Home Blog Page 1660

Qaar kamid ah Xildhibaanada Jubbaland ku metela BFS oo u duulay magaalada Kismaayo.

0

Isniin, 4,  Nov 2024 {HMC} Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa saaka ka duushay laba diyaaradood oo ay saaran yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa ka jawaabaya warqad xalay uu soo saaray Axmed Madoobe, taasoo uu shir wadatashi ah Kismaayo isugu yeeray labada aqal, si looga wada hadlay xiisada cusub.

Kulanka ayaa looga arinsanyaa mowqifka Jubaland ee khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe oo haatan meeshii ugu sareysay gaaray.

Qaar kamid ah xubnaha labada aqal ee Jubaland kasoo gala ayaa iska xalay aqbalay codsiga Axmed Madoobe, iyagoo wacad ku maray iney tagayaan Kismaayo.

Arrimahan ayaa daba socday iscasilaadii shalay ee laba kamid ah Wasiirada xukuumada Xamze kuwaasoo shaqada isaga tagay khilaafka cusub darteed.

Lama oga talaabada xigta balse xaalada ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana fashilmay dadaalo ay wadeen Xamze iyo Wasiir Fartaag oo ay ku doonayeen iney ku celiyaan xildhibaanada u safraya magaalada Kismaayo.

 

{DAAWO MUQAALKA} Musharax ku sugan Kismaayo ayaa yiri “Axmed Madoobe waxa uu ku fashilmay Hogaanka Jubbaland.”

0

Isniin, 4,  Nov 2024 {HMC} Shiikh Daahir Shiikh Axmed Cabdullahi oo ah musharaxa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed madoobe uu ku fashilmay hogaanka jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Masar oo markii labaad hub culus kasoo dajisay dekeda Muqdisho

0

Isniin, 4,  Nov 2024 {HMC} Labo markab oo mid ka mid ah uu yahay Markab dagaal iyo mid sida hub ayaa gelinkii dambe ee maanta ku soo xirtay Dekeda Muqdisho.

Shixnadan hub ayaa ah middii labaad oo Masar usoo dirto Soomaaliya oo lagu taageerayo ciidanka XDS. Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi Amni iyo difaac.

Inta badan Waddooyinka Muqdisho ayaa loo xiray daabulida markabka hubka sida, waxaana gelinkii hore ee maanta la hakiyay howlihii Dekeda Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili saaka uu magaalada Miqdisho isaga dhoofay madaxweyne Xasan oo u duulay dalka Imaaraatka Carabta, isagoo uga sii gudbi doona Jarmalka iyo Serbia.

{DAAWO MUQAALKA} Gudida Nabadgalyada Gobolka Sanaag Oo Go’aamo Adag kusoo Rogay Bulshada Ceerigaabo

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Gudida Nabadgalyada Gobolka Sanaag Oo Go’aamo Adag kusoo Rogay Bulshada Ceerigaabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xarunta Tababarada Ciidanka Asluubta Ee Magaalada Baydhabo.

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Xarunta Tababarada Ciidanka Asluubta Ee Magaalada Baydhabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waan hambalyaynayaa Ciidanka Qaranka iyo Kuwa Madaniga ahba siday qaranimada u difaacayaan

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Waan hambalyaynayaa Ciidanka Qaranka iyo Kuwa Madaniga ahba siday qaranimada u difaacayaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Axmed Madoobe doorasho ma qabanayee inuu isku caana shubo ayuu rabaa

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Axmed Madoobe doorasho ma qabanayee inuu isku caana shubo ayuu rabaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadeeynta Askari Moobil Dartiis u dilay Muwaadin Soonaaliyed.

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Maxkamadeeynta Askari Moobil Dartiis u dilay Muwaadin Soonaaliyed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasaaradda Maaliyadda waxaa looga baahan yahay inay kordhiso dakhliga Miisaaniyadda

0

Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Wasaaradda Maaliyadda waxaa looga baahan yahay inay kordhiso dakhliga Miisaaniyadda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowlada Turkiga oo soo jeedisay in Itoobiya la siiyo deked badeed.

0

Isniin, 4,  Nov,2024 (HMC) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khilaafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la samaynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ku sugan Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la aqoonsado madax banaanideeda iyo midnimada dhuleed, iyo sidoo kale sida ay lagama maarmaanka u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed.

Fidan waxa uu muujiyay in heshiis guud uu u baahan yahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, lagana gaaro go’aanno u adeegaya baahida hadda jirta, iyadoo oo ku micneyay in nuxurka arrintu uu u baahan yahay in si shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaa intaa dheer in Itoobiya baahida ay u qabto badda in lagu gaaro hab nabadeed.

Waxa uu tilmaamay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda, taas oo ka dhigaysa gelitaanka badda mid muhiim u ah danaheeda dhaqaale.

Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhigan yahay muhiimadda koowaad ee Ankara ay siineyso wada hadaladaan ay garwadeenka ka tahay, isla markaana dalkiisu uu la shaqeynayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ujeedaduna tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada.

Waxa uu ku macneeyey in uu arrimahan kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana uu sheegay in kulankani uu xoojin doono fikradaha iyo soo jeedinta ay soo bandhigeen dhinacyada, isaga oo carabka ku adkeeyay in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sii wadayaan taageeradooda si loo gaaro heshiis guud oo ay ku wada qanacsan yihiin labada dhinac uu ula jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya si gobolka u noqdo mid xasiloon.