other Democrats for president in the last 16 years – former President Barack Obama in 2008 and President Joe Biden in 2020. Nebraska and Maine are the only two states that split their Electoral College votes based on the popular votes in individual congressional districts. The Associated Press declared Harris the winner at 12:08 a.m. EST.
Harris’ Howard party cuts CNN, resumes music as tough race calls roll in

As midnight approached on the East Coast, the Harris campaign turned off its projected broadcasts of CNN at its election night watch party at Howard University. Instead, various high-energy remixes blared from speakers alongside floodlights flickering in tempo to hype the crowd.

The cheers in the crowd had become less frequent as more results came in from battleground states showing a tight race or victories for Trump.

Some attendees began leaving the event though the vast majority of rallygoers remained. It is unclear if Harris will make an appearance at her alma mater.

AP Race Call: Kamala Harris wins Hawaii

Vice President Kamala Harris won Hawaii and the state’s four electoral votes on Wednesday. It’s the 10th straight presidential election in which Hawaii has selected the Democratic Party candidate. The state last picked a Republican for the nation’s top office 40 years ago, when Ronald Reagan emerged victorious in 1984. Hawaii is a solidly blue state, with Democrats controlling all statewide elected offices and the state’s two U.S. House seats. Democrats have also long controlled more than three-quarters of the seats in both the state House and Senate. The Associated Press declared Harris the winner at 12:00 a.m. EST.

Bomb threat emails came from Russian email domain — culprits not necessarily Russian

The head of the U.S. government’s cybersecurity agency says that though bomb threat emails sent to multiple states came from Russian email domains, it’s not clear that the culprits were actually Russian.

Jen Easterly, the director of the Cybersecurity and Infrastructure Security Agency, told reporters Tuesday night that the matter was still being investigated and that the identity of the senders remains unknown.

The FBI said earlier in the day that the email threats sent to Georgia and other states were all judged to be noncredible and were from a Russian email domain. Easterly said the emails did not affect the ability of the voters to cast ballots.

Turkish missile-armed drone crashes in AS-controlled Somali village.

0

Wednesday 6,Nov, 2024 {HMC} A Turkish-made drone armed with missiles has reportedly crashed on Tuesday in the AS -controlled village of Farsooley, located in Somalia’s Lower Shabelle region, according to local sources.

The drone went down approximately 130 kilometres southwest of Mogadishu, near the town of Qoryooley. Residents confirmed that AlS fighters quickly secured the crash site, covering the aircraft with tree branches to conceal it from reconnaissance.

Neither the Somali government nor Turkish authorities have commented on the incident, leaving unclear whether the drone was part of an ongoing operation against AS, a militant group that controls large swathes of rural areas of southern Somalia.

While no group has claimed responsibility for the drone, reports suggest it may have been involved in targeting AS positions.

Further updates will be provided as new information becomes available.

Source Hiiraan online.

EU transfers military equipment to Somalia.

0

Wednesday 6,Nov, 2024 {HMC} The European Union transferred military vehicles and equipment to Somalia’s government on Tuesday.

The handover, which took place at the General Dhagabadan Training Camp, was attended by Somalia’s State Minister for Defense, Omar Ali Abdi, and top EU representatives,

The EU said the delivery will enhance the country’s ongoing campaign against insurgent groups.

The event saw attendance from key dignitaries, including the EU’s Deputy Director for Africa, Mathieu Breins, the EU Special Envoy to Somalia, and representatives from the United Nations Office for Project Services (UNOPS).

State Minister Abdi expressed gratitude for the EU’s ongoing support, noting the positive impact of the vehicles and equipment on national security efforts. “These resources are essential for advancing our armed forces’ fight against extremist groups that threaten the stability of our nation,” Abdi said. “The EU’s contributions continue to strengthen our national defences, equipping our forces with the necessary tools for security and peace.”

EU Deputy Director Breins echoed Abdi’s sentiments, affirming the EU’s commitment to aiding Somalia in building a resilient defence framework. “It’s a privilege to deliver these critical military supplies to Somalia’s armed forces, supporting their essential work for national security,” Breins remarked.

The transfer adds to several previous EU military support packages, including vehicles, equipment, and other resources provided over recent years.

Source Hiiraan Online.

Somali Prime Minister receives EU Deputy Managing Director for Africa.

0

Wednesday 6,Nov, 2024 {HMC} Hamza Abdi Barre, the Prime Minister of Somalia, met with with Mathieu Briens, EU Deputy Managing Director for Africa.

The two officials discussed Somalia’s commitment to enhance security, stability, and economic cooperation Somali national news agency (SONNA) reported.

They emphasised security transitions, political inclusivity, and upcoming federal elections as pivotal milestones in Somalia’ journey towards stability and democracy.

Source Hiiraan Online.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.11.2024}

Arbaco 6, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maxay kawada hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka?

Talaado 6, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Berlin kula kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka, Mudane Olaf Scholz ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay Chancellor Scholz.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda maanta si qota-dheer ugu lafaguray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxa uu Chancellorka Jarmalka, Mudane Scholz soo hadal-qaaday arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu dalkiisu ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah. Waxa uu sheegay in ay Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu Madaxweynuhu la wadaagay dhiggiisa Jarmalka sida ay dawladdiisu u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriir saaxiibtinimo oo soojireenka ah.

Hase ahaatee, Mudane Olaf Scholz ayaa xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharcidarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.

Wasiirkii saddexaad oo iska casilay xukuumadda Soomaalya.

Talaado 6, Nov 2024 {HMC} Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, muddo maalmo gudahood ah.

Is-casilaadda Wasiirada ayaa salka ku haysa khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo Jubaland. Xildhibaan Sadaam ayaa ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku eedeeyey xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay baalmartay dastuurkii dalka, siyaasadeysey mashaariicda Puntland, burburineyso nidaamka federaalka, colaadna ka abuureyso deegaanada Jubaland.

Xildhibaan Saddaam ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii dhawaan oggolaadey casumaadii Puntland uga timid kadibna soo saarey baaqa ay ku taagerayaan mowqifka Puntland ee ku aadan Dowladda federaalka, waxaana uu ahaa Wasiirka keliya ee kamid ahaa dhawr iyo tobanka xildhibaan ee Garoowe ka degay dhamadkii bishii hore.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay Xildhibaan Saddaam maxamuud ee iska casiley golaha xukuumadda:

Ku: Ra’iisal wasaaraha XFS
Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS
UJEEDDO: Is casilaad

Mudane Ra’iisal wasaare:

Markii aan arkay in horumarkii iyo howlihii Qaran in looga Mashquulay kala dhantaalida iyo dhaawacida midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

Markii aan arkay in shaqadii Xukuumaddu ku soo ururtay danaysi iyo damac gaar ah.

Markii aan arkay in Xukumada shaqo ka dhigatay abuurida colaado sokeeye iyo kala qaybinta bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyo deegaanka aan ku metalo Kursi Xildhibaanimo iyo kan Golaha Xukumada ee Dowlada Puntland.

Markii aan arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed si toos ahna loogu diiday dadkii iyo dowladii aan metelay ee Puntland.

Markii aan xaqiiqsaday in XFS Shaqayso burburinta nidaamkii lagu heshiiyey ee Federaalka ahaa.

Markii aan arkay in XFS ay baalmartay dastuurkii dadka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen.

Markii ay ii cadaatay in XFS ku howlan tahay in ay deegaanada Jubbaland ka wadato abuurista colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Hadaba, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2024 go`aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiir ku xigeenka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Dowladda Soomaaliya oo qaaday tallaabo la xiriirta dad Soomaali ah oo…….

Talaado 6, Nov 2024 {HMC} Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukuman dil ayaa dalbanaya in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Maxaabiistan oo xilliyo kala duwan la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof.

Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiweli oo ay ilmo adeer dhow yihiin mid ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in maxaabiistan oo tahriib ku galay dalkaas siina maray Yemen lagu khiyaamay inay daroogo geliyaan Sacudiga.

“Maaddaama dadkan ay duruufo ku xeeran yihiin, waxaa dhacda in lagu baraarujiyo inay daroogo u badan kaniini iyo xashiish ay geeyaan Sacuudiga. Waxaa lagu yiraahdaa haddii aad intaas oo kiilo oo daroogo ah Sacuudiga ii geliso intaas oo lacag ah ayaa lagu siinayaa,” ayuu yiri.

Ninka ay Cabdiraxmaan ehelka yihiin ayaa la qabtay intii u dhaxeysay sanadihii 2018 iyo 2019 markaas oo xabsi la dhigay. Qaar ka mid ah dadka dembiyadan oo kale lagu helay ayaa cafis loo fidiyay amaba xukunka loo beddelay, balse isaga iyo dhalinyaro kale oo gaareysa 45 qof aa feylashooda waxba laga beddelin.

Dalka Sacuudiga ayaa dadka gala dembiyada ay ka midka tahay daroogada waxaa lagu xukumaa xabsiyo muddo dheer amaba dil qoor-goyn ah.

Heerka dilalka dalka Sacuudiga ayaa laba laabmay tan iyo sanadkii 2015 -sida laga soo xigtay warbixin xuquuqda aadanaha oo sanadkii lasoo dhaafay soo baxday – waana sanadkii Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay xukunka qabteen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii September ee sanadkan waxay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xukun dil ah ku fulisay in ka badan 198 qof sanadkan 2024 keliya.

Inkastoo marar badan uu Sacuudigu ballan-qaaday yareynta adeegsiga xukunka dilka, ayaa haddana ay sii kordhiyeen, sida ay sheegtay hay’adda.

Fulinta xukunka dilka ee dembiyada la xiriira daroogada ayaa kordhay sanadkan, iyadoo celcelis ahaan uu dalkaasi dil ku fuliyo hal qof labadii maalmoodba, sida ku xusan warbixinta hay’adda.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhalinyaradan Soomaalida ah lala qabtay kuwo u dhashay dalalka Yemen iyo Itoobiya, kuwaas oo sida uu sheegay qaarkood xukunka dilka ah lagu fuliyay.

“Markii xukunka dilka lagu fuliyay dhalinyaradii lala xukumay ayay cabsi gashay dhalinyaradan oo ay qeylo bilaabeen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay “inay la xiriireen dowladda Soomaaliya balse aan arrinkooda wax laga qaban.”

Ehelka ayaa dalbanaya in dhalinyaradan laga khafiifiyo xukunka isla markaana loogu beddelo xabsi.

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah ayaa xaqiijisay in ay jiraan Soomail ku xiran meel u dhow xuduudda Sacuudiga iyo Yemen. Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Jeddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macaruuf) ayaa sheegay inay ka war hayaan maxaabiistaas oo tiradooda uu ku qiyaasay 45 – 50, ayna maalmo ka hor ugu tageen halka ay ku xiran yihiin.

Wuxuu intaa ku daray in lagu qabtay ayagoo Sacuudiga soo gelinaya xaddi badan oo daroogo ah, sida uu dhigayo sharciga Sacuudigana lagu xukumay dil, laakinse aan lagu fulinin dilka maadaama dawladda Soomaaliya ay arrinta soo fara gelisay oo ay kala hadashay mas’uuliyiinta sacuudiga, kuwaasoo tixgelin siiyey codsiga dawladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay sacuudiga in dadkaas Soomaalida ah ee la qabtay ayagoo dalka daroogo soo galinaya ay isugu jireen kuwo aan ogsoonayn dambiga ay mutaysan karaan oo jahli uu u geeyey iyo qaar lagu khasbay in ay daroogada qaadaan, sidaa darteedna waxaan dawladda Sacuudiga ka codsannay in dilka loogu beddelo xabsi” ayuu yiri qusulka Soomaaliya ee Jeddah, Macaruuf.

Wuxuu kaloo qunsulku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu arrinta kala hadlay dawladda Sacuudiga, ayadoo dhawaanna la filayo in wasiirka garsoorka ee Soomaaliya uu kiiska maxaabiistaas kala hadlo dhigiisa Sacuudiga.

Caadi ahaan, qoor-goynta ayaa ahayd habka ugu badan ee xukunka dilka loo fuliyo Sacuudi Carabiya – dilalka ayaa ka dhaca meelo fagaare ah – iyadoo magacyada kuwa xukunka lagu fuliyay, iyo dembiyada ay galeen, lagu daabaco baraha internet-ka ee dowladda.

Guud ahaan dunida, 106 dal ayaa meesha ka saaray xukunka dilka ee dhammaanba dembiyada, balse weli dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayuu ka jiraan xukunka dilka.

Netanyahu oo shaqada ka ceeyriyay wasiirkiisii difaaca, xilli xaalka……

Talaado 6, Nov 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay ceyriyay wasiirkiisii gaanshaandhigga Yoav Gallant, tallaabadaas oo dad badan yaab ku noqotay, xilli Israel ay ku jirto dagaal dhinacyo badan leh guud ahaan gobolka.

Go’aanka xil ka qaadista Gallant ayaa markiiba ka kiciyay gudaha Israel dibadbaxyo, gaar ahaan bartamaha Tel Aviv oo uu ka dhacay bannaanbixii ugu weynaa.

Netanyahu iyo Gallant ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaa dagaalka Gaza. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa eryidda wasiirka awoodda lahaa ku aadiyey Talaadadi shalay oo ay indhaha caalamka ku jiheysnaayeen doorashada muhiimka ah ee madaxtinimada Mareykanka.

Israel Katz, oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda, kana mid ah dadka sida aadka ah daacadda ugu ah Netanyahu ayaa lagu baddalay Gallant.

Katz ayaa u mahad-celiyay Netanyahu isla markaana ballan qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah “cadawga Israel.”

Doorka Soomaalida Minnesota iyo Ohio ee doorashada Mareykanka

Talaado 6, Nov 2024 {HMC} Malaayiin cod-bixiyayaal ah ayaa shalay codkooda ka dhiibtay doorashada Mareykanka, si ay u go’aamiyaan in midkood, madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris oo dimoqraadi ah ama madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, uu noqo madaxweynaha dalkan afarta sano ee soo socota.

Waxaa billowday in ay soo baxaan natiijooyinka gobollada qaar, walow aanay gaarsiineyn kuwo lagu sii saadaalin karo cidda doorashada ku guuleysaneysa.

Gobolka Minnesotta waa gobolka Soomaalida ugu badan ay ku nooshahay dalkan Mareykanka, waxaana ka codeeyey kumanan Soomaali ah.

Sidoo kale, Gobolka Ohio waa gobolka labaad ee Soomaalidu ugu badan tahay dalkan Mareykanka, waxaana codkooda dhiibtay kumanaan Soomaali ah.

Labadan gobol ayaa waxaa sidoo kale ka tartamay musharaxiin Soomaali ah oo u orday qaar ka mid ah kuraasta deegaanka.