Home Blog Page 171

Trump, oo ku dhawaaqay in uu la noqday casuumaad uu u diray Ra’iisul wasaaraha Canada.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu la noqday casuumaad uu u diray Ra’iisul wasaaraha Canada , Mark Carney oo la xiriirtay in Canada ay ka mid noqoto golaha nabadda , isagoo yiri ;

“ Fadlan ogow in warqaddan ay caddeyneyso in Golaha Nabadda uu la noqday casuumaaddii laguu fidiyay ee ku saabsan ku-biirista Canada, golahaas oo la qorsheeyay inuu noqdo golaha hoggaamiyeyaasha ugu sharafta badan ee abid la isugu keeno, waqti kasta ha ahaadee.”

Go’aankan ay carada ka muuqato ee Trump, uu gaaray ayaa salka ku haya khilaaf shalay ka dhacay magaalada Davos oo lagu daahfuray golaha , halkaa oo Trump uu ka sheegay in Canada ay ku waajib tahay inay uga mahadceliso Mareykanka, maadaama uu sababay kobaca dhaqaalaheeda, balse hadalkan waxaa si dhaqso leh uga jawaabay Ra’iisul wasaaraha Canada , Mark Carney oo sheegay in dhaqaalaha dalkiisu yahay mid madax-bannaan, uuna ku tiirsanayn cid kale.

Yurub oo Cadeysay in ay halis kala kulmayaan ku tiirsanaanta Mareykanka.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Yurub ayaa hadda u dhaqmaysa inay halis jiraan kala kulmayaan ku tiirsanaanta Mareykanka,iyadoo markii u horreysay guddoomiya guddiga dhaqaalaha Yurub, Aurore Lalucq ay sheegtay

“Nidaamyada lacag-bixinta Visa iyo Mastercard ee Yurub oo dhan waxaa iska leh shirkaddo Mareykan ah. Sidaa darteed, waa in aan si degdeg ah u abuurnaa nidaam lacag-bixin oo Yurub u gaar ah oo mideysan

Trump wuxuu awood u leeyahay inuu jaro nidaamyada lacag-bixinta mar kasta oo uu doono,sidii uu horey ugu sameeyay garsoorayaasha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah,wuxuu sidoo kale hal maalin gudaheed ku joojin karaa nidaamka lacag-bixinta guud ahaan Yurub.”

 

Dawladda Spain iska diiday ka qeybgalka Golaha Nabadda ee uu Dhisay Trump.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sánchez ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inay dawladda Spain , iska diiday ka qeybgalka Golaha Nabadda ee uu aasaasay Trump, oo u diray Spain casuumaad ay golahan uga qeyb noqonayso.

Sababta aysan Spain uga qeybgalayn golahan, wuxuu ku sheegay , labo arrimood dartood;

1) in Maamulka Falastiin uusan xubin ka ahayn golaha.

2) in hindisuhu uu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay.

Sánchez wuxuu carrabka ku adkeeyay in mustaqbalka Falastiin guud ahaan ay tahay in ay go’aamiyaan Falastiiniyiinta laftoodu.

Golahan ay iska diiday Spain , xubnaha u horreeyay ee ku biiray waxay ahaayeen magac kasta oo aad garanaysid oo ka mid ah dalalka Muslimka ah.

 

{DAAWO SAWIRADA} RW Abiy Ahmed oo ka qayb galay furitaanka xuska 90-guurada Aasaaska Ciidanka Cirka Itoobiya

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed ayaa maanta ka qayb galay furitaanka xuska 90-guurada Aasaaska Ciidanka Cirka Itoobiya.

Munaasabaddan waxaa lagu qabtay Aviation Expo, oo ah bandhig lagu soo bandhigay horumarka iyo mustaqbalka duulista.

Bandhigga oo lagu qabtay hal-ku-dhegga “Duulid Hore, Dhisidda Mustaqbal Wadajir ah” ayaa isu keenay khubaro, hay’ado qaran, iyo hawlgalayaal caalami ah, si loo horumariyo tiknoolajiyadda duulista, xirfadaha shaqaalaha, iyo iskaashiga wadajirka ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Bandhiganu uu muhiim u yahay xoojinta kaalinta Itoobiya ee ah xarun muhiim ah oo duulista Afrika ah, isla markaana uu gacan ka geysanayo hal-abuurnimo, tababar xirfadeed, iyo wada-shaqeyn waarta oo la jaanqaadaysa baahiyaha mustaqbalka ee duulista.

22 dhalinyaro Soomaali ah oo ilaa shalay ku xiran Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ugu yaraan 22 dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa tan iyo shalay ku xiran Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, sida ay sheegayaan warar hordhac ah.

