Home Blog Page 1693

Madaxweynaha Jubaland oo looga digay in uu mar kale doorasho iskiis ah kusoo boxo.

Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Nin horey ganacsade u ahaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Dheere ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Kismaayo uga digay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam in uu mar kale doorasho iskiis ah kusoo boxo.

Wuxuu sheegay in sida uu qabo dastuurka Jubaland, uusan mar saddexaad xilka isu soo taagi karin Axmed Madoobe.

“Waxaan haynaa sidoo kale waraaqdii uu Axmed saxiixay ee heshiiskii siyaasadda ee 2019-kii uu ku ballan qaaday in uusan markale isa soo sharaxaynin,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ah nin dhallinyaro aqoonyahan ah oo mar noloshiisa ku noolaa Maraykanka, kana mid ah dadkii lasoo shaqeeyay Axmed Madoobe.

Buuqii ka dhashay doorashadii Jubaland ee 2019-kii ayuu Axmed Madoobe heshiis la galay musharixiintii kala ahaa Cabdinaasir Seeraar , Sheekh Daahir iyo Xildhibaan Cabdirishiid Xiddig, waxaana ka mid ahaa qodob uu ku ballan-qaaday in uusan mar kale isa soo sharixi doonin.

Musharax Cabdirisaaq wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe uu ka dhego adeego baaqiisa, ay markaas cawaaqib xumo ka dhallan doonto. Ma uusan faahfaahin talaabada uu qaadayo.

Warar hoose oo Caasimada Online heshay ayaase sheegaya in Cabdirisaaq uu maalmahanba ciidan iyo hub uruursanayay, iyada oo kala qeybsanaan baahsan ay soo kala dhex galayso ciidamada Jubaland.

Arrintan ayaa cabsi xooggan ka abuurtay magaalada Kismaayo, oo sanadihii dhowaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu nabdoon Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayey sidoo kale dowladda federaalka isku khilaafsan yihiin arrimaha doorashada.

Madaxda dowladda federaalka ayaa doonaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa dooday in doorasho toos ah ay u baahan tahay muddo kordhin la sameeyo. Waxaa la filayaa in Jubaland ay toddobaadyo gudahood ku qabato doorasho aan toos aheyn.

Madaxwayne xasan sheikh oo ka hadlay mushaaar kordhin loo sameeyo Ciidanka.

Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Guddoonka qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee jamhuriyada federaalka soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dheeer uu jeediayay ugu hadlay xaalada dalka gaar ahaan arrimaha mushaar kordhinta ciidanka, shirka golaha wadatashiga qaran, iyo la dagaalanka kooxda AS.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in bulshada soomaaliyeed la shaqeyaan dowlladooda garab istaagne ay umuujiyaan.

Xasan sheikh waxa uu sigaar ah udul istaagay arrinta mushaar kordhinta ciidamada dowladda oo maalmahaan olalaheeda ka socotay baarlamaanka dhaxdiisa waxa uu qaar lamid ah xldhinaada ku eedeyay ineey diidanaayeen canshuurta laga qaadao shacabka soomaaliyeed hadane ay leeyihiin ciidanka mushaarka haloo kordhiyo.

“Walaalayaal suus Meel uu yaalo ayuu ka beegmaa baarlamaanka ineey yiraahdaaan dadka mudan hala siiyo xuquuqda wax ha loogu daro dow saxan waaye lkn waxaa dhinaca kalane baryo ka horeeyay canshuurta lama kordhin karo xagee la geeynayaa xagee loo wadaa canshuurta ayaa ka horeeysay” ayu ku yiri hadalkiisa madaxwayne xasan.

Sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu sheegay hadii ay dowladda dhaqaale yartahay in mushkilad kaste ay caqabad ku tahay oo aaney awood ay ugu gudubta lahayn.

“Beeso hadii aysan dowladu haysan ay wax ku kala xaliso oo qaf walba xaquuqdoosa ku filan ay heli waydo daciif ayeey noqonee” ayuu markale hadlkiisa ku yiri madaxwaynaha.

Madaxwaynaha ayaa gaba-gabada kulankan waxa uu baarlamaanka ka codsaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Waa kuma Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay ururka Xizbullah?

Arbaco 30-Oct-2024 {HMC} Dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee Lubnaan ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay in ay u doorteen hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Naciim Qaasim in uu beddelo Hassan Nasrallah ka dib markii uu ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Beirut bishii hore.

“Golaha Shuurada ee maamula Xizbullah waxay isku raaceen in ay u doortaan…Sheekh Naciim Qaasim in uu noqdo xoghayaha guud ee Xizsbullah,” ayey kooxda ay taageerto Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay, in ka badan bil kadib dilkii Nasrallah.

Xizbullah ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto “ololka wax-iska-caabbinta” ilaa laga gaarayo guul ka dhan ah Israa’iil ka dib markii uu dagaal buuxa qarxay 23-kii September.

Naciim waxaa doortay golaha shuurada oo ka kooban shan xubnood, waana golaha ugu muhiimsan ee gaara go’aanada kooxda, laba maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin Talaadada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Xizbullah.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta, ayaa sheegay in gole cusub oo Shuura la dooran doono kadib marka uu dagaalku dhamaado.

Goluhu wuxuu markaas doorbidi karaa inuu doorto hogaamiye cusub ama uu Naciim ku sii hayo jagada ugu sareysa, sida uu sheegay ilo-wareedka.

