Home Blog Page 1675

Baarlamaanka Labade Aqal oo Aqbalay Codsi Ka Yimid MD Xasan

0

Sabti 02- November-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta hor tagay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday xildhibaannada labada Aqal in muddo hal bil dib u dhigaan fasaxooda , si ay u qabtaan shaqooyin muhiim ah.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay xaalada dalka iyo tan gobolka, waxaana uu ku eedeeyay Itoobiya inay weerar ku tahay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada labada Aqal ka codsaday in muddo bil dib u dhigaan fasaxooda caadiga ahaa, si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod oo loo gudbinayo xildhibaannada labada Aqal.

“Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu yiri Madaxweynaha.

Codsiga Madaxweynaha kaddib ayey xildhibaannada labada Aqal cod u qaadeen , waxa ayna xildhibaannada si aqlabiyad leh u ansixiyeen codsiga Madaxweynaha ee ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, si muddadaas lagu ansixiyo shuruucdii dalka ku hoggaamin laheyd doorasho qof iyo cod ah.

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin ka tirsan KGS oo Baydhabo ka Furay Isbitaal qaban doona adeegyo kala duwan

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan KGS oo Baydhabo ka Furay Isbitaal qaban doona adeegyo kala duwan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Salaada roob doonka oo maanta lagu tukteey magaalada baydhabo.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Salaada roob doonka oo maanta lagu tukteey magaalada baydhabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.11.2024}

Sabti 02- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali & Sahra Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka Hiiraanweyn 02 11 2024

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

UNTMIS oo si rasmi ah uga bilowday Soomaaliya

0

Sabti 2, Nov 2024 {HMC}  Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa billaabay shalay oo ay taariikhdu aheyd 1 November, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan.

“Waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta” ayuu yiri James Swan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar, kaas oo aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota UNTMIS.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS iyadoo diiradda lagu saarayo hawlaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya, Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay qaraarka ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Anaga ma nihin cida Qalqalka galinayso Amniga gobolka Geeska Afrika ee waa Ethiopia”Xasan Sheekh”

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Anaga ma nihin cida Qalqalka galinayso Amniga gobolka Geeska Afrika ee waa Ethiopia”Xasan Sheekh”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Codsi ka yimid shacabka iyo maamulka Diinsoor oo markale diyaarad garagar loo diray.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Codsi ka yimid shacabka iyo maamulka Diinsoor oo markale diyaarad garagar loo diray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Maxamed Barre Maxamed ” Waxaa noo muuqda ifafaalo wanaagsan ,waxaa halkaan ka socda shaqo”

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Wasiir Maxamed Barre Maxamed ” Waxaa noo muuqda ifafaalo wanaagsan ,waxaa halkaan ka socda shaqo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Danjiraha Mareykanka oo booqday qaar kamid ah xarumaha wax barasho ee Gobolka Minnesota.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Danjiraha Mareykanka oo booqday qaar kamid ah xarumaha wax barasho ee Gobolka Minnesota.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA