Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Saameyn Ka Dhalatay isgaarsiinta Wajaale ee Dhinaca Itoobiya
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ku dhacay Diyaarad Air France oo si deg deg ah u joojisay duulimaad ay ku dalmaraysay bada cas
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Maxaa ku dhacay Diyaarad Air France oo si deg deg ah u joojisay duulimaad ay ku dalmaraysay bada cas
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dadweynaha Turkiga oo xoog ku galay Markab Israa’iil hub u sidda.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Dadweynaha Turkiga oo xoog ku galay Markab Israa’iil hub u sidda.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.11.2024}
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Wararkii ugu dambeeyey dab ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Dab ayaa caawa qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare maaliyadeed.
Dhismahan ganacsi ee Dabku ka kacay ayaa ku yaalla kacay qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah lamana oga waxa sababay.
“Dabku waxaa uu qabsaday dhisme weyn oo kuwa ganacsiga ah kuna yaalla qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha kaasoo gebi ahaan basbeelay” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadkii halkaas u gurmaday.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dab demiska oo halkaas gaaray markiiba iyo dhismaha dabku qabsaday oo jidad fiican lahaa ay sababtay in markiiba lagu guuleysto deminta dabkaas oo gebi ahaan la bakhtiiyey intuusan ku faafin qeybaha kale ee Suuqa.
Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa haatan degan ka dib markii laga hortagay dabkaas oo haddii uu faafi lahaa geysan karay dhibaato badan, lamana soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo hantida ku gubatay dhismaha basbeelay oo aan la ogeyn tirakoobkeeda.
Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan geeska Afrika ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaarooyin malaayiin dollar gaaraya.
{DAAWO MUQAALKA} Culumada Puntland oo Baaq kasoo saaray Dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo SCC-Khaatumo
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Culumada Puntland oo Baaq kasoo saaray Dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo SCC-Khaatumo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Booliska Kenya oo qabtay nin ka dambeeyay dilka saddex gabar oo Soomaali ah
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto saddex haween oo Soomaali ahaa, oo kala ahaa Waris Daa’uud, gabadh yar oo ay dhashey iyo mid kale oo walaasheed ay dhashay.
Saddexdan haween ayaa meykooda oo la jarjaray laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nairobi, 21-kii Oktoobar 2024.
Eedeysanaha ayaa Axaddii shalay laga qabtay xaafadda Isareeha, waxaana lagu xirey saldhigga booliska ee Kamarkuchi. Haashim ayaa ku eedeysan inuu afduubtay, kadibna si arxan darro ah u dilay Waris Daa’uud, Aamina Cabdirashiid, iyo Nuseyba Cabdi Maxamed.
Booliska ayaa aaminsan in uu ninkaani yahay tuhmanaha ugu weyn ee kiiskan, waxaana ninka ay baahiyeen sawiradiisa toddobaadkii hore, isaga oo xilligaas baxsad ahaa.
Haashim ayaa la sheegay in uu ka tirsanaan jiray ciidanka Booliska Itoobiya, islamarkaana uu dalkiisa ka soo baxsadey kadib markii uu dilay xaaskiisi.
Ninkan ayaa markii uu Kenya u soo baxsaday noqday taksiile ka dhex shaqeysta xaafadaha Islii iyo Parkland, waxaana laga aqoonsadey kaamaradaha CCTV, isaga oo dhibanayaasha ka qaadayada gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii.
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya oo arrintan ay fajaciso ku noqotay ayaa soo dhaweeyey qabashada eedeysane Haashim Dhaqane Maxamuud.
Kiiskan ayaa waxaa kale oo u xiran nin kale oo Soomaali ah
{DAAWO MUQAALKA} Axmed Warsame “Dunida waxaa ka Mamnuuc Nuuca kalluunka ee Garacad laga qaado”
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Axmed Warsame “Dunida waxaa ka Mamnuuc Nuuca kalluunka ee Garacad laga qaado”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axmed Madoobe oo isugu yeeray xildhibaanada kasoo jeeda Jubaland + qorshahiisa.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaanadaan casuumay 8-da bishaan, kulanka wadatashiga ah ee uu la yeelanayo ayaa ka dhacaya Kismaayo, sida uu qorsheeyey Axmed Madoobe.
“Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ee BFS ku matala Dowladda Jubaland, waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Jubaland, taariikhda 8-11 November 2024,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.
Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe oo ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.
Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan.
Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacay dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Jubbaland oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo.
Lama oga sida ay ugu suurtageli doonto in Axmed Madoobe ay Kismaayo ugu tagaan xildhibaanada uu u yeertay, waxaana suurtagal ah xitaa hadii ay ogolaadaan oo is abaabulaan in dowladda federaalka ay hor istaagto safarkaas.

Muhaajiriin ku garraqmay xeebaha Jasiiradadaha Canary
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Kooxaha gurmadka deg degga ee Spain ayaa sheegay, in Axaddii shalay ay xeebaha mid ka mid ah Jasiiradaha Cannary ee dalka Spain ka heleen ilaa 5 meyd ah ah oo sabbeynaya kuwaas oo la rumeysan yahay in doon kuwa la buufiyo ah oo ay wateen ay banjartay.
Afhayeen u hadlay shaqaalaha gurmadka ayaa wakaaladda wararka Rueters u sheegay, in ay soo badbaadiyeen ilaa 97 qof oo ka mid ahaa muhaajiriin la socotay laba doon oo macmal ah oo ay ku jirtay tan qallibantay.
Kooxaha gurmadka waxay sheegeen in todobaadkaan oo kaliyah ay xeebaha Spain kasoo badbaadiyeen socoto gaareysa 1,500 oo ruux. Dadkaan ayaa intooda badan kasoo hirjroonaya xeebaha galbeed ee Africa iyaga oo soo maraya biyaha Badweynta Atlaantiga.
Muhaajiriinta oo u badan dhalinyaro ayaa kasoo cararaya xasillooni-darrida ka jirto gobolka Saxil ee Galbeedka Africa. Waxay doonyo ku tagaan Jasiiradaha Cannary ee raacsan Spain, halkaas oo ay uga sii tallaabaan dalalka ku jira Midowga Yurub.
Bishi Janaury ilaa bishi October ee sannadkaan, sida lagu ogaaday warbixinta dowladda Spain, ilaa 32,878 oo muhaajiriin ah ayaa doonyo ku gaaray Jasiiradaha Canary. Tiradan ayaa 39.7% ka badan tii sannadki hore.