Dhalinyaradan ayaa watay dukumentiyo safar (Travel Document) oo laga bixiyay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo la sheegay inay ka soo safreen, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin halka ay u socdeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo hayo dhalinyaradan, hase yeeshee wararka ayaa tilmaamaya in dhammaan laga wada aruursaday baasaboorrada iyo dukumentiyadii ay wateen.

Mas’uuliyiinta garoonka iyo hay’adaha ammaanka Kenya ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrintan, iyadoo xaaladda dhalinyaradaasi ay weli tahay mid aan caddeyn.

Arrintan ayaa dhalisay walaac ay muujiyeen qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo caddeeyo xaaladda iyo sababta loo haysto dhalinyaradan.

Muxu yahay hishiiska Ay Wada galeen Soomaaliya iyo Pakistan?

0

Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Pakistan, halkaas oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la qaato istaraatijiyad wadajir ah oo lagu ciribtirayo argagixisada iyo xagjirnimada.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la ballaariyo wada-shaqeynta dhinacyada tababarrada ciidamada, maareynta xuduudaha, iyo maaraynta masiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga gudaha, la-dagaallanka argagixisada, iyo wada-shaqeynta guud ee amniga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha iyo xogta amni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto waayo-aragnimada Pakistan ee la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gudaha, isagoo muujiyay diyaar garow buuxa oo ku aaddan in la xoojiyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa ballanqaaday in Pakistan ay si buuxda u taageeri doonto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka booliska, tababarrada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Cali Yuusuf ayaa sidoo kale ammaanay horumarka kaabayaasha dhaqaale ee ka socda magaalada Islamabad, isagoo xusay in Soomaaliya ay wajahayso duruufo adag islamarkaana ay si toos ah ugu jirto dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada, isla markaana booqashadan ay gacan ka geysan doonto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Mohsin Naqvi ayaa sheegay in Pakistan ay si buuxda u fahamsan tahay caqabadaha amni ee heysta Soomaaliya, wuxuuna shaaciyay in la fududeyn doono fiisayaasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya Pakistan daaweyn caafimaad iyo waxbarasho.

Madaxweynaha Somalilandayaa ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum)

0

Jimco 23-Jun 2026 {HMC}  Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ku doonayo in uu ku kasbado aqoonsi caalami ah isla markaana uu caalamka u soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Reuters qortay.

Sida ay Reuters werisay, mid ka mid ah kulammada ugu muhiimsan ee madaxweynaha Somaliland uu halkaas ku yeeshay ayaa ahaa kulan uu la qaatay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana ah Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee Shirkadda Trump Organization. Kulankaas ayaa ka dhacay qol shir oo ku yaalla hoteel ku dhow goobta uu shirka Davos ka socday.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera oo ku taalla marin ganacsi oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa.

“Kulanku aad ayuu u wanaagsanaa,” ayuu Madaxweynaha Somaliland u sheegay Reuters, isaga oo xaqiijiyay in uu la kulmay Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil labadaba.

War qoraal ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Somaliland, inkasta oo aanu si gaar ah u xusin Eric Trump.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa shir gaar ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda iyo ganacsatada shirka kasoo qaybgalay, waxa uu ka jeediyay khudbad uu ku iibgaynayo Somaliland, isaga oo dadkii goobta joogay ugu baaqay in ay hadda kadib Somaliland u aqoonsadaan dowlad gaar ah.

Shirkadda Difaaca Turkiga oo soosaaray Nidaam Difaaceed kahortagaya Drones-ta

0

Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Shirkadda Difaaca Turkiga ee Aselsan ayaa ku dhawaaqday in ay soosaartay hannaan cusub oo kahortagaya Diyaaradaha aanay cidi duullin ee loo garanayo Drones-ka si looga hortago weerarro lagu fulin karo sida hadalka ay u dhigtay.

Nidaamkaan cusub waxaa lagu magacaabaa Ejderha, waxa uu awood buuxda u leeyahay in si rasmi ah uga hortago Drones-ta haddii ay kooxo yihiin iyo haddii mid qura ay tahay sida lagu xusay bayaanka Shirkadda soosaartay.

Ejderha 200 AD ayaa sanadkii 2025 ka gudbay nidaamka Tijaabada ah iyada oo inta hubinta ay socotay uu kahortagay Drones badan oo qaarkood lagu xiray walxaha qaraxa samayn kara si looga dhigo in ay bartilmaameed u jeedaan.

Inta tijaabada ay socotay waxa uu qalabkaan cusub uu xiriirka iyo awoodda ka jaray dhowr drones oo isugu jiray kuwa casriga ah ee qadkoodu sarreeyo iyo kuwa meel dhexaadka ah oo dhammaantood uu qalabkaan ka takhalusay.

