Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Xisbiyadii mucaaridka codka ku helay mucaaridka oo Xukuumadda ku biirey sida uu sheegay
Tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Marinka Gaza.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah.
Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil.
Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza.
Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen.
Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen.
Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux.
Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto.
{DAAWO MUQAALKA} Talyaaniga Oo Edeen Culus Usoo Jeedisay Sirdoonka Israa’iil.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Talyaaniga Oo Edeen Culus Usoo Jeedisay Sirdoonka Israa’iil.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka Wada hadleen Guddoomiye Aadan (Madoobe) iyo James Swan.
Isniin 04-Nov-2024 {HMC} Maxay ka Wada hadleen Guddoomiye Aadan (Madoobe) iyo James Swan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqday in ay sii xoojineeyso xiriirka Afrika
Axad 03-Nov-2024 {HMC} Turkiga ayaa maanta oo Axad ah sheegay inuu sii xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Afrika, isagoo shirkii ugu dambeeyay ee Afrika ku qabtay Jabuuti.
Turkiga ayaa maalgeshiyo badan ku sameeyay qaaradda Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 50 booqasho ku tagay 31 dal, labaatankii sano ee uu xukunka hayay.
Afar iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galay shirkii ugu dambeeyay ee heer wasiir ah oo ka dhacay Jabuuti, dhammaadka toddobaadkan.
Waxaa ka mid ahaa Angola, Chad, Comoros, Republic of Congo, Egypt, Equatorial Guinea, Ghana, Libya, Mauritania, Nigeria, South Sudan, Zambia iyo Zimbabwe.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo shir guddoominayay shir madaxeedka Jabuuti, ayaa sheegay in ganacsiga qaaradda uu kor u dhaafay 35 bilyan oo doolar sannadkii hore, maal-gashiga tooska ah ee Turkigana uu hadda gaarayo $7 bilyan.
Turkiga ayaa noqday dalka afraad ee hubka ugu badan siiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, wuxuuna gacan ka gaystay tababaridda ciidamada qalabka sida ee dalal badan.
Bilihii la soo dhaafay, Turkigu wuxuu isku dayay inuu dhex dhexaadiyo khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna heshiis macdan qodis ah la galay dalka Niger.
Fidan ayaa ku celiyay taageerada uu u hayo Midowga Afrika si uu xubin joogto ah uga noqdo G20, iyo dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
XIGASHO VOA
isgaarsiinta Wajaale dhinaca Itoobiya oo go’an in kabadan Hal Isbuuc
Axad 03-Nov-2024 {HMC} Magaalada Wajaale daanta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa in isgaarsiinta ka go’ana tahay ilaa iyo sideed maalmood.
Suldaan Cali Suldaan Axmed Jeex oo ah suldaanka guud ee beelaha magaalada Wajaale oo BBC-da Khadka taleefoonka kula xiriirtay ayaa noo sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelatay magaalada.
Magaalada Wajaale waxaa lag isticmaaalaa adeegyada E-bir iyo waxyaabaha la midka ah kuwaas oo ku shaqeeya isgaarsiinta, markii taleefonada go’een Khadka ayey ka baxeen adeegyadaasi.
Suldaanka oo ka jawaabayay sababta aan loo isticmaali karin lacagta cadaanka ayaa sheegay in amni ahaan ay adag tahay.
“Lacagta birta Itoobiya dalka gudahiisa ayey mamnuuc ka tahay, lacagta birta hadii aad Jigjiga kaga soo aadaganeyso ama aad Wajaale la imaaneyso waa laga qaadayaa”.
Dhibaatada shacabka haysta ayaa lagu sheegay in lacaga caddaanka aadan wadooyinka la marin oo ciidamada jooga baraha koontarool ay la wareegayaan.
Suldaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in isu socodka iyo xiriirkii ay la laaheeyn Itoobiyada kale uu go’ay.
“Walaalkey oo Harar jiifa hadda wax alle iyo wax aan kula xiriiro ma haayo”
Magaalada waxaa hadda u shaqeynaya khadka taleefoonka ay ka helaan dhinaca Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Bangiyada Itoobiya ayaa la sheegay in aysan ka shaqeyneyn deegaanka. Suldaanka waxa uu sheegay in arrintaas ay dowladda kala hadleen balse weli aan waxba laga qaban.
“Bangiyada madaxweynaha dowlad deegaanka ayaan kala hadalnay, wuxuu noo sheegay in arrintaas uu kala hadlay dowladda dhexe”.
Suldaanka waxa uu sheegay in dhibaatada ay ka cabanayaan ay tahay mid iyaga u gaar ah oo ku eg deegaankooda.
“Cunaqabteyn si qaas ah Wajaale u saaran ayey ka mid tahay waxyaabaha aan ka cabaneyno”
Suldaanka waxa uu kaloo sheegay howl ay dowladda dhexe wax ka qaban weysay in aysan suuragal aheyn in wax looga qabto Wajaale.
“Arin uu ganacsiga Itoobiya mareyn waayay in lagu maareeyo Wajaale suurtogalimeyso” ayuu yiri suldaanka oo sidoo kale ka digay dhibatada ka dhalankarta.
“Fowdo kale ayaa imaaneyso hadii arrintas dowladda isbeddel degdeg ah ka keeni weyso”
Si aan wax uga weydiino cabashada dadka deegaanka iyo suldaanka ayaan la xiriirnay maamulka degmada balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Dhibaatada sarifka maxaa keenay?
Suldaanka waxa uu sheegay in saameynta ay kaga timid xadka dhankiisa kale sida uu filayo.
