Home Blog Page 1708

Kenya oo Gacanta Kusoo Dhigtay Nin Ku eedeysan Dilka Qooy Soomalia Ah

0

Axad 27-Oct-2024 {HMC}  Hay’adda Dembi-baarista ee dalka Kenya (DCI) ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay baaritaanka dil arxan-darro ah oo saddex xubnood oo isku qoys ah oo Soomaali ah loogu geystay Xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.

Dembi-baarayaasha dilka ayaa aqoonsaday Hashim Dagane Muxumed oo 24-jir ahna tuhmanaha ugu weyn ee dilka loo geystay hooyo, gabadheeda, iyo gabar ay eedo u tahay oo 12 jir ah, kuwaas oo meydadkooda la helay iyagoo meelo kala duwan ku firirsan 21-kii Oktoobar, 2024-kii.

Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya Dagane oo wata gaari noociisu yahay Nissan Note (Reg No. KDQ 718Y), kaasoo la arkayay isagoo dhibbanayaasha ka soo qaadaya gurigooda Islii wax yar ka hor inta aan la dilin.

Baabuurka ayaa markii dambe laga helay isagoo ku sugan Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA, waxaana loo soo jiiday Xarunta Dhexe ee hay’adda dambaarista si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Natiijooyinka ayaa si toos ah Dagane ula xiriirinaya dembiga dhacay. Hal tuhmane ayaa hadda xabsiga ku jira.

Hay’adda dambaarista Kenya ayaa ugu baaqday dad weynaha cid kasta oo xog ka haysa halka uu ku sugan yahay inay hay’adaha amniga lasoo xiriiraan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Soomaalida ku nool xaafadda Islii ay dhigeen mudaharaad ay ku dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka loo geystay hooyada iyo labada gabdhood.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud XFS oo xilka iska wareejiyay.

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC}   Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud XFS oo xilka iska wareejiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdullaahi oo Muqdisho lagu qabtay

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC} kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdullaahi oo Muqdisho lagu qabtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Maraakiibtii Shidaalku saakay way dhaqaaqeen dhawana Shacabku shidaal ayey helidoonaan”G/ Yabooh.

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC} “Maraakiibtii Shidaalku saakay way dhaqaaqeen dhawana Shacabku shidaal ayey helidoonaan”G/ Yabooh.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Haween Loo haaysto Isqarxin Basaasnimo kamid ahaansho AS ayaa la hor keenay Maxkamda Ciidamda

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC}  Haween Loo haaysto Isqarxin Basaasnimo kamid ahaansho AS ayaa la hor keenay Maxkamda Ciidamda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Muqdisho, iyo Axmed Madoobe oo,,

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC}  Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Muqdisho, iyo Axmed Madoobe oo,,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 27/10/2024

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC}  Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

Faahfaahina Kasoo Baxayo Dhimasho Iyo Dhaacaw Ka Dhacay Beledweyne

0

Axad 27-Oct-2024 {HMC}  Kunaani Nuur oo ahaa farsamayaqaan Baabuurta sameeya oo si weyna looga yaqaanay Magaalada Baladweyne ayaa u geeriyooday Manta dhaawac Culus oo shalay gaaray. Waxaana dhawaciisa lagula tacaalayay isbitaalka Magaalada.

Xiliga uu falka dhacayay ayaa la sheegay in marxuumka uu ka shaqeynayay gaari Ciidan oo lagu Sameeynayay Xerada Lama galaay. Ninka dilka geeystay iyo Marxuunka goobta shaqada ka haayay ayaa Muran soo kala dhax galay, Waxaana intaasi kadib uu ku furay Rasaas.Sidoo kalle waxaa dhaawac uu soo gaaray sarkaal ka tirsan Ciidmaada Xooga dalka Soomaaliya oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale Ciidmaada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka iyo dhawaca ka geeystay Xerada Ciidamada Lama-galaay, Mana jirto wax War ah oo kasoo Maamulka degmada iyo Saraakiisha Amaanka.

Xaalada Amaan ee Magaalada Baladweyne ayaa Mudooyinkii dambo Soo hagaageeysay, waxaana dadka Xafaadaha ay Sameeysteen Ciidamo kuwa deegaanka ah kadib markii ay kordheen Falalka Amaanka Daro.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.10.2024}

Axad 27-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahra Gabre & Yaasiin Cali

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Musharaxa Ciro oo ka hadlay fagaaraha Boorama,eedeynna u jeediyey Muuse Biixi.

0

Axad, 27 October, 2024 {HMC}  Musharaxa Ciro oo ka hadlay fagaaraha Boorama,eedeynna u jeediyey Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA