Home Blog Page 1659

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka qeyb-galay shirka guud ee INTERPOL oo….

Talaado, 5,Nov 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb-galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK.

Shirkaan ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in wada-shaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabad-gelyada iyo xasilloonida.

Waxa uu intaas kusii daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo dalalka caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan horumarintooda.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in tiknoolajiyadan casriga ah ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada caalamiga ah, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Intii uu ka hadlayay shirka wasiirka amniga wuxuu soo dhaweeyay tallaabooyinka ay INTERPOL qaadeyso ee lagu xoojinayo awoodaha booliska caalamka iyo wada-shaqeynta dhinacyada caafimaadka iyo ka hortagga dambiyada khatarta leh.

Waxa kale oo ugu baaqay dalalka ka qeybgalay shirka in la xoojiyo xeerarka iyo nidaamyada is-dhaafsiga macluumaadka si loo gaaro hab amni oo loo dhan yahay oo waara, kaas oo u adeegaya bulshooyinka caalamka si hufan oo nabad ah.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu diiradda u saaray muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah ee amniga, iyo isku xirnaanta booliska caalamka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Dowladda Soomaliya oo ergo dhexdhexaadiyayaal ah udirtay Madaxwaynaha Jubaland.

Talaado, 5,Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Wafdigaan waxaa hoggaaminaya Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigaan, arrintaan ayaa uga sii dari karta xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneeyey in Axmed Madoobe uusan hadda diyaar u aheyn in la xaliyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay in doorasho dadban uu qabsado inta aan la xalin xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

R/W Xamza oo deg-deg ugu jawaabay tallabo ay qaadeen wasiiro ka tirsanaa xukuumadiisa.

Talaado, 5,Nov 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo magacaabay labo wasiir oo buuxinaya boosaskii ay shalay iska casileen wasiirro ka soo jeeda Jubbaland oo ka carooday siyaasadda dowladda federaalka ay ka leedahay Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdirashiid Maxamed Ducaale u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS.

Labadaan kursi waxaa shalay iska casilay Cabdirashiid Jire iyo Xildhibaan Daqare, kuwaas oo sheegay inay u dul qaada waayeen sida dowladda federaalka ay ula dhaqmeyso Jubbaland, Puntland iyo Khaatumo.

Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland ay ka sii dareyso, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metala Jubbaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta xildhibaanada ka diiday inay aadaan Jubbaland, kadib markii ay ugu tageen xafiiskiisa, si ay uga fasax qaataan.

Kulankii Aadan Madoobe iyo xubnaha aqbalay casuumadii Axmed Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, waxayna guddoomiyaha u sheegeen inay fowdo ka abuuri doonaan kulamada baarlamaanka.

Malaayiin Mareykan ah oo saaka u dareeray doorashada madaxtinimada ee dalkaas.

Talaado, 5,Nov 2024 {HMC} Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yeelaan sanaadiiqda codoadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.

Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.

Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi “in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka.”
Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan bey tiri.

Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soot ago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia.

{DAAWO MUQAALKA} Shaqaalaha ka Shaqayn Doona Goobaha Dorashooyinka Somaliland oo ladhaariyay.

0

Talaado, 5,  Nov 2024 {HMC} Shaqaalaha ka Shaqayn Doona Goobaha Dorashooyinka Somaliland oo ladhaariyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Lubnan oo sheegtay in 3,000 looga dilay dagaalka Isra’il iyo Xisbullah

Talaado, 5,Nov 2024 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka Lubnan ayaa Isniinti shalay sheegtay, in mudada 13-ka bil ah ee uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Isra’il gudaha Lubnan lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux.

Tiradan ayaa laba jeer ka badan dadki reer Lubnan ee lagu dilay dagaalki Xisbullah iyo Isra’il dhex maray 20 sano ka hor.

Ilaa iyo hadda ma jiraan calaamado muujinaya dhamaadka dagaalkan. Isra’il waxay sheegtay in ay waddo howlgallo ay ku beegsaneyso kaabayaasha Xisbullah meelo badan oo ka mid ah Lubnan, halka Xisbullah ay sii waddo gantaallada culus ee ay ku garaaceyso waqooyiga Isra’il.

Gantaaladaasi waxay billowday maalinti ay Hamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishii October ee sannadki 2023-ki. Weerarkaas oo kiciyay dagaalka hadda socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xamaas iyo Xisbullah oo dhanka kale ah, kuwaas oo taageero ka helaya Iran.

Dhanka kale Isra’il ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay jabisay heshiis horay u jiray oo dhigayay in ay fududeyso shaqada hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.

Hey’addan ayaa soo mara gargaarka bani’aadannimo ee ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka reer Gaza. Dhamaadki bishi hore ayay aheyd marki uu baarlamaanka Isra’il ansixiyay sharci uu ku joojinayo wada shaqeynta UNRWA ee gudaha Isra’il.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cawaaqibka bani’aadannimo ee ka dhan kara tallaabadan.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad Kutaala Israa’iil Oo Ku Dhawaaqday In Ay Soo Bandhigi Doonto Xog ku Saabsan……

0

Talaado, 5,  Nov 2024 {HMC}  Maxkamad Kutaala Israa’iil Oo Ku Dhawaaqday In Ay Soo Bandhigi Doonto Xog ku Saabsan……

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} MarkabkiiTurkiga oo si toos ah Oo Bilaabay Shidaalka Baarista Soomaaliya.

0

Talaado, 5,  Nov 2024 {HMC} MarkabkiiTurkiga oo si toos ah Oo Bilaabay Shidaalka Baarista Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.11.2024}

Isniin, 4, Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Qaar kamid ah Xildhibaanada Jubbaland ku metela BFS oo u duulay magaalada Kismaayo.

0

Isniin, 4,  Nov 2024 {HMC} Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa saaka ka duushay laba diyaaradood oo ay saaran yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa ka jawaabaya warqad xalay uu soo saaray Axmed Madoobe, taasoo uu shir wadatashi ah Kismaayo isugu yeeray labada aqal, si looga wada hadlay xiisada cusub.

Kulanka ayaa looga arinsanyaa mowqifka Jubaland ee khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe oo haatan meeshii ugu sareysay gaaray.

Qaar kamid ah xubnaha labada aqal ee Jubaland kasoo gala ayaa iska xalay aqbalay codsiga Axmed Madoobe, iyagoo wacad ku maray iney tagayaan Kismaayo.

Arrimahan ayaa daba socday iscasilaadii shalay ee laba kamid ah Wasiirada xukuumada Xamze kuwaasoo shaqada isaga tagay khilaafka cusub darteed.

Lama oga talaabada xigta balse xaalada ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana fashilmay dadaalo ay wadeen Xamze iyo Wasiir Fartaag oo ay ku doonayeen iney ku celiyaan xildhibaanada u safraya magaalada Kismaayo.