“Doolar Soomaaliya ama Jabuuti lagu sarifayo weeye waxa saameynta anaga nagu keenay, anagu waxaan nahay dariiq la maro ee daanta Itoobiya ma nihin meel ganacsi”
Dowladda Itoobiya ayaa hore u meelmarisay go’aan dhigaya in suuqa xorta ahi uu go’aamin doono nidaamka sarrifka lacagaha. Wax ka beddelkaan ayaana ah mid meesha ka saaray nidaamkii soo jireenka ahaa 50-kii sanno ee lasoo dhaafay.
Lacagta Birrta ee Itoobiya ayaana lumisay saddex meelood meel ka mid ah qiimaheedii doolarka lagu sarrifi jiray ku dhawaaqista nidaamka sarrifka lacagaha qalaad awgeed.
Nidaamkaas cusub ayaa dhigaya in bangiyada dalka Itoobiya ku yaala ay sarrifka lacag qabashada iyo bixinta kala heshiin doona macaamiishooda, waxayna tani xorriyad siinaysaa macaamiisha lacagaha ee sarrifka raba. Halka markii hore Baanka Qaranka ee Itoobiya uu jaangooynayay habka lacagaha lagu sarifo si maalinle ah.
Dhanka kale, dowladda Itoobiya si weyn ayey isgaarsiinta gacanta ugu haysa. Meelaha uu dagaalka ka socda waxaa dhacda in ay ka jarto isgaarsiinta qaarkeed.
Gobolka Oromia ayaa hore internetka iyo isgaarsiinta kale looga jaray muddo bilooyin ah markii uu socday dagaalka.
Dhammaan taleefoonada dalka waxaa bixiya shirkad ay dowladda leedahay. Hay’adda xuquuqda aadanaha HRW waxay hore u sheegtay in tani ay dowladda siineyso awood aysan cidi ka warhayn oo ay kula socon karto isgaarsiinta.
XIGASHO BBC
{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.11.2024}
Axad 03- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Abdi Nageeye of the Netherlands and Sheila Chepkirui of Kenya win New York City Marathon.
Sunday 3, Nov 2024 {HMC} Abdi Nageeye of the Netherlands won the men’s race at the New York City Marathon on Sunday and Sheila Chepkirui of Kenya took the women’s event.
Both runners pulled away from their closest competitors in the final few hundred meters to come away with their first victories in the race.
Nageeye was step-for-step with 2022 champion Evans Chebet before using a burst heading into Central Park to come away with the win in 2 hours, 7 minutes, 39 seconds. Chebet finished 6 seconds behind.
Chepkirui was running New York for the first time and pulled away from defending champion Hellen Obiri in the women’s race. Chepkirui started to run marathons in 2022. She finished the race in 2:24.35. Obiri finished nearly 15 seconds behind.
Obiri was looking to be the first repeat champion since Mary Keitany of Kenya won three in a row from 2014-16. Vivian Cheruiyot of Kenya finished third, giving the African nation the top three spots.
Tamirat Tola, the men’s defending champion and Paris Olympic gold medalist, finished fourth, right behind Albert Korir.
The top Americans finished sixth in both races. Conner Mantz led the men and Sara Vaughn the women. Vaughn was in the lead group heading into Mile 20 when they entered the Bronx before she dropped off the lead pack.
Vaughn was geared up to run Chicago before COVID-19 kept her from competing in that race. She was a late addition to this marathon.
The day got started with an upset in the men’s wheelchair race as three-time defending champion Marcel Hug was beaten by Daniel Romanchuk, who won in 2018 and 2019.
Susannah Scaroni won the women’s wheelchair race. It was her second victory in New York, also taking the 2022 race and giving Americans winners in both events — the first time that has happened.
The 26.2-mile course took runners through all five boroughs of New York, starting in Staten Island and ending in Central Park.
This is the 48th year the race has been in all five boroughs. Before that, the route was completely in Central Park when it began in 1970.
The first race had only 55 finishers while more than 50,000 are expected to compete this year.
The weather was perfect to run in with temperatures in the lower 40s when the race started. Last year, it was 61 degrees when the race started.
SOURCE VOA
NISA Kills 27 Al Shabaab Members in Operation.
Axad 03-Nov-2024 {HMC} A recent press release from NISA said that 27 Al Shabaab leaders and militia members were killed and a number were injured in an operation by the National Intelligence and Security Agency (NISA) in Yaaqle area of the Shabelle region. Middle.
This targeted operation ended with the Al-Shabaab militants who were gathered by the enemy from different areas and were being prepared to harass the Somali people.
The operation, which lasted for more than 12 hours, was also destroyed by military vehicles and military vehicles of the Al Shabaab group, and ended in victory, NISA announced.
{DAAWO MUQAALKA} Booliska Kenya oo qabtay ninkii dilay 3 haween Soomaali ah
Axad 03-Nov-2024 {HMC} Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin la tuhunsan yahay inuu dilay sadax haween Soomaaliyeed ee Nairobi lagu laayey dhowaan.
Ninkan oo magaca sharciga ugu qoran uu yahay Haashim Dhaqane Muxumed ayaa hadda lageeyey Xarunta Dambi-Baarista Kenya halkaasoo lagu weydiinayo su’aalo.
Haashim waa Soomaali Taksiile ah oo la aaminsan yahay in uu shirqoolay gabdhihii sida arxanka daran loogu dilay Nairobi falkaasoo caro ka dhaliyey gudaha dalkaas gaar ahana Soomaalida.
Magaalada Nairobi waxaa lagu dilay 3 haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda maalintii 22kii bishii hore waxaana meydadkooda laga kala helay goobo kala duwan.
Dhacdadan ayaa gilgishay dalka Kenya gaar ahaan bulshada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Maydka Haweenka oo ahaa hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga helay qaybo kamid ah dalka Kenya, iyadoo qaarkood la kufsaday ka dibna la jarjaray.
Hooyada ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.