Turkiga ayaa horumar ka sameeyay dhinaca Teknoolajiyadda iyo farsamada hubka ciidanka oo sanadihii u danbeeyay ay dardar ku wadday, waxa ay hadda ku howlan tahay farsamooyin kale oo lasoo bandhigi doonno dhawaan sida hadalka loo dhigay.

SOMA oo Tababar sadax maalin socday ku soo gabagabeysay Baladweyne.

0

Khamiis 23-Jun 2026 {HMC} Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Ayaa Magaalada Baladweyne ku soo gabagabeysay Tababar socday Mudo Sadax Maalin ah.

Tababarkan oo ay ka faaideysteen in kabadan 30 qof oo iskugu jiro saxafiyiint Ururada Bulshada Maamulka iyo Booliska ayaa waxaa uu ku saabsanaa Awood-dhisidda Saxafiyiinta ee la socodka, Warbixinada iyo Xorriyadda Hadalka ee Xuquuqda Aadanaha.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid Cabdi nuuriyow ayaa daah furay Tababarkan, waxaana Wariyaasha iyo Ururada Bulshada rayadka ah ee Tababarka qaadanayo ugu baaqay in ay ka faa’ideeystaan Cashirada iyo talooyinka muhiimka ah ee Halkan lagu siinaayo.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ka maamulka Gobolka Hiiraan ahaan aan ilaalino Xaquuqda aadanaha iyo xuriyada hadalka si ay meesha uga baxdo tacadiyada ay la kulmaan warbaahinta, xuriyada waa qodob Dastuuri ah oo qof walboo soomaali ahna u furan” ayuu yiri” Gudoomiye Cabdiwaajid.

Qaar kamid ah Saxafiyiintii ka faa”ideystay Tababarkan ayaa ku tilmaamay mid waxbadan ay ka barteen mudadii uu sadaxda maalin aheyd ee uu socday, isla markaana ay hada yihiin kuwa dhiiran oo dhiig cusub ka helay tababarkan maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne.

“waxaan maanta fursad u helnay in aan si toos ah aan ula doodno Maamulka bulshada rayadka iyo Booliska oo aan la garnaqsano islamarkaana aan si toos ah uga doodno xadgudubyadii loo geystay saxafiyiinta ka howlgalo Magaalada Baladweyne, Ayuu yiri” Cabdiqani Cosoble.

Sahro ibraahin Cabdi oo kamid ah Saxafiyiinta ka howlgalo Magaalada Baladweyne oo ka hadleysay waxyaabihii ay ka faaiday ayaa sheegtay in markii ay tababarkaan qaadadatay ay waxbadan iska badaleen shaqadii ay haysay, waxaana aya u mahadcelisay Xafiiska Qaramada Midoobay oo suurta giliyay in ay si toos ah dood ula yeeshaan Maamulka iyo Booliska.

Tababarkan ayaa waxaa soo agaasintay Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA oo gacan ka heleyso Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

In Davos, African president pitches business deals to Trump’s son Eric

0

Friday  23-Jun 2026 {HMC}The president of Somaliland was at the World Economic Forum this week to win international recognition for his country and pitch investment opportunities in the East African nation.

One of his main meetings, according to an aide, was with Eric Trump, son of the U.S. president Donald Trump and a leading executive of the Trump family’s sprawling business spanning from real estate to crypto.

On Wednesday, while Donald Trump was delivering a speech to an international audience of chief executives at the Davos forum, the Somaliland president, Abdirahman Mohamed Abdullahi, met with Eric Trump in a nearby hotel conference room.
Also attending the meeting was Israel’s president, Isaac Herzog, whose country recognized Somaliland last month—a first by any United Nations member.

During the closed-door meeting, Abdullahi outlined investment opportunities in Somaliland, notably the country’s strategic deep-sea port of Berbera, which sits along one of the world’s busiest shipping routes, according to two people present.

“The meeting went well, it went very well,” the Somaliland president told Reuters on Thursday, confirming his meeting with both Eric Trump and Herzog.

A spokeswoman for Eric Trump did not respond to a message seeking comment.

In a post on X that did not mention Eric Trump, Herzog said he had been pleased to meet with his Somaliland counterpart in the Swiss resort.

During Trump’s first term, the family’s self-imposed ethical guidelines prohibited them from seeking new business outside the U.S. Yet, days before his second inauguration, the Trump Organization, as the family business is known, released revised guidelines that jettisoned that constraint.

The White House did not respond to a message seeking comment.

Somaliland has enjoyed effective autonomy – and relative peace and stability – since 1991 when Somalia descended into civil war, but the breakaway region has struggled to receive recognition.

Reporting by David Gauthier-Villars in Davos, Switzerland; Editing by Lisa Shumaker

Source Hiiraan Online