Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Go’aannada caawa oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha Oktoobar 2024, ka soo baxay shirka ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay.
Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.
Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka.
Si buuxda waxaan u taageeraynaa in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas.
Hannaan doorasho oo heer qaran ah, nooc kasta uu noqonayo, waxaa saldhig u ah heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseedi kara doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay u dhan yihiin dhinacyada siyaasadeed ee dalka.
Nooca iyo guddiga doorashada ee lagu xusay warka ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Madasha Wadatashiga Qaranku waxa ay muujinaysaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska indho-tiraya waaqaca siyaasadeed ee dalka, muhiimadda xasilloonida siyaasadeed iyo nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, ayna kawada qayb qaataan dhammaan hormuudka siyaasaddu.
Ugu dambeyntii, waxaan Hoggaanka Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay usoo laabtaan sharciga iyo ilaalinta maslaxadda guud ee dalka, danta guudna ka hormariyaan damacooda gaarka ah.
Madaxda Dowlad Goboleedyadda, dhinacyada siyaasadda iyo madaxdii hore ee Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay in ay u istaagaan ka hortagga in dalkaan dib loogu celiyo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad wiiqi kara dib u dhiska qaranka iyo baadi goobka midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo oo ka Hor yimid Go”aanada Shirka golaha wadatashiga Qaranka
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.10.2024}
Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Qaliif Cabdi
Farsamadii ::Muuse Cali Xerow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Golaha Wadatashiga Qaranka oo isku raacay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah
Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii bishaan ka furmay Mugdisho.
Shirkaan oo horay u furmay bilowgii bishaan ayay ka soo qayb galeen qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaaliyo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka marka laga reebo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Bilowgii bishaan markii uu furmay ayaa lagu dhawaaqay in dib la isugu soo laabto waxaana isaga baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyadoona madaxda kale ay dib u fureen.
Shirkaan ayaana dhawaan soo dhamaaday iyada oo ay ka maqanyihiin labada maamul ee Puntland iyo Jubaland, waxaana laga soo saaray war murtiyeed.
Qeybaha hore ee warmurtiyeedka ayaa lagu bogaadiyay howlgallada ciidanka iyo in ay fariisimo ay horay u heysteen ATMIS ay la wareegeen.
Sidoo kale Golaha wadatashiga qaranka ayaa baaq u diray xubnaha ka maqan shirkaan oo ay kala jeedaan labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubaland.
Golaha ayaa sheegay in la dhaqangaliyo qodobadii horay loogu heshiiyay oo ay kamid yihiin in dalka ay ka qabsoomto doorasho ku dhisan nidaamka xisbiyada oo ay shacabku soo dooranayaan.
Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay in Xukuumadda ay soo dhisto guddi qaran oo madax bannaan oo doorashooyinka iyo xuduudaha ah.
Qeybta danbe ee warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in golaha ay isku raaceen doorashooyin ku qabsoomaya dowladaha hoose oo dhacaya Juun 2025 iyo doorashada baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda oo dhaceysa Sebteembar 2025, sida lagu sheegay war murtiyeedka.
Joe Biden oo taageerayaasha Trump ku tilmaamay qashin.
Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Iyada oo wax ka yar hal toddobaad ay ka harsan tahay doorashada Mareykanka, Madaxweyne Biden ayaa wajahaya dhaleeceyn ka dib markii uu u muuqday inuu taageerayaasha Donald Trump ugu yeero “qashin”.
Mar uu ka hadlayay munaasabad ku qabsoontay aaladda fogaan aragga oo ay ka qeyb galayeen cod-bixiyayaasha taageersan Kamala Haris ayuu hadalkaan sheegay, balse Madaxweyne Biden ayaa dafiray hadalkaas.
Waxa uu sheegay inuu ula jeeday Trump isaga oo ku tilmaamayay majaajiliiste ku hadla haddallo qalafsan.
Xisbiga Jamhuuriga ah ayaa arrinkaan ka muujiyay caro, afhayeen u hadlay ayaana sheegay in hadalka Biden uu muujinayo mid lagu quursanayo tobanaanka milyan ee Maraykan ah oo taageersan Trump.
{DAAWO MUUQAALKA} Fikirka Xag-jirka ah ee AS wuxuu halis ku yahay Soomaaliya
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Fikirka Xag-jirka ah ee AS wuxuu halis ku yahay Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Muqdisho ka socdo
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Muqdisho ka socdo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Kulan lagu taageerayo wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Kulan lagu taageerayo wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Waxaan ugu mahad-naqayaa Guddoomiye Aadam Madoobe marti qaadka uu inoo fidiyay.
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Waxaan ugu mahad-naqayaa Guddoomiye Aadam Madoobe marti qaadka uu inoo fidiyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Waxaan usoo soconaa qabashada hogaanka Gobolka Banaadir waana raadsan doonaa xuquuqda naga maqan
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Waxaan usoo soconaa qabashada hogaanka Gobolka Banaadir waana raadsan doonaa xuquuqda naga maqan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} NISA oo Muqdisho ka billowday howlgallo lagu uruurinayo Mooto Fekon-ta
Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} NISA oo Muqdisho ka billowday howlgallo lagu uruurinayo Mooto Fekon-ta