Naciim, oo xubin ka ah golaha shuurada ee kooxda, waxa uu muddo dheer ka hoos shaqaynayey Nasrallah, oo ahaa hoggaamiye dheer oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe.

Hashem Safieddine, oo ahaa madaxa golaha fulinta ee Xizbullah, ayaa markii hore loo saadaalinayay inuu bedeli doono Nasrallah.

Laakin isagana waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay duleedka koonfureed ee Beirut wax yar ka dib dilkii Nasrallah.

Naciim, oo 71 jir ah, waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xizbullah sannadkii 1982-kii, waxaana uu ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga tan iyo sannadkii 1991-kii, sannad ka hor intii aanu Nasrallah xilka qaban.

Waxa uu ku dhashay Beirut 1953-dii, waxa uuna ka tirsan yahay qoys ka soo jeeda tuulada Kafar Fila oo ku taalla xuduudka Israa’iil.

Waxa uu ahaa sarkaalkii ugu sarsareeyey ee Xizbullah ee sii waday ka soo muuqashada fagaaraha ka dib markii Nasrallah uu inta badan is-qarinayey ka dib dagaalkii ay kooxdu la gashay Israa’iil 2006-dii.

Tan iyo markii Nasrallah uu ku dhintay duqayn cirka ah oo Israa’iil ay fulisay 27-kii September, Qasem waxa uu jeediyey saddex khudbad oo telefishinka laga sii daayay, isaga oo ku hadlaya Carabi rasmi ah oo ka duwan kii lahjad Lubnaaniga ee uu jeclaa Nasrallah.

Qasem waxa uu sheegay in awoodda Milatari ee Xizbullah ay tahay mid taagan, waxa uuna taageeray dadaallada uu wado afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri ee uu ku dhex-dhexaadinayo xabad joojin.

Khudbadii ugu dambeysay ee uu jeediyay 15-kii October, Naciim wuxuu ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay sida kaliya ee Israa’iil ay ku dammaanad qaadi karto dib u soo celinta dadkeeda deggan waqooyiga.

Dagaalka Israel iyo Xizbullah ayaa qarxay bishii hore ka dib ku dhawaad sanad oo ay rasaas isku weydaarsanayeen xuduudda.

23-kii September, Israa’iil waxa ay kordhisay duqaymaha ay ku hayso Xizbullah, waxayna Lubnaan u dirtay ciidamo dhulka ah.

Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Walaalaha naga aragtida duwan waan la hadlaynaa”

0

Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Walaalaha naga aragtida duwan waan la hadlaynaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo Howlgallo amni xaqiijin ah. ka Fuliyay Caasimada Muqdisho

0

Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo Howlgallo amni xaqiijin ah. ka Fuliyay Caasimada Muqdisho

{DAAWO MUUQAALKA} Khamri gaaraya ku dhawaad 1,000 dhalo oo la burburiyay.

0

Arbaco, 30 October, 2024 {HMC} Khamri gaaraya ku dhawaad 1,000 dhalo oo la burburiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Arbaco 30 October, 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKii UGU DANBEEYAY

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.10.2024}

Talaado 29-Oct-2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay sarkaal Itoobiyaan ah.

Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caawa qaaday tallaabo kale oo ay ku ciqaabeyso Itoobiya, si ay u ilaaliso danaha qaranka Soomaaliyeed, waxayna dalka ka ceyrisay diblomaasi kale oo Itoobiyaan ah.

“Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan oo hadda ah La-taliye sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

“Ficillada u uku kacay Cali Maxamed waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiinta inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa si cad ugu dhawaaqday in Cali Maxamed Aadan uu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata), iyadoo lagu wargeliyey in dalka uu deg deg uga baxo.

“Waxaa Cali laga doonayaa inuu uga baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood, marka uu helo ogeysiiskan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Tallaabadani waxay marag u tahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka, sida ku cad qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku heysa ficillada guracan ee Itoobiya ay ku ka ceyso, waxayna labada dalka diblomaasiyadoodu gaartay heer loo kala yeerto safaaradaha, kiisaskaan is dabajoogga ah ayaa ka dhashay damacii guracnaa ee Itoobiya ka galay badda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Abu Dhabi PORTS Group oo Heshiis kala Saxiixday

0

Talaado, 29 Oct 2024 {HMC} Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group.

Heshiiskan ayaa lagu gorfaynayaa in la maalgashado kalluumeysiga iyo horumarinta dekedaha, si loo xoojiyo guud ahaan qeybta kalluumeysiga dalka.

Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa sida wasaaraddu sheegtay, iskaashiga horumarinta dekedaha kalluumeysiga, dhismaha xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha kalluumeysiga. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in la hirgaliyo dekado kalluumeysi oo wadaag ah iyo in la abuuro dugsiyo tababar xirfadeed oo kalluumeysiga.

“Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qeybta kalluumeysiga,” ayuu yiri Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadam, ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo kororka iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, isla markaana wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha eek u tiirsan waxsoosaarka kalluunka.”

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa sheegay in ay ka faa’iidaysanayaan khibradda Abu Dhabi PORTS Group, oo dhawaan heshiisyo la saxiixday dalal ay ka mid yihiin Masar, Kongo, Angola, iyo Tanzania, si loo horumariyo adeegyada dekedaha iyo saadka ee Soomaaliya.