Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Gabadh Soomaaliyeed oo Fardafuul ah Iyo sida ay ragga fagaarayaasha ugula tartanto
{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka “Waxaa dowladda ka go’an in awooda loo celiyo shacabka”
Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka “Waxaa dowladda ka go’an in awooda loo celiyo shacabka”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaliya.
Sabti 2, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka 11aad, kaddib markii uu dhowaan ka codsaday kulankaan gaarka ah ee aan caadiga ahayn in uu la yeesho.
Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka ayaa loo diray Ajendaha kulankaan uu codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama uu todobaadkaan sii ballansaday in uu codsanayo fadhigooda.
Ajendaha uu kala hadlayo waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in uu yahay mid weyn balse carrabka kuma dhufan inkasta oo uu u sheegay in marka kulankooda uu hortago uu la wadaagi doonno.
Kulankaan waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo lasoo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah waxaana kamid ah in Dalka uu aadayo Doorasho Dadweyne si looga maarmo mid dadban.
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta hortagaya Baarlamaanka JFS
Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta hortagaya Baarlamaanka JFS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo ka wada hadlay arrimo…
Sabti 2, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.
Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasimaha CIA ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho todobaadkaan, taas oo ka dhigan booqashadii labaad uu ku yimid Soomaaliya, isaga oo horraantaan Muqdisho soo gaaray, xilli uu kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.
Ciidamada Isra’il oo duqeymaha cirka ah ku garaacay qeybo ka mid ah Marinka Gaza.
Sabti 2, Nov 2024 {HMC} Ciidamada Isra’il ee ka dagaallamaya Gaza ayaa Jimcihii sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ku garaacayaan qeybo badan oo ka mid ah Marinka Go’doonsan ee Gaza.
Ila wareedyada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Isra’il ku bartilmaameedsatay shalay xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza.
Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Al Aqsa ayaa xaqiijiyay in dadka la dilay ay ku jireen canug 18 bilood jira iyo walaashiis ka weyn oo aheyd 10 jir.
Madaafiic ayaa sidoo kale lagu garaacay deegaanka Deyral Balax, halkaas oo la sheegay in lagu dilay afar kale, taas oo ka dhigeysa tirada Falastiiniyiinta Jimcihi la dilay 25 ruux.
Isra’il waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay kaabayaasha Xamaas iyo meelo ay dagaalyahannadoodu ka howlgalayeen oo u dhaw Xerada Nuseyraat. Ma aysan sheegin duqeymaha kale ee ay ku garaaceen meelaha ka baxsan xeradaan.
Bayaan kale oo ay ciidamada Isra’il soo saareen shalay waxay ku sheegeen in weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen degmada koofureed ee Khan Younis ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan qeybta siyaasadda Xamaas, kaas oo lagu magacaabo Cizat-ddiin Qasab iyo kaaliyihiisii Ayman Cayaash.
Xamaas waa ay xaqiijisay dilka Cizaddin.
Tan iyo bishi October ee sannadki 2023-ki, Falastiiniyiinta lagu dilay Gaza ayaa kor u dhaaftay 43 kun, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka iyo kuwa gurmadka Gaza iyo sidoo kale warbaahinta caalamiga ah.
{DAAWO MUQAALKA} Iran oo wacad ku martay iney xanuunjin doonto Israel
Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Iran oo wacad ku martay iney xanuunjin doonto Israel
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isra’il oo duqeymo culus ku garaacday Lubnan
Sabti 2, Nov 2024 {HMC} Israa’iil ayaa shalay ilaa xalay duqeymo culus oo cirka ah ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla tuulooyinka beeraha caanka ku ah ee waqooyi-bari ee dalka Lubnan.
Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa ku warrantay in ugu yaraan 52 qof lagu dilay 72 kalana la dhaawacay, kaddib in ka badan 10 gantaal oo ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ku garaaceen gobolka bari ee Baclabak-Xirmal.
Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa’iil Jimcihii inay diiday xabbad-joojin ka dib markii militariga Israa’iil ay markii ugu horreysay toddobaadkan duqeeyeen magaalada Beirut ee koonfurta Beyruut.
Duqeymaha ka dhanka ah Lubnaan ayaa yimid maalin kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu la kulmay mas’uuliyiin Mareykan ah, kuwaas oo kala hadlay soo afjaridda dagaalka ay Isra’il ka waddo Lubnan ka hor doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Talaadada.
Ra’iisul Wasaarada Lubnan Najib Mikati ayaa cambaareeyay weerarrada Israel. Kuna eedeeyay Isra’il in aysan dooneyn xabbad-joojin.
{DAAWO MUQAALKA} IMF oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay dhaqaalaha Somalia
Sabti 02-Nov-2024 {HMC} IMF oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay dhaqaalaha Somalia
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh & Madaxa Hay’adda CIA da Maraykanka?
Jimco 01-Nov-2024 {HMC} Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh & Madaxa Hay’adda CIA da Maraykanka?



