Home Blog Page 1701

Qatar Charity’s projects benefit families in Somalia

0

Tuesday 29 Oct, 2024 {HMC} Qatar Charity (QC) has implemented hundreds of economic empowerment projects for about 150 neediest families in various regions of Somalia, a statement said Monday.

The income-generating projects provided to the beneficiaries include livestock (cows and sheep), three-wheeled transport carts, small retail shops, sewing machines for women, in addition to support in agriculture and handicrafts. Abd al-Fattah Adam Moalim, director of QC’s Office in Somalia, explained that these projects significantly contribute to maintaining the cohesion of the Somali community and protecting families from falling into unemployment and poverty.

Several beneficiaries expressed their gratitude for the support they received from QC, noting that these projects represented a lifeline for them and a starting point for improving their living conditions.

Hodan Abdi Khalif, a beneficiary of the livestock project in Kismayo, said: “I lost all my livestock during the last drought, and was struggling to support my family. Thanks to Qatar Charity’s support, I received several sheep that will enable me to resume my work in livestock farming, and now I have great hope for improving my family’s situation.”

Mohamed Abdi Hassan, said: “It was difficult for me to secure a stable income earlier. Now, thanks to the grocery store that Qatar Charity helped me open, I look forward to supporting my family and providing for their basic needs.” During 2023, QC implemented around 560 projects in the economic empowerment sector in Somalia, benefiting nearly 3,350 individuals, the statement added.

SOURCE

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya kala hadashay daan-daansiga Itoobiya

0

Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya kala hadashay daan-daansiga Itoobiya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Koofur Afrika oo Maxkamadda ICJ markale u gudbineysa xasuq Israa’iil ay ka geysatay Dhulka Falastiin

0

Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Koofur Afrika oo Maxkamadda ICJ markale u gudbineysa xasuq Israa’iil ay ka geysatay Dhulka Falastiin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay Canada ku nacday qaxootigii ay sanado kahor aad ugu soo dhoweyn jirtay dalkeeda?

0

Talaado, 29 October, 2024 {HMC} Maxay Canada ku nacday qaxootigii ay sanado kahor aad ugu soo dhoweyn jirtay dalkeeda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiirka Difaaca oo qaaday tallaabo kadib daan-daansiga Itoobiya…..…

Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo taageerada ay dowladda Jarmalka siin karto ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin wareejinta howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomalaiya ayaa Jarmalka ka dalbatay inay xoojiyaan mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha muhiimka ah ee Yurub, waxayna Soomaaliya ku tagaeereen qadiyadda ay ka taagan tahay xad-gudubka Itoobiya oo noqday mid caalamka dhan u wada jeedo.

ganacsato dhallinyaro ah oo shalay lagu dilay Muqdisho.

Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Xog cusub ayaa ka soo baxeysa dil aad u foolxun oo shalay magaalada Muqdisho loogu gaystey afar dhallinyaro ah oo dukaamo ku haystay xaafadda Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid.

Sida aan xog ku helnay, afarta dhallinyaro ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi markii ay toogteen rag ku hubeysan baastoolado, oo si qorsheysan ku socday.

Saddex ka mid ah la sheegay inay isla goobta ku geeriyoodeen, halka qofka afaraadna isagoo dhaawac culus qaba loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo u uku geeriyooday.

Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa gaaray goobaha ganacsi ee lagu dhex dilay sadaxda ruux ee ganacsatada ahaa, waxana la tilmaamay in ciidamada ay ku guuldareysteen soo qabashada kooxda dilka gaysatay.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dilka dhallinyaradaan ganacsatada aheyd uu la xariiro, kadib markii dukaamadooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyinka CCTV, taasoo ay amartay dowladda in lagu xiro goobaha ganacsiga Muqdisho, waxaana arintaasi si weyn u diidan kooxda Al-Shabaab.

kooxda AS ayaa aaminsan in kaamardu ay hoos u dhigtey shaqooyinka ay ka dhex qabsan jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtay lacag ururintii ay ka dhex sameyn jireen suuqyada, sidaas darted goob kasta oo u hoggaansanta sharciga dowladda ayey dagaal ku aadeen.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahii lasoo dhaafay si weyn ugu soo kordhaayay beegsiga lagu haayo goobaha ganacsiga oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladdu amartay ee CCTV, waxaana xusid mudan in Kaamirooyinka dartood ganacsatada loo dilay inay dhaafayaan tobaneeyo ruux oo dhamaantood u badana rag dhallinyaro ahaa.

Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa sidaan oo kale oo loo dilay.

lacagta Isra’iil uga baxday Dagaalka Xamaas iyo Xisbullah oo la shaaciyay.

Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Sanadkii la soo dhaafay Israel waxay u dirtay kumanyaal askari Gaza iyo Koonfurta Lubnaan, waxay fulisay duqeyn. Malaayiin doolar ayaa ku baxday difaacada cirka si ay uga hortagaan gantaalada ku soo dhacaya.

Dowladda Israel waxay ku qiyaastay lacagta uga baxday dagaalka Xamaas iyo Xisbullah in ay ka badan tahay 60 bilyan oo doolar. Saameyn xun ayey ku yeelatay dhaqaalaheeda.

Waa dagaalkii ugu dheeraa uguna qarashka badnaa ay Israel gasho sidaasina waxaa golaha Knesset u sheegay wasiirka lacagta, Bezalel Smotrich, bishii Sebtember ee sanadkan.

Smotrich wuxuu intaas ku daray in qarasha ku baxaya howlgalada militeri uu u dhexeeya 54 ilaa 68 bilyan oo doolar.

Shaki kuma jiro in duqeytna Israel ee Lubnaan, duullaanka militeri ee koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale gantaalada ay ku difaaceyso hawada sare ay sii kordhinayaan qarashka.

Dr. Amr El-Garhy oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan jaamacadda Sheffield Hallam ee UK waxaa uu sheegay kaddib markii uu kordhay dagaalka in qarashka uu gaarayo 93 bilyan oo dolar. Hadii dagaalka uu sii socdana ilaa 2025-ka in qarashka gaarayo lix meelood meel miisaaniyadda Israel ama GDP-ga dalka .

Building collapse in Nigeria’s capital leaves at least 7 dead

0

Monday 28 October , 2024  {HMC} A building collapsed in a suburban area of Nigeria’s capital over the weekend, killing at least seven people, police said Monday.

The building, located in the Sabon-Lugbe area of Abuja, had already been partly demolished and its structure was further compromised by scavengers looking for scrap metal, the Abuja police said.

Abuja police spokesperson Josephine Adeh said five people were rescued from the rubble on Sunday.

Building collapses are becoming increasingly common in Nigeria, with more than a dozen such incidents recorded in the last two years. Authorities often blame such disasters on failures to enforce building safety regulations and on poor maintenance.

Nigeria, Africa’s most populous country, has recorded 22 building collapses between January and July this year, according to the Council for the Regulation of Engineering in Nigeria.

In July, a two-story school collapsed in north-central Nigeria, killing 22 students. The Saints Academy college in Plateau state’s Busa Buji community collapsed shortly after students, many of whom were 15 years old or younger, arrived for classes.

SOURCE VOA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28.10.2024}

Isniin 28-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

FAAH_FAAHIN: Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne.

Isniin 28-Oct-2024 {HMC} Ugu yaraan 7_qof oo ka kooban caruur iyo dhalinyaro ayaa dhaawacyo kala duwan ku noqday qarax bam gacmeed oo caawa ka dhacay xaafada howl_wadaag ee magaalada Baladweyne.

Taliye xigeenka saldhiga galbeed ee Booliska Baladweyne ayaa Hiiraanweyn u sheegay in marka laga tago dhaawaca uu sababay qaraxa sidoo kalle uu jiro dhimashada hal oo ka mid ah dhalinyarada uu haleelay bamka.

Dhamaan dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu dabiibayaa goobo caafimaad oo ku yaala gudaha baladweyne.

Ciidanka Amniga oo ku baxay falkaan ayaa wada howlgal lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay falkaaa sababay khasaaraha leh dhimashada iyo dhaawaca.